Kobcinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Dhisidda Aadanaha: Kee Mudnaanta Leh?

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan adduunka marka dhinac kasta laga eego. Warbixinno iyo cilmi-baarisyo ay si madax-bannaan u daabaceen World Bank (2024), UNDP (2024) iyo Somalia National Bureau of Statistics (2023) ayaa isku raacay in in ka badan 50% bulshada Soomaaliyeed ay ku nool yihiin saboolnimo.

Dhanka waxbarashada, xog ay daabacday Geneva Global Hub for Education oo cinwaankeedu yahay “Somalia’s Education Crisis” ayaa si cad u muujinaysa baaxadda dhibaatada jirta. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in 3.4 milyan oo carruur Soomaaliyeed ah oo gaaray da’da waxbarashada aysan waxbarasho helin, halka 58% carruurtu ay banaanka ka joogaan nidaamka waxbarashada, taasoo keentay in celceliska sannadaha waxbarasho ee carruurta Soomaaliyeed uu noqdo 1.7 sano oo keliya, taas oo 78% ka hooseysa celceliska Afrika oo ah 7.7 sano cunuggiiba.

Kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka ayaa iyaguna aad u liita, nooc kasta oo ay yihiinba. Isku geynta caqabadahaas, oo ay sii dheer yihiin dhibaatooyinka amni iyo xasillooni-darro ee jira, ayaa Soomaaliya ka dhigaya mid ka mid ah dalalka ugu nugul uguna liita adduunka.

Dalka mise Dadka?

Dalka noocaas ah si loo kobciyo loogana saaro xaaladda uu ku suganyahay, waxa lama huraan ah in la helo qorshe qaran oo si cad u qeexaya himilada la hiigsanayo iyo waddada lagu gaari karo. Si kastaba ha ahaatee, gudaha Soomaaliya waxa caado noqotay in la arko siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal ku faanaya dhismaha laamiyo yaryar oo qaarkood aan xitaa gaarin hal kiiloomitir, kuwaas oo loo soo bandhigo guulo waaweyn oo wax weyn ku soo kordhinaya dalka.

Haddaba, maqaalkan waxa aynu ku eegi doonnaa haddii Eebbe idmo dadka iyo dalka kan ay tahay in la hormariyo dhisiddiisa si loo helo horumar waara oo macno leh.

Tusaalaha ugu habboon ee arrintan lagu caddeyn karo waxa uu yahay hannaankii uu ku dhaqmay Nabi Muxamed (NNKH). Markii uu soo baxay, asxaabtiisu waxa ay ku noolaayeen duruufo adag oo dhaqaale iyo bulsho. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu awooday in uu ku hago jid ka sarreeya danaha gaarka ah sida dhismaha guryo qurxoon ama kaabayaal dhaqaale oo keliya noloshooda hagaajiya.Taa beddelkeeda, waxa uu doortay in uu mudnaanta koowaad siiyo dhisidda qofka iyo bulshada, si ay u noqdaan kuwo leh akhlaaq, aqoon iyo aragti guud oo ka shaqeysa danta guud.

Asxaabtiisu waxay ku tababaranayeen fahamka qiimaha caddaaladda, dulqaadka, samafalka iyo wadajirka bulshada. Si tartiib tartiib ah ayey u noqdeen kuwo leh aqoon, hanuun iyo akhlaaq wanaagsan, taas oo u sahashay in mustaqbalka ay door weyn ka qaataan dhisidda bulsho mideysan oo horumarsan. Nabi Muxamed (NNKH) wuxuu noqday tusaale cad oo muujinaya in maalgelinta dadka, horumarinta nafta, iimaanka iyo aqoontu ay ka muhiimsan yihiin dhismayaasha waddooyinka iyo kaabayaasha dhaqaale ee keliya. Dhisidda qofka ayaa noqota saldhigga dhismaha bulsho iyo dowlad waarta.

