Gobolka Mudug waa mid ka mid ah goobaha ugu dadka badan guud ahaan gayiga Soomaaliyeed. Waxa uuna ku jiraa gobollada dhaca bartamaha Soomaaliya. Gobolku, waxa uu haystaa fursado dhowr ah oo ay ka mid yihiin; meesha uu kuyaalo oo goob istiraatiiji ah, tirada dadkiisa oo badan, iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay dekedda Garacad ka mid tahay. Iyadoo oo ay fursadahaas jiraan haddana waxa uu gobolku gaar la yahay dib-u-dhac iyo daannooyin daashaday oo uu muddo la daalaadhacayey. Waxaana ka mid ah:
- Aanooyinka qabiilka: Beelaha gobolka ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku jiray is-aanaysi gaaray heerkii ugu sarreeyey. Waxaa la dilay ganacsato, dhallinyaro ayaa la beegsaday, dhakhaatiir lama dayn, aqoon-yahan kale na warkiis daa!
- Dhibaatada maandooriyaha: Gobolku waxa uu ka mid yahay meelaha ay khamradu faraha ba’an ku hayso. cilmibaaris lagu soo bandhigay shirkii horumarinta gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in 9 isku dhac qabiil oo ka dhacay Gaalkacyo saddex ka mid ah ay sababeen cabtooy is laysay.
- Hormar la’aan: dhanka horumarka; Mudug waxa uu ka mid yahay gobollada ugu hooseeya Puntland. Dhanka kalana si guud warbixin ay daabacday hay’ada Tirakoobka Qaranka ayaa lagu sheegay in gobolka Mudug yahay kan afraad ee ugu nolol liita Soomaaliya oo dhan.
Maxaa ka dhashay dhibaatooyinka kore?
- Haldoorkii oo gobolka ka haajiray: in badan oo ka mid ah dadkii wax-soosaarka lahaa ee gobolka ayaa naftooda kala baxsaday iyaga oo raadinaya goobo kale oo ay gabbaad ka dhigtaan.
- Hoos u dhac dhaqaale: dhaqaalaha gobolka ayaa aad hoos ugu dhacay sannadihii ugu dambeeyey. Inta badan shirkadaha ganacsiga gobolka ayaa khasaaro qarka u saaran. Shirkad walbaana waxa ay si cad kuugu sheegaysaa in ay ku jirto waayeheedii ugu xumaa.
- Sumcaddii oo dhimatay: magicii iyo maqaamkii gobolka ayaa aad hoos ugu dhacay taas oo loo sababeeyey dhibaatooyinkii uu ku jiray sannadihii ugu dambeeyey.
- Hab-fikirkii bulshada oo is beddelay: kala fogaanshaha reeraha iyo colaadaha ayaa sabab u noqday in uu meesha ka baxo wadaaggii iyo wax wada lahaanshihii, bulshaduna sii kala fogaato qof walbaana danta reerkiisa ka fekero.
Bilowgii Baraarugga Bulshada
Bishii shannaad ee sannadkan 2025 ayaa bulshada gobolka oo ay dhallinyaradu hormuud u yihiin bilowday kacdoon ay ku dalbanayaan in wax laga qabto duruufaha deegaanka daashaday. Arrimaha ay codsanayeenna waxaa ugu waaweynaa: dhismaha Jidka Gaalkacyo-Xarfo, biyo-saarka Gaalkacyo, garoonka diyaaradaha oo qarka u saaran in uu xirmo iyo xaaladda amniga oo ay aanada qabiilka ugu horrayso.
Markii ay bulshadu muddo wadday qeylo-dhaantaas weydayna cid u jawaabta, ayaa ay ku baaqeen isu-soo-bax ujeedkiisu ahaa in si guud dareenkaas loo muujiyo.
Markaas ayaa la bilaabay in dacaayado lagu furo dhallinyaradii hormuudka u ahayd baraaruggaas. Qeyb xabsiga ayaa loo taxaabay, kuwo waxaa loogu hanjabay in ay mar xabsiga soo arki doonaan, kuwo kale ayaa inta kaararkooda gacanta la baartay la faafiyey in ay lacago soo qaateen.
