Hordhac
Macallinku waa laf-dhabarta horumarka bulshada iyo dowladnimada, tiirka ugu muhiimsan ee dhisaya maskaxda iyo mustaqbalka jiilka soo koraya. Waa hage, barbaariye, iyo dhise bulsho, diin iyo dhaqan. Bulsho aan macallin lahayn waa sida jir aan laf-dhabar lahayn, jir aan lafdhabar lahayna inuu istaago marna macquul ma ahan. Sidaa darteed, macallinku waa tiirka ay ku taagantahay aqoonta, garaadka, iyo horumarka bulshada.
Ereyga macallin wuxuu ka soo jeedaa af-Carabi “mu’allim”, oo micnihiisu yahay bare, iftiimiyaha wadada lagu socdo si loo gaaro hiigsiga mustaqbalka, kana dhiga dadka kale kuwo garan kara xaqiiqada nolosha. Marka la eego diinteena suuban Qur’aanka kariimka ah wuxuu kor u qaaday darajada dadka aqoonta leh, isagoo leh “Eebbe wuxuu kor u qaadaa darajooyin kuwa rumeeyay Alle iyo kuwa la siiyey cilmiga.” (Al-Mujaadilah: 11) sunnada oo ah isha labada ee shareecada Islaamka ayaa lagu sheegay dheeraadka uu leeyahay baruhu, Nabiga (NNKH) wuxuu kumatalay qofka caalimka ah sida dayaxa oo kale isagoo iftiiminaya dhulka halka qofka cilmi la’aanta Alle ku caabuda uu ku tusaaleeyay sida xidigaa intooda kale oo iftiimaya balse iftiinkoodu aanuu soo dhaafayn. Hadalka waxaynu ka qaadan karnaa in macallinku yahay iftiinka bulshada, dhiirigeliyaha jiilka, iyo furaha horumarka.
Dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu si gaar ah u sharfay macallinka. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oranaysa: “Nin aan la barin, lama baro,” taasoo muujinaysa in aqoonta iyo horumarku ku tiirsanyihiin barayaasha bulshada. Si kastaba ha ahaatee, maanta doorka macallinka waxaa soo food saaray caqabado badan — mushahaar yar, tababar la’aan, iyo faham xaddidan oo ku saabsan qiimaha shaqadiisa.
Dal kasta oo horumaray wuxuu garowsaday in horumarka dhabta ahi uu ka bilowdo maalgelinta macallimiinta. Dalalka sida Finland, Japan, iyo Singapore waxay gaareen heerar sare oo waxbarasho sababtoo ah waxay qiimeeyeen barayaasha, iyagoo siiyay xuquuq, daryeel, iyo tababar joogto ah. Puntland, oo kamid ah deegaanada Soomaaliya, haddii la rabo in la gaaro horumar mustaqbal aqooneed iyo dhaqaale, waa in mudnaanta la siiyaa macallinka oo ah tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha bulshada.
Macallinka iyo Horumarka Bulshada
Macallinku waa lafdhabarta nolosha bulshada iyo horumarka qaranka. Waa tiirka ugu muhiimsan ee dhisaya maskaxda, dhaqanka, iyo mustaqbalka jiilka soo koraya. Ummad kasta oo rabta horumar iyo baraare waa in ay qiimeysaa, dhiirrigelisaa, oo ilaalisaa xuquuqda macallinka. Qof kasta oo aqoon, xirfad, ama hoggaan leh wuxuu ka soo bilaabay gacanta macallin. Sidaas darteed, horumarka bulshada waa mid si toos ah ugu xiran heerka iyo tayada waxbarashada, halkaas oo macallinku yahay udub-dhexaadka ugu weyn ee wax dhisa.
