Dib-u-dhiskii Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya: Xaaladda Hadda, Caqabadaha, Fursadaha, iyo Mudnaanta Siyaasadeed

Hordhac

Xaaladda caafimaadka dalka waxay weli ku jirtaa xaalad adag. Inkastoo 25 sano laga joogo dib-u-dhiskii dowladnimadeenna – laga soo bilaabo xilligii kumeelgaarka ahaa ilaa markii si buuxda laynoo aqoonsaday – haddana hanaanka caafimaadka dalka weli si buuxda sal uma dhigan.

Inkastoo horumar laga sameeyay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dhimista heerka dhimashada haddana isbeddel la taaban karo lagama gaarin xaqiijinta yoolashii waaweeynaa ee caafimaadka ee caalamiga ahaa, gaar ahaan dhimista dhimashada hooyada iyo dhallaanka.

Inta badan yoolashii lagu qoray Qorshihii 1-aad ee Caafimaadka Qaranka (HSSP 2012–2016) lama gaarin, sababo badan dartood. Qormadan, waxaan ku eegi doonaa xaaladda caafimaadka dalka maanta, caqabadaha ugu waaweyn, fursadaha jira, iyo meelaha u baahan in la siiyo mudnaanta siyaasadeed si hanaanka caafimaadka dalka salka loogu dhigo, loona xaqiijiyo gaarista yoolka ugu weyn ee caafimaadka badbaadinta hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee hadda wajahaya halista faraha badan.

Xaalka caafimaadka dalka

Inkastoo Soomaaliya ay samaysay horumar 25-kii sano ee lasoo dhaafay xagga yaraynta heerka dhimashada hooyada iyo dhallaanka, hadana horumarkaas kuma filnaan xaqiijinta yoolashii caafimaadka iyo halbeegyadiiba. Waxaa la qoray siyaasado, istaraatijiyado iyo qorshayaal badan, waxaa la aasaasay hay’adihii caafimaadka ee hoggaaminayay heerarka kala duwan ee dowladnimada, sidoo kale waxaa dalka iyo dibeddiisaba ka soo baxay xirfadlayaal caafimaad oo badan, halka adeegyada caafimaadka aasaasiga ahna sidii hore laga baaahiyay, inkastoo tayadoodu iyo sinnaantooduba ay wali hooseeyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, iyo bahwadaagta caafimaadka waxay 13-kii sano ee la soo dhaafay sameeyeen dadaallo muuqda. Siyaasado iyo qorshayaal badan ayaa la diyaariyey, hase yeeshee badankood lama fulin oo ma aysan soo dhaafin xafiisyada. Nidaamka hay’adaha caafimaadka ee dowliga ah ayaan weli saldhigan, wuxuuna wajahaya isbarbaryaac iyo kala-daadsanaan badan. Sidoo kale, xogta caafimaadka dowladda waxay muujinaysaa in in ka badan 45% bulshada Soomaaliyeed aysan helin adeegga caafimaadka aasaasiga ah, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada fog iyo meelaha aysan dowladdu ka talin.

Heerka dhimashada hooyada iyo dhallaanka ayaa weli ka mid ah kuwa ugu sarreeya caalamka. Cudurro ay ahayd in hore loo xakameeyo ayaa wali si joogta ah u soo laalaabanaya, halka heerka talaalka (penta) carruurta shan sano jirka ah uu weli ka hooseeyo 60%. Ku dhawaad 1.5 milyan oo carruur ah, intooda badan ku nool magaalooyinka waaweyn, ayana weligood ma helin talaal nooca uu doono ha ahaadee.

Tirada shaqaalaha caafimaadka ayaa weli si aad ugu hooseysa dalka. Celcelis ahaan waxay ka hooseeyaan 4.5 dhakhaatiir, kalkaaliyayaal iyo umulisooyinka 10,000 qof kasta, taasoo in badan ka hooseysa halbeeggii ugu yaraa ee WHO (23/10,000) iyo heerka SDG (44.5/10,000). Arrintani waxay caqabad weyn ku tahay bixinta adeegyo caafimaad oo waxtar leh iyo gaarista yoolalka UHC iyo SDG.