Dhammaan isku-dayadaasi ma noqon kuwa hor istaaga hadafkii guud iyo hormuudkii baraarugga oo hammigoodu ahaa hagaajinta iyo u qareemidda danta deegaankooda.
Waxaa xusid mudan in duruufihii deegaanka dowladdu ka jawaabtay jidka Gaalkacyo-Xarfo oo kaliya ayna sheegtay in ay dhisi doonto iyada oo aan weli meel lagu sheegin deeqdii beesha caalamku jidkaas ugu talo-gashay, gaar ahaana mashruuc Bankiga Horumarinta Afrika oo 67-km oo jidkaas ah loogu talogalay in lagu dhiso.
Guuxa ka imaanayey gunta hoose ee gobolka ayaa gaaray gees walba oo dunida guudkeeda ku yaal. Waxaana bilowday abaabul lagu qorshaynayo in la isku xiro dhammaan bulshada gobolka dal iyo dibad-ba. Ugu dambeynna, waxaa la isku raacay ku dhawaaqidda shir loogu wan-qalay: “Shirka Hormarinta Gobolka Mudug”.
Maxaa Xigay?
Mar kale waa tan dowladdii oo uleheeda iyo ud-beheeda wadata. Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa noqday masuulkii ugu horreeyey oo si cad u sheega in aan la oggolaan doonin shir aan fasax looga haysan, huteelkii lagu qabtaana uu u aayi doono. Guddoomiyaha gobolka Faysal Sheekh Cali Jifi-jabsade ayaa isna meel walba la istaagay in shirka Xamar laga soo abaabulay, uuna yahay mid Puntland lagu duminayo.
Waxaa soo dhawaaday xilligii shirka, waxaana soo dhoofay: Siyaasiyiin, aqoon-yahan iyo ganacsato waaweyn oo adduunka ka kala yimid. Waxaa xusid mudan in maalinkii imaatinkooda garoonka diyaaradaha laga macnuucay in xitaa taleefoon sawir lagu qaado iska daa wariye muuqaal duubee!
La isu yimid, si loo sii ambaqaado shaqadii shirka, waxaana la soo bandhigay ajande muddo bil ka badan laga shaqaynayey oo ay ugu horreeyeen: Amniga iyo Caddaaladda, Horumarka gobolka, Matalaadda gobolka, iyo Isla xisaabtan. Waxaana qornaa oo diyaarsanaa in shirku u bato: Cilmi-baarisyo iyo dood-cilmiyeedyo la xiriira ajandayaasha kore.
Maxaaba nagu watay “Caddaalad, Matalaad iyo Isla xisaabtan”!
Waxaa magaalada yimid wasiirradii iyo xildhibaannadii gobolka. Waxaana wada fariistay dowladda oo garab ah iyo guddigii shirka, waxa ayna dowladdii soo jeedisay in shirka ajandihiisa iyo hagiddiisa iyada looga dambeeyo. Waase laga biyo diiday. Ugu dambeyn waxaa soo galay odayaal dhaqameed bal si ay arrinta u xalliyaan. Waxa ayna go’aamiyeen in shirka loo magacaabo guddi cusub oo isugu jira: odayaasha dhaqanka, dowladda iyo guddigii hore. Arrintaasu ma noqon mid u cuntanta guddigii muddada dheer shirka soo waday waxa ayna dheheen: “Dowladda iyo odayaashu haddii ay shir qabanayaan horay bay u qaban lahaayeene, shirkaas ama ha la diido ama la oggolaado, annagu se kama shaqayn karno shir hadda kow laga bilaabayo”! Waana la kala kacay!