Doorka macallinka ma aha oo keliya barid aqooneed, balse waa mid dhaqan, akhlaaq, iyo bulsho. Macallinku waa hage, dhiirrigeliye, iyo dhisaha shakhsiyaadka. Markuu bulshada baro aqoon iyo akhlaaq, wuxuu dhisayaa jiil leh masuuliyad iyo hal-abuur. Taariikhda dunida waxay caddeyneysaa in quruumo badan ay ka baxeen mugdi iyo saboolnimo iyagoo ku tiirsan barbaarinta macallimiintooda. Sida ay sheegtay UNESCO (2023), “Macallimiintu waa halyeeyada qarsoon ee horumarka waara, iyagoo gacan weyn ka geysta yareynta faqriga, horumarinta caafimaadka, iyo kobcinta nabadda.” Tani waxay muujineysaa in bulshada aanay horumari karin ilaa laga dhiso macallin tayo leh oo heshay tababar, dhiirrigelin, iyo daryeel.
Diinta Islaamku waxay si weyn u tixgelisaa macallinka iyo baridda cilmiga. Nabiga (NNKH) wuxuu yiri: “Fadliga caalimka marka loo eego caabidka waa sida iftiinka dayaxa oo kale marka loo eego xiddigaha kale.” (Xadiis uu weriyay Abu Daud). Qur’aanka Kariimka ahna wuxuu leeyahay: “Eebe wuxuu kor u qaadaa kuwa rumaystay iyo kuwa la siiyay cilmiga darajooyin.” (Suurat Al-Mujaadilah: 11). Tani waxay caddeyneysaa in macallinku leeyahay darajo sare oo diini ah, waana sababta bulshada Islaamku u tixgelin jirtay barayaasha sida iftiin bulshada dhexdeeda ah.
Bulsho aqoon leh ayaa ah bulsho dhaqaale ahaan kobocda. Macallimiintu waxay tababaraan awoodda shaqaalaha, hal-abuurka ganacsiga, iyo fahamka maamulka. Sida daraasad ay soo saartay World Bank (2022) tilmaamayso, “Dalalka leh macallimiinta si wanaagsan loo tababaray ayaa GDP-ga dalkooda ku kordha celcelis ahaan 2–3% sanadkii.” Tani waxay caddeyneysaa in macallinka la xoojiyo uu yahay maalgashi dhaqaale iyo bulsho.
Si kastaba ha ahaatee, macallimiinta dalal badan, gaar ahaan kuwa soo koraya, waxay la kulmaan caqabado badan sida mushahar hoose, tababar la’aan, agab la’aan, kalsooni bulsho oo xadidan, iyo culaysyo xagga maamulka ah. Caqabadahan waxay hoos u dhigaan tayada waxbarashada, taas oo si toos ah u saamaysa horumarka bulshada. Sidaas darteed, waa lagama maarmaan in la sameeyo siyaasad wax ku ool ah oo lagu xoojinayo macallinka, iyadoo la siinayo xuquuqdooda, dhiirrigelin joogto ah, iyo aqoonsi dhab ah oo ay bulshada ku mutaystaan.
Si loo hubiyo in macallinka uu noqdo laf-dhabarka horumarka, waa in la kordhiyo mushaharka iyo dhiirrigelinta, la siiyo tababar joogto ah, la kobciyo sumcadda iyo sharafta macallinka, isla markaana dowladaha iyo hay’adaha bulshada ay si joogto ah u taageeraan waxbarashada. Maalgashiga ugu qiimaha badan ee dal lagu sameeyo waa maalgashiga lagu sameeyo macallinka, sababtoo ah macallinku waa kan dhalin kara aqoonyahan, dhaqaale-yahan, dhakhtar, injineer, iyo hoggaamiye qaran oo mustaqbalka bulshada anfaca.
Waajibaadka Macallinka
Macallinku waa bu’da nidaamka waxbarasho waajibaadkiisana waxaa kamid ah inuu si hufan u gutto masuuliyadiisa si loo xaqiijiyo heerar waxbarasho oo tayo leh. Sida ku xusan National Education Policy ee Soomaaliya, macallinku waa inuu kaalin muuqata ka qaataa hirgelinta siyaasadaha waxbarashada iyo horumarinta tayada waxbarashada ee dalka (moe.gov.so).
