Fahamka Federaalka: Qeexid, Taariikh iyo Muhiimaddiisa Dowlad-dhiska

Federaalku ma aha eray siyaasadeed oo keliya, balse waa nidaam dowladnimo oo qoto dheer, xambaarsanna falsafad ku dhisan wadaagis awood, kala duwanaansho la is aqbalay, iyo midnimo la ilaalinayo. Dalal badan oo dunida ah—gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya colaado iyo burbur dowladeed—ayaa Federaalka u arkay hab macquul ah oo lagu maareeyo kala duwanaanshaha bulshada, laguna dhiso dowladnimo loo wada dhanyahay. Si kastaba ha ahaatee, fahamka Federaalku weli waa mid aad u xaddidan, gaar ahaan marka laga hadlayo micnihiisa dhabta ah, ujeeddooyinkiisa, iyo shuruudaha loogu hirgelin karo si waxtar leh.

Erayga “Federal” asal ahaan wuxuu ka yimid Af-Laatiin, foedus, oo micnihiisu yahay heshiis, axdi ama ballan. Taasi waxay muujinaysaa in Federaalku yahay nidaam ku dhisan is-aqbal, is-ixtiraam iyo wada shaqayn. Sida ay qabaan aqoonyahannada Federaalka, nidaamkani wuxuu awoodda dowladeed u kala qaybiyaa labo heer ama ka badan, badanaa heer qaran iyo heer gobol, iyadoo mid walba uu leeyahay awoodo dastuuri ah oo u gaar ah. Sidaas darteed, Federaalku ma ahan kala-go’ ama burbur dowladeed, balse waa qaab awoodda loo wadaago si looga fogaado ku takrifal, laguna dhowro danaha kala duwan ee bulshada.

Falsafadda Federaalka waxay ku dhisantahay laba tiir oo is-dheellitiraya: midnimo iyo kala duwanaansho. Midnimadu waxay xaqiijisaa jiritaanka qaran mideysan oo leh aragti guud, halka kala duwanaanshuhu uu aqoonsanayo xaqqa ay leeyihiin bulshooyinka, gobollada ama deegaanadu inay yeeshaan maamul u dhow baahidooda, dhaqankooda iyo duruufahooda gaarka ah. Federaalka wuxuu ka hortagayaa hal-gacan ku haynta awoodda, wuxuuna abuuraa nidaam hubin iyo isu dheellitir ah (checks and balances) oo ka hortaga kelitalisnimo iyo takoor.

Federaalku hal qaab oo keliya ma laha, balse wuxuu u kala baxaa noocyo kala duwan oo ay dalalku u qaabeeyaan duruufahooda taariikheed, bulsho iyo siyaasadeed. Waxaa jira Federaal isu-eg (symmetrical), halkaas oo dhammaan dowlad-goboleedyadu ay leeyihiin awoodo iyo xuquuq isku mid ah, iyo Federaal aan isu-ekayn (asymmetrical), oo dowlad-goboleedyo gaar ah la siiyo awoodo dheeraad ah sababo la xiriira taariikh, aqoonsi ama xaalado gaar ah.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Federaalku waxay ku dhisanyihiin aqoonsi bulsho ama qowmiyadeed, halka kuwo kalena ku dhisanyihiin qaybin juqraafi iyo maamul oo aan si toos ah ula xiriirin aqoonsi. Dhanka habka wadashaqaynta, waxaa jira Federaal tartan ku dhisan (competitive) iyo Federaal wada-shaqayn ku dhisan (cooperative). Fahamka nooca Federaalka ee la qaadanayo waa arrin aasaasi ah, maadaama caddayn la’aanta noocu ay si toos ah u dhalin karto khilaaf siyaasadeed, is-jiidjiid awoodeed iyo fashil ku yimaadda hirgelinta nidaamka.

