Janaayo 31, 2026, waxaa Dowlad Deegaanka Soomaalida laga daahfuray xarunta dalxiiska Shabeelley, xafladdii furitaanka waxaa lagu casuumay madax Soomaaliyeed oo kala duwan oo dalalaka gobolka ka socotay.
Xafladda furitaanka goobtaani waxa ay ahayd war weyn oo maalmo haystay warbaahinta dalka Itoobiya iyo Soomaalida, goobta oo ah meel aad loo qurxiyey, leh goobo nasasho, meelo wax laga cunno, goobo carruurtu ku ciyaarto, goobo la daawado oo leh dariiqyo tamashlayn, haddana quruxda iyo dalxiiska la arkayey waxa ku hoos duugnaa fariimo siyaasadeed oo uu xambaarsanaa kulamada daahfurka, waana sababta ay dhacdadu u ahayd mid warbaahin badan tebiso, waxa ayna ahayd waxa keenay in indho siyaasadeed lagu eego xafladda oo dhalisay kala aragti duwanaansho ay dadka Soomaaliyeed ka fureen doodo.
Waxa ammaanta koowaad leh waa in dowlad deegaanka Soomaalidu helay fursado maal gelin iyo furfurnaan siyaasadeed oo uu kaga baxayo go’doon uu ku jiray dhulkaasi tobanaan sano, in laga furo xarun dalxiis waxay u tahay baaq ku saabsan in uu jiro isbeddel maamul oo aan ku dhisnayn duudsi iyo caburin, haddii dalxiis la diyaariyo waxa ku hoos jira waa in ay fududaato isu socodka, maal-gashiga, shaqo abuurka iyo in la qaado dhammaan wixii xannibaad ah, suurtogalna ay noqoto in Jigjiga ay yimaaddaan duullimaadyada tooska ah ee dunida ku xiraya, taasoo noqon karta isbeddel weyn oo siyaasadeed oo ku yimid siyaasadda Itoobiyadii la yiqiinay.
Dhinac kalese kulan madaxeed ka dhacay goobta xarig jarka waxa ay ahayd ismuujin awoodeed iyo farriimo siyaasadeed oo dalalka midba kan kale tusinayey.
Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ahaa masuulka loo marti ahaa, wuxuu casuumay madaxweynayaasha Soomaaliya, Jabuuti, iyo masuuliyin sarsare oo Soomaali ah oo ka yimid dalka Kenya.
Farriinta Ra’iisalwasaare Abiy uu dirayey waa caddayd, waa in Itoobiya tahay weli awood ka jirta gobolka, oo aysan dagaallada iyo qaybsanaanta dalkiisa ka jirtaa wax u dhimin saamaynteedii arrimaha Soomaalida, tahayna tan wax laga weydiinayo, wuxuu muujiyey in uu awood u leeyahay in uu kala dooran karo madaxda Soomaalida kuwa uu u yeeri karo, uuna hadda doortay in uu u yeerto madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, farriinta arrintan bixinaysay waa in cid kasta oo danaynaysa siyaasadda gudaha ee Soomaaliya aysan marna saamaynta Itoobiya iska indho tiri karin.
Farriinta kale ee uu Abiy diray waxa ay ku socotay Soomaalida, waxayna ahayd in Jigjiga ay hadda tahay magaalo muhiim u ah Itoobiya, waxkasta oo taariikh hore ah oo gabowday oo sheegasho Soomaaliyeed ahina aysan macno lahayn, Ra’iisalwasaare Abiy wuxu si xirfadaysan ugu guulaystay muujinta labadaas fariimood.
Waxa cadaynaya fariimaha Abiy waa sababta uu Ra’iisalwasaaruhu u casuumi waayey cid kale oo aan Soomaali ahayn, xitaa dalka Kenya oo ay Itoobiya ka dhaxayso heshiis amni wefdiga ka yimid waxa ay ahaayeen Soomaali, taasoo muujinaysa fariin ka weyn kulan lagu daahfurayo goob dalxiis, waxaana cad danta uu Abiy ka lahaa qorshahan inu uu yahay ka guul gaarista aasida taariikhda ay magaalada Jigjiga u leedahay Soomaalida iyo is muujintiisa uu ku hananayo saamayntii ay mar Itoobiya ku dhex lahayd siyaasadda Soomaalida, waana dareenka taban ee laga qaatay booqashada madaxda Soomaalidu ku tagtay magaalada Jigjiga.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka mid ah madaxdii daahfurka lagu marti qaaday tegistiisa magaalada Jigjiga waxay ku ahayd laba daran mid dooro, tan hore waa in uusan diidi karin marti qaadka uga yimid Abiy, oo wuxuu hubaa in diidmadiisu sababi doonto in madaxweynayaal maamul goboleed oo ay siyaasadda dalka isku diidanyihiin ay si fudud u bedeli karaan, oo soo camiri karaan xafladda, halkaasna ka soo dhagax tuurayaan, tanina waa tan u nuglaysay in uu Madaxweyne Xasan Shiikh u hibeeyo awood iyo ismuujin horay aan uga muuqan Ra’iisalwasaare Abiy oo uu ku helay isku garaaca siyaasiyiinta kala tagsan ee Soomaalida.
