Muxuu Federaalku kaga duwanyahay Nidaamyada kale ee Siyaasadeed?

  1. Hordhac

Qaabeynta awoodda siyaasadeed ee heerarka kala duwan ee dowladnimadu waa mawduuc muhiim ah oo si weyn loogu falanqeeyo cilmiga siyaasadda iyo naqshadaynta dastuurada casriga ah. Nidaamyada dowladeed ee kala duwan marka laga faaloonayo, federaalku wuxuu u taaganyahay qaab gaar ah oo awoodda si dastuuri ah loogu kala qaybiyo dowladda dhexe iyo dowladaha heer-gobol. Horumarka dowladaha casriga ah ayaa keenay soo ifbaxa nidaamyo kala duwan oo ujeedadoodu tahay qaabeynta awoodda iyo horumarinta maamulka, taasoo dhalisay su’aal aasaasi ah oo ku saabsan habka ugu habboon ee awoodda dowladeed loogu qaybin karo gudaha dalka.

Maqaalkani wuxuu daba socdaa maqaalkii hore ee cadadka 12aad oo diiradda aan ku saarnay aasaaska aragtiyeed ee federaalka, wuxuuna xoogga saarayaa falanqayn iyo isbarbardhig u dhexaysa federaalka iyo nidaamyada kale ee siyaasadeed sida nidaamka midaysan/dhexe (unitary), nidaamka isbahaysiga (confederal), iyo nidaamyada baahinta awoodda (decentralized arrangements). Federaalku waa mid ka mid ah hababka ugu horumarsan ee la isugu dheellitiro baahiyaha is khilaafsan, maadaama uu isku daro maamul wadaag (shared rule) iyo is-maamul (self-rule), isagoo ka duwan nidaamyada kale ee awoodda hal meel ku urursantahay.

Sidoo kale, federaalku wuxuu hirgeliyaa nidaam dastuuri ah oo suurtageliya wadajirka iyo wada shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladeed, isagoo leh awoodo si cad loo qeexay lana damaanad qaaday. Sidaas darteed, federaalku ma ahan oo keliya qaab awood qaybin ah, balse waa hannaan dheellitiraya midnimada iyo kala duwanaanta, gaar ahaan bulshooyinka kala duwan ama kasoo kabanaya colaadaha.

  • Federaalka iyo Nidaamka Midaysan/Dhexe (Unitary System)

Isbarbardhigga ugu muhiimsan ee nidaamyada siyaasadeed wuxuu u dhexeeyaa federaalka iyo nidaamka midaysan/dhexe, kuwaas oo si weyn ugu kala duwan habka ay u qaybiyaan awoodda dowladeed. Nidaamka midaysan/dhexe awooddu waxay ku urursan tahay heerka dowladda dhexe, halka heerarka hoose ay ku shaqeeyaan awoodo ay siiso xarunta dhexe oo keliya. Inkasta oo dalal badan ay ku dadaalaan inay awoodo badan hoos u daadajiyaan, hadana awoodahaas ma aha kuwo dastuuri ahaan la dammaanad qaaday, waxaana wax laga beddeli karaa ama laga laaban karaa xilli walba oo dowladda dhexe go’aansato.

Dhanka kale, federaalku wuxuu ku dhisanyahay qaybin awood oo dastuuri ah, taas oo si cad u qeexan una dammaanad qaadaysa awoodaha heerarka kala duwan ee dowladda. Qaabkani wuxuu kor u qaadayaa ka qaybgalka matalaadda siyaasadeed iyo helista maamul u dhow shacabka, isla markaana wuxuu si wax ku ool ah uga jawaabaa kala duwanaanshaha bulshada iyo deegaanada. Inkasta oo ay jiri karaan caqabado la xiriira is-waafajinta siyaasadaha heerarka kala duwan, federaalku wuxuu leeyahay dheellitirnaan iyo dabacsanaan ka caawinaysa dowladaha inay isku hayaan midnimada qaranka iyo ismaamulka gobolada.