Taariikh ahaan, Federaalka ma aha fikrad cusub. Xittaa ka hor aasaaskii dowladaha casriga ah, bulshooyin kala duwan ayaa sameysan jiray isbahaysiyo iyo habab awood-wadaag ah si ay uga hortagaan khataro dibadeed ama u maareeyaan arrimo wadajir ah oo muhiim u ah, sida amniga iyo ganacsiga. Federaalka casriga ah se wuxuu si dhab ah u hanaqaaday dhammaadkii qarnigii 18-aad, gaar ahaan markii Maraykanku hirgeliyay nidaam awoodda si cad ugu kala qaybinaya dowlad dhexe iyo dowlad-goboleedyo. Tan iyo markaas, dalal badan oo kala dhaqan, kala af, kala diin, iyo kala taariikh ah ayaa qaatay nidaamka Federaalka, mid walbana u qaabeeyay duruufihiisa gaarka ah.

Maanta, dunida waxaa ka jira in ka badan 25 dal oo si rasmi ah u qaatay nidaamka Federaalka, halka dalal kale ay ku dhaqmaan nidaamyo aad ugu dhow Federaalka ama awood-daadejin ballaaran. Dalalkan Federaalka ah waxaa ka mid ah kuwo horumaray sida Maraykanka, Jarmalka iyo Kanada, kuwo soo koraya sida Brazil iyo Hindiya, iyo kuwo kasoo kabanaya colaado sida Ciraaq iyo Soomaaliya.

Waxaa la qiyaasaa in ku dhowaad 40% bulshada caalamka ay ku nool yihiin dalal Federaal ah. Marka lagu daro dalalka leh nidaamyo awood-daadejin ballaaran, boqolleydaasi waxay ka badan tahay 70%, taas oo muujinaysa in Federaalku uusan ahayn nidaam xaddidan ama gaar u ah dalal kooban, balse uu yahay nidaam dowladnimo oo si ballaaran caalamka looga aqbalay.

Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee lagu garto Federaalka waa wadaagga madax-bannaanida (shared sovereignty). Federaalku kuma dhisna in awoodda oo dhan ay gacanta u gasho dowlad dhexe, balse wuxuu aqoonsanyahay in dowlad-goboleedyadu ay leeyihiin awoodo sharci ah oo aan looga qaadi karin si aan sharci ahayn. Sidoo kale, Federaalku wuxuu u baahanyahay kala caddayn awoodeed: awoodaha ay leedahay dowladda dhexe, awoodaha ay leeyihiin dowlad-goboleedyadu, iyo awoodaha wadaagga ah. Haddii kala caddayntaas la waayo, nidaamku wuxuu u nuglaadaa khilaaf joogto ah iyo is-jiidjiid siyaasadeed.

Arrin kale oo laf-dhabar u ah Federaalka waa xiriirka ka dhexeeya heerarka dowladeed (intergovernmental relations). Federaalka guuleysta ma aha mid ku dhisan amar iyo cabburin, balse waa mid ku dhisan wadatashi, wada shaqayn iyo hannaan cad oo lagu xalliyo khilaafaadka. Dalalka Federaalka ah ee horumaray waxay sameysteen goleyaal iyo habraacyo rasmi ah oo fududeeya wada shaqaynta heerarka dowladeed, isla markaana ka hortaga isku dhac joogto ah.

Marka la eego dalalka ka soo kabanaya colaad iyo burbur dowladeed, Federaalka waxaa loo adeegsadaa hannaan nabad-dhis iyo dowlad-dhis. Dalalkaas badanaa waxay la daalaa dhacaan kala qoqob bulsho, kalsooni darro, iyo hay’ado jilicsan. Federaalku wuxuu u fududeeyaa bulshooyinka kala duwan fursad ay ku dareemaan lahaansho iyo ka-qaybgal siyaasadeed, halkii ay ka dareemi lahaayeen in awoodda lagu koobay hal meel ama hal koox. Si kastaba ha ahaatee, Federaalka ma ahan dawo mucjiso ah, haddii hay’adaha dowladeed jilicsanyihiin, haddii dastuurku caddayn waayo nooca Federaal, ama haddii hoggaan masuul ah la waayo, Federaalku wuxuu isu beddeli karaa il khilaaf iyo xasillooni darro.

