Kadib burburkii dowladnimada Soomaaliya 1991-dii, gobolada waqooyi-bari ee Soomaaliya oo haatan loo yaqaan Puntland waxay kamid ahaayeen gobolada ugu nabdoon ee dalka, iyadoo dhismihii Puntland sanadkii 1998-dii kadib ay ka hirgaleen xasilooni iyo kala dambayn keentay in dad badan oo Soomaaliyeed ay yimaadaan si ay nolol cusub uga samaystaan.
Inkasta oo aysan jirin xogtada tirada rasmiga ah, haddana sanadihii u dambeeyay Puntland waxa ay la kulantay guuritaan dadweyne oo joogto ah, taasoo si muuqata looga dareemay magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Faalladan kooban, waxaan diiradda ku saari doonaa sababaha kala duwan ee keenay guuritaanka joogtada ah ee Puntland laga tagayo, iyo xalalka muhiimka ah ee arrintan lagu wajihi karo.
Maxaa sababay guuritaanka?
Tan iyo markii magaalada Muqdisho laga saaray kooxda Al-Shabaab sanadkii 2011-kii, lagana baxay kumeel-gaarnimadii, waxaa si degdeg ah dib ugu soo laabtay adeegyada bulshada iyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee caasimadda. Taasi waxay abuurtay fursado badan oo shaqo iyo nolol ah, iyadoo dad badan oo muruqmaal iyo xirfadlayaal ahaa kuwaasoo horey uga shaqayn jiray Puntland ay u guuraan Muqdisho si ay uga faa’iidaystaan fursadaha yaala caasimada dalka.
Dhanka kale, tan iyo 2008-dii, magaalooyinka Galkacyo iyo Boosaaso waxaa ka bilowday dilal qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsanayay ganacsato, waxgarad, iyo dadka saameynta ku dhex leh bulshada. Xaaladdan amni-darro waxay sababtay cabsi ballaaran, taasoo keentay in dad kala duwan gaar ahaana ganacsato iyo aqoonyahanno ay isaga cararaan Puntland. Sidoo kale, colaadaha qabiilka iyo aanooyinka soo noqnoqda ayaa iyana qeyb weyn ku leh.
Dhanka Garoowe, caasimadda Puntland, ayaa sanadihii u dambeeyay wajahaysay hoos u dhac ku yimid fursadaha shaqo, taasoo sababtay in tiro badan oo dhallinyaro waxbartay iyo khubaro xirfadlayaal ah ay u wareegaan Muqdisho, si ay uga faa’iideystaan fursadaha shaqo iyo horumar ee halkaas ka jira.
Sanadihii u dambeeyay, qoysas badan ayaa ka haajiray magaalooyinka waaweyn ee Puntland, kuwaas oo intooda badan u guuray dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya, Itoobiya, iyo Uganda, iyo sidoo kale waddamo kale sida Turkiga iyo Masar. Qoysaskan oo badankoodu ka tirsanaa dadka dakhligoodu dhexdhexaadka yahay, ayaa sheegay in ay doorteen inay u guuraan meelo ay carruurtoodu ka heli karaan adeegyo waxbarasho iyo caafimaad oo tayo leh, maadaama adeegyadan Puntland ka jira ay aad u liitaan.
Intaas waxaa dheer, waxaa sanadkan dib u bilaabmay tirada dhallinyarada reer Puntland ee tahriibaysa gaar ahaan kuwa isku dayaya inay gaaraan Yurub iyagoo sii maraya badda Mediterranean-ka. Tahriibkan oo ay riixayaan arrimo is biirsaday sida fursado shaqo gudaha oo aad xaddidan, jihayn la’aanta dhallinyarada sida in loo abuuro barnaamijyo lagu shaqo gelinayo, iyo maamul-xumada iyo musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Puntland oo ah caqabad weyn oo hortaagan abuurista shaqooyin dhallinyarada.