  • Federaalka iyo Nidaamka Isbahaysiga (Confederal Arrangements)

Nidaamyada isbahaysiga (confederal arrangements) waxay matalaan qaab dowladnimo oo ku dhisan iskaashi u dhexeeya dowlado madaxbannaan oo siiya awood kooban maamul dhexe. Si ka duwan federaalka, halkaas oo madaxbannaanida si dastuuri ah loo wadaago, nidaamka isbahaysigu wuxuu ilaalinayaa madaxbannaanida buuxda ee dowladaha xubnaha ah, halka dowladda dhexe ay leedahay door xaddidan oo ku tiirsan oggolaanshaha dowladaha xubnaha ah. Tusaalooyin taariikhi ah waxaa ka mid ah Maraykanka xilligii Articles of Confederation, halka Midowga Yurub uu maanta leeyahay astaamo u dhow nidaamkan.

Farqiga aasaasiga ah ee u dhexeeya federaalka iyo nidaamka isbahaysigu wuxuu ku saleysanyahay halka ay ku taallo awoodda ugu dambeysa. Federaalka, awoodda waxaa si cad u qaybiya dastuurka, iyadoo labada heer ee dowladeed ay leeyihiin awoodo sugan, halka nidaamka isbahaysiga ay awooddu si buuxda u taallo heerka dowladaha xubnaha ah, taasoo ka dhigaysa dowladda dhexe mid daciif ah. Sidaa darteed, nidaamyada isbahaysigu waxay inta badan la kulmaan caqabado la xiriira fulinta go’aannada, is-waafajinta siyaasadaha, iyo joogtaynta wadajirka, maadaama ay ku tiirsanyihiin rabitaanka iyo wada shaqeynta dowladaha xubnaha ka ah. Federaalku wuxuu qayb ahaan ka dhashay baahida loo qabo in la xalliyo daciifnimada nidaamyada isbahaysiga, isagoo bixinaya qaab ka xooggan oo wax ku ool ah, isla markaana ilaalinaya danaha is-maamul goboleedka.

  • Federaalka iyo Nimaadyada Baahinta Awoodaha (Decentralized Arrangements)

Nidaamyada baahinta awooddu (decentralized arrangements) waxay tixraacaan qaab dowladeed oo awoodaha qaarkood loogu wareejiyo heerarka hoose sida gobollada ama degmooyinka, iyadoo weli ay awoodda ugu dambeysa ay taallo heerka dowladda dhexe. Si ka duwan federaalka, halkaas oo awoodaha gobolladu ay yihiin kuwo dastuuri ahaan la dammaanad qaaday, nidaamyada baahinta awooddu waxay ku saleysanyihiin go’aamo siyaasadeed ama sharciyo uu dejiyo heerka dhexe, kuwaas oo wax laga beddeli karo ama lagala noqon karo xilli walba. Dalal badan ayaa adeegsada nidaamkan si ay u kordhiyaan hufnaanta maamulka iyo adeeg-bixinta, iyagoo aan si buuxda u qaadan nidaamka federaalka.

Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya federaalka iyo nidaamyada baahinta awooddu waa heerka sugnaanta iyo madaxbannaanida awoodaha heerarka hoose. Federaalka, awoodaha dowladaha gobolladu waa kuwo dastuuri ah oo aan si fudud looga qaadi karin, halka nidaamyada baahinta awooddu ay weli ku hoos jiraan awoodda dowladda dhexe. Inkasta oo baahinta awooddu ay kor u qaadi karto tayada maamulka, u dhowaanshaha shacabka, iyo dabacsanaanta fulinta siyaasadaha, haddana waxay la kulmi kartaa caqabado la xiriira joogtaynta awoodahaas iyo ku tiirsanaanta go’aannada heerka dhexe. Sidaa darteed, federaalku wuxuu keenaa dammaanad iyo dheellitirnaan ka sarreysa, halka baahinta awooddu ay inta badan tahay tallaabo maamul oo ka hooseysa heerka federaalka.

