Waxbarashada Puntland ee Maanta: Caqabadaha Jira iyo Fursadaha Isbeddelka

Hordhac

Waxbarashadu waa laf-dhabarta horumarka bulsho kasta, waana aaladda ugu muhiimsan ee lagu dhiso jiil leh aqoon, xirfad iyo qiyam sugan. Marka laga hadlayo Soomaaliya guud ahaan, nidaamka waxbarashadu wuxuu kasoo kabanayaa ku dhawaad 30 sano oo burbur iyo kala dambeyn la’aan ah, taas oo si toos ah u saamaysay hay’adihii waxbarashada, manhajkii, iyo tayadii macallimiinta. Intii muddadaas lagu jiray, dadaallada la sameeyay badankood waxay ahaayeen kuwo degdeg ah oo ku saleysan “in wax uun la qabto”, halkii laga dhisi lahaa nidaam istaraatiiji ah oo tayo leh, waara, isla markaana la jaanqaadi kara baahiyaha bulshada iyo suuqa shaqada.

Marka si gaar ah loo eego Puntland, inkastoo ay ka jirto xasillooni iyo maamul dhisan marka la barbardhigo qaybo kale oo dalka ka mid ah, haddana nidaamka waxbarashadu wuxuu weli wajahayaa caqabado la mid ah kuwa guud ee dalka, iyo kuwo u gaar ah deegaanka. Puntland waxay sameysay horumar muuqda oo dhanka dhismaha hay’adaha waxbarashada, kororka dugsiyada iyo jaamacadaha, iyo dadaallada lagu horumarinayo maamulka waxbarashada. Si kastaba ha ahaatee, horumarkaasi weli ma gaarsiisna heerka looga baahanyahay si loo daboolo baahida sii kordheysa ee bulshada, gaar ahaan marka la eego kororka tirada dhalinyarada iyo carruurta u baahan waxbarasho tayo leh.

Sidaa darteed, marka laga hadlayo horumarinta waxbarashada Puntland, waa lama huraan in la fahmo saddexda tiir ee lagu cabbiro waxbarashada, kuwaas oo kala ah: helitaanka waxbarashada (access), tayada waxbarashada (quality), iyo maamulka waxbarashada (governance). Fahamka qoto dheer ee saddexdan arrimood iyo sida ay uga muuqdaan Puntland ayaa ah furaha lagu ogaan karo halka ay waxbarashadu marayso, iyo jihada ay u baahantahay in loo jiheeyo si loo gaaro horumar waara.

Xaaladda Hadda ee Waxbarashada

Marka la eego xaaladda waxbarashada ee Soomaaliya guud ahaan iyo Puntland si gaar ah, waxaa muuqata sawir isku dhafan oo ka kooban horumar kooban iyo caqabado waaweyn oo weli taagan. Inkastoo ay jiraan dadaallo la sameeyay sanadihii u dambeeyay, haddana tilmaamayaasha muhiimka ah ee waxbarashada ayaa muujinaya in nidaamku uusan weli gaarsiisnayn heerkii looga baahnaa si loo daboolo baahida bulshada, gaar ahaan marka la eego jiilka sii koraya ee u baahan waxbarasho tayo leh. Fahamka xaaladdan hadda jirta wuxuu u baahanyahay in si qoto dheer loo eego dhowr cabbir oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin helitaanka waxbarashada, heerka aqoonta aasaasiga ah, faqriga aqooneed, iyo awoodda wax-soo-saar ee mustaqbalka.

1. Helitaanka Waxbarashada (Access)

Helitaanka waxbarashadu waa cabbirka ugu horreeya ee lagu qiimeeyo nidaam waxbarasho. Xogaha ugu dambeeyay waxay muujinayaan in:

  • Keliya 40% carruurta gaartay da’da waxbarashada ayaa dhigta dugsiyada hoose/dhexe, taas oo ka dhigan in ku dhawaad 60% carruurta Soomaaliyeed oo ay kamid tahay Puntland aysan helin waxbarasho rasmi ah.
  • Marka la eego heerka dugsiga sare, xaaladdu waa mid ka sii liidata, iyadoo kaliya 10% carruurta gaarta da’daas ay helaan waxbarasho dugsi sarre.

Sidoo kale, sida ku cad warbixinnadii ugu dambeeyay ee UNICEF, in ka badan 3 milyan oo carruur ah ayaa ka maqan dugsiyada (out of school). Waxayna si cad u muujinaysaa farqiga weyn ee u dhexeeya baahida waxbarasho iyo adeegyada la heli karo, gaar ahaan deegaannada miyiga iyo meelaha fog-fog ee Puntland.