Arrinta kale ee saamaynta taban ku leh madaxweyne Xasan Shiikh waa in uu yahay madaxweyne Soomaaliyeed oo tegey magaalada Jigjiga oo uu qiray in ay tahay dhul Itoobiya, tani waxay ay tumaati ku tahay dareenka soo jireenka ah ee Soomaalida oo marna aan aqbalin in dhulka Sooomaalida ay leedahay Xabashi, dareenkaas oo ku dhex huursan Soomaalida oo markii ay awood helaanna si fudud u holci kara.
Madaxda kale ee tagtay kulanka daahfurka xarunta dalxiiska ee Jigjiga waxa ka mid ahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, hadda dalkiisa wuxuu dareemayaa culaysyo ka haysta colaaddo ka furan xuduudaha, dhinaca Eritrea hishiis lama ahan oo ciidamada labada wadan waxa ay isugu jiraan dhufays. Xuduudka goboladda waqooyi galbeed ee Soomaaliya maamulka ka jira ee Somaliland xiriirkoodu waa soo xumaanayey sanadihii la soo dhaafay. Dhinaca dalka Yemen awoodo is diiddan ayaa isku hirdiyaya oo mid kastaa ku yahay culays amniga dalka Jabuuti.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa ay Itoobiya u tahay dariiqa ganacsi iyo ammni ee waqtigan u furan Jabuuti, waana taas tan keentay in ay muhiim u tahay in uusan ka baaqan karin xafladda Jigjiga, wax kasta oo taariikh ay lahayd magaalada Jigjigana aysan ugu ahayn muhiim.
Muhiimadda taariikheed ee magaalada Jigjiga, waxay ku caddahay sida ay laf dhabar ugu ahayd halgamadii xornima-doonka Soomaalida. Sanadkii 1901dii, wuxuu dagaal dhiig badan ku daatay ku dhex maray ciidamadii boqorkii Xabashida ee Minilik iyo dhadhaqaaqii gobanima doonka ee Daraawiishta ee uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxaana dagaalkaas lagu jabiyey ciidamadii Xabashida, wuxuuna dagaalkaasi hakiyey duullaamadii dhul balaarsiga ahaa ee uu waday boqorkii Xabashidu.
Markii la soo gaaray 1943-dii, ee la dhisay ururkii dhallinyarada gobanimadoonka Soomaliyeed ee SYL, xafiiskiisii ugu horeeyey ee ururkaasi yeesho waxaa laga furay magaalada Jigjiga. Furitaanka xafiiska ee Jigjigga wuxuu lahaa muhiimad gaar ah oo dhinaca istiraatijiyadda iyo juquraafiga ah. Tan hore waa in ay ahayd magaalada ugu weyn jihada waqooyi dhexe ee galbeed ugu xigta dhulka Soomaalida, iyo in ay muhiim u ahayd aragtida dhismaha Soomaaliweyn oo ka mid ahayd tiirarkii iyo mabaadi’idii ay ku taagnaayeen ururkii SYL.
Markii Dhulka Soomaalida lagu wareejiyey Xabashida 1954-tii, dowladda Itoobiya waxa ay Jigjiga ka dhisatay saldhigyo ciidan iyo talisyo adag oo ciidamada Itoobiya weerarro ka qaadi karaan, waana goobta ay Itoobiya ka soo abaabushay duullaankii 1964 ee ay ku soo qaadday jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo isku dayday in ay ka soo talowdo xuduudaha Tog-Wajeele iyo Garayo Cawl oo hadda ka kala tirsan gobollada Waqooyi Galbeed iyo Awdal, dagaalkaas waxaa lagu jebiyey ciidamadii Itoobiya.
Magaalada Jigjiga waxaa kale oo ay ka mid ahayd goobihii dagaalladii ugu xumaa ka dhaceen dagaalkii weynaa ee Ogadeen ee dhexmaray Soomaalida iyo Xabashida sanadihii 1977 ilaa 1978, waxa ayna Jigjiga ku lahayd dagaalka taariikh gaar ah.
Jigjiga hadda waa caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida ee dhulka ku jira Itoobiya, waa magaalo ka sarraysa joogga badda qiyaasta wax ka badan 1600 oo mitir, cimilo ahaan waa magaalo leh cimilo deggan oo dhexdhexaad ah, inkasta oo bilaha Nofeembar ilaa Febaraayo ay leedahay cimilo la oran karo waa yara qabow, waxa ay dhacdaa dhul ku haboon beerashada iyo dhaqashada xoolaha, waxa ayna leedahay muhiimad ganacsi oo ay isku xirto qaybaha gobollada waqooyi ee Soomaaliya iyo caloosha Itoobiya.
Xasillooni siyaasadeed oo dowlad deegaanku helay sanadihii tegey ayaa u keentay in Jigjiga hesho maal-gashi iyo in magaaladu kobocdo oo bulsho badan oo Soomaali ahi degaan, iyagoo soo raacaya xasilloonida iyo maamulka dowliga ah ee ka jira oo keenaya fursado nololeed.
Qoraaga

- waa falanqeeye iyo taariikh-yahan Soomaaliyeed.
Latest entries
FaaloFebruary 25, 2026Jigjiga, Daahfurka Xarunta Dalxiiska iyo Dareenka qarsoon










