Soomaaliya iyo Himilada Caafimaadka Loo Siman Yahay: Waa Riyo Hore oo Rajadeedii soo Muuqatay

“Bulsho lama oran karo waa bulsho horumarsan haddii qof buka laga horjoogo daryeel caafimaad sababo la xiriira inuusan haysan awood dhaqaale.”
Aneurin Bevan, wasiirkii caafimaadka ee UK, 1948

Hordhac: Riyadii & Rajadeedii UHC

Qof kasta oo si dhab ah uga damqada bulshada Soomaaliyeed, wuxuu dareemi karaa culayska ka dhasha marka la arko dad bukaan ah oo la nool xanuun,iyagoo aan awoodin  qarashkii ay ku bixin lahaayeen daawada ama  daryeel xumo caafimaad darteed ay u balaan balsanyihiin. Waa xanuun gudaha ah, oo aan la dareemi karin ilaa aad aragto ilmaha qandhaysan oo hooyadii dhabarkeeda ka dul ooyaya ee aan daawo waxay siistaan heli karin, hooyada uurka leh ee aan waligeed la eegin caafimaadka ubadka ay sido, ama odayga waayeelka ah ee buka ee tabaalaysan ee  sababo la xiriirta lacag la’aan la aadi waayay xarumaha caafimaadka.

Riyada ku saabsan helitaanka nidaam caafimaad oo bilaash ah, dadkuna u simanyihiin, waxa ay salka ku haysaa fikir dhowr iyo toban sano ka hor igu bilowday. Fikirkan ayaa markii ugu horreysay sannadkii 2013-kii aan ku soo bandhigay qoraal cilmiyeed kooban oo diiradda aan ku saarayay suurtagalnimada hirgelinta Caymiska Caafimaadka Guud (UHC) ee dalalka dakhligoodu hooseeyo, gaar ahaan Soomaaliya, iyadoo aan falanqeeyay in la yagleeli karo nidaam daryeel caafimaad oo dadku u simanyihiin.

Nidaam daryeel caafimaad oo dadku u simanyihiin waa la gaari karaa hadii lala yimaado rabitaan iyo hiigsi dhab ah. Daryeelka caafimaad waa xuquuq aadanaha oo dhan leeyihiin, taasoo lagu caddeeyay heshiisyo caalami ah sida Baaqii Alma-Ata iyo Yoolalka Horumarka Waara ee (SDGs) ee Qaramada Midoobay soo saartay. Marka laga eego aragtidan, hirgelinta nidaam caafimaad oo loo simanyahay Soomaaliya waxa ay hore u ahayd riyo fog, balse maanta waxaa muuqda rajo dhab ah, gaar ahaan iyadoo tusaalayaal dalalka dariska ah ay suurtageliyeen dhankooda.

Mar haddii dhibaatooyinka dalkeena ka jiray mudaba la tilmaamayay sida qaybsanaanta iyo dhibaha faraha badan ee jira, waxaa lagama maarmaan ah in la qeexo xalka iyo muddada la doonayo in lagu gaaro gaar ahaan arintan caafimaadka loo simanyahay. Sida ay Soomaalidu tiraahdo: “Doqonku wuxuu yidhaahdaa maxaa i helay, caaqilkuna wuxuu yiraahdaa maxaan sameeyaa.”

Diinta Islaamka waxay si cad inagu faraysaa ilaalinta nafta, naxariista, iyo is-gargaaridda. Ilaalinta caafimaadka qofka waa waajib diini ah, waana tiir ka mid ah anshaxa bani’aadamka iyo mas’uuliyadda waddaniga. Tani waxay la jaanqaadaysaa mabaadi’da Baaqii Alma-Ata ee 1978-dii, halkaas oo Soomaaliya ay kamid ahayd dalalkii saxiixay in daryeelka caafimaadka aasaasiga ahi uu yahay xuquuq aadanaha u simanyihiin ay tahayna inay helaan.

Baaqa Alma-Ata wuxuu dhidib u aasay fikradda ah in caafimaadka aasaasiga ah lagu gaarsiiyo qof walba meesha uu ku noolyahay, iyada oo aan loo eegin awooddiisa dhaqaale. Qodobkan ayaa si rasmi ah uga mid noqday Yoolalka Horumarka Waara (SDGs) ee 2030 la hiigsanayo.

Cilmi-nafsiga iyo cilmiga neerfaha (Neuroscience) ayaa caddeeyay in fakarka togan uu xoojiyo awoodda qofka ee xal raadinta. Maskaxda aadanaha marka la geliyo yididiilo, waxa ay sii deyneysaa maadooyin dhiirrigeliya firfircooni iyo go’aan qaadasho (dopamine, serotonin, oxytocin). Sidaa daraadeed, rajada iyo qorshaha cad waxay ka mid yihiin talaabooyinka ugu horreeya ee isbeddelka bulshada lagu gaari karo.

