Xorriyadda aragtida iyo fikirku waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee lagu dhiso bulshooyin xasiloon, hufan, oo is-ixtiraama. Soomaaliya oo soo martay xukunno kala duwan, burbur iyo qaran jab, waxa maanta la jooga xilli loo baahanyahay in si dhab ah loo fahmo looguna istaago ilaalinta xaqa muwaadinka uu u leeyahay inuu cabbiro fikirkiisa. Qormadan waxa ay diiradda saareysaa muhiimadda xorriyadda aragtida, xadgudubyada ka dhanka ah, iyo sida diinta, dastuurka, iyo waayo-aragnimada Soomaaliyeedba u caddaynayaan qiimaha ay leedahay.
Xorriyadda fikirka iyo dhiibashada aragtidu waa mid ka mid ah xuquuqda aasaasiga ah ee ay bini’aadamku leeyihiin, taas oo saldhig u ah jiritaanka bulsho xor ah oo caddaalad ku dhisan. Waa xaq ilaahay siiyay qofka, si uu si xor ah oo Alle mooyee cidkale uusan ka cabsanayn ku cabiro aragtidiisa, ugana qayb qaato arrimaha bulshada, isaga oo aan cabsi ka qabin in lagu ciqaabo fikirkiisa. Xaqani waxa uu leeyahay sal sharciyeed, mid diimeed, iyo mid akhlaaqeed oo ay ka wada siman yihiin dhammaan bulshooyinka horumarsan.
1. Dib-u-Milicsi iyo Taariikh Kooban
Markii laga baxay gumeystihii, Soomaaliya waxa ay gashay marxalad siyaasadeed oo lagu tixgelinayay xorriyadda hadalka iyo doodda. Hase yeeshee, xukuumaddii militariga ee kacaanku waxa ay gabi ahaanba meesha ka saartay xorriyaddaas. Dastuurkii dalka waa lalaalay, hay’adihii caddaaladda iyo sharciyadda waxa ay u gacan galeen nidaam kelitalisnimo ku dhisan. Waxaa bilaabmay cabburin joogto ah oo loo geysto cid kasta oo ka aragti duwan hoggaanka talada haya. Tani waxa ay sababtay kacdoon dadweyne oo horseeday in la rido nidaamkii kaligiitaliska ku dhisnaa.
Markii dambe dalku waxa uu galay dagaal sokeeye, kaas oo horseeday burbur baaxad leh. Intaa ka dib, dadka Soomaaliyeed waxa ay heleen fursad ay ku cabbiraan aragtidooda, balse xorriyaddaas ayaa maanta mar kale wajahaysa khatar — waxaana isa soo taraya tallaabooyinka lagu cabburinayo xoriyadda fikirka iyo hadalka.
2. Xaaladda Maanta: Fikir la Cabsiga iyo Cabburinta
Waxaa soo noqnoqday falal loogu xadgudbayo xorriyadda aragtida, kuwaas oo ka dhacaya heer maamul-goboleed iyo heer dowlad dhexeba. Waxaa la joojiyaa shirar iyo isu-soo-baxyo nabadeed, waxaa la cabburiyaa saxaafadda, waxaana la cadaadiyaa siyaasiyiinta ama shacabka aragtidooda dhiibta.
Sanadihii u dambeeyay, waxaa isa soo tarayay dhacdooyin lagu muquuninayo xorriyadda aragtida. Tusaale ahaan, dhallinyaro ka cabanaya adeeg xumo dowladeed ayaa waxaa lagula kacay qeybtood xarig, iyadoo lagu eedeeyay khalkhal galin amni. Sidoo kale, bannaanbaxyo ay abaabuleen dhallinyaro u ol’oleynayay oo dalbanayay waxqabad dowladeed ayaa la is hortaagay. Tani waxa ay abuuraysaa cabsi guud, taas oo keeni karta in dadku ka aamuso khaladaadka jira, arrintaas oo halis galinaysa xoriyada hadalka iyo mustaqbalka dimuqraadiyadda dalka.
Waxaa intaas dheer, in mararka qaar la arko madax ku takrifalaya awoodda, iyaga oo beddelaya dastuurka ama shuruucda lagu heshiiyay, si ay ugu fushadaan dano gaar ah, iyada oo aan la helin heshiis bulsho. Tani waxa ay halis gelinaysaa jiritaanka dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.
