Sida lagu qeexay, tahriibku ama socdaalku waa dhaqaaqa dadku uga tagayaan meel ay horay u degganaayeen kuna aadayaan meel kale, iyagoo leh ujeeddo cad oo ah inay beddelaan goobta ay kunoolaayeen.
Maalin kasta, dhallinyaro reer Puntland ah ayaa isaga cararaya deegaankooda, iyagoo rajaynaya mustaqbal ka wanaagsan midka ay ku arkaan gudaha dalka. Shaqo la’aan joogto ah, dakhli xumo, iyo fursad la’aan nololeed ayaa noqday sababaha ugu waaweyn ee ku riixaya tahriibka baahsan ee maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya.
Bilihii u dambeeyay, waxaa gudaha Puntland ka bilaabmay qulqulka dhallinyarada ka tahriibaya deegaankooda iyaga oo doonaya nolol iyo fursad ka fiican in ay ka helaan wadamada Qaarada Yurub iyagoo u bareera safarka halista badan ee Saxraha kulul kadibna isku daya in ay maraan badda halista badan ee Mediterranean iyagoo raacaya doonyo liita.
Sida ay muujinayaan daraasado badan oo sanadihii u dambeeyay laga sameeyay Soomaaliya oo ay ku jiraan deegaanada Puntland, tusaale daraasad uu diyaariyay Machadka Heritage ayaa muujinaysa in 70 boqolkiiba dadka la waraystay ay sheegeen in la’aanta fursadaha shaqo iyo xaalad dhaqaale oo liidata oo qoysaska heysata ay tahay sababta ugu weyn oo ay dhallinyarada Puntland uga tahriibayaan deegaanadooda, marka la barbardhigo deegaanada kale ee Soomaaliya gaar ahaan koonfurta oo ay dhallinyaradu sheegeen in xaalado amni darteed ay uga tahriibaan.
Ku dhawaad 30 dhallinyaro ah oo intooda badan ka tagay Puntland ayaa ku geeriyootay labadii bilood ee u dambeeyay badda Mediterranean ee u dhaxaysa Algeria iyo Spain, halka boqolaal kale ay weli ku suganyihiin dalalka Algeria iyo Libya iyagoo doonaya in ka gudbaan biyaha hallista badan.
Walaaca bulsho ee ku saabsan tahriibta dhallinyarada
Bilihii u dambeeyay, qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa walaac ka muujinayay qulqulka tabriibka dhallinyarada ee deegaanada Puntland. Dadka arrintaas ka hadlay ayaa waxaa kamid ah isimada, aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo culimada.
Bishii May bartankeedii, ururka jaamacadaha Puntland ee (APU) ayaa dood cilmiyeed qabtay looga hadlayay dhibbaatada tahriibka ee dhallinyarada. Dhanka isimada, Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa ka hadlay tahriibka dhallinyarada. Sidoo kale, Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo kamid ah culimada ugu waaweyn Puntland ayaa isna ka hadlay tahriibka dhallinyarada, iyagoo dhammaantood isku raacay in fursad la’aanta shaqada ay tahay sababta ugu weyn ee keentay tahriibka.
Sidoo kale, bulshada Puntland ayaa bilihii u dambeeyay baraha bulshada iyo goobaha la isugu yimaado si weyn uga hadlayay qulqulka cusub ee dhallinyarada Puntland ka tahriibaysa.
Jawaabta dowladda Puntland ee tabriibta dhallinyarada
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa marar kala duwan tahriibta ka hadlay, isagoo mar sheegay in dhallinyarada tahriibaya ay sabab u tahay in ay haystaan dhaqaale, markale waxa uu ku eedeeyay waalidiinta in in ay caruurtooda iyagu tahriibinayaan.
Marka laga tago wasiirka warfaafinta oo looga bartay in uu eedaha dowladda ka difaaco, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland oo masuuliyada shaqo abuurka iyada waajibaadkeeda yahay kama aysan hadlin ilaa iyo hadda dhallinyarada tahriibaysa, maadaama sababta ugu weyn oo ay dalkooda uga tagayaan ay tahay fursad shaqo la’aanta ka jirta Puntland.
Sidoo kale, ilaa iyo hadda ma jirto balanqaadyo ku aadan barnaamiyo ay dowladdu soo bandhigtay si wax looga qabto tahriibta dhallinyarada.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo 15-ka June 2025 khubad ka jeedinayay kalfadhiga baarlamaanka Puntland ayaa si cad u qirtay in mustaqbalkii dhallinyarada ay dileen, rajadiina ay ka baabi’iyeen, ayna xaq u leeyihiin in ay naftooda halis geliyaan si ay badda u maraan iyaga oo doonaya mustaqbal wanaagsan. Inkastoo madaxweynuhu qirtay arrintaas, haddana ma uusan sheegin wax xal ah.