HORDHAC
Soomaaliya waa dal weli ka soo kabanaya colaado sokeeye oo daba dheeraaday, kuwaas oo soo socday muddo ku dhow ama ka badan soddon sano, taasoo sabab u noqotey awood-yarida hay’adihii dowliga ahaa ee la hanaqaadey dowladihii isku xigxigay ee dalka soo marey illaa shirkii Carta ee 2000. Arrintaasi waxay sababtay qaab maamul oo aan isu-dheelitirneyn, kaasoo si weyn u carqaladeeyay bixinta adeegyada bulshada ee aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo adeegyada kale ee la midka ah. Aniga oo ka mid ah dadkii goob-jooga u ahaa isbeddelkii ka dhacay dalka marka loo eego dowlad bixisa adeegyada aasaasiga ah ee muwaadiniinteeda waqtiyadii hore ilaa mid wax walba lumisay maanta, waxaan qormadaan kooban ku milicsanayaa aragtideyda ku dhisan waayo-aragnimadaas.
In kasta oo horumar laga sameeyay dhinacyada dhismaha hay’adaha dowladda illaa Carta ee sannadkii 2000 lagu soo dhisay Djibouti, haddana bixinta adeegyada iyo buuxinta baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada waa mid aan joogto ahayn, miisaaniyad xadidan leh, oo mararka qaar xitaa aan loo sinnayn. Nidaamka federaalka, inkastoo si dastuuri ah loo oggol yahay, haddana wuxuu la daalaa dhacayaa faham cad la’aan, maamul dhaqaale oo xaddidan, iyo isku xirka liita ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah.
Qormadaan kooban waxay bixineysaa falanqayn ku saabsan xaaladda hadda ee bixinta adeegyada bulshada ee Soomaaliya, iyadoo iftiiminaysa caqabadaha waaweyn ee hortaagan in bulshadu helaan adeeg asaasi ah iyadoo ay sabab u yihiin arrimo badan oo ay ka mid yihiin amni-darro, la’aanta kaabayaasha muhiimka u ah, maamul xumo maaliyadeed ee hantidii dadweynaha, musuqmaasuq baahsan, shaqaale rayid oo aan xirfad lahayn, iyo kalsooni-darro hoose oo ka dhex jirta muwaadiniinta iyo dowladda heerarkeeda kala duwan. Waxay sidoo kale dib u eegis ku samaynaysaa dadaalladii dhawaan la sameeyey, dhinaca federaaleynta, barnaamijyada ay maalgelinayaan deeq-bixiyeyaasha, iyo tijaabooyinka ku lug leh lahaanshaha muwaadiniinta, kuwaas oo muujiyey rajo wanaagsan oo ku saabsan hagaajinta bixinta adeegyada maxalliga ah.
Si loo xalliyo farqiyada jira, qormadaan waxay ku talineysaa dhowr qaab oo loo wajihi karo arrintaas, laga bilaabo xoojinta is-qaadashada iyo wada-shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, maalgelinta awoodaha dowladaha hoose, mudnaan-siinta hababka ka qaybgalka muwaadiniinta, iyo kor u qaadidda daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka bixinta adeegyada dadweynaha. Waxa kale oo ay xoogga saareysaa muhiimadda isticmaalka tiknooloojiyadda casriga ah iyo khibradda degdegga ah ee Soomaalida qurbaha ku nool si loo buuxiyo baahiyaha jira. Ugu dambeyntiina, waxay soo jeedinaysaa tallooyin ujeedadoodu tahay in la abuuro nidaamka bixinta adeegyada bulshada si looga jawaabo baahida muwaadiniinta.
FALANQEYNTA XAALADDA
Dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya wuxuu ahaa cutub xanuun badan oo ka mid ah taariikhda dalka, iyadoo xitaa 35 sano kadib markii uu qarxay, saameyntiisu ay weli ka muuqato dhammaan qaybaha nolosheenna. In kasta oo xaaladdu aysan qummanayn xilligii ka horreeyay colaaddii ahliga aheyd, haddana waxaan lahayn waxyaabo aan ku faani karno, sida waxbarasho bilaash ah, adeega caafimaadka aasaasiga ah ee bilaashka ah, ammaanka guud ee dalka oo sugnaa, gaar ahaan ka hor dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1977/78, helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee dowladda bixiso, iyo heerka shaqo ee ku filan ee dhallinyarada qalinjebisa, maadaama dalka uu ka socdey horumar muuqda, iyadoo la dhisay warshado badan oo cusub.
Soomaaliya waxay isaga filnayd adeegyada aasaasiga ah sida cuntooyinka xilliyada wanaagsan ee roobka la helo, waxaana dowladdu dejisay siyaasado lagu dhisayo deegaameynta magaalooyinka iyo tuulooyinka xeebaha ku yar si loo taageero kuwa lumiyay xoolahooda, xilligii abaartii ba’neyd ee Daba-dheer. Aniga iyo dadka jiilkeyga ahna waa markhaatiga nool ee ka faa’iideystey adeegyaddii dowladda dhinac kasta.
