Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo Juqraafi-Siyaasadeedka Geeska Afrika

Hordhac Guud: Dhul-gariir Juqraafi-Siyaasadeed

Markay taariikhdu ahayd 26-kii Diseembar 2025, waxaa dhacay dhul-gariir siyaasadeed oo aan la mahadin kaas oo mowjado argagax ku abuuray juqraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika. Si lama filaan ah Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. Hargeysa, aqoonsigaan wuxuu u ahaa farxad iyo filanwaa soo afjarta 34 sano oo ay raadinayeen sharciyad caalami ah. Dhanka kale, Muqdisho aqoonsigan wuxuu u ahaa “gardarro bareer ah” oo lagu soo qaaday madaxbannaanideeda iyo midnimada dhuleed ee qaranka Soomaaliya. Gobolka Geeska Africa iyo Adduunka intiisa kale, aqoonsigani wuxuu u furay bog cusub oo khatar badan uuna ka dhalan karo loolan amni ee marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Si loo fahmo culayska amni, istaraatijayeed iyo dhaqan-dhaqaale ee uu leeyahay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, waxaan isku deyi doonaa in aan qormadan ku lafagurno saamaynta muuqata ee uu ku yeelan karo midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, xisaabaadka qabow ee amniga badda, loolanka gobolka, iyo “dagaalka qarsoon” ee hadda bannaanka u soo baxay una dhexeeya quwado kala duwan oo uu hardan hoosaad ka dhexeeyo ayna u cad-cad yihiin Israa’iil, Itoobiya, Yemen, Turkiga, Sacuudi Careebiya, Masar iyo Imaaraadka Carabta iyo awoodo kale oo reer Galbeed ah oo kala taageerada waddamadaas.

Waxaa iyaduna xusid mudan oo aan si gaar ah ugu falanqayn doonnaa qormadaan, saamaynta taban ee aqoonsigani ku yeelan karo Somaliland, marka laga soo tago in ay heshay aqoonsigii ugu horeeyay, jahwareerka siyaasadda dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaliya (DFS) iyo saamaynta aqoonsigan ku yeelan karo danaha iyo amniga qaran ee Turkiya iyo Masar. Qormadaan tii ka horraysay waxaan ku faalaynay “Dheesha Juqraafi-Siyaasadeedka iyo Faragelinta Shisheeye” oo aan ku qaadaa dhignay danaha isdiidan ee dowladaha la kala safan DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka (DXF).

Ugu horrayn, aan is waydiinno asbaabta soo dedejisay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland xillagan ay Somaliland ugu taag iyo tabar daran tahay iyadoo ay ka go’day masaaxo u dhiganta 45% dhulka ay sheeganayso in ay ka taliso (Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari ee Sool iyo Sanaag oo ka tirsan DFS), isla markaasna deganaansho la’aan iyo kacdoon hoos ka huray uu kasoo ifbaxayo gobollada Awdal iyo Saylac ee galbeedka Hargaysa.

Maxaa Keenay Aqoonsiga Xilligan?

Dowlado badan oo gobolka ah ayay u muuqataa in ay danaynayaan in ay Soomaliya u tahay cumqi istaraatiijayadeed (Strategic Depth) oo aan doonayn in ay marna degto ama ay dib u hanato qaranimadeedii. Aqoonsiga Israa’iil ma ahayn mid ku yimid kalgacal ay u hayaan shacabka Somaliland iyo maamulkiisa ama ku doonayaan in ay geeska kusoo dabaalaan hannaan dimoqraadiyadeed. Israa’iil aqoonsiga Somaliland waxaa la oran karaa in uu yahay fal-celin ka dhalatay cadaadisyo amni oo is-biirsaday iyo dhabar jebin ay la damacsan tahay awoodo Bariga Dhexe oo ay is hayaan sida Turkiga iyo Masar.

