Dhiraandhirinta Fekerka Iyo Fursadaha Dhallinyarada!

Burburkii dowladnimada Soomaaliya ka dib dhallinyaradu waxay noqdeen dhibanayaasha koowaad ee dowlad la’aanta. Sida tirakoobyada ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Dadka (UNFPA, 2022) ay muujinayaan, boqolkiiba 75 bulshada Soomaaliyeed waa dhallinyaro, kuwaas oo badankood ku soo barbaaray duruufo adag oo laga dhaxlay burburka sida, shaqo la’aan, mustaqbal mugdi ah iyo rajo xumo.

Daraasad kale oo Bankiga Adduunka (World Bank, 2021) sameeyay ayaa tilmaantay in heerka shaqo la’aanta dhallinyarada magaalooyinka dalka iyo miyigaba ku nool uu ka badan yahay 67%, taas oo ka mid ah kuwa ugu sarreeya caalamka. Soddon iyo dheeraad sano oo rajo la’aan ah ayaa dhallinyarada ku khasabtay in duruufaha adag ku maareeyaan qaabab mugdi ah oo naftooda halis gelisa sida tahriibka badda iyo saxaraha, ku biiridda kooxaha hubaysan oo dhallinyaro badan naftooda  ku waayeen jiidaha dagaalka, ku milanka kooxo diimeedyada dalka oo leh ajando gaar ah oo dhallinyaro badan ka lumisay xorriyadda fikirka iyo in ay danahooda gaarka ah gartaan, isticmaalka  noocyada kala duwan balwadda oo ragaadisay maskaxda iyo caafimaadka dhallinyaro badan.

Inkasta oo tiro ahaan aad u yaryihiin, haddana waxaa jira dhallinyaro duruufahaas adag ku dhex dedaalay kuwaas oo helay fursado waxbarasho oo kooban ka dibna shaqooyin aan badnayn ka helay ganacasiga gaarka loo leeyahay iyo hay’ado shisheeye balse waa tiro aad u kooban marka la eego aqlabiyada dhallinyarada ee dhibanaha koowaad u noqday burburka dalka.

Dhinaca kale, sanadihii ugu dambeeyay, waxaa soo shaac baxayay, isbeddelo cusub oo maskaxda dhallinyarada ku socda. Waxaa muuqanayay soo ifbaxa jiil aan ku qanacsanayn inay ku noolaadaan qafis xiran iyo burbur siyaasadeed oo aan lahayn albaab furma. Waxaa si dabiici ah ku billowday in dhallinyaradu is weydiinayaan su’aalo culus: maxaa burburka joogtada ah sabab u ah? Yaa ka macaasha? Maxaase looga bixi karaa? Dhiraandhirinta fekeradan cusub waxay dhallinyaro badan siisay fursado ay isku weydiiyaan su’aalo ka madax bannaan cabsi iyo taageero indho la’aan ah. Fursadaha dhallintu heleen waxaa ka mid ah in ay curiyaan afkaar iyo doodo cilmiyaysan oo ka duwan doodihii macne la’aanta ahaa ee muddooyinkan lagu mashquulsanaa. Tusaale ahaan waxaa billowday in madallo cusub- Forums sida madasha May Fakaraan ee Garoowe oo kale in dhallinyarada ku sugan dalka gudihiisa ku soo bandhigaan aragtiyo qoto dheer, doodo cilmi ku salaysan, iyo rabitaan isbeddel oo aan lala gaban.

Marka isbeddelkan lagu eego argtiyo cuskan cilmiga-bulshada “sociology” sida Aragtida Isbeddelka Bulshada (Social Change Theory) waxay ina tusaysaa in isbeddelka ku dhacay fekerka dhallinyarada  uu yahay mid dabiici ah oo ka dhalatay cadaadiska siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan ee dhallinta dalka muddada dheer la noolaayeen. Tusaale ahaan, wacyiga cusub ee dhallinyarada Soomaaliyeed waa mid ka falcelinaya duruufaha adag, isla markaana tilmaamaya baahida daran ee loo qabo in isbeddel deg deg ah la helo si mustaqbalka mugdiga ah ee dalka iyo midka dhallinyaradaba loo iftiimiyo.

