Muddo laga joogo shan boqol oo sano ka hor, ayuu (Niccolo Machiavelli 1469- 1527) oo ahaa: diblumaasi iyo siyaasi u dhashsay dalka Talyaaniga qoray, buuggiisi “The Prince” oo uu ku aruuriyay aragtiyadiisii hagardaamooyinka u badnaa!
Machiavelli wuxuu ahaa siyaasi xagasha taban ka dhugta siyaasadda, cilmi-baarayaasha qaar ay ku tilmaamaan siyaasi waaqici ah, aniguse, aan u aqaan ruux samaha liddi-ku-ah, oo aan jeclayn siyaasadda qiimiga iyo mugga ku dhisan.
Waxaa aragtiyadiisa ugu caansan, oraahda ah: (The end justifies the means) oo micnaheedu yahay: ujeedda kasta oo aad leedahay waxaad ku gaari kartaa dhabba kasta oo suuragal ah.
Iminka, waxaa Soomaaliya ka dhashay xulufeysiyo siyaasadeed, ujeedkoodu yahay: inay hantaan kursiga ugu sarreeya ee “Vila Soomaaliya” hilinka qura, ee lagu gaari karaa kursigaasna, wuxuu noqday, in markaan lagu dayo cudud ku dhisan xulufo sal-balaar ah, kala aragti duwan ah!
Waxa keliya ee mideynaya uu yahay: siduu abwaan Mustafe Shiikh Cilmi ku yiri heestii ahayd: (kursigaasaan caashaqayay! madaxweyne, madaxweyne, kol i dhahayee!).
Xulufeysiyada ugu caansan ee sameysmay!
Soomaaliya markii ay doorashadu soo dhawaato waxaa sameysmi jiray (Madasha Samata bixinta Soomaaliya) ujeedka madashaas ma ahan bad baado oo keliya iyo in loo dhimrinayo qaranka diihaalka siyaasadeed ragaadiyay.
Waxaa ku hoos duuggan “Madasha” in kooxda magacaas la baxdaa ay doonayaan inay kursiga ka tuurtaan madaxweynaha kolkaas kursiga ku fadhiya.
Muddo xileedka madaxweynaha hadda kursiga ku fadhiya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud isaga oo ay muddo ka harsantahay mudda xileedkiisa dastuuriga ah ayaa abuurmay madal salbalaar ah, markii dambena labo u kala jabtay!
Soo ifbaxa madashaan waxaa ku hoos jiray inta badan jilba-culusta siyaasadda, dhinac markii laga fiiriiyo waxay ahayd fikrad kursi doon ah, ujeedkeedu ahaa: in fool dadajiso lagu dhufto hannaanka doorashada madaxweynaha.
Markii dambe, malahayga, hoggaanka dalka iminka majaraha u haya soo kala dhex-galay, raggii qaar ka mid ahna, ka dhigay gooni-daaq, sameystayna madal kale oo ka aragti duwan tii horay u jirtay.
Waa xulufeysi ugub ah, waxaana keenay baahida siyaasadeed oo is rog rog badan, hoggaanka dalka hayana ku soo waayo arkay madallo uu horay u sameeyay.
Kala jabkii madasha samatabixinta Soomaaliya ka dib, waxaa abuurmay madal kale oo loogu wan-qalay (Golaha Mustaqbalka Soomaaliya) golahaan cusub waxaa xubin ka noqday-siyaasiyiin madax ka ah dowlad-gobolleedyada dalka qaar ka mid ah-madax kale oo kuraasta ugu sarreysa ee dalka soo qabtay.
Waxaa iyana samaysmay madal cusub oo la timi fikir ugub ah, madal kulmisay jilba-culus siyaasadeed, oo sii sheegay ruuxa ay u rabaan inuu dalka hoggaamiyo, waa golaha la baxay: (Midowga Haybad Qaran) oo isu keenay siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dalka iyo rag ku caan baxay madaxweyne dhisasho, arrinka ay soo bandhigeenna uu yahay inay Cabdi Faarax Saacid Shirdoon, oo horey u soo noqday raysulwasaare ay ku midoobaan inuu u noqdo musharax madaxweyne.
Maxaa Soomaaliya la gudboon?!
Siyaasaddu kama maaranto is xulufeysi iyo gaashaan-buur ku dhisan aragti siyaasadeed oo samatabixin karta xaaladda dalku ku jiro.
Waxayse taasi u baahantahay hiraal fog iyo aragti siyaasadeed oo bisil, lamana gaari karo ujeedkaas, haddaan la naaxin maanka siyaasadeed.
Soomaaliya iminka waxaa ku gedaamman “Geopolitics” u baahan in lala yimaado wacyi korran oo lagu maarayn karo is-diiddooyinka hardanku ku xeeranyahay, waxaa laga sugayaa siyaasiyiinta raba inay dalka xukumaan waxa afka Ingiriisada lagu yiraahdo “contextual intelligence” oo ah: inay fahmaan waxa ku gedaaman dalka, waxa loo baahanyahay in lala yimaado, sidee looga dabaalan karaa mowjadaha xoogga leh ee badda siyaasadda Soomaaliya?!!.
Gunnaanadkii, waxaa talo ku soo jeedin lahaa in bulshada Soomaaliyeed si fiican loo wacyigeliyo dhabbada dimuquraadiyaddana la qaado, xulufaysiyada jirana ay la yimaadaan qorshe mug weyn oo dalka lagu badbaadin karo.
Qoraaga

- waa aqoonyahan haysta shahaadada PhD ee cilmiga warbaahinta, wasiir dowladeed hore oo ka soo shaqeeyay Puntland, isla markaana ah qoraa.