Dabayaaqadii 2025, marinka Bab al-Mandeb, oo ah halbowlaha isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, wuxuu noqday goob dagaal ama halis geliya isu socodka shidaalka, gaaska iyo maraakiibta isaga goosha caalamka ama ku wajahan Israa’iil. Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, oo taageero ka helaya Iiraan, waxay marinkaas u beddeleen goob gumaad oo lagu beegsado maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil looguna hiilinayo shacabka Falastiin ee muddo ka badan 2 sano duqaymo iyo xasuuq arxan darro ah ay ku haysay Israa’iil iyada oo dunida oo dhami wada daawanayaan cid wax ka qabatayna aysan jirin wax aan cambaarayn ahayn. Intii xasuuqaasi socday, Xuutiyiinta Yemen waxay dhowr jeer dhaawacyo iyo weerar ugu gaysteen maraakiib u socotay ama u rarnaa Israa’iil oo marayey Gacanka Cadmeed.

Israa’iil, oo markii hore awooddeeda Badda Cas ay ku koobnayd dekedda Eilat, waxay hadda heshay “goob ilaalo ah (Military Outpost)” ee marinka Bab al-Mandeb iyo Gacanka Cadmeed. Xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 460 mayl (xuduudi isticmaarka) waxay si toos ah u eegaysaa Yemen. Goob ilaalo oo Israa’iil ka samaysato Berbera, waxay Israa’iil siinaysaa fursad ay ku rakibto qalabka sirdoonka ee elektaroonigga ah (SIGINT), diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo awood ciidan oo badda ah si ay uga hortagaan khatarta Xuutiyiinta intaanay soo bixin.

Intaas waxaa dheer, “Ruuxa Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords) ayaa isbeddelay oo markii hore ku wajahnaa dowladaha Carabta siiba Khaliijka iyo Sudan. Israa’iil waxay hadda raadinaysaa isbahaysiyo cusub oo ka tirsan dunida Muslimka kana baxsan Jasiiradda Carabta, kuwaas oo diyaar u ah inay aqoonsi diblomaasiyadeed ku beddeshaan tiknooloojiyada, beeraha, kaalmooyinka amniga iyo in ay Israa’iil ka dhigato goobo ay u adeegsato dagaalkeeda juqraafi-siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee ku wajahan dowladaha colaaddu ka dhaxayso.

Saamaynta Sharciga iyo Midnimada Afrika?

Muddo tobannaan sano ah, beesha caalamku waxay ku dhegganayd siyaasadda “Soomaali-weyn” ama “Midnimada Soomaaliya”, iyadoo laga fogaanayay in lagu xad-gudbo mabaadi’da Midowga Afrika (AU) ee ah “lama-taabtaannimada xuduudihii gumeystuhu ka tagay” sida ku cad qodobka 4, faqrada “b” ee xeerka 1964 (Constitutive Act), loona yaqaan “uti possidetis juris”. Xilligaas Somaaliya waxay ahayd hal waddan oo aan kala qaybsanayn; inkasta oo ay weli ku doodaysay gobollada ka maqan ee Ogaden iyo NFD. Mabda’an wuxuu ka hortagayaa in aqoonsiga gobollada ama deegaamada dowladaha Afrika sida Somaliland uu kicin karo mowjado gooni-u-goosad ah oo qaaradda dhan ka qarxa, ayna suurtagal ahayn in la xakameeyo. Waddan kasta oo Afrika ah waxaa ka dhexjira ishaysi qoomayideed ama diineed oo hor kici kara burbur baahsan oo ku yimaada dowladaha isticmaarkii ka dib.

Sidaa si la mid ah, Axdiga dowliga ah ee Qaramada Midoobay (UN Charter), gaar ahaan qodobkiisa 2, faqrada 4, wuxuu qeexaayaa in dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay aysan faragelin madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee waddamada xubnaha ka Qaramada Midoobay si loo suurtageliyo nabad ku wada noolaanshaha. Sidaa darteed, aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland wuxuu si toos ah u jebinayaa ama ugu yahay xad-gudub aan la aqbali karin Axdiga UN iyo sharciga AU, si loo ilaaliyo midnimada dhuleed (territorial integrity) iyo madaxbanaanida qaranimo (national sovereignty) ee Soomaaliya. In Soomaaliya ay gashay xaalad burbur iyo dagaal sokeeye sida dowlado badan oo kale oo dunida ah oo ay ka mid tahay Itoobiya, Libya, Yemen, Liberia ama aysan si buuxda uga wada talin deegamada oo dhan kama dhigna in ay lumisay sharciyadeeda dowladnimo (de jure) iyo madax banaanideeda qaran (national sovereignty).

