Dib-u-habeynta jaamacadaha iyo soo saaridda Hoggaamiyeyaasha Mustaqbalka
Hordhac
Hoolasha iyo fasalada jaamacadaha dhallinyaradu waxay si xiiso leh uga doodaan isbedelka siyaasada, dhaqaalaha iyo waxsoosaarka aqooneed ee waddanka. Codkoodu waa mid firfircoon aadna u dheer, fikradahoodu waa cusub yihiin, rajadooduna waa mid fog.
Su’aasha mugta wayn ee u baahan jawaabta ayaa ah: Shahaadooyinkooda iyo waxbarashada jaamacadeed ee ay ku bixiyeen waqtiga dheer, ma noqon doonaan kuwa albaabbada u fura in ay qayb wax ku ool ah ka noqdaan isbedel aqooneed, dhaqaale iyo siyaasadeed, mise waa kuwa ku abuura rajo beel iyo niyad jab baahsan?
Su’aashaani waxay tooshka ku ifinaysaa dhibaatada qarsoon ee haysata waxbarashada sare ee Soomaaliya. Sanad kasta, kumannaan arday ah ayaa ka soo qalin jabiya jaamacado ku kala yaal daafaha dalka. Dhammaan ardadaasi waa kuwo shakhsiayad/qof ahaan ahaan rajo leh, karti iyo dadnimo leh, kuna haminaaya inay noqdaan hogaamiyeyaasha berri. Waxa aad u badan ardada qaar gala suuqa shaqada oo aan kalsooni ku qabin aqoontooda, xirafadahooda una diyaarsanayn in ay la falgalaan suuqa shaqada. Shaqo-bixiyaasha (Employers) kalsooni kuma qabaan xirfaddooda (Skills), aqoontooda (Subject), iyo kartidooda. Haddii Soomaaliya ay rabto cudud waxsoosaar ku hubaysan aqoon iyo harti, haddii aan rabno in aan helno hoggaamiyeyaal dhab ah oo mustaqbal leh, waa in si dhab ah aan uga hawlgalnaa dib-u-habeynta waxbarashada sare maanta, oo aan la sugin berri. Ogow, hoggaamintu ma ahan in qofku xafiis ama meel madax ka noqdo. Hoggaamintu waa in qofku leeyahay saamayn dhab ah oo bulshada iyo mustaqbalka waddanka lagu yeesho raad la taaban karo dhinac kasta.
Hoggaamin La’aanta iyo Hoolasha Jaamacadaha
Caqabadda ugu wayn ee ina hortaal ama aan wajahayno mustaqbalka dhow ama fog ma aha oo kaliya dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, ama xasilinta amniga. Caqabada ugu wayn ee ina haysataa waa firaaqa hogaamineed oo ka jirta heer walba ee bulshada, laga bilaabo maamulka dowladaha hoose, ilaa dowladda dhexe, ganacsiga, waxbarashada, iyo bulshada rayidka ah.
Mashaakilka maanta ka muuqda nidaamka dowladnimada sida musuqmaasuqa, adeegga dadweynaha oo liita, qabyaaladda siyaasadeed, iyo la’aanta isla xisaabtanka, dhamaantood waa cillado ka dhashay khalad ballaaran oo ah dhanka hoggaaminta. Hoggaaminta suuban waxay ka bilaabataa aqoon, anshax, iyo fikrad furan, kuwaas oo lagu barbaarin karo oo keliya gudaha mu’asasaadka waxbarashada, gaar ahaan waxbarashada sare (jaamacadaha).
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo jaamacadaha Soomaaliyeed ay tiro ahaan aad kor ugu kacaeen 20-kii sano ee u dambaysay, tayadoodu waa liidataa, lama xakameeyo (unregulated), lamana saanqaadaan hiigsiyada heer qaran. Hoggaamin la’aanta dhabta ah waxay ka bilaabataa hoolka iyo fasalada jaamacadaha iyo goobaha waxbarashada inta aysan u gudbin bulshada iyo hay’adaha dowladda.
Ballan Ka Bax: Maxaa Ka Khaldan Waxbarashada Sare?