 Shumacii Ugu Horeeyay ee Geeska Afrika ka baxay ee UHC

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dhammaan xarumaha caafimaadka dadweynaha ee heerarka 2–4 laga hirgelinayo adeegyo caafimaad oo bilaash ah. Tallaabadan ayaa si buuxda u daboolaysa adeegyada la-talin caafimaad, baaritaanno iyo daaweyn aasaasi ah, raajo, ultrasound, tallaal, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, cudurrada maskaxda, iyo xanuunnada daba-dheeraada.

Kenya waxay 2023–2024 samaysay isbeddel sharciyeed ballaaran, iyadoo la meel mariyay Universal Health Coverage Act, taasoo dammaanad qaadaya in adeegyada caafimaadka heerarka hoose (PHC) si buuxda oo bilaash ah loogu fidiyo dhammaan muwaadiniinta dalka. Tani waxay ka dhigtay Kenya dalkii ugu horreeyay ee si buuxda uga hirgeliyay UHC gudaha Geeska Afrika, iyadoo dalal kale sida Itoobiya ay weli ku jiraan heerar tijaabo iyo dadaal deegaan.

Kenya waxay caddeysay in ballan-qaadkii UHC la hirgelin karo, haddii ay jirto rabitaan siyaasadeed iyo abaabul bulsho.

Soomaaliya & UHC

Waxaa jira dad badan oo niyad-jabsan, oo u arka in hirgelinta nidaam caafimaad oo bilaash ah Soomaaliya aysan suuragal ahayn sababo la xiriira xaaladda amniga, dhaqaalaha ama siyaasadda. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay in waddamo ka liita Soomaaliya dhinacyo badan sida burbur, saboolnimo ama xasilooni darro ay haddana awoodeen inay nidaamkan hirgeliyaan. Dalka Soomaaliya ma aha mid dhamaantiis ah hal xaalad; waxaa jira deegaano badan oo amni ah, dadkuna ay abaabulan yihiin, taasoo u sahli karta in laga bilaabo hirgelinta nidaamyo tijaabo ah oo caymis bulsho. Inta nolol jirto, rajo way jirtaa. Soomaaliya waxay leedahay dad karti leh, hal-abuur leh, isla markaana leh damiir bulsho oo wax isweydiinaya. Waxaa la joogaa waqtigii laga dhaqaaqi lahaa cabasho loona gudbi lahaa ficil.

Soomaaliya waxay leedahay duruufo adag: dowlad daciif ah, amni xumo, dhaqaale xumo, iyo adeegyo caafimaad oo aad u tiro yar. Laakiin sidoo kale waxay leedahay fursado qani ah: bulsho is-caawisa, qurbajoog aqoon leh, tiknoolajiyad kobcaysa, iyo maamulo deegaan oo dadaalaya.

Waxaa suurtaggal ah in la dhiso nidaam bulshadu leedahay, iyadoo qof walba bixiyo tusaale ahaan $5 sanadkii. Lacagtaas waxay dhisi kartaa sanduuq caafimaad oo damaanad qaada adeegyo aasaasi ah, iyadoo la adeegsanayo nidaam hufan iyo xisaab furan.

Soomaaliya horey ayay ugu jirtay saxiixayaasha Baaqa Alma-Ata. Maanta, waxaa laga maarmaan ah in ay ka mid noqoto dalalka fuliyay ballanqaadkaas. Tani waa fursad ay Soomaaliya ku caddeyn karto in aysan ku tiirsanayn deeq, balse ay haysato awood isbeddel gudaha ka dhaca.

Rwanda: & Isbeddelkii Lagu Dhiirraday

Rwanda ayaa tusaale u ah dal kasoo kabtay burbur, balse si qorshaysan ugu jihaystay horumar caafimaad oo ballaaran. Tan iyo horraantii 2000-meeyadii, dowladda Rwanda waxay bilowday nidaam caymis caafimaad dadweyne (Mutuelles de Santé), kaas oo lagu bilaabay qaab bulsho-isku tashatay ah. Muwaadin kastaa wuxuu sanadkii bixin jiray qiyaastii $3, taasoo suuraggelisay in adeegyo caafimaad aasaasi ah loo fidiyo in ka badan 90% bulshada.

Rwanda waxa ay maanta maamushaa in ka badan 58,000 oo shaqaale caafimaad ah oo kala duwan (dhakhaatiir, kalkaaliyayaal, umulisooyin, iyo shaqaalaha caafimaadka bulshada). Waxay leedahay in ka badan 500 xarumood oo caafimaad, oo ay ku jiraan xarumo yaryar, xarumo dhexe, iyo isbitaallo. Dhaqaale ahaan, barnaamijkan wuxuu sannad walba ka aruuriyo $40–50 milyan USD oo kasoo baxa bulshada, waxaana lagu daraa taageero dowladda iyo deeq caalami ah.