Sidoo kale, khilaafka siyaasadeed ee joogtada ah oo aan weli xal laga gaarin ee u dhexeeya Dowlad Goboleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u saameeyay deegaannada Puntland. Khilaafkan oo arrimo kala duwan salga ku haya sida dastuurka, awood qaybsiga, iyo maammulidda khayraadka iyo mashaariicda iyo mararka qaar dano shakhsi ah, wuxuu horseeday in ay Puntland si xiriir ah uga maqnaato go’aan gaarista qorshayaasha dalka ee muhiimka ah, taasoo keentay in mashaariic horumarineed iyo bini’aadantinimo oo ay maalgeliyaan deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay hakad galaan ama gabi ahaanba aan Puntland laga hirgelin, taasoo si weyn u saamaysay fursadaha shaqo, dhaqaalaha, iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Waxaa tusaale u ah in Puntland ka hartay Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan) ee sanadaha 2025–2029, taas oo micnaheedu yahay in ay yartahay fursadda ay Puntland ka heli karto mashaariicda horumarineed ee la qorsheeyay shanta sano ee soo socota—haddii aan dib u eegis lagu sameyn. Sidoo kale, xogta sahaminta shidaalka Soomaaliya oo muhiim u ah maalgashiga iyo horumarka dhaqaale, kama dhex muuqato deegaannada Puntland, halka Soomaaliland oo si rasmi ah u sheegata goonigoosad ay gudbisato xogteeda si aysan uga harin fursadaha mashaariicda horumarineed iyo sahminta shidaalka.
Hoos u dhac bulsho iyo dhaqaale oo aad u xooggan ayaa ku socda Puntland, waxaana si deg-deg ah loogu baahanyahay in hoggaanka sare ee Puntland si xilkasnimo leh ay u wajahaan wax ka qabashada xaaladdaan.
Talo-soojeedin
- Si looga hortago guuritaanka baahsan ee ka socda Puntland loona abuuro mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, waxaa lama huraan ah in reer Puntland – dowlad iyo shacab – ay si wadajir ah isugu yimaadaan talo guud oo masiiri ah. Talo wadaaggaan waa inay saldhig u yihiin xaqiiqooyinka dhabta ah ee deegaanku wajahayo, iyadoo madaxweynaha talada haya ee Siciid Cabdullaahi Deni laga rabo inuu si geesinimo leh u wajaho xaaladda, meel iska dhigo siyaasadda go’doonka ah ee ka fog waaqica dhabta ah.
- Waxaa kale oo muhiim ah in Puntland ay si degdeg ah u jihayso aragtideeda iyo qorshaheeda ku aaddan shidaalka Soomaaliya, iyadoo mashaariicda horumarineed iyo deeqaha caalamiga ah ay hadda u muuqdaan in ay sii gabaabsi yihiin, waxa kaliya ee beddel noqon kara waa in Soomaaliya shidaal la soo baxdo. Haddii Puntland aysan kaalin muuqata ku yeelan qorshaha shidaalka—xogtiisa, sahankiisa, iyo istaraatijiyadiisa—waxay lumin kartaa fursad dahabi ah, waxaana imaan karta in deegnaada Puntland dhaqaale ahaan go’doomaan, ka haraan gobolada kale lagana haajiro.
- Puntland waxay la dhibaatoonaysaa matalaadda iyo siyaasaddeeda heer Federaal, iyadoo madaxdii isaga dambaysay Puntland ay u muuqdaan in aysan ka lahayn aragti siyaasadeed oo ku dhisan maslaxdda reer Puntland. Arrintan waxay keentay in laga haro go’aanno masiiri ah oo ay adkaanayso in dib loo saxo iyo fursado horumarineed. Haddii ay sidaas ku sii socoto, waxay gaaraysa marxalad aan laga soo kaban karin. Sidaa darteed, Puntland waa inay si dhab ah u qaabayso siyaasadeeda iyadoo lagu salaynayo danta dadka iyo deegaannada reer Puntland.
Qoraaga: Faarax Cusmaan