Jebinta Axdiga UN iyo Sharciga AU ee Israa’iil waxay horseedi kartaa in dowladaha kale, gaar ahaan Itoobiya oo awalba ul booc ah ugu dhutinaysay aqoosniga Somaliland, ay dhabahaas raacaan (domino effect), taasoo daciifinaysa awoodda dowladda federaalka ah ee Muqdisho. Horay Itoobiya waxay isugu dayday, horraankii 2024, in ay maamulka Somaliland la gasho is-afgarad (MoU) ay ku raadinayso marin ay u hesho badda Gacanka Cadmeed oo ay ku bedelato in ay aqoonsato Somaliland. Kacdoon diblomaasiyeed oo ay qaadday dowladda federalka iyo saaxiibadeeda dibada ee taageera sida Turkiya ayaa dhiciseeyey is-afgaradkaas oo taabigeli waayay.

Doodda Itoobiya iyo Somaliland ee Gooni-goosadka

Si ay xujjo ugu hesho aqoonsiga aan la mahadin kana soo horjeeda dhammaan sharciyada caalamka, Axdiga UN iyo sharciga AU, Israa’iil waxay caddayn u soo qaadatay xaalad taariikhi ah oo gaar ah. Waxay ku doodaysaa in bishii Juun 1960-kii, ay Somaliland” heshay madaxbannaani muddo shan maalmood ah, waxaana aqoonsaday 35 dal oo Israa’iil ku jirto ka hor intaysan la midoobin Soomaalida Talyaaniga. Tel Aviv waxay ku doodaysaa in tani aysan ahayn goosasho laga go’ay Soomaaliya, balse ay tahay soo celin dowladnimo hore u jirtay 1960-kii (dissolution not session).

Dooddan ah in aysan goosasho ahayn ee ay tahay soo celin dowladnimo (Israeli narrative) iyo kala gurasho, waxay soo ifbaxday intii Israa’iil aqoonsatay Somaliland. Somaliland waxay horay ugu doodaysay in ay si daacadnimo iyo doonisteeda ah ay ugu biirtay Soomaliyada Koonfureed, haddana ay rabto in ay aayadaheeda ka taliso iyadoo ku sababaynaysa in midowgu uusan u danayn ama loogu bedelay in si gooni ah loo beegsado ama xasuuqa shacabka kasoo jeeda Somaliland, gaar ahaan beesha reer Isxaaq. Eed-sheegadka beesha waxay keentay in ay samaystaan jabhaddii SNM (dhaq-dhaqaaqa qaran ee Soomaliya) oo hadafkeedu uusan markii hore ahayn in ay goostaan laakiin si la mid ah SSDF ay u ridaan taliskii milatari ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo markaas waddanka ka talinayey.

1991, nidaamdkii dowladnimo ee ugu horeeyay ee la isku dayay in la yagleelo oo uu hoggaaminayey Cali Mahdi, isla markaasna uu Ra’iisal Wasaare u magacaabay Cumar Cartan Qaalib, ayaa ku amray in ciidamada dowladda ee ku kala sugan goballada Waqooyi, Bari iyo Waamo ay isu kala dhiibaan jabhadihii aaggaas ka dagaalamayey ee SNM, SSDF iyo SPM. Go’aankaas wuxuu keenay in dhammaan xarumihii dowladda iyo xeryihii ciidamada ee gobollaada Waqooyi lasoo faaruqiyo, taladana ay gacanta ku qabato jabhaddii SNM. Shir beeleed lagu qabtay 1991 magaalada Burco ayaa beeluhu badankooda ku heshiiyeen in gooni loo goosto oo laga go’o Soomaaliya inteeda kale.

Somaliland Horay Dowlad Ma U Noqotay?