Marka kale ayaa loo baahday cid isu soo jiidda dowladda iyo guddigii shirka. Waxaana doorkooda qaatay Guddiga hormarinta degmada Gaalkacyo. Dadaal dheer ka dibna waa la is hor fariistay. Waxaana shaqo laga bilaabay anajdihii. In la akhriyo ayaa la gudo-galay. Meel kasta oo lagu arkay “Matalaad, isla xisaabtan, caddaalad, garsoor iyo amni aan aano-qabiil ahayn iyo xitaa eray kasta oo dowlad la xiriira” qalin cas ayaa la mariyey (waa la tirtiray).
Odayaashii hormuudka ka ahaa qaban-qaabada shirku waxa ay qoreen taariikh aysan illaawi doonin, waxa ay joogeen maalmo dhowr ah oo geed dheer iyo mid gaaban loo fuulay sidii gacanta looga dhigi lahaa shir ay muddo soo wadeen. Nin ganacsade aan horay u imaan Gaalkacyo laakiin dareenka bulshadu soo jiiday kana mid ahaa wafdiga yimid ayaan ka qoray hadal nuxurkiisu ahaa: “Dowladnimadiinnu ma saanaa, ma imaadeen meeshaan haddii aan ogahay!” Maalmo kale ayey qaadatay in la isla gaaro in ugu dambeyn la isla oggolaado in shirku dhaco ayada oo la wada socdo dowlad iyo guddiba. Waana sidii dowladdu rabtay!
Maxaa soo baxay?
Shirkii loogu talo-galay in uu socdo saddex maalmood oo xiriir ah oo dhammaystrin, lagana filayey in lagu soo bandhigo in ka badan 10 daraasadood, iyo 6 dood-cilmiyeed, waxa uu isugu biyo-shubtay maalin iyo bar kaliya. Marka laga reebo hal saac waqti aan dhammayn oo lagu soo banddhigay saddex daraasadood inta kale waxaa socday khudbado sidii Soomaali caadada u ahayd!
Ugu dambeyntiina waxaa soo baxay war-murtiyeed la wada qoray lagana ilaaliyey wax kasta oo ay dowladdu ka didayso laguna koobay mahadcelin, aan shaqaynno, guddi aan qabanno iyo shirku sannad walba ha inoo dhaco.
Reer Gaalkacyood se, waxa ay guul u arkayeen in shir magaalada ka dhaco, dib loogu soo laabto, laguna ballamo in shirku joogto noqdo. “Waa intaas oo looga sii dhawaadaa” ayaa ay isku waraysatay bulshadu.
Gunaanad:
Shirkaasu waxa uu daaha ka qaaday sida aysan masuuliyiintii matalaysay dowladda Puntland marna raalli uga ahayn in bulshadu shiri karto iyaga oo aan shirkooda dowladdu hagin, u yeerin waxa la dhahayo, baarin cidda ka qeyb-galaysa, soona saarin waxa soo baxaya! Waana arrin ka soo horjeedda xorriyadda iyo xaqa dastuurkeennu siinayo bulshada sida ku cad qodobka 14-aad ee dastuurka dowladda Puntland oo ugu yaraan qof kasta xaq u siinaya in uu fikirkiisa dhiiban karo faaf-reeb la’aan.
Arrintaas ayaa niyad-jab weyn ku noqtay dadkii gobolka dantiisa ka shaqayn lahaa dibna ugu soo laaban lahaa si ay maalkooda iyo muruqooda u geliyaan. Haddaba, si arrimahaas looga baaqsado:
- Dowladdu waa in ay ka jawaabtaa tabashooyinka bulshada waxna laga qabtaa baahiyaha ay ka cabanayaan.
- Waa in aan dadka laga hor-istaagin xaqa uu dastuurku siiyey loona oggolaado in ay horumarka deegaankooda ka shiri karaan si ay wax uga qabtaan.
- Waa in masuuliyiinta dowladdu aysan dadka iyo dowladda kala fogayn, dadkana loo tusin in dowladdu tahay mid u dhaqanta sidii dowlad kaligii talis ah, sida ka muuqatay hab-dhaqanka masuuliyintii Gaalkacyo loo soo diray.
Bashiir Suulay