Waajibaadka kale ee saran macallinka waxaa ka mid ah inuu si xirfad leh ugu gudbiyaa ardayda aqoonta manhajka, isagoo isticmaalaya habab waxbarasho casri ah oo la jaanqaadaya baahiyaha ardayda. Waxa uu sidoo kale dhiirrigeliyaa hal-abuurka, fikirka madax-bannaan, iyo ka qayb qaadashada ardayda ee hawlaha fasalka. Waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo anshaxa fasalka iyo nidaamka dugsiga, isagoo hubinaya in ardaydu helaan jawi waxbarasho oo hufan.
Macallinku waa inuu si joogto ah u horumariyaa xirfadiisa, isagoo ka qayb qaadanaya tababaro iyo aqoon-is-weydaarsiyo lagu horumarinayo tayadiisa waxbarasho.
La xiriirka waalidiinta iyo bulshada, isagoo ka warbixinaya horumarka ardayda iyo ka qayb qaadashada hawlaha dugsiga waa mid kamida waajibaadka macallinka horyaal, xiriirka macallinka iyo bulshada u dhexeya wuxuu kor u qaadaya tayada waxbarashada waxa uuna u dhowaynayaa ardayda, waalidka iyo macallinkaba xaqiijinta hadafkooda.
Macallinka oo waajibaadkiisa uguta sida ugu wanaagsan waxaa ka dhasha soo saarista jiil waxbarasho fiican leh oo mustaqbal ifaya leh, isla markaana kaalin muuqata ka qaata horumarinta bulshada. Waajibaadkan waxa uu ka tarjumayaa doorka muhiimka ah ee macallinku ku leeyahay kobcinta aqoonta, akhlaaqda, iyo wacyiga ardayda, taasoo ka dhigaysa waxbarashada mid miro dhal ah oo waxtar u leh bulshada.
Xuquuqda Macallinka
Si uu macallinku u fuliyo waajibaadkiisa si hufan, waa in la siiyo xuquuqdiisa dhammeystiran oo uu mudanyahay. Xuquuqda macallinku waa arrin sal u ah tayada waxbarashada iyo kororka aqoonta bulshada.
Marka hore, macallinku wuxuu xaq u leeyahay in lagu ixtiraamo shaqadiisa iyo kaalintiisa muhiimka ah ee bulshada. Waa in lagu maamuusaa, laguna dhiirrigeliyaa sidii uu sii wadi lahaa dadaalkiisa aqooneed iyo tarbiyeynta ardayda. Ixtiraamkaas wuxuu noqon karaa mid af iyo ficilba ah, iyadoo laga dhowrayo hadal dhaawacaya sumcaddiisa ama sharaftiisa.
Sidoo kale, macallinku wuxuu xaq u leeyahay in uu helo mushahar u qalma shaqadiisa adag, si uu ugu noolaado nolol fiican oo u ogolaan kartaa inuu ka fekero horumar aan welwel dhaqaale ku jirin. Dhaqaale xumo ama daryeel la’aan waxay hoos u dhigtaa dhiirigelinta iyo tayada waxbarashada. Sidaas darteed, dowladaha iyo hay’adaha waxbarashada waa inay si dhab ah u ilaaliyaan xuquuqda dhaqaale ee macallinka.
Intaa waxaa dheer, macallinku wuxuu xaq u leeyahay jawi shaqo oo nabdoon, ammaan ah, islamarkaana taageeraya hal-abuurka iyo horumarka aqooneed. Waa in la siiyo fursado tababar iyo horumar xirfadeed si uu ula socdo isbeddellada casriga ah ee waxbarashada.
