Waqafku waa nidaam uu Islaamku u dejiyay in bulshada Muslimiinta ay isku taakuleeyaan, iyagoo ka helaya horumar adduun iyo ajar aakhiro. Waa nidaam gaar u ah ummadda Muslimka ah, kana mid ah waxyaabaha uu Islaamku dunida kusoo kordhiyay. Hadaba; si aan u fahanno doorka uu waqafku ku leeyahay horumarinta bulshada, waxaa habboon inaan marka hore isweydiinno:Waqafku waa maxay?
Qeexidda Waqafka
Waqafku waa nooc ka mid ah sadaqooyinka uu qofka Muslimka ahi Alle ugu dhawaanayo, isagoo hanti u xayiraya dan guud oo waarta. Waxaa loogu yeeraa “Waqaf” sababtoo ah ereyga Carabiga ah ee Al-Waqf wuxuu tilmaamayaa shay la joojiyay asalkiisa oo aan la iibin ama la wareejin karin, balse laga faa’iidaysto wixii kasoo baxa. Mararka qaarkood waxaa lagu magacaabaa Al-Xabsi ama Al-Axbaas, kuwaas oo isla macnahaas wadaaga ama faa’iidaynaya.
Culimadu Fiqiga qaarkood waxay waqafka ku qeexeen: “تحبيس الأصل وتسبيل المنفعة”, taas oo micnaheedu yahay in asalka hantida la joojiyo, faa’iidadeedana loo sii daayo dan guud. Sidaas darteed, waqafku wuxuu ku egyahay hanti muddo dheer jiri karta, sida dhul, beer, guryo, ceelal, iyo dhismayaal kale.
Maxaa Waqafka Loo Cuskaday?
Waqafka waxaa saldhig u ah daliillo Qur’aan iyo Xadiis labadaba leh. Waxaa ka mid ah aayadda Qur’aanka ee oranaysa: “لن تنالوا البر حتى تنفقوا مما تحبون” (Aal-Cimraan: 92), taas oo micnaheedu yahay: “Samafalka ma gaari doontaan ilaa aad bixisaan waxyaabaha aad jeceshihiin.”
Xagga Sunnada, waxaa caan ah xadiiska Imaam Bukhaari ee uu warinaayo Cabdullaahi Ibnu Cumar (RC); Cumar ayaa laga siiyay dhul Khaybar, markaas buu Nabiga NNKH u tagay asagoo kala tashanaya wuxuu kayeeli lahaa, markaasuu yiri: Rasuulkii Allow, waxaan helay dhul Khaybar kuyaalla, waana xoolahayga kan ugu qiimaha badan ee maxaad igula talin lahayd inaan ku sameeyo? Wuxuu ku yiri: hadaad doonto asalkeeda waqaf oo sadaqayso, kana dhig mid aan asalkeeda la iibin, lana iibsanin waxa kasoo baxa, oo aan la hibayn karin lana dhaxli karin, wuxuu yiri Ibnu Cumar: Cumar wuxuu ku sadaqaystay: Fuqarada, Qaraabada, Adoomaha, Musaafiriinta, Martida. Qofka masuulka ka ahna quudkiisa wuu ka cuni karaa, saaxiibkiisna wuu ka quudin karaa, laakiinse waa inaysan xoolo katabcanin”.
Dhaqanka Saxaabada ee Waqafka
Saxaabadii Nebiga (NNKH) waxay waqafka u arkayeen tiir muhiim u ah horumarinta bulshada, sidaas awgeed. Jaabir bin Cabdullaahi (RC) wuxuu sheegay in uusan jirin saxaabi awoodi karay inuu waqaf la baxo oo aan wax waqaf ah bixin. Arrintani waxay muujinaysaa sida ay saxaabadu u fahmeen qiimaha sadaqada waarta iyo doorka ay ku leedahay dhismaha bulshada.
Waa Maxay Hantida La Waqfi Karo?
Culimadu waxay isku raaceen in la waqfi karo hanti kasta oo faa’iido waarta leh, asalkeeduna uu sii jiri karo. Waxaa ka mid ah guryo, dhul, xoolo nool, qalab, iyo xitaa hub ama alaab guri. Inkastoo culimada qaar ay ka reebeen waqfinta lacagta iyo raashinka, haddana madaahib kale ayaa oggolaaday haddii lacagtaas la maalgaliyo, faa’iidadeedana loo isticmaalo dan guud.
Sida Muslimiintu U Dhaqan Geliyeen Waqafka
Markii ay fidday dowladdii Islaamka, waqafku wuxuu noqday tiir muhiim ah oo lagu dhiso kaabayaal dhaqaale iyo adeegyo bulsho. Waxaana lagu taageeri jiray waxbarashada, caafimaadka, biyaha, cuntada, iyo daryeelka dadka danyarta ah. Sidaas darteed, waqafku wuxuu noqday aalad bulsho lagu hormariyo ka hor inta aysan dowladnimada cusubi si buuxda u qaadan mas’uuliyaddaas. Waana arrin u baahan inaan lagu hallayn iyada keligeed. Maxaa yeelay bulshada Islaamka ah inay horumarka ka shaqayso waa nooc cibaadada kamid ah.
