Qaran su’aal la geliyay jiritaankiisa wuxuu taagan yahay meel halis ah oo ay hal kala-doorasho u kala jebin karto ama u mideyn karto: federalnimo sax ah ama kala fogaansho cusub oo ku danbeynaysa kala tag qaranimo?. Maqaalkani wuxuu si toos ah ula hadlayaa maskaxda iyo damiirka akhristaha Soomaaliyeed—si aan u muujiyo in su’aashani aysan ahayn mid dastuureed ama sharciyeed oo keliya, balse ay tahay mid ku saabsan jiritaanka Soomaaliyeed ee qarniyada soo socda.
Qaran aan nidaam cad u lahayn uguna dhaqmeyn awood qaybsiga, mideynta ciidamada qalabka sida, iyo adeeg dowladeed oo loo simanyahay ma aha dowlad dhab ah ee waa magac u yaal. Tan iyo ansixintii Axdigii Ku-meelgaarka ahaa ee Soomaliya sanadkii 2004, waxaan ku dhaqaaqnay hannaan federali ah oo lagu beddalay nidaamkii dowladdii dhexe ee awoodda halka meel taalay loogana badbaadinayay Soomaaliya, oo markaa aad u kala qoqobneyd in ay sii kala tagto. 21-sanadood ka dib, waxaa maanta la oran karaa in aan tallaabooyinkii wax ku oolka u ahaa federaaleynta iyo mideynta dalka aan lagu tallaabsan.
Sideedaba dhibaato lama xallin karo iyadoo weli lagu fakarayo isla maskaxdii abuurtay dhibaatadaas. Xilligii la qaadanayay nidaamka federaalka, aragtiyada aadka u kala fogaa ayaa ahaa mid u kala firirsan labo gees: mid doonaysay in wax walba lagu uruuriyo caasimadda, iyo mid kale oo qabtay in Soomaali kala tagto oo gobol walba isku tashado. Labaduba waxay ahaayeen falcelin ka timid xaaladihii xilligaa abuurnaa, balse midna xal ma noqon.
Xalku wuxuu noqday federaalnimo dalka hogaamisa iskuna haysa, balse ilaa iyo maanta lama gaarin waxyaalaha udub-dhexaadka u ahaa nidaamka federaalka oo aheyd:
- Dowlad dhexe oo matalaysa qaranka oo aan maroorsan gobollada.
- Dowlad-goboleedyo leh masuuliyad iyo matalaad aan kala goyn qaranimada.
- Ciidan mideysan oo ka madax bannaan beeleysi.
- Nidaam dhaqaale oo si caddaalad ah u qaybiya dakhliga.
- Hay’ado qaran oo shacabka u muuqda oo aan ku ekeyn cod ka baxa idaacadda oo keliya.
Ilaa iyo maanta arimahaasi oo dhan waa kuwo ku qoran waraaqo, looga hadllo shirar, lagu baahiyo warbaahinta balse ma aha kuwa ka jira waaqica dalka iyo nolo-maalmeedka ummadda. Waxaa naga maqani waa hirgelin dhab ah.
Jamhuuriyaddii Labaad: Halgan Dib-u-Mideyn Qaran
Waa inaan si geesinimo leh u aqbalno in Jamhuuriyaddii Koowaad ee Federaalka aysan shaqeyn; tii labaad ee Federaalka Soomaaliyeedna aan wali la dhisin. Waxa aan u baahan nahay maanta ma aha dib-u-habeyn, ee waa dib-u-aasaas qaran — mid dalka iyo dadka mideysa, dalkana ka xoreeya xoogagga nabad-diidka ah.
Soomaaliya uma baahna ballan-qaadyo cusub; waxay u baahantahay Jamhuuriyad cusub — mid leh shuruudo cad, himilo qaran, iyo awood muuqata oo laga dareemo Boosaaso ilaa Baydhabo. Waxaa lama huraan ah in la helo: ciidan qaran oo mideysan oo leh hal talis kana madax bannaan beeleysi, nidaam dhaqaale federaal ah oo kheyraadka si cadaalad ah loogu qaybiyo, iyo dowlad shaqeysa oo si siman u gaarta muwaadin kasta — sida roobku u gaaro daaqsinada kala duwan.
Maanta, su’aashu ma aha: Ma dhiseynaa? ee waa: Ma sii wada joogi doontaa Soomaaliya haddii aan la dhisin?
Jamhuuriyaddu ma aha xusuus, ee waa ballan. Waxaa la joogaa waqtigii ballantaas la cusbooneysiin lahaa — oo dib loogu dhisi lahaa Jamhuuriyaddii Labaad ee Federaalka Soomaaliyeed, mid la kasbay, la xoojiyay, laguna dhisayo kalsooni la wadaago.
Qaranimo laguma ilaasho calan la lullo oo keliya; waxaa lagu ilaaliyaa dareenka qof kasta oo rumaysan in uu ka mid yahay cidda calankaas difaacaya. Marka gabadh xiran dhar jaamacadeed ay shahaado ka qaadato Baydhabo, balse shaqada ugu horreysa la waydiiyo ‘yaa ku keensaday?’ — halkaa waxaa ku burbura dareenkii ay ka lahayd qarannimada. Marka wiil ku dhashay Tawfiiq uu ka baqo inuu Garowe tago si uu u codsado shaqo dowladeed, isagoon cid ka garaneyn awgeed — qarannimadaas waa mid la daalinayo ee ma aha mid la wada difaaci doono. Marka sarkaal ciidan uu muddo tababar uu ku jiray ku soo guuleysto, balse uu ku xayirmo meeshaas isagoon haysan xildhibaan shafka u garaaca, qaranimadaasi waa mid iska lulmeysa.
Waxaan ognahay — caqli ahaan iyo taariikh ahaanba — in nidaam ku dhisan sinnaan la’aan iyo isir kala saar aan laga filan karin dowladnimo. Haddaan taas ognahay, sideen uga aamusi karnaa? Haddii hoggaankii hore uu ku guuldareystay 21-kii sanadood ee la soo dhaafay inuu ka shaqeysiiyo mideyn iyo xoreyn dhab ah, maxaan weli ugu lebbisanaynaa khaladkii hore — iyadoo aan weli ka rajo qabno natiijo cusub?
Dardaaran Qaran
Haddii aan dooneyno in Soomaaliya ay sii jirto oo sii wada joogto boqolaalka sanadood ee soo socda, go’aanku waa in aynu qaadannaa maanta, mana aha mid beri sugi kara. Federaal la taaban karo ma aha muran siyaasadeed; waa baaq ay ka dhursugayaan jiil dhan oo rajo u taagan.
Soomaaliya uma baahna qabiil xoog leh, dowlad-goboleed keligeed kor u socota, caasimad keligeed kobcaysa, ama madaxweyne hadal badan — waxay u baahan tahay nidaam shaqeeya, qaran mideysan iyo jihayn la wada leeyahay.
Waqtiga wax lagu sixi karo waa hadda. Jiilalka cusub waa ay na dhegeysanayaan, balse su’aashu waa: miyaan u jawaabeynaa? Haddii aad rumeysan tahay in Soomaaliya ay mudan tahay dowlad cadaalad ah, ha sugin hoggaan mucjiso ah. Noqo qayb ka mid ah qaran-dhiskeeda.
Nuuradiin Aadan Diiriye
Siyaasi, Diblomaasi iyo Hal-abuure Nabadeed