Mustaqbalka Baydhabo: Maxaa Ka Dhalan Kara Isbeddelka Maamul?

Bishii Maarso 30, 2026, ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xoog ku galay magaalada Baydhabo, waxayna xukunka ka tuureen madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Qabsashada Baydhabo ee dowladdu waxay furtay doodo cusub oo la iska weydiinayo arrimaha rasmiga ah ee ku hoos duugan jihada ay qaadayso siyaasadda federaalka Soomaaliya, waxaana soo baxaysa doodo sheegaya in qorshaha dowladdu yahay inay soo ururiso nidaamkii heerarka dowladda ee kala madax banaanaa ee ku dhisnaa hanaanka federaalka.

Khilaafka dowladda federaalka iyo maamulkii Cabdicasiis Laftagareen wuxuu ka dhashay markii madaxweynihii xilka laga tuuray Cabdicasiis uu ka hor yimid qorshaha xukun ee madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo wax ka bedelka dastuurka, kadibna uu muddo gaaban ku qabsaday doorasho siday u dhacday iyo hannaanka loo maray uusan caddayn, waana arrinta soo dedejisay in dowladdu adeegsato awood ciidan.

Soo gelitaanka ciidammada dowladda ee Baydhabo waxa ay abuurtay jaahwareer amni iyo maamul, waxaa hal mar meesha ka baxay nidaamkii iyo kala danbayntii, waxaana burburay maamulkii dhisnaa, xafiisyada hay’adaha dowladda qaarkood waxaa loo geystay bililiqo, iyadoo dowladda federaalku aysan la imaan miyir qab la xiriira maaraynta isbedelka maamul, halka ay ku mashquushay arrimaha siyaasadda iyo kala xallinta xubnaha isku haysta cidda noqon doonta madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana arrimahaan ka dhashay habacsanaan amni oo keentay in hay’adihii gargaarku amraan in shaqaalahoodu degdeg uga baxaan Baydhabo.

Habka duullaanka dowladda waxaa ka muuqatay in ay cashar ka baratay sumcad xumadii kaga dhacday weerarkii sanadkii hore ay ku qaadday maamulka Jubbaland, ayna ciidamo ku geysay deegaanka Raaskambooni, halkaas oo dagaalladii ka dhacay dowladda lagu soo jebiyey, iyadoo dowladdu guul darradaas maanka ku hayso waxa ay ku dedaashay in awood xad dhaaf ah ay isugu geyso in ay Baydhabo qabsato, taasoo u dhacday sidii ay doonaysay, ayna ku heshay xoogaa naruuro ah oo ay isaga dhaqday guuldaradii hore.  Waxay ciidamada dowladdu galeen Baydhabo, iyadoo inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Baydhabo, iyo dhul badan oo gobolladda Koonfur Galbeed ka tirsan ay weli gacanta ku hayaan maleeshiayada Al-Shabaab. Dagaallada iyo dhul kala qabsiga dhex maraya hay’adihii dowladda ayaa siinayaa fursad ay ku sii awoodaystaan Al-Shabaab.

Ciidammadii maamulkii laga saaray magaalada ayaa ku sugan duleedka galbeed ee Baydhabo, iyagoo aan ilaa hadda qorshahooda rasmiga ahi caddayn. Dhinaca gudaha magaalada, bulshadu waxay u kala shirayaan beelo, waxaana muuqata aragtiyo awood doonis ku dhisan qabaa’il oo is dhinac ordaya, arrimahan oo muujinaya in ay jirto khatar isku dhacyo ku salaysan is kooxaysi iyo qabiil oo ka dhex ooganta bulshada reer Koonfur Galbeed.

Cabsida Macaluul Dhacda

Taariikh ahaan, gobolladani waxay lahaayeen duruufo kala duwan. Xilligii gumaysiga, dhulka Mirifle wuxuu ka tirsanaa gobolkii loo yaqaanay Jubadda Sare, halka Shabeellaha Hoose uu ka mid ahaa dhulkii Banaadir. Qaab-dhismeedka bulshada ku nool deegaannadan wuxuu isugu jiraa beeraley, xoolo-dhaqato, kalluumaysato iyo ganacsato. Awooddooda dhaqaale waxay ku tiirsan tahay tacabka shaqo iyo wax-soo-saar. Mar kasta oo ay dhacaan xasillooni darro iyo firaaq maamul, waxay si toos ah khatar ugu yihiin awoodda dhaqaale ee bulshada.

Iyadoo weli bulshada caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ay xusuusan yihiin dhibaatadii weynayd ee ka dhacday gobolladan tan iyo burburkii dowladnimada, gaar ahaan macaluushii ba’anayd ee sanadkii 1992-kii. Markii uu burburay nidaamkii dowladeed, kooxihii dagaallamayey waxay u geysteen dhac iyo boob shacabka, taasoo sababtay in magaalada Baydhabo loo bixiyo “hoygii geerida” ee macaluushu keentay. Muuqaalladii iyo sawirradii laga qaaday dadkii darxumaysnaa ayaa dunida si weyn uga argagax geliyey.

Isla digniinta in macaluuli dhici karto waxa soo saaray Golaha Federaalka Koonfur Galbeed oo ah gole sheegay in uu u taaganyahay difaaca dhulka dadka Koonfur Galbeed. Warsaxafadeed ay soo saareen 18 April 2026, wuxuu ku sheegay “Golaha wuxuu si adag u taageersanyahay nidaamka federaalka ee dalka. Sidoo kale, Goluhu wuxuu ku baaqayaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ugu dhaqanto dastuurka, shuruucda, iyo qawaaniinta dowladnimo”. Golaha ayaa warsaxafadeedka ku cadeeyay inuu diyaar u yahay inuu dadkiisa iyo dhulkiisa ku difaaco si waafaqsan sharciga, isla markaana haddii nidaamka sharcigu shaqayn waayo, la qaado tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu badbaadinayo shacabka, si looga hortago in mar kale la arko musiibo la mid ah tii dhacday 1992-dii oo Baydhabo ka dhigtay “City of Death.”

Hay’adaha gargaarka ayaa si gaar ah isha ugu haya xaaladda gobolladan. Firaaqa maamul iyo isbeddelka hadda dhacay wuxuu mar kale dunida xusuusinayaa halista macaluul ee ka dhalan karta amni darrada iyo maamul la’aanta. Magaalada Baydhabo keligeed waxaa ku yaalla xeryo ay deggan yihiin dad gudaha ku barakacay, kuwaas oo ay barakiciyeen abaaro iyo colaado. Tirada xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee Baydhabo ku yaalla waxay ka badan tahay laba boqol oo xero, taasoo ka dhigaysa magaalada meesha ugu badan ee xeryaha barakacayaashu ku yaallaan. Dadkaasina waxay si weyn ugu tiirsan yihiin taageerada ay bixiyaan hay’adaha gargaarka.

Waxaa si dhow isha loogu hayaa sida dowladda Soomaaliya u maaraynayso xilliga kala guurka iyo qorshaha ay la timaaddo, si xal loogu helo damacyada iska soo horjeeda ee kooxaha awood doonka ah.

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu ka kooban yahay saddex gobol: Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Bulshada degganna inta badan waa Digil iyo Mirifle. Bulshada Digil waxay degtaa gobolka Shabeellaha Hoose iyo degmada Diinsoor ee gobolka Bay, halka bulshada Mirifle ay degaan gobollada Bay iyo Bakool.

Qoraaga
Maxamed Xasan Cirro
Maxamed Xasan Cirrowaa falanqeeye iyo taariikh-yahan Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link