DHIBTU WAA DHANKEE:Danayn La’aanta Bulshada Mise Damaca Siyaasiga?

Ku foogganaanta muwaadiniinta ee xuquuqdooda dabiiciga ah, mudnaansiinta sarraynta sharciga, gudashada waajibaadkooda, iyo iskacaabbinta caddaalad-darrada, tafaraaruqa iyo xeerarka aan qummanayn waxay dammaanad qaadi karaan wiiqidda tiirarka dulmiga iyo dib-udhaca, waxayna dabartaa damaca gurracan ee siyaasiga.

Waxaa jirta tusaalayn caalami ah oo loo tiiriyo David Easton loona yaqaan “Tusaalaha Easton” taasoo komtomeeyadii qarnigii tagay soo shaacbaxday. Tusaalahaasi wuxuu daaran yahay sidii loo fahmi lahaa isdhexgalka iyo iskudhafnaanta hay’adaha dowladeed iyo kuwa bulshada. Si kale haddii loo dhigo; waa sidii doonitaanka bulshadu u jaangoyn laha damaca siyaasiga ama hoggaanka. Waa iskutiirsanaan, marna islaxisaabtan, mar kalena waa mid ka mid ah tusaalayaasha ugu habboon uguna fudud ee sharxaya dabeecadda shaqaynta nidaamka siyaasadeed, tusaalahaani wuxuu ku qotomaa dhab ahaanshaha, in qodobka ugu weyn ee saameeya xasilloonida dowladda uu yahay “bulshada/jamhuurka” kaas oo u roga aragtidiisa dalabyo ka turjumaya baahiyihiisa. Bulshadu keliya ma saamayso go’aannada hoggaamiyaha ama siyaasiga, balse nidaamka siyaasadeed heer qaran iyo mid caalami ah ayay sidoo kale saameeyaan go’aannadeedu.

Dalabyadaasna waxaa la gudbiyaa iyada oo loo marayo xisbiyada siyaasadeed ama hay’adaha bulshada rayidka ah. Kadibna si togan ama taban ayay dowladdu uga jawaabtaa dalabaadkooda iyo baahiyahooda, ka dibna hawshu sidaas ayay kusii socotaa. Sidaa darteed, danayn la’aanta bulshada arrimaha danta guud iyo siyaasadda, waxay horseeddaa inuu fulo doonitaanka siyaasigu.

Siyaasaddu waa isla falgalidda danaynta dadweynaha iyo go’aannada hoggaamiyaha. Waxaa la sheegaa mar kasta oo ay kala fogaadaan masaafada u dhaxaysa bulshada iyo siyaasiga ama hoogaamiyuhu, waa markasta oo uu abuurmo damac siyaasi oo gurracan, kelitalisnimo iyo kutagrifal awoodeed. Sidaa darteed, ayuu qoraagii, iyo faylasuufkii Faransiiska ahaa Étienne de La Boétie (1530-1563) qoraalladiisii caanka ahaa ee uu ugu magac daray [Addoonsiga La Qaayibay] wuxuu isku weydiinayaa: “Maxay dadka u doortaan addoonsiga, iyagoo awood u leh in ay iska caabbiyaan?” Haddii aad rabtaan xorriyad, joojiya inaad adeegtaan; kaligitaliyuhu ma aha xoog, waa hal qof oo ay malaayiin qof oggolaadeen.”

Haddaba, si kor loogu qaado danaynta iyo doonitaanka bulshada ee ku aaddan siyaasadda iyo dowlanimada waa in la helaa wacyi siyaasadeed oo heer qofeed iyo mid bulsheed gaarsiisan. Dr. Qahtan Hussein Al-Lawandi, cilmibaare ka ah Xarunta Mustaqbalka ee Daraasaadka Istaraatiijiyadeed [Future Center for Strategic Studies], wuxuu yiri: Wacyiga siyaasadeed waa garashada qofka iyo fahamkiisa waaqaca siyaasadeed ee bulshadiisa iyo dhaadidda dhibaatooyinka jira iyo awoodaha waxku’oolka ah ee saameyn ku leh go’aan qaadashada heerarka qaran iyo kuwa caalamiga ah.