2. Aqoonta Aasaasiga ah (Literacy)

Heerka aqoonta aasaasiga ah waa tilmaame kale oo muujinaya tayada waxbarashada. Marka la eego xogta jirta qiyaastii 45% dhalinyarada ayaa awood u leh inay wax akhriyaan waxna qoraan. Si kastaba ha ahaatee, tiradan kuma koobna oo keliya dhalinyarada magaalooyinka, balse waxaa ku jira dhalinyaro badan oo ku nool baadiyaha iyo tuulooyinka, halkaas oo helitaanka waxbarashadu aad u xaddidan yahay.

Intaa waxaa dheer 65% dadka waaweyn ayaan waligood helin waxbarasho rasmi ah (formal education). Tani waxay muujinaysaa in caqabadaha waxbarashadu aysan ku koobnayn carruurta oo keliya, balse ay si qoto dheer u saameeyeen jiilal badan oo bulshada ka mid ah.

3. Faqriga Aqooneed (Learning Poverty)

Marka loo eego cabbirrada uu adeegsado Bankiga Adduunka (World Bank), “faqriga aqooneed” waxaa lagu qeexaa heerka ay carruurta 10 jirka ahi ka hooseeyaan heerka ugu yar ee akhris iyo faham.

Xogta la heli karo waxay tilmaamaysaa in Soomaaliya ay ka jirto qiyaastii 90% faqriga aqooneed. Tani waxay ka dhigantahay in inta badan carruurta 10 jirka ah aysan gaarsiisnayn heerka aqooneed ee laga filayo da’dooda. Marka arrintan lagu eego Puntland, waxay si toos ah u muujinaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo dib-u-habeyn lagu sameeyo tayada waxbarashada, gaar ahaan heerarka hoose ee aasaaska u ah barashada mustaqbalka.

4. Wax-soo-saarka Mustaqbalka (Human Capital Index)

Cabbirka “Human Capital Index” oo uu isticmaalo Bankiga Adduunka wuxuu qiimeeyaa heerka uu qofku u noqdo mid wax-soo-saar leh marka uu gaaro da’da qaangaarka, iyadoo lagu saleynayo waxbarashada iyo caafimaadka uu helay intii uu korayay.

Marka loo eego xogta keliya 13% carruurta Soomaaliyeed ayaa gaara heer wax-soo-saar buuxa marka ay gaaraan 18 sano iyo wixii ka dambeeya. Halka Marka la barbar dhigo dalalka horumaray:

  • Dalka Maraykanka: 75%
  • Dalalka Europe: 70%
  • Halka Afrikada dhexe ayay xogtu sheegayso 50%

Farqigan weyn wuxuu si cad u muujinayaa in nidaamka waxbarashada ee hadda jira uusan si buuxda u diyaarinayn dhalinyarada si ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah oo ka qayb qaata horumarka dhaqaalaha iyo bulshada.

Caqabadaha Ugu Waaweyn ee Waxbarashada

Inkasta oo ay jiraan dadaallo muuqda oo lagu horumarinayo waxbarashada Puntland, haddana nidaamku wuxuu weli wajahayaa caqabado qaab-dhismeed iyo kuwo tayada ah oo si weyn u saameynaya natiijooyinka waxbarasho. Caqabadahan ayaa si toos ah u taabanaya saddexda tiir ee waxbarashada—tayada, helitaanka, iyo maamulka—waxayna xaddidayaan awoodda nidaamku u leeyahay inuu soo saaro jiil leh aqoon, xirfad iyo qiyam sugan.

1. Macallimiin Tababaran oo Yar

Macallinku waa udub-dhexaadka habka waxbarashada, balse xogta jirta waxay muujinaysaa dhibaato weyn oo dhinaca tayada macallimiinta ah, keliya 40% macallimiinta ka shaqeeya dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ayaa si rasmi ah u tababaran. Taas macnaheedu waa in ku dhawaad 60% macallimiinta aysan helin tababar macallinimo oo dhammaystiran. Arrintani waxay si toos ah u saameyneysaa tayada baridda (pedagogy), fahamka ardayga, iyo natiijooyinka waxbarasho ee guud.

Macallin aan tababarnayn ma awoodi karo inuu si wax ku ool ah u maareeyo fasalka, u qiimeeyo ardayda, ama u gudbiyo aqoon ku saleysan faham qoto dheer.