Qoraaga caanka ah ee reer Brazil, Paulo Coelho, ayaa la sheegay in maalin isaga oo wax akhrinaya uu la kulmay wiil yar oo su’aalo badan weyddiinayay. Markii su’aalihii badnaadeen, wuxuu go’aansaday inuu wiilka yar si kale ugu mashquuliyo si uusan mar dambe u rabshin inta uu akhriska ku jiro. Paulo waxa uu agtiisa ka qaatay warqad yar oo uu ku sawirnaa khariidadda dunida. Markaas ayuu jeex-jeexay, dabadeedna u dhiibay wiilkii yaraa isaga oo ku yiri, “Haddii aad khariidadda sidiisii ugu soo celiso, waan wada hadli doonnaa, wax kasta oo aad rabtana waan kaaga jawaabi doonaa.” Qoraagu waxa uu markaas is lahaa wiilka yar arrintaasi ma xallin doono, waayo waa hawl adag in qof si fudud isugu soo celiyo khariidad la jeexjeexay, qof yarna warkiisaba daa. Hase yeeshee, dhowr iyo toban daqiiqo ka dib ayuu wiilkii yaraa soo noqday isaga oo sita khariidaddii oo sidiisii ah. Arrintaasi aad bay uga yaabisay qoraagii, wuxuuna si degdeg ah u weydiiyay wiilka sida ay ugu suurtogashay inuu hawshaas si fudud u qabto. Wiilkii yaraa wuxuu ku jawaabay: “Warqaddii aad i siisay gadaasheeda waxa ku sawirnaa qof bini-aadam ah. Markii aan isku aaddiyay xubnaha qofkaas gadaal ku sawirnaa, markii aan dhammeeyay ayaan arkay in khariidaddii duniduna si toos ah isugu aaday.”

Sheekada Paulo Coelho ee wiilka yar iyo khariidadda dunida waxay xambaarsantahay xikmad falsafadeed oo qoto dheer oo ku saabsan dhisidda qofka iyo doorka uu ku leeyahay horumar waara. Markii wiilkii yaraa uu sheegay in uu si fudud u hagaajiyay khariidadda sababtoo ah waxa uu marka hore isku aadsiiyay sawirka qofka bini-aadamka ah ee gadaal ku sawirnaa, Coelho waxa uu fahmay in isbeddelka weyn ee dunidu uu ka bilaabmo qofka laftiisa.

Fikraddani waxay si cad ula jaanqaadaysaa aragtida human capital theory, oo tilmaamaysa in maalgelinta aqoonta, xirfadaha iyo akhlaaqda dadka ay tahay saldhigga horumar waara, ka hor inta aan la maalgelin kaabayaal ama dhismayaal kale. Marka qofka la dhiso, bulshada iyo qarankuba si dabiici ah ayay u hagaagaan.

Sidaas darteed, sheekadani waxay bixisaa tusaale wax ku ool ah oo muujinaya in guul kasta oo bulsho ama qaran lagu gaaraa ay ku xirnaan karto horumarinta dadka. Fahamka, hanuunka iyo dhisidda qofka ayaa horseedi kara saameyn ballaaran oo ku fida bulshada iyo dhaqaalaha. Paulo Coelho waxa uu sheekadan ka dhigay cashar nolosha ku saabsan, kaas oo muujinaya in maalgelinta dadka iyo hagidda toosan ee qof walba ay tahay waddada ugu macquulsan ee lagu gaari karo horumar waara.

Gunaanad

Ugu dambayn, sida ay muujinayaan tusaalayaasha kor ku xusan, horumarka waara waxa uu ka bilaabmaa dhisidda dadka, aqoontooda, akhlaaqdooda, xirfadahooda iyo fahamkooda mas’uuliyadda guud. Taariikhda Islaamka, falsafadda horumarka casriga ah iyo aragtiyada cilmiga dhaqaalaha dhammaantood waxay isku raacsan yihiin in maalgelinta awoodda iyo kartida dadka ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo koboc bulsho iyo mid dhaqaale.

Qoraaga
Bashiir Suulay
Bashiir Suulaywaa aqoonyahan u dhaqdhaqaaqa nabad-dhiska, bare jaamacadeed, isla markaana ah qoraaga buugga Hillaacii Lagu Hungoobey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link