Ugu dambayn, macallinku wuxuu xaq u leeyahay in la maqlo codkiisa, lagana qaybgeliyo go’aanada la xiriira waxbarashada iyo siyaasadda aqoonta. Tani waxay keenaysaa in macallinka la qiimeeyo, lana arko inuu yahay halyey bulshada u adeegaya.
Kaalinta Dowladdad ee Horumarinta Macallinka
Sida aan kusoo xusnay maqaalkeenna qaybihii hore, macallinku waxa uu door muhiim ah ku leeyahay horumarka bulshada iyo dowladnimada, waana isha aqoonta iyo meesha u irmaan bulshada oo ay ka helaan aqoonta. Horumarka qaran kasta wuxuu ku tiirsanyahay heerka aqoon ee macallimiintiisu gaareen, sidaa awgeed, marka la dayaco macallinka, waxaa la dayacay mustaqbalka ummadda. Dowlad kasta oo doonaysa horumar dhab ah waa inay mudnaanta koowaad siisaa tayeynta, daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda macallimiinta.
Xaalada maanta macallimiinta Puntland ay ku suganyihiin, waxaa ka muuqata daryeel la’aan aan xil la iska saarayn macalimiinta dhanka nolosha iyo dhinaca siyaasadda iyo taageerada dowladda. Inkastoo ay jiraan dadaallo xaddidan oo la sameeyay, haddana kaalinta dowladda ee dhanka horumarinta macallinka aad bay u hoosaysaa. Macallimiintu waxay la tacaalayaan mushahaar yari, tababar la’aan, iyo xaalado shaqo oo aan dhiirrigelin lahayn. Intaas waxaa sii dheer, dowladda Puntland ayaa bishii August 2024 ku soo rogtay lacag canshuur ah oo si toos ah looga jaro mushaharka macallimiinta, taas oo noqotay culays dhaqaale oo cusub oo niyad-jab ku abuuray macalimiinta iyo goobaha waxbarasho.
Wasaaradda Maaliyada Puntland oo amarkan la wadaagtay dhammaan goobaha waxbarashada ayaa sheegtay inuu dhaqangelayo September isla 2024, iyadoo aan la siin goobaha waxbarasha waqti ku filan oo ay ugu soo fekeraan int iyo qaabka loo bixinayo.
Lacagta canshuurta ah oo lagu soo rogay macallimiinta waxay noqotay arrin dood badan dhalisay, sababtoo ah inta badan macallimiintu waxay qaataan mushahar aad u hooseeya, oo aan ku filnayn baahiyahooda nololeed. Inkasta oo la faray bixinta canshuuutaas, haddana ma jirto wax muuqda oo ay dowladdu ku celiso macallinka, ma jiro caymis caafimaad, guri dowli ah, gunno waxbarasho, tababar iyo xitaa qalab waxbarasho oo casri ah. Taas waxay keentay in macallinku dareemo in dowladda aysan garab taagnayn, balse ay sii kordhisay culayska dhaqaale.
Haddii dowladdu rabto in ay dhisto nidaam waxbarasho oo xooggan, waa in ay fahantaa in macallinka u baahanyahay in la maalgashado, la dhiirrigeliyo, lana ilaaliyo. Lacagta canshuurta waa in aan loo arkin culays lagu kordhiyay macallinka, balse loo arkaa inay tahay fursad lagu dhiso adeegyo uu ka faa’iido. Dowladdu waa inay caddeyso halka ay ku bixi doonto lacagtaas, isla markaana macallimiinta la tuso natiijooyin muuqda sida daryeel caafimaad, fursado tababar, ama gunno sannadle ah oo ka soo noqota lacagta la qaaday.
In la qaado canshuur aan la jaanqaadi karin dakhliga macallinka, waxay dhaawacaysaa xiriirka u dhexeeya dowladda iyo bulshada waxbarashada. Halkii ay dowladda garab u noqon lahayd, waxay noqotay mid culays saarta. Taasi waxay sababi kartaa in macallimiin badani niyad jabaan, tayadii waxbarashada oo awalba liidatay ay hoos u dhacdo. Waa in dowladda Puntland si dhab ah u qiimeysaa xaaladda macallimiinta, ulana timaadaa qorshe cad oo lagu taageerayo koritaanka iyo noloshooda.