2. Tayada Waxbarashada oo Hooseysa

Mid ka mid ah caqabadaha ugu culus ee nidaamka waxbarashada Puntland waa tayada waxbarashada la bixiyo. Nidaamka hadda jira Ma soo saaro arday leh aqoon, akhlaaq, xirfad iyo mas’uuliyad bulsho oo isku dheelitiran, iyadoo 40% ardayda hesha waxbarasho aysan helin waxbarasho wax ka beddesha hab-fekerkooda ama xirfadahooda nololeed.

Tani waxay muujinaysaa in waxbarashadu ay noqotay mid ku kooban gudbinta macluumaad (theoretical knowledge), halkii ay ka ahaan lahayd dhisidda xirfado (skills), kobcinta qiyamka (values), iyo diyaargarowga nolosha dhabta ah.

3. Manhaj Daciif ah

Manhajka waxbarashadu waa hagaha ugu muhiimsan ee nidaamka waxbarasho, balse Puntland waxaa ka muuqda caqabado waaweyn oo ku saabsan fahamka manhajka iyo hirgelintiisa.

Waxaa jira isku dhex yaac u dhexeeya manhajka iyo diyaarinta buugaagta ardayda, iyadoo mararka qaar loo arko inay isku mid yihiin, halka ay dhab ahaantii kala duwan yihiin. Manhaj sax ah waa inuu si cad u qeexaa nooca waxbarashada la bixinayo, hababka qiimeynta ardayda, iyo heerarka laga filayo ardayga marka uu gaaro marxalad kasta.

Inkasta oo qaar ka mid ah qodobbadan ay ku qoran yihiin dukumentiyada manhajka ee jira, haddana badanaa waa dukumenti yaalla (theoretical documents) oo aan si dhab ah loo fulin. Tani waxay keentaa in nidaamka waxbarashadu noqdo mid aan lahayn jihayn cad iyo natiijooyin la cabbiri karo.

4. Daciifnimada Maadooyinka STEM

Maadooyinka Sayniska, Tiknooloojiyadda, Injineernimada iyo Xisaabta (STEM) waa aasaaska horumarka casriga ah, balse ardayda Puntland waxay aad ugu liitaan maadooyinkan.

Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah maalgelin la’aan, mudnaan la’aan siyaasadeed iyo qorsheyn, iyo agab waxbarasho oo xaddidan.

Sida ay muujinayaan imtixaannadii ugu dambeeyay ee shahaadiga ahaa heerka fahamka ardayda ee maadooyinkan waa mid hooseeya. Tani waxay halis gelinaysaa awoodda mustaqbalka ee dhalinyarada, iyo tartanka ay kula geli karaan suuqyada shaqo ee ku saleysan tiknooloojiyada iyo hal-abuurka.

Soo-jeedin iyo Xalal Waara

Iyadoo la tixraacayo caqabadaha jira ee waxbarashada Puntland, waxaa muhiim ah in la qaato xalal istiraatiiji ah oo aan ahayn kuwo ku-meel-gaar ah, balse dhisa nidaam waxbarasho oo waara, tayo leh, isla markaana la jaanqaadi kara baahiyaha suuqa shaqada iyo horumarka bulshada. Soo-jeedimahan waxay si toos ah uga jawaabayaan dhibaatooyinka ka jira helitaanka, tayada, iyo maamulka waxbarashada.

1. Hirgelinta Nidaam ku salaysan karti iyo xirfad (Competence-Based Education)

Mid ka mid ah isbeddellada ugu muhiimsan ee loo baahan yahay waa in waxbarashada laga wareejiyo nidaamka ku saleysan shahaadooyinka (certificate-based), loona gudbiyo nidaam ku saleysan karti iyo xirfad (competence-based education).

Tani waxay ka dhigan tahay in diiradda la saaro waxa ardaygu qaban karo, halkii laga eegi lahaa waxa uu xifdisanyahay. Qiimeynta ardayguna noqoto mid ku saleysan waxqabad dhab ah (performance-based assessment).

Tusaale ahaan: Arday ganacsi bartay waa inuu awood u yeeshaa diyaarinta business plan, sameynta business model, iyo fahamka suuqa iyo maareynta khatarta.

Habkan wuxuu si toos ah uga jawaabayaa baahida suuqa shaqada, isagoo soo saaraya arday si dhab ah u shaqeyn kara isla marka uu waxbarashada dhammeeyo.