3. Dastuurka Puntland iyo Kan Federaalka Soomaaliyeed
Dastuurka Puntland – Qodobka 14aad: Xorriyadda Fikirka
“1. Qof kasta xor buu u yahay fikraddiisa waana soo bandhigi karaa. Faafreeb horudhac ahi waa reebban yahay. 2. Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.”
Dastuurka Puntland – Qodobka 24aad: Bannaanbaxyada
“Muwaadin kasta oo Puntlandar ah waxa uu xor u yahay in uu abaabulo, ka qaybqaato bannaanbaxyo ku salaysan hab nabadgelyo, si xeerka waafaqsan.”
Dastuurka Federaalka Kumeel Gaarka ah – Qodobka 18aad:
“Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.”
Qodobadaas waxa ay si cad u xusayaan in qof walba xaq u leeyahay in uu fikirkiisa cabbiro, isla markaana aysan jirin cid xaq u leh in ay ka hor istaagto xuquuqdaas sharciyeed.
4. Qur’aanka iyo Xadiiska
Qur’aanka Kariimka ah (Suurat Ash-Shuuraa – 42:38):
“…Oo arrintoodu tahay talo dhexdooda ah…” وَأَمْرُهُمْ شُورَىٰ بَيْنَهُمْ
Aayaddani waxa ay muujinaysaa in la-tashiga, doodda iyo kala aragti-duwanaantu ay ka mid yihiin astaamaha bulshooyinka wanaagsan.
Suurat Al-Baqara – 256:
“ma jirto wax kugu khasbaya diinta… لا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ”
Tani waa tiir kale oo Qur’aanka ka mid ah oo diidaya in qof lagu khasbo fikir ama diin uusan aaminsanayn.
Xadiis – Muslim:
Rasuulka (NNKH) waxa uu yiri: “Qofkii idinka mid ah ee arka xumaan, ha ku bedelo gacantiisa; hadduusan awoodeyn, afkiisa; hadduusan awoodeyn, qalbigiisa… من رأى منكم منكرًا فليغيرْه بيدِه فإن لم يستطعْ فبلسانِه. فإن لم يستطعْ فبقلبِه””
Xadiiskaan waxa uu iftiiminayaa muhiimadda ay leedahay in qofku codkiisa adeegsado si uu u muujiyo aragtidiisa marka uu la kulmo dulmi ama khalad.
5. Cawaaqibka Cabburinta Fikradda
Marka xoriyadda fikirka laga mamnuuco bulshada:
- Waxaa meesha ka baxa isla xisaabtanka.
- Waxa ay abuurtaa kelitalisnimo iyo kalsooni-darro siyaasadeed.
- Dadku waxa ay ka gaabsadaan in ay wax sheegaan, taas oo burburisa hal-abuurka iyo is-beddelka.
- Waxaa dhalan kara kacdoon bulsho oo aan la xakameyn karin.
Haddii aanan si dhab ah loo ilaalin xoriyadda hadalka iyo fikirka, dalku waxa uu mar kale geli karaa xaalado la mid ah kuwii hore ee horseeday burburka.
Xorriyadda fikirka iyo aragtidu waa astaan muwaadinimo, waxayna sal u tahay dowladnimo caddaalad ku dhisan. Xaqani ma aha mid siyaasi bixiyo ama xukuumad xaddidi karto si waafaqsan rabitaankeeda, balse waa hanti qaran iyo wax Alle siiyay qof kasta. Haddii aan rabno bulsho horumarsan, waa in la ilaaliyo xorriyaddan, lana abuuro jawi ay dadku si xor ah ugu cabbiri karaan aragtidooda iyaga oo aan ka baqayn cawaaqib xumo.
Isbeddelka laga sugayo Soomaaliya maanta ma aha in qof qof kale lagu beddelo, balse waa in la beddelo nidaamka iyo hab-dhaqanka siyaasiga ah ee khaldan. Isbeddelka dhabta ah ee Soomaaliya ay u baahantahay waa mid ku salaysan feker furan, la xisaabtan iyo ka qaybgalka shacabka ee siyaasadda. Bulshadu waa in ay ka dhiidhidaa hab-dhaqanka siyaasiga ah ee ku dhisan caddaalad darrada, kuna dhaqaaqdaa abaabul siyaasadeed. Ilaalinta xorriyadda aragtidu waa bilowga waddadaas iyo u hayaamidda siyaasad ku dhisan caddaalad, sinnaan, iyo xaqsoor.
Xorriyadda aragtida ma aha deeq siyaasi bixiyo, waa xaq Alle bixiyay.
Saki Rabiica