| Taxanaha: Dal iyo Dad |
Dal iyo Dadwaa taxane maqaallo joogto ah oo bil walba ku soo bixi doona Majalladda Marag, kaas oo si qoto dheer u falanqeynaya mawduucyo la xiriira dowladnimada, federaalka iyo taariikhda Soomaaliya. Taxanahani wuxuu isku xirayaa waayo-aragnimo taariikheed, aragti cilmiyeed iyo duruufaha siyaasadeed ee taagan, isaga oo ujeedkiisu yahay in la helo faham qoto dheer oo ka turjumaya casharrada taariikhda, dhismaha dowladnimo casri ah, iyo kaalinta muwaadinka ee masiirka qaranka. Sidoo kale, Dal iyo Dad wuxuu dhiirrigelinayaa dood aqooneed, wacyigelin bulsho iyo kobcinta aragti fog oo ku wajahan mustaqbalka dalka.
Midnimadu waa udub-dhexaadka dowladnimo kasta, waa xudunta isku haysa dhul, dad iyo hay’ado, isla markaana dejisa jihada uu qaran u socdo. Cilmiga siyaasadda wuxuu muujinayaa in midnimada qaran aysan ahayn xaalad dabiici ah oo iskeed u waarta, balse ay tahay mashruuc siyaasadeed oo si miyir leh loo dhiso, loo ilaaliyo, loona kobciyo. Taariikh ahaan, marka hoggaan qaran ku guuldarreysto ilaalinta iyo xoojinta midnimada, dowladnimadu waxay u nuglaataa burbur hay’adeed, kala firdhid bulsho iyo faragelin shisheeye. Midnimo dhab ah waxay u baahantahay hoggaan leh aragti qaran, hay’ado shaqeeya, iyo heshiis bulsho oo qeexaya xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinka iyo dowladnimada.
Xaaladda Soomaaliya waxay si cad u muujinaysaa sida fashilka hoggaamineed uu u wiiqi karo midnimada qaran, una horseedi karo bulsho wadaagta af, diin iyo dhaqan inay ku kala irdoobaan dano isdiidan iyo aragtiyo siyaasadeed oo iskhilaafsan. Halkii sifooyinkaas wadajirka ahi noqon lahaayeen saldhig dowladnimo adag, waxaa marar badan lagu beddelay aalado lagu kala fogeeyo bulshada, taas oo si joogto ah u dhaawacday kalsoonidii qaran.
- Casharrada Taariikhda: Fursado Lumay
Dowladdii Soomaaliyeed ee xornimada ka dhalatay 1960-kii waxay ku bilaabatay rajo iyo taageero bulsho oo ballaaran. Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaashii rayidka ahaa ee xilligaas waxay ku fashilmeen dhismaha hay’ado waara, nidaam maamul oo hufan iyo caddaalad siyaasadeed. Musuq, eex iyo tartan dano gaar ah ku saleysan ayaa hoos u dhigay sharciyaddii dowladnimada, taas oo ugu dambayn sababtay burburkii nidaamkii rayidka ahaa.
Nidaamkii millatari ee xigay wuxuu ku yimid ballanqaad midnimo iyo sinnaan, balse midnimadii la sheegay waxay noqotay mid ku dhisan awood qasab ah. Kala aragti duwanaanshihii waa la cabburiyay, awoodduna hal gacan ayay ku aruurtay. Markii nidaamkaasi burburay 1991-kii, waxaa si cad u muuqday in midnimo aan ku dhisnayn heshiis bulsho ay si degdeg ah u dunto marka awooddu lunto. Burburka dowladda dhexe ka dib, Soomaaliya waxay gashay marxalad dowlad la’aan ah, firaaq siyaasadeed iyo burbur hay’adeed oo baahsan, taas oo sii xoojisay kala qaybsanaantii bulsho illaa ay Gobollada Waqooyi Galbeed (Somaliland) ku dhawaaqeen gooni-isu-taag.
Dowladihii xigay laga soo bilaabo 2000, inkastoo ay abuureen rajooyin dib-u-dhis iyo hirgelinta hannaan federaal ah, haddana waxay ku fashilmeen dhismaha hay’ado mideeya dalka iyo gaarista heshiis bulsho oo sal adag leh. Natiijadu waxay noqotay in Soomaaliya wali aysan yeelan dastuur rasmi ah, dowlad-dhiskuna ku tiirsanaado xalal ku-meel-gaar ah, heshiisyo kooban iyo qaybsiga awoodda, halkii laga dhisi lahaa nidaam caddaalad iyo midnimo ku dhisan.
- Hoggaanka Hadda Jira: Dayac Qaran
Hoggaanka hadda jira wuxuu kusii socday dhabbihii hore iyo ka daran. Waxay ku guuldarreysteen xoojinta midnimada qaranka, gaar ahaan dhinacyada heshiisiinta bulshada, wadahadalka Somaliland, dhammaystirka dastuur heshiis lagu yahay iyo ilaalinta wadajirka siyaasadeed iyo bulsho. Halkii laga filayay mudnaan gaar ah oo la siiyo midnimada qaranka, waxaa muuqata siyaasad ku dhisan muran joogto ah, kala shakiga hay’adaha dowladeed, iyo go’aanno aan ku dhisnayn wadatashi dhab ah.
Wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Somaliland lama siin mudnaantii istiraatiijiyadeed ee ay lahaayeen, mana helin hoggaan leh aragti iyo ajande cad. Taasi waxay sii fogeysay kala fogaanshaha siyaasadeed, iyadoo xaaladdu gaartay heer ay quwado shisheeye qaarkood bilaabeen tallaabooyin wax u dhimaya wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Arrin kale oo si weyn u wiiqay midnimada ayaa ah qaabka loo wajahay wax-ka-beddelka dastuurka. Dastuurku waa heshiis bulsho, mana noqon karo mid sharciyad leh haddii aan lagu dhisin wadatashi ballaaran iyo oggolaansho guud. Sidoo kale, khilaafaadka siyaasadeed ee joogtada noqday ayaa sababay in dowladnimada marar badan loo adeegsado ciqaab wadareed, iyadoo adeegyada iyo mashaariicda horumarineed lagu xiro mowqif siyaasadeed, taas oo dhaawacday kalsoonidii bulshada siina hurisay kala qaybsanaantii jirtay.
- Faragelinta Shisheeye: Natiijada Hoggaan Daciif ah
Faragelinta shisheeye inta badan waa natiijo ka dhalata daciifnimo gudaha ah iyo hoggaan ku guuldarreystay dhismaha midnimo qaran iyo hay’ado sal adag leh. Marka hoggaanku ku fashilmo mideynta bulshada, dejinta aragti qaran oo cad iyo ilaalinta heshiiska bulsho, wuxuu abuuraa firaaq siyaasadeed iyo amni oo ay si fudud u buuxiyaan quwadaha dibadda. Sidaas awgeed, faragelinta shisheeye ma timaaddo si lama filaan ah, balse waxay ka faa’iideysataa kala qaybsanaan gudaha ah iyo hoggaan aan isku filnayn.
Xiriirka dibadda ee macnaha leh kuma dhismo ku-tiirsanaan ama is-dabamarin, balse wuxuu ku dhisan yahay is-weydaarsi dano, ixtiraam labada dhinac ah iyo saaxiibtinimo siyaasadeed oo lagu kalsoonaan karo. Dal leh aragti qaran iyo bulsho ku mideysan danaha guud, wuxuu si sahlan u dhistaa saaxiibo siyaasadeed oo garab istaaga marka danaha qaranku halis galaan. Hase yeeshee, hoggaanka Soomaaliya ee maanta wuxuu ku fashilmay dhismaha xiriir dibadeed oo waxtar u leh qaranka, taas beddelkeedna wuxuu qaaday jihooyin is-beddelaya oo ku saleysan dano dhow. Taasi waxay keentay in Soomaaliya loo arko dal aan lahayn saaxiibo dhab ah, isla markaana aan lagu kalsoonaan karin jihada siyaasaddiisa, taas oo sii xoojisay faragelinta shisheeye iyo kala qaybsanaanta gudaha.
Gunaanad iyo Talooyin
Gunaanad ahaan, waxaa cad in caqabadaha ku hareeraysan midnimada Soomaaliya aysan ahayn kuwo ku yimid si lama filaan ah ama ka dhashay kala duwanaansho bulsho, balse ay yihiin natiijo toos ah oo ka dhalatay fashil hoggaamineed, heshiis bulsho oo la dayacay iyo dowladnimo ku tiirsan xalal ku-meel-gaar ah. Laga soo bilaabo xornimadii 1960 ilaa burburkii 1991 iyo marxaladda federaalka ee maanta, waxaa si joogto ah u fashilmay in midnimada qaranka loo beddelo sharci, hay’ado adag iyo kalsooni bulsho oo waarta.
Hoggaanka maanta jira kama faa’iidaysan casharradii taariikhda, balse wuxuu kusii socdaa waddo ay ka muuqdaan khilaaf siyaasadeed, go’aanno aan ku dhisnayn wadatashi qaran iyo dayaca heshiisiinta bulsho. Taasi waxay sii wiiqday wadajirka qaranka, waxayna Soomaaliya ka dhigtay dal nugul oo ku dhex milmay loollan shisheeye, isla markaana la ildaran jiho iyo saaxiib-la’aan siyaasadeed. Xilligan oo doorashooyin la wajahayo, hoggaanka waxaa laga doonayaa inuu dhulka dhigo ajandayaasha halka dhinac ah, xoogana saaro midnimo gudaha ah, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay, si looga hortago qalalaase cusub.
Dhanka kale, dib-u-dhiska midnimadu ma hirgeli karo haddii aan si dhab ah loo wajihin heshiisiin bulsho, dastuurkana loo arkin heshiis qaran oo lagu saleeyo wadatashi iyo oggolaansho guud. Midnimada qarankuna waa mas’uuliyad wadaag ah, shacabka Soomaaliyeed waa inay iska garabsadaan ilaalinta wadajirka dalkooda, kana hortagaan kala goyn kasta. Ugu dambayn, mustaqbal xasilloon wuxuu ku xiran yahay hoggaan aragti fog leh, muwaadin wacyi leh, iyo siyaasad dibadeed ku dhisan dano is-weydaarsi iyo saaxiibtinimo siyaasadeed oo la isku halayn karo.
Qoraaga

- waa aqoonyahan, cilmi-baare iyo siyaasi Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaatay arrimaha dowlad-dhiska, doorashooyinka iyo horumarinta hay’adaha Puntland. Wuxuu hore u soo noqday Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC), Wasiir, isla markaana ahaa aasaasaha Machadka Cilmi-baarista SIDRA. Dr. Guuleed wuxuu haystaa shahaado PhD, wuxuuna si gaar ah ugu xeel dheer yahay federaalka, maamul-wanaagga iyo dimuqraadiyadda.