Tan iyo burburkii dowladda dhexe sanadkii 1991, waxbarashada sare ee Soomaaliya waxaa dib u bilaabay dadaallo gaar ah, badankoodana ay hirgeliyeen dad rayid ah oo si gaar ah isu xilqaamay iyo ururro gaar loo leeyahay. Inkastoo arrintaasi ay muujinayso hal-abuurnimo bulsho, haddana waxay sidoo kale dhalisay ama waddada u xaartay nidaam jaamacadeed oo aan nidaamsanayn, ama aan lahayn tayadii waxbarashada sare ee lagu naaloonayey. Shaki ma leh in jaamacadaha qaarkood bixiyaan waxbarasho soo saartay dad leh karti, qayb lixaadna ka qaatay dib u dhiska waddanka una baahan in la bogaadiyo. Haddana waxaa aad u badan kuwa kale oo la il daran tayo iyo hoggaan xumo aad u baahsan.
Caqabadaha ugu waaweyn ee horyaal waxbarashada sare waxaa ka mid ah:
- La’aanta nidaam tayo sugid iyo aqoonsi jaamacadeed: Jaamacado badan waxay ku shaqeeyaan iyadoo aanay jirin hay’ad rasmi ah oo hubisa tayada manhajka, macallimiinta, ama natiijada ardayda.
- Kaabeyaasha waxbarasho oo liita iyo tababar la’aanta macallimiinta: Qalab la’aan, maqal iyo muuqaal xumo, kutub la’aan, xilli macallimiin badan ay casharro badan isku mar dhigaan ama aysan lahayn aqoon iyo khibrad durugsan oo ku habboon mowduucyada ay dhigayaan.
- Xiriir la’aanta suuqa shaqada: Shahaadooyin badan kuma habboona baahida suuqyada shaqo ee dhabta ah, gaar ahaan dhanka caafimaadka, tiknoolojiyadda, injineernimada, iyo maamulka ganacsiga.
- Maamul xumo iyo anshax la’aan: Jaamacado badan waxay u shaqeeyaan si ganacsi uun ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen xarumo aqoon iyo hanuun. Hab-raacyada ardayda lagu qaato, lagu qiimeeyo, ama lagu qalinjabiyo ayaa mararka qaar aan lahayn daahfurnaan iyo isla xisaabtan.
Muuqaalkaas xaaladda waxbarashada sare ee waddanka waa mid qof kasta murugo gelinaysa xilli aynu ugu baahi badan nahay in la helo maskax furan, aqoon la isku hubo iyo karti qofeed oo dib u dhista burbur socday muddo ka badan 30 sano. Waddanku wuxuu u baahan yahay injineerro, dhakhaatiir, macallimiin, iyo siyaasiyiin hoggaamin kara isbeddel dhab ah, dib u qaabayna ku samayn kara mustaqbalka jiilka soo socda. Su’aasha muhiimka ah waa: jaamacadaheennu ma soo saari karaan hoggaamiyeyaasha aan u baahanahay? Muxuu ahaa ujeedooyinka loo yagleelay waxbarashada sare iyo jaamacadaha? Meeday ballantii ahayd in la soo saaro jiil cusub oo ku qalabaysan aqoon iyo karti horseedi karta isbedel wax ku ool ah? Yaa ballanta ka baxay?
Himilo Cusub: Jaamacadaha Iyo Carbinta Hogaaminta
Si loola dagaallamo jahwareerka jira, loona beddelo sawirka aan qurxoonayn ee hadda jira, waa in dib loo qaabeeyaa jaamacadaha iyo guud ahaan waxbarashada sare si ay u noqdaan xarumo lagu dhiso, laguna carbiyo hogaamiyeyaal (Leadership Laboratories) leh karti, mas’uuliyad, aqoon, qiyam diineed/bulsho iyo aragti fog.
Si loo suurtageliyo ujeedkaan waxaan u baahanahay in wax laga qabto saddex arrimood:
- Aqoonsiga iyo Hubinta Tayada (Quality Assurance and Accreditation Reform)
Guddiyada Sare ee Waxbarashada (Higher Education Committes) ee heer Qaran iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Federal-ka waa in la siiyo awood buuxda, mid sharciyeed iyo mid dhaqaale madax banaan, si ay u sameeyaan kormeero wax ku ool ah iyo qiimeeyno, tayeyn kara jaamacadaha. Waxaa loo baahan yahay in la dejiyo halbeegyo la isku raacsan yahay oo ku saabsan:
- Aqoonta iyo heerka macallimiinta
- Hubinta tayada manhajka iyo maadooyinka la dhigayo
- La jaanqaadidda manhajka iyo baahida suuqyada shaqada
- Natiijooyinka la rabo in ardaydu gaaraan
- Kaalinta cilmi-baarista iyo adeega bulshada
- La shaqeynta ururrada jaamacadaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka sida East African Qualifications Framework
Haddii lagu guulaysto in la hirgeliyo ama horumar la taaban karo laga gaaro qodobbada kor ku xusan ee khuseeya hubinta tayada iyo aqoonsiga waxbarashada sare waxay xoojin kartaa kalsoonida gudaha iyo dibedda, waxayna soo saari karaan hoggaamiyaashii loo baahnaa.
