Midnimo mise gooni-goosad? Jahawareerka aragtiyeed ee indheergaradka Puntland

Muddooyinkii u dambeeyay, Puntland waxay wajahaysaa jaahwareer aragtiyeed oo sii xoogaysanaya, kaas oo taabanaya labada tiir ee ugu muhiimsan siyaasaddeeda: midnimada Soomaaliyeed iyo maamul goboleed taladiisa u madaxbannaan. Labadan tiir—oo markii hore isu-dheelitirnaa—maanta waxay ku jiraan khilaaf qoto dheer oo saameyn ku yeeshay bulshada, indheergaradka, iyo hoggaanka siyaasadeed; khilaafkaas oo ay abuureen siyaasiyiin dano gaar ah leh oo marar badan shacabka ku awr-kacsada.

Himiladii Puntland iyo Jaahwareerka Cusub

Puntland markii la asaasay 1998-dii, waxa ay lahayd laba himilo oo cad cad:

  1. In Puntland yeelato maamul leh qaab-dhismeed dhammaystiran oo ka shaqeeya nabadgelyada, dhaqaalaha, islamarkaasna daboola baahiyaha bulshada inta la gaarayo dowlad Soomaaliyeed oo Federaal ah oo ay Puntland qayb ka tahay.
  2. In ay noqoto maamul goboleed federaal ah oo qayb ka ah dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo loo dhanyahay oo u adeegta dhammaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Laakiin maanta, indheergaradka reer Puntland waxay wajahayaan su’aal adag oo oranaysa:
Puntland weli ma u taagantahay himiladii ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, mase waxay ku sii siqaysaa qaab u eg dowlad madax-bannaan (goonni-goosad) oo horseedda kala go’a Soomaaliya iyo burburka midnimadii halganka iyo dhiigga loosoo daadiyey?

Doorashooyinka Soomaaliya iyo hayaanka madaxda Puntland ee Muqdisho!

Markasta oo la gaaro xilliga doorashooyinka Soomaaliya, Puntland waxa ay gashaa xaalad murugsan oo abuurta hubanti la’aan siyaasadeed, maadaama hoggaanka iyo indheergaradka qaar ay si buuxda ugu jeestaan Muqdisho; iyagoo isku dayaya inay kaalin ku yeeshaan loolanka kursiga madaxtinnimada ee Villa Soomaaliya; iyagoon hayaankoodaan ka talogelin haldoorka bulshada iyo horweynta siyaasaddaba; arrintaan waxay hakisaa shaqada gudaha, mashquul gelisaa hay’adaha dowladda, hoos u dhigtaa kalsoonida shacabka, isla markaana sii hurisa su’aasha weligeed taagnayd ee ah: Puntland yaa dhab ahaan ugu shaqeeya—qof, beel mise bulsho dhan? Yayse ka go’daa go’aanka in hoggaanka dalku isku sharraxo madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland?

Sannadkan waxa aad u muuqata cabsi kale oo weyn; taasoo u muuqata
in mar labaad hantidii, saami-qaybsigii, iyo magacii Puntland ay markale noqdaan xoolo siyaasadeed oo lagu raadinayo kursiga madaxweynaha Soomaaliya.

Tani waa mid bulshada ku sii abuureysa dareen ah in Puntland mar kasta loo arko keliya “jid loo maro ama lagu gaaro Villa Soomaaliya”, halkii ay ka ahaan lahayd maamul leh sharaf iyo miisaan siyaasadeed oo u gaar ah, kuna mashquula danaha dadka reer Puntland.

Indheergaradka: Kuul-kuul Siyaasadeed iyo Dood La’aan Aragtida Maqaamka Puntland

Indheergaradka Puntland waxaa laga filayay inay hoggaamiyaan dood furan oo qeexda mustaqbalka maqaamka Puntland, balse taa beddelkeeda waxaa muuqata in qaar ay ku milmeen siyaasadda Muqdisho, kuwo kalena ay danaha beeluhu ka leexiyeen aragtidoodii guud, halka inta badanna ay ka maqantahay dood cilmiyeed qoto dheer oo si cad u tilmaamaysa waxa ay Puntland rabto tobanka sano ee soo socda.

Jaahwareerkan fikirka ahi wuxuu abuuray madhaleysnimo:
Puntland ma rabtaa federaal sax ah? Mise waxay rabtaa madax-bannaani dhab ah? Mise weli way ku jirtaa labadiiba oo waxba uma cadda?

Madaxda Puntland waqtigan ka talisaa waxay u muuqdaan kuwa kasii fogaanaya midnimada iyo wadajirka Soomaalida, shacabkuna ku riixaya kana gadaya aragti ku dhisan gooni-goosad, abuurid nacayb iyo waddo aan la ogayn meesha ay ku dhammaanayso.