Horumarinta macallinka waa in lagu saleeyaa nidaam dowladeed oo waara, kaas oo siinaya mushahar ku filan, tababar joogto ah, iyo taageero maaliyadeed oo muuqata. Cashuurta lagu soo rogay waa in lagu beddelaa nidaam caddaalad ah oo qof kasta lagu cashuuro si waafaqsan dakhliga bilaha ah ee uu helo.
Tayaynta Macallinka
Tayaynta macallinka waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso nidaam waxbarasho oo tayo leh. Macallin aan la tayeyn ma soo saaro arday aqoon iyo karti leh, sidaa darteed horumarinta xirfadaha, aqoonta iyo akhlaaqda macallinka waa maalgashi toos ah oo lagu sameeyo mustaqbalka dalka.
Macallinka tayadiisu sarreyso waa mid leh aqoon qoto dheer, faham guud oo ku saabsan dabeecadda ardayga, iyo awood uu ugu gudbiyo casharka si hal-abuur iyo dhiirrigelin leh. Tayada ma ahan mid hal mar la gaari karo, balse waa geeddi-socod joogto ah oo u baahan tababar, dhiirrigelin, iyo taageero joogto ah oo la siiyo macallinka.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waa inay dejisaa barnaamijyo tababar joogto ah oo diiradda saaraya xirfadaha macallinka, sida maamulka fasalka, isticmaalka tiknoolajiyadda waxbarashada, iyo fahamka hababka casriga ah ee waxbarid-cilmiyeedka. Sidoo kale waa muhiim in la abuuro nidaam dhiirrigelin ah oo lagu abaalmariyo macallimiinta muujiyay hufnaan iyo hal-abuur si ay ugu noqoto dhiirigelin.
Tayada macallinka waxay si toos ah u saamaysaa tayada ardayga. Ardaygu wuxuu noqdaa mid xiiseeya waxbarashada marka uu helo macallin dhiirrigeliya, fahamsan, oo wax ku baraya jacayl iyo kalgacal aqooneed. Laakiin haddii macallinka uu la daalaadhacayo dhibaato dhaqaale ama tababar la’aan, ardaygu ma heli karo hogaamin iyo hanuun sax ah.
Sidaas darteed, tayeynta macallinka waa mas’uuliyad dowladeed oo aan la iska indho tiri karin. Dowladdu waa inay maalgashataa maskaxda macallinka, maadaama uu yahay curiyaha maskaxda ardayda. Marka macallinka la siiyo fursad uu ku kobciyo aqoontiisa, natiijadu waxay noqotaa jiil aqoon iyo karti leh oo hoggaamin kara mustaqbalka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Gabagabo
Waxbarashadu waa aasaaska horumarka, macallinkuna waa udub-dhexaadka aasaaskaas, Taariikhda iyo dhaqanka Islaamku waxay si cad u muujinayaan muhiimadda baraha, isagoo la siiyay darajo sare oo aqooneed iyo mid bulsho. Qaramada horumaray sida Finland, Japan, iyo Singapore waxay caddeeyeen in maalgashiga macallinka uu toos uga turjumayo koboca dhaqaale, tayada bulshada, iyo mustaqbal ifaya oo waara.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda macallimiinta Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan waxay weli la tacaalaysaa caqabado badan sida mushahaar yari, tababar la’aan, agab xaddidan, iyo taageero dowladeed oo liidata. Dhibaatooyinkan waxay si toos ah u saameeyaan tayada waxbarashada iyo horumarka bulshada. Daraasado ay sameeyeen GTEC, UNICEF, World Bank, iyo GPE ayaa muujinaya in tababarrada iyo tayaynta macallinka ay saameyn muuqata ku yeeshaan hufnaanta waxbaridda iyo kobcinta xirfadaha macallimiinta, balse tirada macallimiinta si buuxda u tababaran weli aad bay u yar tahay.