Dhinaca kale, Aragtida Naqdiska (Critical Theory) waxay noo tilmaami kartaa in uu billowday dhadhaqaaq feker oo muujinaya loollanka ay tahay in marwalba u dhexeeyo kooxaha ka macaasha awoodda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka “elite”-ka iyo dhallinyarada aan waxba ka helin nidaamka markaas jira. Marka Soomaaliya xaaladdeeda lagu eego aragtidan, waxaa jira kooxo qawlaysato ah oo aan elite lagu sheegi karin, balse muddo dheer ka macaashayay xaaladaha amni xumo, iyo dowlad’aanta dalka ka jirta. Sida ay caddeysay daraasad uu sameeyay African Development Bank (AfDB, 2020), waxay tilmaamaysaa in tiro yar oo siyaasiyiin iyo ganacsato ahi ay gacanta ku hayaan kheyraadka ugu badan dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Aragtida Dunida noqotay Tuulada- Globalization Theory, waxay sharxaysaa sida internetka iyo isku xirnaanta adduunka ay dhallinyarada u siisay aragti ku dhiirrigelisay inay fahmaan in xaaladdan laga bixi karo, taasoo muuqata marka la eego dhallinyarada baraha bulshada – social media-ha ku soo bandhigta barnaamijyo wacyigelin ah oo ka hadlaya xaaladda adag ee dalka ku susganyahay iyo isbedellada lama huraanka ah. 

Haddaba, si dhiraandhirinta fekerka iyo awooddan maskaxeed ee dhallinyarada u noqdo mid wax ka beddesha xaaladda adag ee dalka ka jirta isla markaana fursadaha dhallinyarada haystaan loo xaqiijiyo, waxaa lama huraan ah in dhallinyarada fekeraysa ay ka gudbaan heerka hadalka oo keliya, una gudbaan ficil qorshaysan oo leh yool cad. Tallaabada ugu horreysa waa in ay sameystaan ururo fikir (think tanks) iyo kooxo hawlgal bulsho oo si joogto ah u falanqeeya dhibaatooyinka jira, ayna soo jeediyaan xalal ku salaysan cilmi-baaris iyo xog sugan. Ururadan waa in ay yeeshaan hannaan shaqo oo cad, oo ay ku jiraan qorshe howleed, hab-raacyo daahfuran, iyo nidaam hoggaamineed oo ka madax bannaan qabyaalad iyo dano gaar ah. Waxaa kale oo muhiim ah in dhallinyaradu ay bartaan xirfadaha maamulka, abaabulka bulshada, iyo xirfadaha wada-xaajoodka, si ay ugu guuleystaan in fikradahooda ka dhaqan geliyaan deegaanka ay ku nool yihiin.

Si fekerka loogu beddelo ficil, dhallinyaradu waa inay ku xirmaan xarumaha cilmi-baarista, jaamacadaha, iyo hay’adaha bulshada rayidka ah ee adduunka, halkaas oo ay ka heli karaan xog iyo aqoon la tijaabiyay. Waxaa kale oo ay ka faa’iideysan karaan tiknoolajiyadda casriga ah, iyaga oo abuuranaya madalo online ah oo lagu wadaago fikrado, isla markaana la isku xiro dhallinyarada gobollada kala duwan ee dalka si ay u midoobaan. Isku xirnaantan iyo wada shaqayntan ayaa dhallinyarada ka dhigi karta xoog bulsho oo mideysan oo awood u leh inay saameyn ku yeeshaan jihada siyaasadda Soomaaliya u jihaysanayso.

Dhinaca kale, waxaa loo baahan yahay olole ballaaran oo dhallinyarada lagu baraarujinayo muhiimadda ay leedahay cod mideysan iyo ka qaybgal joogto ah dhinaca siyaasadda taas oo ku saleysan aqoonta casriga ah. Haddii ay sidaas sameeyaan, waxay abuuri karaan jiil hoggaamiya mustaqbalka dalka, kana madax bannaan qabyaalad, musuqmaasuq iyo ka ganacsiga burburka. Jiilkan cusub wuxuu noqon karaa mid ku dhisan aqoon, isla xisaabtan, iyo himilo bulsho oo mideysa Soomaali oo dhan. Isbeddelka maskaxda dhallinyarada Soomaaliyeed sidaas ayaa uu uga gudbi karaa hadal keliya, una tallaabi karaa ficil wax ka beddela taariikhda dalka.

Ugu dambayn, dhallinyarada Soomaaliyeed waxay maanta haystaan fursad dahabi ah oo ay ku noqon karaan laf-dhabarta isbeddelka dalka, haddii ay awoodaan in ay fikradahooda ku saleeyaan cilmi-baaris, ay isku abaabulaan si mideysan, ayna u dhaqmaan si mas’uuliyad leh oo ka madax bannaan qabyaalad iyo dano gaar ah. Isbeddelka feker ee soo ifbaxay waa bilowga waddo dheer oo u baahan adkaysi, wada shaqayn, iyo hoggaan hufan. Haddii awooddaas feker loo beddelo ficil qorshaysan, waxaa suurto gal ah in jiilka maanta uu noqdo mid dhisa Soomaaliya cusub, ka caddaalad badan, oo ka mideysan tii burburtay. Isbeddelkan ma aha oo keliya rajo, ee waa waajib taariikhi ah oo saran dhallinyarada maanta!

Cabdullahi M. Cawsey

Psychotherapist/ Writer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link