Inta aan la iswaydiin in 1960 la aqoonsaday Somaliland, su’aashu waxay tahay horta dowlad ma noqotay u baahan in la aqoonsado?

Xogaha kaydka taariikheed ee 1950-1960-kii, waxay muujinayaan in Soomaalida ku midaysnaayeen gobalada uu Ingriiska gumaysanayey ee loo yaqaan Goballada Waqooyi iyo goballada uu Talyaanigu gumaysaney ee loo yaqaanay Goballada Koonfur–la iska kiciyo gumaysiga oo la yeesho hal waddan iyo hal dowlad.

Soomaaliya oo ka kooban labadaas gobal, waxay gashay kafaalada Qaramada Midoobay (UN Trusteeship) taariikhdu markay ahayd April 1, 1950, waxaana lagu ballamay in ay xornimo qaadato July 1, 1960, iyada oo labada gobolba wadajiraan. Waraysi uu siiyay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal idaacadda BBC xilli ku aadan April 1960 oo ay xornimada ka harsantahay laba bilood keliya, wuxuu ku sheegay in ay dowladda Ingiriiska ku ballameen in ay xornimada la qaataan walaalahood Koonfureed July 1, 1960. Ururrada u dagaalama xornimada sida SYL waxay ka howlgaleyeen dhammaan gobollada Soomaalida Waqooyi iyo Koonfur.

Dowladda Ingiriiska oo lagu yaqaan dhagarta iyo in ay isku murgiso xuduudaha bulshooyinka ay gumaysato ayaa si aan horay loo qorshayn waxay ka baxday Gobollada Waqooyi shan maalmood ka hor waqtigii lagu ballaamay in xorriyada ay wada qaataan labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. Muddadaas kooban waxaa Hargaysa looga dabaal degay in gumasyigu ka kacay, waxaa laga taagay callanki Soomaaliyeed ee metalayay midnimada, ma jirin, dowlad gaar ah oo lagu dhawaaqay, ma jirin, dastuur gaar, calan gaar ah, iyo astaan gaar ah oo aan ka ahayn kuwii heshiiska lagu ahaa in lagu midoobo.

Arrinka ah in dowladdo u hambalyeeyeen Golaha Wasiirada (Council of Ministers) oo ah maamul uu dhisay gumaystaha si ay uga xigsadaan maamulidda tooska ah ee shacabka kama dhigna in loo aqoonsaday dowladnimo gaar ah. Waxaa loo hambalyeeyey shacab gumaysi ka kacay. Dabcan, 5 maalmood dowlad laguma dhisi karo, ujeedkuna ma ahayn. Xaqiiqooyinka taariikhda waxay sugayaan in Gobollada Waqooyi (Somaliland) aysan marna noqon dowlad gaar ah ama la aqoonsaday. Dowladnimada Soomaaliya waxay taabbagashay marka labada gobol ay iyagu dowlad ay wada leeyihiin ay wada dhisteen, lagana aqoonsaday Hay’adda Qaramada Midoobay (UN) taariikhdu markay ahayd July 1960.

Mar haddii aysan jirin dowlad si gaar ula midowday dowlad kale ee ay ahaayeen shacab Soomaaliyeed oo laba gumayste kala haystay, maalmo yar ku kala horreeyey in ay xorriyadooda heleen, isla markaasna dhistay dowlad ay u dhanyihiin, waxaa buraya doodda ah in gooni isu taagga Somaliland uu yahay kala gurasho (Dissolution) ee uusan ahayn goosasho (Secession).

Isbahaysiga Turkiga, Boqortooyada Sacuudiga iyo Masar

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo ku dhawaaqida gooni isu taaga Koofurta Yemen ee Golaha Ku-Meelgaarka Koonfurta Yemen (Southern Transitional Council, STC), waxay kiciyeen mowjad falcelin xoog badan oo sababtay in uu abuurmo isbahaysi ka dhexeeya Turkiga, Boqortooyada Sucuudiga iyo Masar oo dhammaantood u arka in labadaan dhacdo ay halis ku tahay amnigooda qaran iyo amniga Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suways iyo weliba danaha istaraatiijiga ah ee Turkiga ee uu ka leeyahay Afrika guud ahaan, gaar ahaan Soomaaliya.

