Adduunka Maanta: Dagaalka Dhaqaale iyo Saamayntiisa Soomaalida

Asalka iyo Qaab-dhismeedka Nidaamka Dhaqaale ee Caalamiga ah

Si loo fahmo tartanka maanta u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha, waa in dib u akhrin lagu sameeyo sooyaalka. Dhaqaalaha adduunku ma ahan mid hal mar si kedis ah isu beddelay, balse waa nidaam soo maray wareegyo awood isbeddel ah (power transition).

Qarniyadii 15-aad iyo 16-aad, awoodda dhaqaale waxay ku urursanayd dawladaha Yurub ee gacanta ku hayay marin-biyoodka iyo ganacsiga badaha sida Boqortooyada Ingiriiska iyo Isbaanishka. Xakamaynta marinnada ganacsi ayaa noqotay saldhigga awoodda ee waqtigaas.

Qarnigii 19-aad, nidaamka Gold Standard ayaa mideeyey suuqyada dunida. Isbeddelka ugu weyn se wuxuu yimid kadib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, markii shirkii Bretton Woods Conference la dhisay nidaam maaliyadeed cusub. Halkaas waxaa ka dhashay hay’ado sida International Monetary Fund iyo World Bank, doollarkana waxaa loo aqoonsaday laf-dhabarta ganacsiga caalamiga ah.

Xitaa markii Richard Nixon 1971-kii joojiyey ku xirnaanshihii doollarka iyo dahabka, nidaamku ma burburin. Waxa uu u wareegay kalsooni ku dhisan awoodda dhaqaale, suuqyada maaliyadeed iyo Awood-sheegashada Maraykanka. Sidaas awgeed, waxa maanta taagan ma aha muran cashuuro ama badeecooyin oo keliya, balse waa tartan ku saabsan cidda dejinaysa xeerarka nidaamka maaliyadeed iyo ganacsiga caalamiga ah.

Tartanka Nidaamyada: Maraykanka iyo Shiinaha

Tan iyo 1945-tii, Maraykanku wuxuu hoggaaminayey nidaam maaliyadeed oo caalami ah. Doollarku wuxuu noqday lacagta lagu kala iibsado badeecadaha waaweyn sida saliidda, bangiyada waaweyn iyo nidaamyada lacagbixintuna oo si toos ah ama si dadban ugu xiran qaab uu Maraykanku saameyn ku leeyahay. Taas macnaheedu waa in awoodda maaliyadeed ay mararka qaar ka miisaan culus tahay awoodda militari, maadaama dal kasta oo ka baxa nidaamkan uu wajihi karo cunaqabatayn iyo go’doon maaliyadeed.

Shiinuhu wuxuu si istiraatiiji ah u bilaabay dhisidda dariiq kale. Halkii uu si degdeg ah u jebin lahaa nidaamka jira, wuxuu doortay geeddi-socod tartiib ah oo ku dhisan kala-duwanaansho lacageed, heshiisyo tamar oo aan doollar ku xirnayn, iyo xoojinta kaabayaal maaliyadeed oo u gaar ah. Xiriir dhow oo uu la sameeyey dalal sida Iiraan iyo Finisiweella ayaa u suurtageliyey inuu tijaabiyo qaab ganacsi oo ka madaxbannaan nidaamka Maraykanka.

Sidaas darteed, waxa muuqata in tartanku yahay mid nidaamyo is-hor fadhiya, halkii uu ka ahaan lahaa muran ganacsi oo kooban. Adduunku wuxuu u sii jeedaa kala qaybsanaan dhaqaale oo ay dalal qaar si buuxda ula safan doonaan Maraykanka, kuwo kalena la safan doonaan Shiinaha, halka qaar kalena ay isku dayi doonaan dhexdhexaadnimo danahooda ku dhisan.

Nidaamka Caalamiga ah iyo Meesha Wax u socdaan

Marxaladdan cusub waxay muujinaysaa in awoodda dhabta ahi aysan ku xirnayn lahaanshaha kheyraad keliya, balse ay ku xirantahay cidda maamusha nidaamka wareejiya kheyraadkaas. Qofka xakameeya lacagta, bangiyada, caymiska iyo hababka lacagbixinta ayaa leh awood ka sii qoto dheer tan hubka iyo ciidanka.

Isbeddelkan maanta socda waa mid dib-u-qaabayn ah. Nidaamkii Bretton Woods ku dhisnaa ee ku tiirsanaa doollarka ayaa weli xooggan, balse waxa hoostiisa ka socda dhismaha qaab kale oo tartiib u koraya. Mustaqbalka dhow, waxa suuragal ah in dunidu gasho marxalad ay laba nidaam oo maaliyadeed si wadajir ah u jiraan, mid walbana leeyahay xulafadiisa iyo shabakaddiisa ganacsi.

Saamaynta Soomaalida iyo Waxa La Gudboon

Inkasta oo Soomaaliya aysan ahayn quwad dhaqaale oo weyn, haddana isbeddelkan caalamiga ah si toos ah ayuu u taabanayaa. Dhaqaalaha dalka oo si weyn ugu tiirsan doollarka iyo soo dejinta badeecooyinka dibadda ayaa ka dhigaya mid nugul marka qiimaha doollarku is beddelo ama nidaamyada maaliyadeed ay kala qaybsamaan.

Haddii tartanka nidaamyadu sii xoogaysto, waxaa iman kara sicir-barar, jahawareer suuqeed iyo cadaadis ku yimaada lacagaha qalaad ee dalka soo gala. Dhanka kale, waxaa sidoo kale jiri kara fursado maalgashi iyo iskaashi cusub haddii Soomaaliya si miyir leh u wajahdo isbeddelkan.

Waxa la gudboon Soomaalida waa in la dhiso nidaam maaliyadeed oo gudaha ah oo adkaysi leh, lana kobciyo wax-soo-saarka si aan si buuxda loogu tiirsanaan soo dejinta. Sidoo kale, siyaasadda dibadda waa in lagu saleeyaa dhexdhexaadnimo ku dhisan dan-qaran, si looga fogaado ku milmid tartan quwado waaweyn.

Gabagabo

Ugu dambayn, dagaalka dhaqaale ee maanta socda ma aha mid ku kooban canshuur, badeeco ama heshiisyo ganacsi oo kooban; waa tartan ku saabsan cidda maamuleysa nidaamka dunida. Taariikhdu waxay ina bartay in marka nidaam caalami ahi gaaro heerkiisa ugu sarreeya, uu bilaabo marxalad dib-u-qaabayn ah oo laga yaabo inay dhaliso nidaam kale.

Soomaaliya iyo dalalka la midka ah waxay ku jiraan meel u baahan feejignaan iyo istiraatiijiyad dheer. Cidda fahamta jihada isbeddelka ayaa ka faa’iidaysan karta; cidda iska indhatirtana waxay noqon kartaa mid ay duruufuhu jiheeyaan. Sidaa darteed, fahamka dagaalka dhaqaale ee caalamiga ah ma aha arrin aqooneed oo keliya, balse waa arrin la xiriirta mustaqbalka ummadaha yaryar iyo sida ay uga dhex muuqan doonaan nidaamka cusub ee dunida.

Qoraaga
Marag Magazine

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link