Sidaa darteed, ixtiraamka, ilaalinta xuquuqda, tayaynta xirfadda, dhiirrigelinta, iyo maalgashiga joogtada ah ee macallinka waa lama huraan si loo hubiyo horumar waara. Macallinku wuxuu noqon karaa halyey bulsho iyo furaha dhisidda jiil aqoon leh, hufan, isla markaana ka qayb qaata horumarinta dalka. Ugu daynbayn mustaqbalka aqooneed, dhaqaale, iyo bulsho ee Puntland wuxuu si toos ah ugu xiran yahay sida loo taageero, loo daryeelo, loona horumariyo macallinka.
Talooyin
- Maalgelinta Macallimiinta: Dowladdu iyo goobaha waxbarasho ee gaarka loo leeyahayba waa inay bixiyaan mushahar ku filan oo la jaanqaadaya baahiyaha nolosha macallinka, si loo dhiirrigeliyo shaqadiisa loona kordhiyo tayada waxbarashada. Lacagta cashuurta ah ee la qaado waa in loo beddelaa nidaam caddaalad ah oo laga faa’iidayo adeegyo muuqda sida tababar, caymis caafimaad, iyo qalab waxbarasho oo casri ah.
- Tababarka iyo Tayaynta Joogtada ah: Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adaha kale waa inay dejistaan barnaamijyo tababar joogto ah, gaar ahaan maamulka fasalka, isticmaalka tiknoolajiyadda waxbarashada, iyo hababka casriga ah ee waxbaridda. Barnaamijyadani waa inay la jaanqaadaan baahiyaha ardayda iyo horumarka aqooneed ee macallinka.
- Ixtiraamka iyo Dhiirrigelinta Bulshada: Macallimiinta waa in lagu ixtiraamaa bulshada dhexdeeda, laguna dhiirrigeliyaa doorkooda hagid iyo dhisid bulsho. Ixtiraamkan waa in uu ahaado mid af iyo ficilba ah, isla markaana laga dhowro hadal dhaawacaya sumcadda macallinka.
- Kaalinta Dowladda: Dowladdu waa inay hubisaa in xuquuqda macallinka la dhowro, codkooda la maqlo, isla markaana laga qaybgeliyo go’aanada waxbarashada. Waxa kale oo muhiim ah in la abuuro nidaam taageero maaliyadeed oo muuqda, kaas oo dhiirrigeliya hal-abuurka iyo xirfadda macallinka.
- Kobcinta Tirada Macallimiinta Tayeysan: Hay’adaha GPE, UNICEF, iyo World Bank waa in ay xoojiyaan taageeradooda ku aadan macallimiinta si loo helo macallimiin si buuxda u tababaran, loona hubiyo in dugsiyada Puntland ay helaan macallimiin tayo leh oo waxbarashada ka dhigaya mid miro dhal ah.
- Iskaashiga Hay’adaha Caalamiga ah iyo Dowlada: Hay’adaha caalamiga ah waa inay sii wadaan taageerada tababarka iyo tayaynta macallimiinta, iyadoo si cad loo qeexayo ujeeddooyinka, natiijooyinka la filayo, iyo qiimeynta saameynta waxbarashada.
Qoraaga

- waa Madaxa Waaxda Cilmi-baarista ee Jaamacadda Boosaaso. Sidoo kalena ah bare sare oo leh khibrad ballaaran oo macallinimo. Cabdiraxmaan wuxuu daabacay maqaallo cilmiyeedyo caalami ah, isagoo diiradda saaraya xanuunka (cancer) ka, wacyigelinta talaalka carruurta, iyo iscaabinta bakteeiya samayso oo Soomaaliya ku soo badanaya.