Boqortooyada Sucuudiga waxay u aragtaa in dhacdooyinkani ku yihiin khatar toos ah aminigooda qaran iyo soonka saamayntooda (Sphere of Influence).

Turkiga wuxuu balaayiin doollar ku bixiyay Soomaaliya, isagoo Muqdisho ku leh saldhigga milatari ee ugu weyn ee uu dibadda ku leeyahay (Camp TURKSOM). Israa’iil markay aqoonsatay Somaliland, waxay si toos ah u beegsatay maalgashigaas. Haddii Somaliland noqoto dowlad la aqoonsanyahay oo Israa’iil taageerto, Turkigu wuxuu ku khasbanaan doonaa inuu difaaco dowlad federaal ah oo daciif ah, halka Israa’iil ay la shaqaynayso maamul deggan oo leh marin badda ah.

Qaahira waxay u aragtaa isbahaysiga Israa’iil-Somaliland-Itoobiya mid khatar ku ah amnigooda qaranka. Masar waxay horeyba isku maan-dhaafsanaayeen Itoobiya oo ku saabsan Biyo-xireenka weyn (GERD). Hadda, iyadoo Israa’iil ay saldhig ku yeelanayso Somaliland, Masar waxay dareemaysaa “go’doomin” kaga imanaysa dhinaca koonfureed iyo marin-biyoodka Badda Cas, halka Turkiga ay ku noqonayso dhabar jebin xanuun badan ee heshiisyadeeda difaaca iyo maalgashiga ee ay kula jirto Soomaaliya.

Saamaynta Amniga iyo Marinka Bab al-Mandeb

Aqoonsigani wuxuu gabi ahaanba beddelayaa hab-dhaqanka dagaalka (Rules of Engagement) ee Gacanka Cadmeed.

  • Beegsi Cusub: Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ayaa mar hore caddeeyay in joogitaanka Israa’iil ee Somaliland uu yahay “bartilmaameed ciidan”. Tani waxay ka dhigan tahay in dagaalkii Yemen uu u soo gudbi karo dhinaca kale ee xeebta.
  • Siyaasadda Mareykanka: Mareykanku wuxuu hadda galay xaalad adag. In kasta oo uu Muqdisho aqoonsanyahay, haddana Pentagon-ka (Wasaaradda Gaashaandhigga) waxay u arkaan Dekedda Berbera mid ka ammaan badan Jabuuti oo Shiinuhu saameyn ku leeyahay. Aqoonsiga Israa’iil wuxuu Mareykanka siinayaa fursad uu kaga faa’iidaysto sirdoonka Israa’iil iyadoo uusan si toos ah u jebin xiriirka Muqdisho.

Caqabadaha soo food saaraya Somaliland

In kasta oo Hargeysa ay faraxsantahay, aqoonsigani wuxuu wataa khataro waaweyn:

  1. Summadda “Zahyooniyadda”: Bulsho 100% Muslim ah, xiriirka Israa’iil waa cambaar iyo astaan foolxun oo dhaawacaysa sumcadooda iyo xiriirka ay la yeelan karaan dunida Muslimka intiisa kale, gaar ahaan xilli ay sumcadda Israa’iil ee dunida ay aad ugu dhaawacantay xasuuqa ay ka geysteen Gaza iyo barakicnta ballaaran ee maatada reer Falastiin. Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubaysan waxay u adeegsan karaan xiriirkan borobagaandada ah in Hargeysa ay tahay “wakiilka Yuhuudda”, taasoo kor u qaadaysa khatarta argagixisada ee gudaha Somaliland.
  2. Muranka Qaxootiga Gaza: Wararka sheegaya in aqoonsigan lagu beddeshay in dadka Falastiiniyiinta ah laga soo raro Gaza laguna dejiyo Somaliland ayaa abuuray caro weyn oo dunida Muslimka ah, taasoo Somaliland ka dhigi karta mid ka go’da deriskeeda Carbeed iyo dunida Muslimka intiisa kale.
  3. Dhaqaalaha: Somaliland waxay wajhi kartaa cunaqabatayn dhinaca hawada iyo bangiyada ah oo kaga timaada dowladda federaalka, iyo sidoo kale in Turkiga iyo dalalka Carabta ay ka noqdaan maalgashiga ay ka wadeen gobolka. Waxaa iyaduna khatar wayn ah xoolaha ka dhoofi jiray Berbera ee loo dhoofin jiray Sucuudia xilliga Xajka iyo gudashada Xajka oo ay dhici karto in dadka reer Somaliland ay caqabad kala kulmaan.
  4. Go’doon Diblomaasiyadeed: Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland wuxuu sababay in uu caqabad ku noqdo in ay dowlado kale gaar ahaan Midowga Afrika iyo Dunida Muslimka ay aqoonsadaan, kaas oo gelinaya Somaliland go’doon diblomaasiyeed oo gaarsiiya dhaawac aad u wayn oo dhaqan-siyaasadeed (Ecomo-politics).