Shacabka: Sababta ay ugu sii riixmayaan dhanka gooni-goosadka

Shacabka reer Puntland maanta waa ay ka daaleen khilaafaadka aan dhammaan ee ka socda Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha u adeega danaha kursiga halkii ay difaaci lahaayeen danaha gobolka, iyo indheergaradka aan weli awoodin inay sameeyaan dood mideysan oo ku saabsan xuquuqda iyo maqaamka Puntland. Daalkaas wuxuu abuuray jawi niyad jab leh oo bulshada ka dhaadhiciyey in arrimahooda aan si dhab ah loo tixgelin, isla markaana ay maqantahay aragti mideysa oo qeexda mustaqbal siyaasadeed oo caddaalad ku dhisan.

Natiijada arrintan waxay keentay in bulshada Puntland ay si tartiib tartiib ah ugu sii siqdo fikradda gooni-u-istaagga, iyadoo kalsoonidii ay ku qabeen midnimada Soomaaliyeed sii yaraanayso. Bulshadu waxay ku baraarugtay in aanay ka jirin sinnaan iyo xaqsoor ku filan oo ka tarjumaya kaalintii iyo doorkii Puntland ee aasaaska dowladnimada Soomaaliya. Aragtidan sii xoogaysanaysa waxay muujinaysaa baahida degdegga ah ee u taalla hoggaamiyeyaasha iyo indheergaradka Puntland si loo helo wadadii dib loogu dhisi lahaa kalsoonida iyo maslaxadda guud ee ummadda.

Maxaa la gudboon hoggaanka iyo indheergaradka Puntland?

Haddii Puntland ay rabto mustaqbal cad oo aan qalloocin, waxaa lama huraan ah in la abuuro dood furan oo dadweyne oo qeexda jihada iyo mustaqbalka ay bulshada u aragto in uu yahay kan saxda ah. Arrintani waxay ka caawinaysaa in la helo aragti mideysan oo ka fog jaahwareerka maanta muuqda.

Sidoo kale, indheergaradka Puntland waa in ay iska dhaafaan ku tiirsanaanta iyo jaahwareerka hadba isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacaya Muqdisho, maadaama arrintaasi mararka qaarkood ay keento jaahwareer siyaasadeed oo aan ku dhisnayn danaha gobolka.

Hoggaanka Puntland-na waxaa looga baahanyahay in uu ka hormariyo danta guud ee bulshadu leedahay damaca shaqsiyeed ee muddada-gaaban. Tani waxay horseedi kartaa xasilooni siyaasadeed iyo kalsooni bulsho oo dhidib adag leh.

Ugu dambayn, bulshada Puntland waa in la siiyo hagitaan siyaasadeed iyo mid maamul oo cad, si looga baxo mugdiga iyo jaahwareerka fikir ee maanta jira, loona dhiso nidaam ku saleysan isla-xisaabtan, hufnaan iyo himilo mideysan. Hagitaan la’aanta maanta jirta ma aha keliya dhibaato maamul, balse waa khatar fikir oo saameyn toos ah ku leh jihada mustaqbalka Puntland.

Waa in si cad loo fahmaa in Puntland aysan marnaba dan ugu jirin gooni-goosad, mana ahayn ujeeddo ay ku dhisantay ama ay maanta hiigsanayso. Puntland waxaa lagu aasaasay aragti ku saleysan dib-u-dhiska dowlad Soomaaliyeed oo federaal ah, iyadoo federaalku u oggolaanayo in awoodda si caddaalad ah loo wadaago, xuquuqda gobollada la ilaaliyo, isla markaana shacabka Puntland ay si buuxda uga qayb qaataan go’aanka qaranka.

Federaalku sidoo kale waa habka keliya ee lagu xakamayn karo keli-talisnimo, takoor iyo awood-ku-koobid, waana nidaam siinaya Puntland fursad ay ku horumariso amnigeeda, dhaqaalaha iyo maamulkeeda iyada oo weli ka mid ah qarannimo wadajir ah. Taas beddelkeeda, gooni-goosadku dan uma aha Puntland, maadaama uu horseedi karo go’doon siyaasadeed, nuglaansho amni, khilaaf bulsho, kala-go’ dhaqaale, isla markaana uu dhaawacayo kaalintii taariikheed ee Puntland ku lahayd midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

Haddii dood la’aan, hoggaan la’aan iyo jaahwareer fikir ay sii socdaan, waxaa jiri karta in dareenka bulshada si dabiici ah loogu leexiyo jihadaas, inkastoo aysan ka tarjumayn dan dhab ah ama aragti qaran oo fog. Sidaas awgeed, xalka saxda ahi waa dib-u-heshiisiin federaal oo dhab ah, lehna dastuur cad oo qeexaya awoodaha iyo masuuliyadaha heer kasta, si Puntland u sii ahaato tiir ka mid ah midnimada Soomaaliyeed, isla markaana ay u ilaaliso danaha jiilalka soo socda.

Qoraaga
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)Waa qoraa iyo sharciyaqaan Soomaaliyeed oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee SIDRA Institute, oo leh khbrad nidaamka caddaaladda Soomaaliya, u doodista xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link