  • Gunaanad

Federaalku waa qaab dowladeed oo dabacsan kuna dhisan isku dheellitirka midnimada qaranka iyo aqbalidda kala duwanaanshaha bulshada, iyadoo loo marayo qaybinta awoodda iyo ilaalinteedaba hab dastuuri ah. Waxa uu kaga duwanyahay nidaamyada kale sida nidaamka midaysan/dhexe, isbahaysiga, iyo nidaamyada baahinta awoodda, waa heerka uu gaarsiisanyahay dammaanad qaadka awood-qaybsiga kaas oo leh damaanad-qaad dastuur.

In kasta oo aanu jirin hal nidaam siyaasadeed oo si guud ugu habboon dhammaan dalalka caalamka, hadana federaalku wuxuu u taaganyahay nidaam wax ku ool ah oo lagu maareeyo bulshooyinka leh kala duwanaansho qoto dheer, gaar ahaan kuwa kasoo kabanaya colaadaha. Wuxuu fududeeyaa kor u qaadista ka-qaybgalka siyaasadeed, wuxuu xoojiyaa matalaadda, wuxuu adeegyada dowladadeed u soo dhoweeyaa shacabka, wuxuuna yareeyaa dareenka faquuqa siyaasadeed ee keeni kara khilaaf iyo colaado ka dhexdhasha bulshada taas oo ugu dambayn keeni karta dagaalo sokeeye iyo burbur dawladeed.

Si kastaba ha ahaatee, guusha nidaamka federaalku waxay si weyn ugu xirantahay xaaladda siyaasadeed ee dalka, tayada iyo hufnaanta hay’adaha la dhisayo, iyo heerka ay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed uga go’an tahay ilaalinta iyo ku dhaqanka mabaadi’da dastuuriga ah. Waxa kale oo door muhiim ah ka ciyaaraya jiritaanka hannaan caddaaladeed oo lagu xalliyo khilaafaadka, kalsoonida u dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda, iyo awoodda lagu xaqiijinayo wada shaqeyn wax ku ool ah. Haddii arrimahan si habboon loo maareeyo, federaalku wuxuu noqon karaa saldhig adag oo lagu dhiso dowladnimo xasilloon, loo wada dhanyahay, isla markaana waarta.

Maqaalka soo socda ayaynu ALLE idankiis kaga faaloondoonaa caqabadaha ku xeeran hirgelinta federaalka Soomaaliya iyo sida looga bixikaro.

Taxanaha: Dal iyo Dad waa taxane maqaallo joogto ah oo bil walba ku soo bixi doona Majalladda Marag, kaas oo si qoto dheer u falanqeynaya mawduucyo la xiriira dawladnimada, federaalka iyo taariikhda Soomaaliya. Taxanahani wuxuu isku xirayaa waayo-aragnimo taariikheed, aragti cilmiyeed iyo duruufaha siyaasadeed ee taagan, isaga oo ujeedkiisu yahay in la helo faham qoto dheer oo ka turjumaya casharrada taariikhda, dhismaha dawladnimo casri ah, iyo kaalinta muwaadinka ee masiirka qaranka. Sidoo kale, Dal iyo Dad wuxuu dhiirrigelinayaa dood aqooneed, wacyigelin bulsho iyo kobcinta aragti fog oo ku wajahan mustaqbalka dalka.

Qoraaga
Dr Guled Salah Bare
Dr Guled Salah Barewaa aqoonyahan, cilmi-baare iyo siyaasi Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaatay arrimaha dowlad-dhiska, doorashooyinka iyo horumarinta hay’adaha Puntland. Wuxuu hore u soo noqday Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC), Wasiir, isla markaana ahaa aasaasaha Machadka Cilmi-baarista SIDRA. Dr. Guuleed wuxuu haystaa shahaado PhD, wuxuuna si gaar ah ugu xeel dheer yahay federaalka, maamul-wanaagga iyo dimuqraadiyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link