Dhanka maalgelinta caafimaadka, dowladda Soomaaliya waxay caafimaadka u qoondeysaa wax ka yar 3% dakhligeeda guud, taasoo aad uga hooseysa heerarka caalamiga ah iyo kuwa Afrika. Adeeg bixinta caafimaadka ayaa si weyn ugu tiirsan jeebka shacabka iyo maalgelinta deeq-bixiyeyaasha, taasoo khatar ku helitaanka adeegyada caafimaadka ee asaasiga ah.  

Dhanka kale, caafmaadka gaarka loo leeyahay ayaa noqday laf-dhabarta adeeg bixinta caafimaadka dalka meelkasta, iyadoo farmasiyo, sheybaarro, iyo cisbitaallo badan ay ka hirgaleen inta badan dalka gobolladiisa. Arrintani waxay ka caawisay bulshada helitaanka adeegyadii caafimaadka aasaasiga ahaa balse waxay sido kale abuurtay caqabado cusub oo ku saabsan in adeegyadaan gaarka loo leeyahay aysan helin nidaamintii dowladnimo ee ku addaneyd hubinta, tayeynta iyo u diyaarinta shuruucda lagu maamulo caafimaadkan gaarka loo leeyahay. Islamarkaa adeegyadaan oo ay bulshado iibsadaan ayaa horseedaya dhaqaalo xumo weyn iyo siyaadinta heerka faqriga.

Caqabadaha ugu waaweyn

Caafimaadka Soomaaliya weli waxa uu wajahaya caqabado culus oo soo jiitamayay in ka badan 25-sano, kuwaasoo saameyn ku yeeshay helitaanka adeegyada caafimaadka aasaasiga ah—taasoo laga dareemi karo tayada, helitaankooda meel kasta oo dalka ah, iyo kalsoonida lagu qabo. Qodobada ugu waaweyn ee hortaagan horumarinta caafimaadka waa:

  • Fahan yari iyo mudnaansiin la’aan horseeday lahaanshihii iyo dowladeyntii caafimaadka oo wali gaabis ah: Waxaa weli aad u hooseeya fahamka ku saabsan in helitaanka adeegga iyo aryeelka caafimaadka asaasiga ah uu yahay xuquuq dastuuri ah iyo mid bani’aadamnimo. Waxa sidoo kale maqan fahamka ah in caafimaad la’aantu ay si toos ah xariir ula leedahay amni xumada, nabad la’aan, badqabka bulshada iyo horumarka dalka dhankasta.

Faham la’aantaasi waxay keentay in caafimaadka dalka uusan helin mudnaan siin ku filan  islamarkaana u ekeysiisay mid aan la laheyn oo baylah ah. Intaa waxaa dheer, caafimaad darrida dhanka dhimirka oo ka dhalatay colaadaha mudada dheer, burburka bulshada, faqriga, abaaraha iyo barakaca ayaa sababay is-aaminaad la’aan, kalsooni darro, cabsi iyo kala shakiga bulshada dhexdeeda, gaar ahaan horumarinta dowladnimada heerarkeeda kala duwan. Waxa wali si fiican madaxda dalku aysan u fahmin in hagaajinta caafimaadka dalka aysan ahayn hagaajinta cisbitaallada iyo xarumaha caafimaadka. Fahamka ku saabsan Daryeelka Caafimaadka Asaasiga, muhiimadiisa iyo mudnaan siintiisa ayaan wali hana qaadin iyo in hannaanka caafimaadka dalka la dhiso iyadoo la adeegsanayo habka iyo hanaanka Daryeelka Caafimaadka Asaasiga ah.