- Maalgashiga Macallimiinta iyo Manhajka Waxbarashada (Investing in Faculty & Curriculum)
Si kor loogu qaado tayada iyo kartida waxbarashada sare iyo waxsoosaarka jaamacadaha, waa in si istiraatiiji ah loogu maalgeliyo barnaamijta soo socda:
- Barnaamijyada sare ee lagu tababarayo macallimiinta heer jaamacadeed iyo iskaashi dhab ah oo lala yeesho hay’adaha aqoonyahannada dibedda (Professional Bodies)
- Manhaj casri ah oo diiradda saara fikirka toolmoon (Critical Thinking), xirfadaha xallinta dhibaatooyinka (Problem-Solving), anshaxa iyo qiyamka (Ethics and Values), cilmi-baarista (Research), iyo hoggaaminta (Leadership)
- Ku darista waxbarashada muwaadinnimada (Civil Education and Life Skills), hal-abuurnimada, iyo ganacsiga (Creativity, Entrepreneurship)
Jiilka cusub waa in lagu qalabeeyaa aqoon iyo karti la jaanqaadi karta isbeddelka aqooneed, tiknoolayajiyadeed, iyo horumarinta bulshada.
- Iskaashiga Jaamacadaha iyo Ganacsiyada (Business-Universities Collaboration)
Waxaa muhiim ah in la abuuro lana kobciyo xiriirka jaamacadaha iyo suuqa shaqada, isla markaasna la dhiirigeliyo isku xirnaantooda iyo wadashaqayntooda joogtada ah si jaamacaduhu u soo saaraan cudud-waxsoosaar (Labour force) ku qalabaysan aqoontii iyo karti looga baahnaa suuqa shaqada iyo hal-abuurka ganacsiyo cusub. Isku xirnaantaani waxay lagu suurtagelin in la fuliyo arrimaha soo socda:
- Fulinta barnaamijyo tababar shaqo iyo xirfadeed (internship and apprenticeship programs) ardayda lagu baro xirfado iyo aqoon toos ah ee ay u baahan tahay suuqa shaqada. Waa in ardaygu inta uusan dhammayn jaamacadda loo suurta geliyo in lagu meeleeyo goobaha shaqada la xiriira aqoonta iyo maadada uu baranayo si uu u kasbado khibradii ku habboonayd suuqa shaqada inta uusan qalin jebin ka hor.
- Abuuridda guddi wada-tashi ah oo ka kooban jaamacadaha iyo shirkadaha (university-industry advisory boards) oo si joogta ah uga talo bixiya xirfadaha iyo aqoonta ku habboon suuqa shaqada oo suurtagalinaya in la helo jiil cusub oo leh aqoontii iyo kartidii (Knowledge, Skills and Competencies) looga baahnaa suuqa shaqada.
- Abuuridda manhajyo ay diyaarintooda qayb ka yihiin ganacsatada iyo hay’adaha dowladda kala duwan oo kor loogu qaadayo tayada aqooneed, hab-fakar, hoggaamin iyo hal-abuur ee ardada inta aysan dhammayn waxbarashada sare ka hor.
Wax ka qabadka iyo iska-kaashiga saddexda dhinac ee kor ku xusan, waxay suurtagelinaysaa isla markaasna hubinaysaa in ardaygu uu haysto xirfado la taaban karo iyo fursado shaqo oo u dhigma uuna yeesho kartidii hoggaamineed ee uu ku yeelan lahaa hortabintii iyo hankii horumarineed ee loo baahnaa. Waxa kale oo ay kor ugu qaadaysaa tayada iyo kartida jamaacadaha iyo guud ahaan waxbarashada sare.
Sheekooyinka Dahsoon: Jiil Sugaya Koboc
Ka warran Aamina oo ah gabar ku dhammaysatay maamulka dadweynaha (Public Administration) magaalada Garoowe. Inkastoo ay ahayd ardayad wax u baratay si heer sare ah, leh aqoon iyo karti qofeed, haddana muddo laba sano ah la il darayd shaqo la’aan. Sababta ugu wayn ee loo aanayn karo shaqo la’aanteeda waa in shahaadadeedu aanay aqbalayn hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee deegaanka ka shaqeeya kalsooni darro lagu qabo jaamacadaha iyo waxbarashada sare ee dalka darteed!