Dowladda Federal-ka Soomaaliya iyo Dowrkeeda

Intii ay soo ifbaxday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, Dowladda Federal-ka Soomaaliya (DFS) waxay qaadday dadaal xooggan oo diblomaasiyeed oo ay kaga hortageyso in aqoonsigaani yeesho saamayn ah in dowlado hor leh aqoonsadaan. Waxaa dadaalladaas garab socday dadaallo kale oo lagu cambaaraynayo faragelinta qaawan ee Israa’iil ee midnimada iyo madaxbanaanida qaranimada Soomaaliya iyadoo garab ka helaysa dowlahada saaxiibka la ah oo ay hoggaaminayaan Turkiga, Sacuudiga iyo Masar.

DFS waxa kale oo ay ku tallaabsatay in ay burisay dhammaan heshiisyadii ganacsi iyo difaac ee ay la lahayd Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) iyadoo ku eedaysay in ay si aan sharci ahayn uga tahriibisay Caydaruus Zubaydi oo ahaa madaxa gooni u goostadka Koonfurta Yemen, isla markaasna gacansaar la leh maamullada DFS ay is hayaan ee Puntland iyo Somaliland.

Sidaas oo ay tahay, waxaan shaki ku jirin in ay jiraan isdiidooyin iyo iska hor imaad mowqifka DFS ee ku aadan Somaliland. DFS waxay si aan horay u qorshaysnayn booqasho iyo aqoonsi isugu dartay maamulkii horay loo oran jiray SSC-Khaatumo iyagoo u aqoonsaday in ay noqoto dowlad xubin ka ah federal-ka Soomaliya (DXF) loona bixiyey Waqooyi Bari.

Arrinkaas caksigeeda, waraysi uu bixiyey Madaxwaynaha DFS, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud madasha Al-Jazeera Forum ee ku baxda English bishaan Feb horraankeedi wuxuu caddeeyey in siyaasadda DFS ay tahay in ay Somaliland u aqoonsantahay mid aan la kala goyn karin oo hal mid ah. Taas oo macnaheedu yahay in aysan aqoonsanayn Waqooyi Bari in ay tahay xubin rasmi ah oo ka mid ah DFS.

Iyada oo ay jiraan dhacdooyinkaas oo dhan, hadda waxaa jira khalkhal baahsan oo ah arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Waxaa khilaaf xooggan u dhexeeyaa DFS oo dhinac ah iyo Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah. Waxaa iyagana is-afgaran-waa xooggan kala dhexeeyaa DFS isbahaysiga mucaaradka ee la baxay “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed” oo ay ku midaysanyihiin siyaasiyiin hore iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa jira kala qaybsanaan baahsan oo ka dhexjirta baarlamaanka federal-ka iyada oo ay madaxda DFS oo Madaxwaynaha u horreeyo ay isku deyayaan in la marsiiyo cutubyo hor leh oo ka mid ah bedelaada Dastuurkii ku meelgaarka ahaa iyada oo aan isku aragti laga ahayn ama la isku waafaqsanayn.