  • Hay’adihii Caafimaadka ee dowladda heerarkeeda kala duwan oo wali tabar daran, walina si fiican u saldhigan: Hay’addii ama xafiiskyadii caafimaadka heerar koooda kala duwan waxaa ka xoog batay shakhsiga madaxda ka ah, waxaa yar ama aan jirin isticmaalka nadaam maamul ama hoggaamineed ee hagi lahaa, toosin lahaa, xakameyn lahaa shaqo kasta oo xafiisyada ka socota, sidoo malena kala jiheyn lahaa madaxda iyo shaqaalaha xafiisyadaad. Arrinkan waxay horseeday in hay’adaha caafimaadka dowliga ah heerarkiisa kala duwan ay noqdaan kuwa taag-daran, is barbaryaac iyo kala daadsanaan badani ay dhexdooda ka jirto, islamarkaana xariirka iyo wada shaqeynta xafiisayada kala duwan ee caafimaadka dalka heerka dhexe, mid dowlad goboleed iyo gobolba uu noqdo mid daciif ah oo aan sal mug leh wali ku fadhiyin.
  • Maaliyadda iyo maalgelinta caafimaadka ee ay dowladdu ku bixiso ayaa aad u hooseysa: Qoondada dhaqaale ee caafimaadka ee dowladda ayaa ka yar 3%, taasoo ka hooseysa 5 jibaar halbeegyadii maalgelinta caafimaadka ee dowladaha Africa isku raaceen 25-sano kahor. Bulshada Soomaaliyeed badankood iyaga ayaa caafimaadka jeebkooda ka iibsada kaasoo horseeday faqrinimo ba’an iyo culays aysan qaadi karin. Badi adeeg bixinta caafimaadka asaasiga ah ee dowliga ah wuxuu ku tiirsanyahay deeq bixiyeyaasha caalamiga ah oo hadda sii yaaraday, meelo badanna soo faarujiyay dhaqaale xumida adduunka ka jirta owgeed.
  • Helista adeegga caafimaadka asaasiga ah: Bulshada Soomaaliyeed in ka badan 40% ma helaan adeegga iyo Daryeelka Caafimaadka Asaasiga ah. Adeegyada caafimaadka ee hadda jira ayaan weli gaarsiisneyn dalka oo dhan gaar ahaan deegaanada, tuulooyinka iyo baadiyaha fog, sidoo kalena aan lahayn tayo iyo tabar adkeysi oo ku filan.
  • Cudurrada faafa iyo xaaladaha degdegga ah: Colaadaha qayb ahaan, abaaraha, barakaca iyo xaaladaha degdegga ah sida macaluusha, daacuunka, jadeecada ayaa si joogta ah u soo laalaabta sidoo kalena marar badan dib u dhigaya horumarka caafimaadka iyo dhismahan hanaankiisa. Sidoo kale, kaabayaasha nadaafadda iyo helitaanka biyaha nadiifka ah waddanka oo dhan ayaa xaaladda sii xumeynaya.

Fursadaha jira

Inkasto ay caqabaduhu yihiin kuwo waaweyn, hadana waxa jira fursado waaweyn oo horseedi kara in hanaanka caafimaadka dalka salka loo dhigo, lana xaqijiyo yoolasha caafimaadka loo dhanyahay iyo gaarista halbeegyada caafimaadka gaar ahaan yareynta heerka dhimashada hooyada iyo dhallaanka, kuwaasoo ay kamidyihiin:

  • Nadaamka federaaleynta dowladnimada dalka: Nadaamkan ayaa haddii si wacan loo isticmaalo horseedi kara in bixinta adeegga caafimaadka uu baylahda ka baxo, noqdana mid hoos loo daadajiyo oo hela masuuliyad yeelata lagulana xisaabtamo.
  • Qaab-dhismeedka Bulshada Soomaaliyeed: Bulshada Soomaaliyeed ayaa waxay u dhisantahay qaab deegaan iyo qabaa’illo. Qaab dhismeedka bulshada Soomaaliyeed waa fursad weyn oo adeegga caafimaadka lagu dhisi karo. Arrinkaan waddamo badan ayaa sameeyay horumarna ka gaaray yaraynta heerka dhimashada dhallaanka iyo hooyada. Waxay u baahantahay wacyiga bulshada iyo deegaanka oo la gaarsiiyo in ay iyagu leeyihiin, maal gashtaan, ilaashadaan islamarkaana kula xisaabtamaan cidkasta oo gacanta ku haysa daryeelka iyo adeegga caafimaadka.
  • Deyn cafintii dalka: Waxay abuurtay jawii ay dowladdu kula falgali karto hay’adaha caalamiga ah ee bixiya dhaqalaha, ku siyaadin karto maalgelinta caafimaadka islamarkaana ku xoojin karto tayada iyo lahaanshaha caafimaadka maadaama dhaqaaluhu marayo nidaamka maaliyadeed ee dalka.
  • Teknooljiyadda iyo isticmaalka aaladaha internetka iyo dhexgalka mobilka ee bulshada: Waa fursad weyn oo aan wali laga faaiideysan oo u baahan nidaamin iyo jiheyn dowladeed iyo in lagu gaarsiiyo caafimaadka meelaha fog, tayadiisa iyo tabartiisana kor loogu qaado.
  • Bahda caafimaadka gaarka loo leeyahay oo diyaarsan: Soomaaliya waxay kamidtahay dalalka ay horumarka weyn ka sameeyeen bahda caafimaadka gaarka loo leeyahay. Balse ma aysan helin dowlad nidaamisa kana faa’iideysata.  Haddii la nidaamiyo bahda caafimaadka gaarka loo leeyahay, wada shaqeyn ku saleysan danta bukaanka caafimaadka dalkana lagu saleeyo waxa imaan karta in si dhaksho ah isbeddel weyn loo sameeyo dhanka xaqiijinta yoolasha caafimaadka loo dhanyahay.

Xalka iyo soojeedimo ku aadan hagaajinta caafimaadka dalka

Si fursadaha looga faa’iideysto, loona badbaadiyo hooyada iyo dhalllaanka sida xad dhaafka ah ugu dhimanaya dalka gudihiisa, waxaan soojeedinayaa:

  • Xoojinta mudnaansiinta caafimaadka: Madaxda dalka heerarkooda kala duwan waa in ay fahmaan haddii aysan iyagu caafimaadka siin mudnaanta uu leeyahay in aysan jirin cid kale oo siineysa mudnaantaas ama ku bixineysaa dhaqaale ajnabi. Madaxdu waa in ay fulisaa balanqaadka dastuuriga ah ee ku aadan helista caafimaadka asaasiga ah, isla markaana u aragta in arrinkani yahay waajib saaran dowladda. Madaxdu waa in ay fahantaa in bulsho caafimaad qabta oo keliya ay dalkeeda horumarin karto dhankasta, islamarkaana hagaajinta iyo helista daryeelka caafimaadku uu si toos ah uga qayb qaadanayo hagaajinta aminga iyo xaslininta Dalka.  
  • Dhismaha hay’adaha caafimaadka dowliga ah iyo hanaankii caafimaadka dalka: Waa in sidoo kale mudnaan ku filan la siiyaa dhismaha hay’adaha caafimaadka dalka si ay u noqdaan kuwa bixin kara adeegyada bulshadu u baahantahay. Dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo hannaanka caafimaadka dalka waa in lagu saleeyaa oo loo maraa habka iyo hanaanka Daryeelka Caafimaadka Asaasiga ah. Wa in hay’aduhu ay ka weynaadan shakhsiyaadka hoggaaminaya islamarkaana madaxda kala duwan ee hay’adaha caafimaadka lagu xulaa karti, xirfad iyo aqoon ee aan lagu saleyn habka 4.5 ee siyaasadda iyo waxa lamidka ah. Madaxdu waa in ay iyagu tusaale iyo hormuud u noqdaan hagaajinta caafimaadka dalka iyo gaar ahaan yagleelidda yoolka caafimaadka loo dhanyahay iyo Daryeelka Caafimaadka Asaasiga ahba.
  • Nadaaminta adeeg bixinta caafimaadka: Waa in laga guuraa qaabka adeeg bixintii hore ee caafimaadka asaasiga ahaa ee ku salaysnayd xarunta caafimaad oo loo guuraa hanaanka daryeelka cafimaadka asaasiga ah ee xoogga saaray Bulshada dhexdeeda iyo kan xarumaha oo isku xiran. Waa in Daryeelka Caafimaadka Asaasiga ah uu noqdaa habka rasmiga ah ee loo marayo dhismaha hannaanka caafimaadka dalka iyo sidoo kale bixinta adeegyada caafimaadka ee asaasiga ah.
  • Xalka maalgelinta caafimaadka dalka: Dowladdu waa in ay eegtaa wadamada dibada iyo hababka la soo tijaabiyay ee lagu xalliyo dhibbaatada maalgelinta caafimaadka dalkeena. Dowladda iyo bahwadaagteedu waa in ay hirgeliyaan maalgelinta caafimaadka ee ku dhisan caymiska bulshada kasoo si wacan loo waafajin karo qaab dhismeedka bulshada Soomaaliyeed iyo deegaannadooda. Waa in si dhakhso ah looga guuraa caafimaadka ku xiran deeq-bixiye iyo kan gaarka loo leeyahay o keliya.
  • Hagaajinta caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo hirgelinta barnaamijka isku dhafan ee dowladda, bulshada iyo bahda caafimaadka gaar ka ah: Dowladdu waa in ay si dhakhso ah u dejiso una hirgeliso dhammaan nidaamyadii, shuruucdii iyo habraacyadii lagu maarayn lahaa caafimaadka gaar ka loo leeyahay islamarkaana hirgelisaa nadaamka isku dhafan ee ay ku wada shaqayn karaan dowladda, bulshada iyo caafimaadka gaarka loo leeyahay.

Gunaanad

Xaalka caafimaadka Soomaaliya wuxuu taagan yahay isgoys. Wuxuu u baahanyahay faham iyo mudnaansiin ka badan inta hadda jirta. Madaxdu waa in ay fahantaa in helista adeegga caafimaadka asaasiga ah uu yahay xuquuq dastuuri ah iyo mid bani’aadamnimo, waana in qof kasta oo Soomaali ah, meel kasta oo uu joogo, uu helaa daryeel iyo adeegga caafimaad asaasiga ah oo tayo leh.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la fahmo in caafimaad darrida ay saamayn toos ah ku leedahay sugidda nabadda iyo xasillinta dalka. Waxa loo baahanyahay hoggaamin isbeddel oo dhammaystiran (transformative leadership) oo horseedi karta isbeddel dhab ah, gaar ahaan yagleelidda hay’adaha iyo hannaanka caafimaadka dalka,  dib u qaabeynta hannaanka caafimaadka iyo waafajinta Hannaanka Daryeelka Caafimaadka Asaasiga(PHC approach), maareynta xaaladda cakiran ee maalgelinta caafimaadka iyo diyaarinta qaabab cusub ee kobcinta dhaqaalaha caafimaadka ee gudaha.

Sidoo kale, waa in la heli habab iyo qaabab cusub oo ka duwan kuwii hore oo lagu bixinayo laguna baahinayo adeegga caafimaadka asaasiga ah sida qaabka ku dhisan wadashaqeynta bulshada, dowladda iyo caafimaadka gaarka ah, kuwaas oo ku salaysan shuruuc cad, nidaam hubinaya tayada, isla markaana ilaalinaya bukaanka taagta daran.

Xigasho

  • Federal Ministry of Health, Somalia (2022). Health Sector Strategic Plan III .
  • WHO (2023). Somalia Country Cooperation Strategy..
  • World Bank (2022). Somalia Health Sector Public Expenditure Review.
  • African Development Bank (2023). Somalia Debt Relief and Financing Outlook.
Qoraaga
Marag Magazine

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link