Ka Qaybgalka Gabdhaha Caafimaadka Bartay ee Kuraasta Go’aaminta

Hordhac

Dalka kasta oo horumarsan wuxuu ku dhisan yahay adeegyo bulsho oo tayo leh, gaar ahaan adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka hase ahaate dalka Soomaaliya waxa uu wajahayaa caqabado badan oo dhinaca horumarka ah, gaar ahaan dhanka caafimaadka. Kahor intaan la gaarin horumar la taaban karo waxaa lama huraan ah in la fahmo kaalinta ay haweenka, gaar ahaan gabdhaha caafimaadka bartay, ku leeyihiin hagaajinta adeegyada bulshada.

Gabdhaha Soomaaliyeed ee xirfadda caafimaadka leh waxay door muhiim ah ka ciyaaraan samatabixinta bulshada, gaar ahaan xilliyada dhibaatooyinka sida colaadaha, abaaraha iwm. Balse si kastaba ha ahaatee, doorkooda waa uu xaddidan yahay marka ay timaado go’aamada sare ee siyaasadda iyo maamulka hay’adaha caafimaadka. Maqaalkan wuxuu falanqeynayaa muhiimadda gabdhaha caafimaadka bartay ay u leeyihin ka qaybgalka ama ka qayb qadashada go’aamada sarsare.

Sida aan ognahay gabdhaha caafimaadka bartay waxay buuxiyeen baahi weyn oo dhinaca shaqaalaha caafimaadka ah, iyagoo ah laf-dhabarka isbitaallada, rugaha caafimaad, iyo xarumaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka. Waxay ku sugan yihiin meelaha ugu fog ee dalka, iyagoo si toos ah uga jawaabaya baahiyaha caafimaad ee bulshada. Si kastaba ha ahaatee, waxay si weyn uga maqan yihiin kuraasta go’aaminta arimaha caafimaadka iyo maamulkiisa – sida wasiirrada, agaasimayaal guud, iwm. taas oo sababtay in baahiyaha dhabta ah ee bulshada gaar ahaan hooyada iyo carruurta aan si buuxda loo metelin ama aan loo fahmin xaaladahooda.

Muhiimada ka qayb galka go’aamada sarsare

WHO (2019), ayaa sheegtay in haweenka ay yihiin 70% shaqaalaha caafimaadka aduunka, laakiin kaliya 25% ayaa gaara jagooyinka sar- sare ee go’aan gaaridda. Halka Soomaaliya gudaheeda lagu qiyaaso in shaqaalaha caafimaadka ay 80% yihiin haween, laakiin madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha caafimaadka ay inta badan rag yihiin, taas oo mujinaysa in aan si dhab ah looga faaidaysan gabdhaha caafimaadka bartay fahamka qotoda dheer oo ay u leyihiin baahiyaha caafimaad ee bulshada, gaar ahaan dumarka iyo carruurta. Waxaa xaqiiq ah marka ay gabdhahaasi ku jiraan kuraasta go’aaminta ama go’aan gaarista in ay horseedi karaan siyaasad caafimaad oo ku saleysan xaqiiqada dhabta ah iyo waaya-aragnimada tooska ah ee baahida bulshada

Dalal badan oo horumaray ayaa guulo muuqda ka gaaray yareynta dhimashada hooyada iyo dhalaanka iyo kor u qaadidda tayada adeegyada caafimaad, kadib markii ay haweenka caafimaadka bartay ay fursad u siyeen ka mid noqoshada hogaanka iyo miisaska sarsare ee go’aan gaarista. Dalka Rwanda, tusaale ahaan, haweenka ayaa si weyn loogu daray hoggaanka caafimaadka, taasoo horseeday in hoos u dhac weyn ku yimaado dhimashada hooyada iyo dhalmada aan badbaadsanayn (The Lancet, 2021). Tas oo muujisay ama caddayn u noqotay in marka haweenka lagu daro hoggaanka, ay siyaasadda caafimaadka noqon karto mid wax ku ool ah oo ku salaysan baahida dhabta ah ee ka jirta bulshada.

Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada  aadka ula liita helitaanka adeegyada caafimaad ee la isku halleyn karo. Sida uu sheegay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Dadweynaha (UNFPA), Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada ugu sarreeya ee uu ka jiro heerka dhimashada hooyada iyo dhallaanka. Warbixinta UNFPA ee 2023 waxay muujisay in hooyo kasta oo Soomaaliyeed ay wajahdo khatar weyn oo ah dhimasho xilliga uur-qaadida iyo xiliga dhalmada, taasoo inta badan ka dhalata helid la’aanta adeegyo caafimaad oo badbaado leh, sidaas darteed waxaa laga maarmaan ah in la fahmo oo la fuliyo xeelad kasta oo arrintaas lagu hormarin karo loogana baaqsan karo khataraha ka dhalan kara iyo kaalinta ay haweenka ama gabdhaha caafimaadka bartay ku yeelan karaan. 

Caqabadaha Hortaagan Ka-Qaybgalka

                                                                                     

Inkasta oo ay muhiim tahay in haweenka xirfadlayaasha ah laga qayb- geliyo go’aamada sarsare ee arrimaha hormarinta siyaasadda caafimaadka, haddana waxaa jira caqabado dhowr ah oo hor taagan:

  • Dhaqan bulsheed oo weli u arka in gabdhaha xirfadda caafimaadka bartay aysan door muuqda ku yeelan karin arrimaha siyaasadda ama aysan muhiim u ahayn oo in xirfaddooda kaliya ay ku shaqeeyan uu yahay doorkooda.
  • Fursad iyo tababar la’aan ku aadan hoggaaminta iyo maamulka sare, taasoo keenta in ay isu arkaan in kaliya ku howlgelida xirfadda caafimadka ay ka masuulyihiin.
  • Koobnaanta fursadaha siyaasadda ay helayaan.

Caqabadahaas iyo kuwo kale oo badan oo intooda badan la xiriira dhaqanka Soomaalida oo lagu tilmaamo (male-dominated society) in raggu ay taliyaan ama hoggaanka u badanyihiin ayaa keenay in ay waayaan fursad ay ku so bandhigaan aqoontooda iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin xallinta iyo dajinta siyaasad guul looga gaari karo arrimaha hoos u dhigaya tayada caafimaadka dadka iyo dalka.

Talo soo jeedin

Waxaan aaminsanahay in haddii diiradda la saaro dhowrkan arrimood, ay suurtagal noqoneyso in gabdhaha caafimaadka bartay ay door muuqda ka qaataan hoggaaminta iyo ka qaybgalka miisaska sare ee go’aan qaadashada.

  • Waxaa muhiim ah in la dhiso barnaamijyo tababar hoggaamineed ah oo si gaar ah loogu talagalay gabdhaha caafimaadka bartay. Sidoo kale la dejiyo siyaasado iyo sharciyo damaanad qaadaya qoondada haweenka ee kuraasta go’aaminta.

  • In la sameeyo wacyigelin ballaaran oo bulshada lagu barayo muhiimadda hoggaaminta gabdhaha cafimaadka bartay ay u leyihiin dejinta iyo fulinta arrimaha siyaasadda caafimaadka.

  • In laga faa’iideysto tusaalooyinka dalalka kale oo la hirgeliyo hab-raacyo waxtar leh, si looga jawaabo baahida dhabta ah ee bulshadda.

Gunaanad

Ugu Dambayn, gabar caafimaad baratay waa hanti qaran oo u baahan in la maalgaliyo, la dhiirrigeliyo, lana siiyo cod ay kaga qayb qaadato hagaajinta adeegyada bulshada. Gabadha markay caafimad barato waxay wax tar u leedahay marka hore waalidkeed, marka xiga qoyskeeda, ka dibna bulshada inteeda kale.

Aqoonta iyo waayo-aragnimada ay gabdhahaasi caafimaadka bartay u yeelan karaan baahiyaha ka jira caafimaadka bulshada, waxay suurtagelin kartaa inay door firfircoon ka qaataan dejinta siyaasadaha dalka. Tani waxay sidoo kale fure u noqon kartaa in dalku yeesho adeegyo caafimaad oo u dhigma baahida dhabta ah ee bulshada.

Dowladda, hay’adaha samafalka, jaamacadaha, iyo ururrada xirfadeed waa in ay si wadajir ah u abuuraan nidaamyo xoojinaya doorka hoggaamineed ee haweenka. Waana lama huraan in la yareeyo caqabadaha hortaagan, laguna dhiirrigeliyo in ay noqdaan kuwo ka dhex muuqda go’aamada siyaasadeed ee saameeynaya nolosha dadka Soomaaliyeed.

Dr. Najma Cabdirisaaq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link