Khalkhalkaa gudaha iyo kala daadsanaantu waxay dafiicinaysa mowqifka DFS iyadoo sharciyadeedii ay uga harsanyihiin muddo aad u kooban oo aan ka badnayn 90 maalmood. Heshiis kasta oo ay geli lahayd wuxuu u muuqanayaa in lala gelayo xukuumad taag daran oo aan haysan awooddii saxiixa (Strong mandate).

Iswaydiintu waxay tahay: maxaa la gudboon DFS si ay uga hortagto mowjadaha isdaba jooga ee dibadda oo lagu raadinayo in aqoonsi durugsan loogu helo Somaliland?

Jawaabta tooska ahi waa in DFS marka hore xoojiso midnimadeeda gudaha, raadiso is ogolaansho dhammaan daneeyayaasha siyaasada iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (DXF). Guri hoos ka bolol ah haddii lagu ekaado in korkiisa la dhayo waxaa dumin kara dabaysha u horraysa ee ku dhacda. Dowlad kasta oo daciif ah waxaa hollin karta cid kasta. Dowladaha u qareemaya Somaliland si ay u hesho aqoonsi ka baxsan kan Israa’iil waxay ku doodayaan in DFS ay daciif tahay, ka adkayn sugidda nabadda gudaheeda ama la dagaallanka argaxisada; halka ay kaga mashquulasantahay sii kala furfurka iyo kala fogaynta intii horay uga tirsanaa.

DFS ma haysato fursado ay ku abuurto khilaaf gudaha ah ama danaha madaxda shakhsiga ah ee kursi doonta ah looga hormariyo danaha guud. Madaxbanaanidii iyo midnimadii guud ee qaranka ayaa halis wayn ku jirta. Waxaa la joogaa xilligii loo midoobi lahaa in la dhisto dowlad ku qotonta mus’aasaad xooggan oo tacliimeed, amni, maxkamadeed iyo ku sharci-dejin haysta kalsoonida shacabka. Markaas kadib ayaa la samayn karaa iska caabbin cadaadis kasta oo dibada ka yimaada.

Gunaanad

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland waa dhacdadii ugu dhiirranayd ee Geeska Afrika ka dhacda tan iyo dagaalkii qaboobaa. Waa khamaar lagu dooranayo in dib wax looga beddelo xuduudihii sharciga ahaa ee waddamada Geeska Afrika laguna dhaawacayo midnimada dhuleed (Territorial Integrity) iyo madaxbanaanida qaran ee Soomaaliya.

Go’aankani wuxuu muujinayaa in Geeska Afrika uu galay in uu yahay fagaaraha tartanka quwadaha waaweyn. Amniga Bab al-Mandeb wuxuu hadda ku xiranyahay in isbahaysigan cusubi uu noqon doono “Darbiyada Badda Cas” ee ka hortaga Iiraan, iyo inuu noqon doono dhimbishii shidday dagaal ballaaran oo ka qarxa xeebaha Gacanka Cadmeed.

Waxaa kale oo go’aankani horseedi karaa in DFS iyo DXF ay gartaan in ay tahay waqtigii laga tegi lahaa kala qaybsanaanta iyo burburka gudaha oo loo midoobi lahaa iskuduubnida iyo difaaca danaha qaran iyo dhowridda midnimada dhuleed iyo amniga guud ee qaranka.

Qoraaga
Dr. Maxamuud A. Maxamuud
Dr. Maxamuud A. Maxamuudwuxuu haystaa Ph.D. Jaamacadda Leicester ee UK, MBA Jaamacadda De Montfort, iyo Shahaadada Executive MBA ee Masterminds Business School, UK. Waa Chartered Manager ka diiwaangashan CML, UK. Wuxuu hore u ahaa bare iyo cilmi-baare ka shaqeeya UK iyo Bariga Dhexe, isagoo leh in ka badan 15 sano oo waayo-aragnimo tacliimeed ah qorayna 30 in ka badan oo maqaal cilmi-baariseed. Hadda, waa lataliye ku takhasusay istaraatiijiyadda ganacsiga, maamulka, iyo hoggaaminta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link