Ka warran Cabdiraxmaan, wiil ka qalin jabiyay machad IT ah oo ku yaal Galkacyo oo shahaadadiisa uusan ku heli karin shaqo dowladeed ama hay’ad samafal, kuna furan karin ganacsi ama aqoon sida loo sameeyo hal-abuur.
Sheekooyinkani waa kuwo ay ka buuxdo dalka oo dhan, yar iyo waayeelka isla dhexmaraan. Haddii aysan wax iska beddelin, niyad-jabka jiilkan waxaa laga yaabaa inuu isu rogo caqabad kale oo xasiloonida dalka ku timaada. Shaqo la’aanta baahsan, tayo xumida hay’adaha waxbarashada sare iyo qorsho xumada dowladeed waxay qayb wayn ka yihiin ama loo aanayn karaa tahriibka iyo dayaca baahsan ee haysta dhallin yarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Gunaanad: Iftiiminta Rajo-Wanaagga iyo Fursadaha
Waxbarashada sare ee Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Dowladda Puntland, waxay taagan tahay isgoys taariikhi ah. Is-goyskaas, waddo ka mid ah waxay inoo horseedi kartaa jaahwareer hor leh, kalsooni-darro sii baahda, fursad lumis iyo wadciga hadda jira oo ka sii dara. Waddo kale waxay ina ku hayaamin kartaa isbeddel la taaban karo iyo in la xaqiijiyo aragti ay ku dheehan tahay geesinimo (Bold vison): in jaamacadaha iyo waxbarashada sare noqdaan dhabbaha runta ah ee lagu xaqiijin karo hoggaanka suuban, garashada fog, iyo kartida ku dhisan qiyamka iyo daacadnimada.
Arrintani maaha mid akadeemiya keliya, waa arrin taabanaysa amniga qaranka (National security), dhaqaalaha (Economic), iyo anshaxeed iyo qiyamka (Morale & Values).
Haddii aan dhab ahaantii rabno dhakhaatiir aan musuq lahayn, macallimiin dhiirrigeliya ardayda, injineerro dhisa buundooyin sugan, iyo wasiirro hufan oo leh aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed oo wax dhisa, waa in aan toosinno jidka iyo tayada jaamacadaha iyo waxbarashada sare.
Mustaqbalka dhow, dalka iyo dadkaba waxaa hogaamin doona ardayda maanta qalin jabisay. Su’aashu waxay tahay: Maxaan u diyaarinaynaa inay noqdaan?
Talo Soojeedin:
- Waa in aan xoojinaa awoodda iyo miisaaniyadda Guddiyada Tacliinta Sare si ay u hirgeliyaan tayaynta iyo hufnaanta jaamacadaha.
- Waa in loo qoondeeyo ugu yaraan 15% miisaaniyadda waxbarashada dib-u-habeynta waxbarashada sare. 20 sano ee u dambaysay waxaa xoogga la saarayay helidda iyo wax ka qabadka waxbarashada hoose (Primary and Secondary Education). Waxaa la garay xilligii loo soo jeensan lahaa waxbarashada sare iyo hoggaamiyayaasha berrito.
- Waa in la aasaaso akadeemiyado qaran oo lagu tababaro hoggaamiyeyaal jiilka cusub.
- Waa in lala xiriiro isu-tagyada aqoonyahannada (Professional Bodies) si loo dhiso tayada macallimiinta iyo manhajyada waxbarashada sare.
- Waa in mudnaanta la siiyo tayada, intii xoogga la saari lahaa tirada (Quality over quantity). Waxaa inagu filan dhowr jaamacadood oo tayo leh halkii aan ka samayn lahayn boqollaal aan la hubin kartida iyo aqoonta ardada ay soo saarayaan.
Gebo-gabadii, yaynaan lumin kartida, daaqada/tamarta iyo hammiga dhallinyarada iyo jiilka soo koraya. Aynu u abuurno waxbarasho sare iyo jaamacado aan ku ekaan in ay wax u dhigaan keliya ee kor u qaada aragtidooda, kartidooda, karaankooda iyo xirfaddooda hoggamineed si ay inoogu hoggaamiyaan mustaqbal aynu ku naaloono kuna faanno.
Dr. Maxamuud C/Raxmaan Maxamuud, PhD
Email: m.a.mohamoud@gmail.com