Danaynta siyaasadeed waa xaalad feejignaan iyo baraarug fikradeed oo uu qofku ku kormeeri karo, kulana socon karo dhacdooyinka iyo saameyntooda. Danaynta siyaasadeed waxay bulshada ka caawisaa sidii ay u waajihi lahayd dhibaatooyinka, u dabri lahayd siyaasiga, isagana ilaalin lahayd hanjabaadaha gudaha iyo dibedda uga imanaya. Danaynta siyaasadeed waxaa lagu cabbiraa in qofku leeyahay: Ka qaybgal siyaasadeed oo firfircoon; aragti dhammaystiran iyo garasho qeexan oo ku saabsan qaab-dhismeedka bulshada, dhaqaalaha, dhaqanka, qaranka iyo guud ahaanba caalamka; dareen masuuliyadeed oo ku dhisan joogtaynta mabaa’dida togan ee wanaagsan sida anshaxa, waddani’nimada iyo bini’aadannimada; rabitaanka isbeddelka joogta ah iyadoo la ilaalinayo qiyamka bulshada.

Danaynta siyaasadeed waxay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta horumarka bulsheed, cirib-tirka kelitalisnimada siyaasadeed, oo ka mid ah aafooyinka ugu daran ee ay la nool yihiin dalalka dunida saddexaad. Danaynta siyaasadeed, waxay go’aamisaa doorka dowladda iyo hay’adaheeda ee wax ka qabashada arrimaha hortebinta leh.

Ugu dambayn, aan dib idiin celiyee [Dhibtu Waa Dhankee?] Dhibtu waa danayn la’aanta bulshada, dhibtu waa wacyiga hooseeya ee muwaaddinka, waa danayn la’aantiisa danta guud, waa dayacidda xuquuqdiisa, waa qaayibiddiisa  caddaalad-darrada iyo luminta dareenkii lahaanshaha. Waayo, damaca siyaasigu waa abuur; rabitaanka awoodda iyo hoggaamintu waa qayb ka mid ah dabeecadda bani’aadanka. Taasi waa sababta loo sameeyey nidaamyo iyo xeerar lagu xakameeyo awoodda, laguna ilaaliyo danaha guud ee bulshada. Sidaa darteed, siyaasiga damac qaba ma aha dhibtu, dhibtu waa bulshada oo ka fogaata qaabaynta masiirkeeda.

Habka ugu wanaagsan ee looga takhalusi karo kutagrifalka awoodeed iyo damaca waalan ee siyaasiga waa in dadku ogaadaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda. Aragtida dadweynahuna waxay kaalin muuqata ka ciyaartaa qaabeynta siyaasada dowladda. Sidaa darteed, danaynta siyaasadeed waxay aad muhiim ugu tahay in bulshada laga saaro go’doominta, kala-goynta, iyo xakamaynta siyaasiga.

Qoraaga
Aadan Salaad Maxamuud (Aadan-Badiic)
Aadan Salaad Maxamuud (Aadan-Badiic)Wuxuu bartay Culuumta Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, wuxuu daneeyaa arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda. Wuxuu leeyahay khibrad hoggaamineed oo la xiriirta Bulshada Rayidka ah, wuxuuna bare ka ahaa culuumta siyaasadda qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka. Aadan, waa turjumaa iyo qore loo tixgeliyo qalinleyda Soomaaliyeed kuwooda ugu firfircoon, wuxuu soo saaray ilaa siddeed dhigane; oo diiradda saaraya Siyaasadda, Horumarka Bulshada, Fikirka Islaamka iyo Amniga. Aadan, hadda waa Agaasimaha Guud ee Maamulka, Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link