Xaaladda Soomaaliya, Federaalku wuxuu ka dhashay duruufo gaar ah oo la xiriira burburkii dowladnimada 1991, kalsooni darradii ka dhalatay nidaamkii dowladda dhexe ee awoodda isku koobay, iyo baahida loo qabo hannaan dib u dhisa wada noolaanshaha bulshada. Go’aankii Soomaaliya ku qaadatay nidaamka Federaalka sannadkii 2004 wuxuu ahaa isku day lagu maareynayo kala qoqobka siyaasadeed, cabashooyinka taariikhiga ah ee ku saabsan awood-qaybsiga, iyo baahida loo qabo in dowladnimada dib loogu dhiso qaab ay bulshada Soomaaliyeed ku dareemayaan lahaansho iyo ka-qaybgal.

Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta Federaalka Soomaaliya waxay la kulantay caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin faham la’aanta nidaamka, hay’ado jilicsan, muran ku saabsan awoodaha iyo kheyraadka, iyo caddayn la’aanta nooca Federaalka la qaadanayo. Taasi waxay muujinaysaa in caqabadda ugu weyn ee Federaalka Soomaaliya aysan ahayn mabda’a laftiisa, balse ay tahay fahamka, hirgelinta, iyo hoggaanka nidaamka.

Gabagabadii, fahamka Federaalku waa tallaabada ugu horreysa ee lagu dhisi karo nidaam dowladeed oo shaqeeya. Federaalku ma ahan ujeed gaar ah laf-ahaantiisa, balse waa hab lagu gaaro nabad, cadaalad, ka-qaybgal siyaasadeed oo ballaaran iyo dowladnimo waarta. Dal kasta oo qaata Federaalka waa inuu marka hore fahmaa falsafaddiisa, taariikhdiisa, iyo shuruudaha uu ku guuleysan karo. Haddii aan la helin faham qoto dheer, Federaalku wuxuu noqon karaa magac keliya, balse marka si cilmi, sharci iyo siyaasad ah loo fahmo, wuxuu noqon karaa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska dalalka khilaafku ragaadiyey.  

Taxanaha: Dal iyo Dad

Dal iyo Dad waa taxane maqaallo joogto ah oo bil walba ku soo bixi doona Majalladda Marag, kaas oo si qoto dheer u falanqeynaya mawduucyo la xiriira dawladnimada, federaalka iyo taariikhda Soomaaliya. Taxanahani wuxuu isku xirayaa waayo-aragnimo taariikheed, aragti cilmiyeed iyo duruufaha siyaasadeed ee taagan, isaga oo ujeedkiisu yahay in la helo faham qoto dheer oo ka turjumaya casharrada taariikhda, dhismaha dawladnimo casri ah, iyo kaalinta muwaadinka ee masiirka qaranka. Sidoo kale, Dal iyo Dad wuxuu dhiirrigelinayaa dood aqooneed, wacyigelin bulsho iyo kobcinta aragti fog oo ku wajahan mustaqbalka dalka.

Qoraaga
Dr Guled Salah Bare
Dr Guled Salah Barewaa aqoonyahan, cilmi-baare iyo siyaasi Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaatay arrimaha dowlad-dhiska, doorashooyinka iyo horumarinta hay’adaha Puntland. Wuxuu hore u soo noqday Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC), Wasiir, isla markaana ahaa aasaasaha Machadka Cilmi-baarista SIDRA. Dr. Guuleed wuxuu haystaa shahaado PhD, wuxuuna si gaar ah ugu xeel dheer yahay federaalka, maamul-wanaagga iyo dimuqraadiyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link