2. Kordhinta Miisaaniyadda Waxbarashada

Maalgelinta waxbarashadu waa laf-dhabarta horumar kasta oo waara. Hadda miisaaniyadda waxbarashada Puntland waxay ku dhowdahay 7%, taas oo aan ku filnayn baahida jirta, isla markaana aan si hufan loo isticmaalin.

Haddaba, waxaa lama huraan ah in miisaaniyadda waxbarashada la kordhiyo ilaa 20% ugu yaraan, isla markaana la xaqiijiyo in si hufan, daahfuran, iyo natiijo ku saleysan loo maareeyo. Maalgelinta waxbarashadu waa maalgelin toos ah oo lagu dhisayo mustaqbalka dadka, iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

3. Xoojinta Kormeerka iyo Tayaynta (Monitoring & Regulation)

Si loo hagaajiyo tayada waxbarashada, waa in la xoojiyo doorka dowladda ee kormeerka iyo nidaaminta waxbarashada.

Waxaa muhiim ah in la dejiyo shuruudo adag (standards) oo lagu qiimeeyo dugsiyada iyo jaamacadaha, si joogto ah loo sameeyo kormeer tayo (quality assurance), lana qaado tallaabooyin adag oo ay ka mid yihiin xiritaanka ama dib-u-habaynta xarumaha aan buuxin heerarka tayada.

Haddii nidaamkan si dhab ah loo hirgeliyo, wuxuu si weyn u kordhin doonaa kalsoonida bulshada ee waxbarashada, iyo tayada wax soo saarka nidaamka waxbarasho.

4. Ka Faa’iidaysiga Qurba-joogta (Diaspora Engagement)

Qurba-joogta Soomaaliyeed waa hanti istiraatiiji ah oo si weyn uga qayb qaadan karta horumarinta waxbarashada Puntland.

Waxaa jira laba jiho oo muhiim ah:

a) Dhanka Aqoonta:

  • In la casuumo khubaro Soomaaliyeed oo dibadda ku nool si ay u bixiyaan tababbaro macallimiin iyo maamulayaal, ula wadaagaan khibradooda waxbarasho, iyo in la abuuro madallo aqooneed oo isku xira gudaha iyo dibadda.

b) Dhanka Dhaqaalaha:

  • In la sameeyo ololeyaal ballaaran oo lagu taageerayo waxbarashada, lana dhiirrigeliyo diaspora-ha in ay maalgelin ku sameeyaan dugsiyada iyo jaamacadaha, kana qayb qaataan horumarinta kaabayaasha waxbarashada.

Isku xirka aqoonta iyo dhaqaalaha ee gudaha iyo dibadda wuxuu si weyn u dedejin karaa horumarka waxbarashada.

Gunaanad

Ugu dambeyntii, horumarinta waxbarashada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya waa hawl istiraatiiji ah oo u baahan aragti fog, hoggaan adag, iyo wada-shaqeyn ballaaran oo u dhexeysa dowladda, bulshada, iyo dhammaan daneeyayaasha waxbarashada. Inkastoo ay jiraan caqabado waaweyn oo isbiirsaday sida helitaan xaddidan, tayo waxbarasho oo hooseysa, macallimiin aan helin tababar ku filan, iyo nidaam maamul oo u baahan xoojinta kormeerka iyo tayaynta, haddana waxaa jira fursado waaweyn oo haddii si sax ah loo maareeyo horseedi kara isbeddel dhab ah.

Xogaha iyo falanqaynta kor ku xusan waxay si cad u muujinayaan in nidaamka waxbarashada uu weli u baahan yahay dib-u-habeyn qoto dheer, gaar ahaan dhinacyada tayada, manhajka, iyo wax-soo-saarka ardayda. Si kastaba ha ahaatee, fursadaha jira—gaar ahaan dhalinyarada badan, qurba-joogta firfircoon, iyo xiisaha sii kordhaya ee waxbarashada—ayaa ka weyn caqabadaha haddii si xeel dheer loo wajaho.

Sidaas darteed, isbeddel dhab ah wuxuu iman karaa marka la beddelo qaabka waxbarashada loona gudbo competency-based education, si dhab ah loo kordhiyo maalgelinta waxbarashada, la xoojiyo tayada, kormeerka, iyo nidaamka maamulka waxbarashada, lagana faa’iidaysto aqoonta iyo dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda (diaspora).

Haddii tallaabooyinkan si dhab ah loo fuliyo, waxbarashadu waxay noqon kartaa aaladda ugu muhiimsan ee lagu dhiso jiil tayo leh, awood leh, isla markaana horseeda dib-u-dhiska iyo horumarka waara ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Qoraaga
Muxsin Mowliid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link