Hordhac
Naafo waa magac loo adeegsado bulshada kuwooda aan lexaadkoodu dhammaystirnayn.
Sida ku xusan hishiiska xuquuqaha naafada ee Qaramada Midoobey: naafo waa ciddii la nool waqti dheer dhibaato jireed ama maskaxeed, taas oo ka hor istaagaysa inay si dhammaystiran uga qaybqaataan dhammaan dhinacyada nolosha.
Naafadu waa qayb weyn oo kamid ah bulshada caalamka, waxaana lagu qiyaasaa in kabadan 15% dadka caalamka. Naafada caalamku way ku kala duwanyihiin duruufaha ay la noolyihiin.
Tusaale ahaan, marka la eego adeegyada ay helaan: wadamada Sweden, Norway iyo Canada ayaa loo tixgeliyaa inay yihiin waddammada ugu sarreeya oo uu qof naafo ahi ku noolaan karo caalamka, sidaa darteed la mid maaha waddammada Afrika oo intooda badan aysan naafadu wax tixgalin ah ku lahayn.
NAAFADU WAX MA QABAN KARAAN?
Sida ay nooga marag kacayso taariikhdu dadka naafada ahi hadday xal u helaan caqabadaha ay la kulmaan waa curiyeyaal iyo aqoonyahanno wax ku soo kordhin kara bulshada ay la noolyihiin, tusaalayaal nool oo aan soo qaadan karno waxaa ka mid ah:
Helen Keler 1880–1968 waxay ahayd gabadh aragga iyo maqalkaba la’; balse waxay noqotay qoraa iyo macallimad u doodda xuquuqda naafada.
Franklin Rosefelt 1882–1945 inuu ahaa curyaan kama hor istaagin in uu hormar gaaro, wuxuu noqday madaxweynaha 32-aad ee Maraykanka, kaas oo ka saaray dagaalkii labaad ee adduunka.
Sheikh Cabdul-casiis Ibnu Baaz 1912–1999 waxa uu arag beelay isaga oo yar, hase ahaatee waxa uu ku dadaalay barashada Diinta illaa uu noqday Muftiga guud ee dowladda Sucuudiga, iyo mid kamid ah culimadii ugu waawaynayd qarnigii 20-aad. Tusaalayaashaas oo dhammi waxa ay ka marag kacayaan in naafadu qaban karto wax kasta shaqo tan ugu sarraysa haddii ay helaan daryeelka ay u baahan yihiin.
CAQABADAHA AY LANOOL YIIHIIN NAAFADA SOOMAALIYA
Dowladda Soomaaliya waxa ay kamid tahay dowladaha saxiixay heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda dadka naafada ah (UNCRBD), sida ku xusan heshiiska dowladdii saxiixda waxaa laga doonayaa inay ilaaliso xuquuqda naafada waxna u qabato, hase ahaatee ma jirto tillaabo taas muujinaysa oo dowladda Soomaaliya qaaday tan iyo markay hishiiskaas ku biirtay.
Caqabadaha ay wajahayaan naafada Soomaaliya waxaa ka mida:
- Adeeg la’aan:
Naafada Soomaaliya ma ay helaan adeegyo dhammaystiran sida: adeegyo waxbarasho, caafimaad ama fursado dhaqaale abuur.
Waxbarashada naafada Soomaaliya weli waa mid gaar ah (Special Education), oo ma gaarsiisana sida waddammada dariska ah oo ay naafadu wax la bartaan dadka aan naafada ahayn.
- Daryeel la’aan:
Dunida waxaa jira ha’yado iyo xarumo u xilsaaran daryeelka naafada, hase ahaatee Soomaaliya ha’yadahaas ma leh, taas oo keentay in dad badan oo naafo ahi ay dalka dhexdiisa ku dayacmaan.
- Sharci la’aan:
Sida la ogyahay in wax la qabto waxaa ka horraysa in la yaqaan cidda wax loo qabanayo iyo sida wax loogu qabanayo, sidaa darteed in la aqoonsado xuquuqda naafada waxaa ka horreysa in sharci ahaan la qeexo. Wuu jiraa Xeer naafo oo dowladda Soomaaliya meelmarisay balse aan wali la fulin, sidoo kale Puntland waxaa golayaasha dowladdu ansixiyeen siyaasadda naafada, balse wax fulin ah oo ka dhaqangalay ma ay jirto.
- Shaqo la’aan:
Naafada kuwooda wax bartay fursad kama helaan suuqa shaqada ee kooban, taas waxa ay keenaysaa inay la kulmaan niyad jab iyo kuwooda waxbaran lahaa oo waxbarashada ka quusta.
- Awood darro laga aaminsan yahay:
Bulshada Soomaalidu waxa ay Naafada ula dhaqantaa inay yihiin Bulsho tabar daran oo mudan mar walba in la caawiyo, balse xaqiiqdu taas way ka duwan tahay oo qofka naafada ah haddii loo fududeeyo baahiyihiisa waxa uu noqon karaa mid ka horreeya dadka kale.
SIDA DHIBAATOOYINKA JIRA LAGU XALLIN KARO:
- In la abuuro dugsiyo iyo xarumo tababar oo naafadu ka faaiidaysato, awooddoodana sare loogu qaado.
- In la xoojiyo wacyigelinta bulshada; iyadoo la adeegsanayo warbaahinta noocyadeedka kala duwan, bahda suugaanleyda iyo hoggaamiyayaasha bulshada sida culimada iyo dhaqanka.
- In la sameeyo shuruuc tilmaamaysa xuquuqaha naafada.
- In naafada waxbaratay la siiyo qoondo go’an oo kamid ah shaqaalaha dowladda.
- In la sameeyo sanduuq lagu hormarinayo naafada, iyadoo loogu abuurayo ganacsiyo yaryar oo ay ka maareeyaan noloshooda.
- In ganacsatada iyo qurbajoogtu ka qaybqaataan hormarinta naafada.
GUNAANAD
Naafadu ma aha bulsho tabar daran ama wax qabsan kari waayay, balse waa kheyraad bini’aadmiyeed oo la dayacay, awoodna u leh inay door muuqda ka qaataan horumarka dalka haddii la helo daryeel, fursad iyo xuquuq dhab ah. Dhibaatooyinka haysta naafada Soomaaliyeed ma aha kuwo ka dhashay naafonimada lafteeda, balse waa natiijo ka dhalatay dayacaad dowladeed, faham bulsho oo qaldan, iyo sharciyo aan dhaqan gelin.
Haddii la hirgeliyo xalalka aan kor ku soo jeediyay sida waxbarasho loo dhan yahay, sharciyo dhaqangala, fursado shaqo, iyo wacyigelin bulsho—naafadu waxay noqon karaan tiir muhiim u ah dhismaha qaranka, halkii ay ka ahaan lahaayeen bulsho la illaaway. Mas’uuliyadda hormarinta naafada ma saarna dowladda oo keliya, balse waxa wadaaga bulshada rayidka ah, ganacsatada, culimada, warbaahinta iyo qurbajoogta Soomaaliyeed.
Sidaas awgeed, xaqiijinta xuquuqda naafadu waa imtixaan muujinaya heerka caddaaladda, bini’aadannimada iyo bisaylka bulshadeenna. Bulsho ixtiraamta naafadeeda waa bulsho u diyaarsan mustaqbalka wanaagsan ee dhammaan xubnaheeda.
Qoraaga