Awqaafta Cibaadada.
Waxaa la sameeyay awqaaf gaar u ah Masaajidda, Dugsiyada Qur’aanka, Maktabadaha Cilmiga, iyo dadka u heellan cibaadada ama waxbaridda. Sidoo kale waxaa jiray awqaaf loogu taloggalay martigelinta dadka Xajka ama Cumrada u socda.
Awqaafta Danaha Bulshada
Awqaafta noocan ah waxay diiradda saari jireen taageeridda fuqarada, masaakiinta, agoonta, iyo musaafiriinta. Waxaa kale oo waqaf lagu dhisi jiray ceelal, ilo biyo, waddooyin, qubuuro, iyo goobo lagu qubeysto, kuwaas oo dhammaantood ka mid ahaa kaabayaashii nolosha bulshada.
Awqaafta Caafimaadka
Waqafka caafimaadku wuxuu door weyn ka qaatay dhismaha isbitaallada, bixinta mushahaarka shaqaalaha, iyo daryeelka bukaannada, gaar ahaan kuwa qaba cudurrada gaarka ah iyo dadka baahiyaha gaarka ah leh sida indhoolayaasha. Waxaa xitaa la shaqaaleysiin jiray dad u gaar ah daryeelka bukaannada rajada laga qabo ay yartahay, si niyaddooda loo dhiso.
Xaaladda Maanta iyo Baahida Soo Nooleynta Waqafka
Maanta, waqafka waxaa badanaa lagu koobay dhismaha masaajid ama keenista kitaab Qur’aan ah, halka taariikh ahaan uu ahaa nidaam dhammaystiran oo horumarineed. Waxaa loo baahanyahay in dadka hantida leh ay waqaf ka dhigaan qayb ka mid ah xoolahooda inta ay nool yihiin, si ay uga helaan ajar waara.
Waqafka iyo Horumarinta Casriga ah
Si waqafku u noqdo mid wax ku ool ah maanta, waxaa loo baahanyahay hay’ado maalgeliya hantida waqafka, kana shaqeeya waxbarashada, caafimaadka, beeraha, iyo kalluumaysiga. Lacagaha waqafka ah waa in si xirfad leh loo maalgeliyaa, si wixii kasoo baxa loogu fuliyo adeegyo bulsho oo waara.
Doorka Dowladda
Si nidaamka waqafka si sax ah loogu shaqeeyo, waxaa lama huraan ah in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay dejistaan xeerar hagaya waqafka iyo hay’adaha samafalka. Xeer la’aantu waxay caqabad ku tahay horumarinta nidaamkan muhiimka ah oo ay ummadu u baahantahay.
Muhiimmada Waqafka ee Horumarinta Bulshada
Muhiimmada waqafku waxay ku jirtaa awoodda uu u leeyahay inuu abuuro dhaqaale waara oo jiilal badan sii shaqeeya, maadaama hantida la waqfay aan la iibin karin balse si joogto ah loogu adeegayo danta guud. Wuxuuna si gaar ah u hormariyaa waxbarashada, caafimaadka, biyaha, masaajidda iyo adeegyada kale ee bulshada, isaga oo kaalin muuqata ka qaata buuxinta baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada.
Sidoo kale, waqafku wuxuu xoojiyaa isku-duubnida bulshada, kobciyaa isu-gargaarka iyo samafalka, wuxuuna abuuraa shaqooyin maadaama mashaariicdiisu u baahanyihiin maamul iyo shaqaale. Intaa waxaa dheer, wuxuu ilaaliyaa dhaxalka iyo hantida bulshada si ay jiilba jiilka ka dambeeya uga faa’iideystaan, isaga oo kor u qaadaya caddaalad bulsho una fududeynaya dadka danyarta ah helitaanka adeegyo bilaash ah ama jaban. Haddii si hufan loo maamulo, waqafku wuxuu noqon karaa tiir muhiim u ah horumarka waara ee Soomaaliya.
Gunaanad
Soomaaliya waa dal hodan ku ah khayraad dabiici ah sida dhul beereed, xoolo, iyo xeebo dhaadheer. Haddii hantidaas loo leexiyo nidaamka waqafka, waxaa suuragal ah in bulshadu ka kaaftoonto gargaar dibadeed iyo gacan hoorsi. Sidaas awgeed, waa inaan dib u soo noolaynaa nidaamka waqafka si aan u gaarno horumar ku dhisan isku-tashi bulsho, sharaf, iyo madax-bannaani dhaqaale.
Qoraaga
Latest entries
E-paperDecember 29, 2025Cadadka 9-aad
FaalloDecember 29, 2025Waqafka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed
E-paperNovember 27, 2025Cadadka 8-aad
E-paperOctober 29, 2025Cadadka 7-aad