Rwanda waxay ka faa’iiday horumar la taaban karo. Helitaanka adeeg caafimaad oo dadka wada gaarey, waxaana si weyn hoos ugu dhacay heerka dhimashada hooyada iyo dhallaanka. Sanadkii ay bilaabeen barnaamijka UHC, dhimashada hooyada waxay ahayd in ka badan 1,000 hooyo halkii 100,000 dhalmo ah; toban sano gudahood waxay hoos ugu dhacday ilaa ku dhowaad 290. Sidoo kale, dhimashada dhallaanka ayaa laga dhigay kala bar wixii ay ahayd. Tani waxay muujisay in halgan joogto ah iyo nidaam caymis dadweyne uu horseedi karo natiijooyin caafimaad oo muuqda.

Soomaaliya UHC : Waa ka Suurtagal

Soomaaliya oo leh dad gaaraya 20 milyan, haddii qof walba bixiyo $5 sanadkii, waxa la heli karaa $100 milyan USD sanadkiiba. Lacagtani waxay suurtagelin kartaa:

  • Dhisidda ama taageeridda 500–700 xarumo caafimaad oo heer asaasi ah.
  • Hirgelinta 50–100 isbitaal heer gobol ah.
  • Mushaharka ilaa 10,000–15,000 oo shaqaale caafimaad ah (dhakhaatiir, kalkaaliyayaal, umulisooyin, iyo shaqaale kale ah).
  • Tababaro joogto ah, wacyigelin bulsho, iyo adeegyo caafimaad oo ka hortag iyo kor u qaadid caafimaadka bulshaba leh.

Arinkani oo lagu dhiirado waxay muujinaysaa in nidaam isku-filnaansho ah oo heer qaran ah lagu gaari karo haddii la helo rabitaan, abaabul bulsho, iyo daacadnimo hufan. Soomaaliya oo dhan ayaa yeelan karta nidaam caymis caafimaad dadweyne oo mid qudha, iyadoo aan ku tiirsanayn deeqo dibadeed balse ku dhisan karti iyo wadajir bulsho in nidaam isku-filnaansho ah lagu gaari karo haddii la helo rabitaan, abaabul, iyo daacadnimo hufan.

Isbeddelkan waxaa sal u ahaa mabda’a ah in caafimaadku yahay xuquuq bulsho oo aan cidna laga reebi karin. Tallaabadaas ayaa horseeday hoos u dhac weyn oo lagu arkay dhimashada hooyada iyo dhallaanka, sare u kaca wacyiga caafimaad, iyo koboc ku yimid wax-soosaarka bulshada. Rwanda waxay caddeysay in waddan kasta, xitaa haddii uu ka soo kabanayo colaado, uu gaari karo UHC haddii uu leeyahay rabitaan siyaasadeed, hufnaan nidaam, iyo ka qaybgal bulsho.

Puntland & UHC gogol-dhig u noqata

Puntland waxa ay leedahay duruufo iyo xaalado u gaar ah oo ka dhigaya deegaan ku habboon in laga hirgeliyo Universal Health Coverage (UHC). Marka la eego xasilloonida siyaasadeed ee heer gobol, awoodda maamulka, iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo adeegyada guud, Puntland waxa ay si dhab ah ugu qalantaa in loo adeegsado bilowga mashruuca isku tashiga (pilot) ah ee hirgalinta daryeel caafimaad oo loo simanyahay ( UHC). Tani waxa ay fursad weyn u noqanaysaa in laga helo casharro muhiim ah oo lagu horumarin karo hirgelinta UHC guud ahaan dalka. Sidaas darteed, waa suurtaggal in laga bilaabo Puntland, taas oo noqon karta tallaabo istiraatiiji ah oo u gogol xaareysa hirgelinta ballaaran ee adeegyada daryeel caafimaad oo loo siman yahay Soomaaliya oo dhan, waa haddii la helo rabitaan, abaabul bulsho, iyo daacadnimo hufan. Soomaaliya oo dhan ayaa yeelan karta nidaam caymis caafimaad dadweyne oo dhab ah. Puntland waxay noqon kartaa halka ugu horreysa ee Soomaaliya oo hirgelisa nidaamka caymis caafimaad dadweyne taasoo noqon karta tijaabo waddani ah oo guud ahaan dalku uga faa’iidaysan karo.

Gunaanad

Tusaalayaal guuleystay sida Rwanda, Ghana, iyo hadda Kenya, waxay muujinayaan in UHC ay tahay rajo la gaari karo. Ma aha riyo mala-awaal ah ee waa qorshe suurtaggal ah. Waa muhiim in Soomaalidu u aragto caafimaadka bilaashka ah mid dhab ah oo aan sugin gargaar dibadeed iyo arima kale.

Fikarka togan, go’aano adag, iyo abaabul bulsho ayaa noqon kara saddexda tiir ee lagu gaaro caafimaad loo simanyahay. Diinta, caqliga, iyo cilmiga casriga ah dhammaantood waxay isku waafaqeen: “Dhibtu way jirtaa, balse xal baa jira,  haddii la garto, lana guto waa la gaaraa wixii la raadiyo.”

Taariikhdu ha xusto in aynu aragnay iftiinka, inaguna dooranay in aynu ku soconno jihadiisa.

DR Liiban Cigaal, BMS, MBBS, MPH & Global Health Diplomacy
Twitter: https://x.com/lebanegaal
Email: raydab@hotmail.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link