Si kastaba ha noqotee, dhammaan arrimahaas si kedis ah ayay isu beddeleen, waxaana dhibaatadu noqotay wax caadi ah halkii dowladda lagula xisaabtami lahaa inay bixiso adeegyada bulshda, taasoo ka dhigtay in bixinta adeegyada aasaasiga ah ay noqoto mid aan macquul ahayn ama aysan dowladdu xisaabta ku darsan. Dhowaan bay aheyd markii wasiir ka tirsan dowladda federaalka oo si aan qarsi lahayn u yiri in aan dowladda xaq loogu lahayn adeegyadda aasaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka, haddii ay bixisana ay tahay sadaqo. Nasiib-darro ma jirto cid dowladda heerarkeeda kala duwan ka mid ah oo arrintaas ka hadashay ama ka daba-tagtey.
Marka aan leennahay falanqaynta xaaladda, waxaan ula jeedaa inaan qiimeyno arrimaha gudaha iyo kuwa dibadda ee saameynaya dhibaatooyinka iyo caqabadaha adeegyada bulshada ee Soomaaliya guud ahaan, si loo aqoonsado waxyaabaha ka maqan, iaydoo lagu qiimeynayo nidaamka loo yaqaan (SWOT), ee tilmaama halka dowladdu ku xoog badan tahay, dhinaca ay ku liidato ama daciifka ku tahay, fursadaha jira, iyo khataraha iman kara. Si arrintaas wax looga qabto, waxaan xooga saareynaa caqabadaha horyaalla dalka meelaha muhiimka ah.
Mid ka mid ah meelaha la taaban karo waa maamul wanaagga, kala qaybsanaanta hay’adaha dowladda heerarkeeda kala duwan iyo isku xirnaansho la’aanta qaab-dhismeedka nidaamka federaalka ah, kaasoo lagusoo dhisay heshiiskii Mbagathi ee 2004, islamarkaana markii dambe lagu xoojiyay Dastuurka Ku-Meelgaarka ah ee 2012, iyadoo aan si buuxda loogu heshiin awood-qeybsiga iyo kheyraad-qeybsiga. Maqnaanshaha qaab-dhismeed dastuuri ah oo dhamaystiran iyo kala soocida masuuliyadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DXDF) ayaa sababtay jahwareer, mas’uuliyado isku dhafan, iyo tartan ku saabsan waxqeybsiga gaar ahaan kaalmooyinka caalamiga ah iyo kheyraadka dalka.
Intaas markaad ku darto xaaladda amni la’aanta iyo xaddida isu-socodka bulshada, gaar ahaan meelaha ay maamulaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada koonfur-bartamaha dalka, taasoo caqabad ku noqota bixinta adeegyada bulshda. Al-Shabaab waxay xoog ku haystaan dhul ballaaran, taasoo xaddidaysa gaarista adeegyada bulshada iyo helitaanka kaalmada bani’aadamnimada, isla markaana waxay si toos ah u carqaladeeyaan maalgelinta adeegyada bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalka.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xuso maareynta miisaaniyadda dowladda heerarkeeda kala duwan oo daciif ah iyo ku-dhaqanka xaddidaadaha miisaaniyadda, waxaana sabab u ah maqnaanshaha nidaamka maamulka maaliyadda (Public Financial Management), taasoo dhaawaceysa hirgelinta miisaaniyadda si nidaamka waafaqsan, qaabka wax-soo-iibsiga dowladda oo xor ah (fair Public Procurement Process) iyo isla-xisaabtanka guud ahaaneed.
Soomaaliya mar walba waxay ku qiimeysan tahay hooseynta nidaamka hufnaanta maaliyadeed, iyadoo musuqmaasuqa baahsan uu wiiqay kalsoonida dadweynaha iyo bixinta adeegyo wax ku ool ah. Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ma laha nidaam iyo awood ay ku ururiyaan canshuuraha ama ay si wax ku ool ah u maamulaan dakhliga soo xarooda, taasoo keenta in adeegyada muhiimka ah loo waayo maalgelin ama si liidata loo maamulo.
Sidoo kale, baahinta adeega bulsho ee Soomaaliya wuxuu la kulmaa farqi ballaaran iyo kala duwanaansho nolosha magaalo iyo baadiye (urban and rural), iyadoo qiyaastii 60% dadka ku nool yihiin deegaanno tuulooyin iyo baadiye ah, halkaas oo noloshooda inta badan ku tiirsantahay xoolaha. Bixinta adeegyada bulshada ayaa badanaa ku kooban magaalooyinka waaweyn, sida Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, iyo caasimadaha kale ee dowlad-goboleedyada, halka deegaannadda baadiyaha ah iyo kuwa colaaduhu si ba’an u saameeyeen ay weli adeeg la’aan yihiin oo aan si fudud loo gaari karin.
Barakacayaasha gudaha (IDP), oo sida la xaqiijiyey ay tiradoodu ka badan tahay 2.9 milyan, ayaa waxay la kulmaan caqabado badan oo ku saabsan helidda adeegyada bulsho oo aasaasiga ah. Waxaa mudan in la xuso in khilaafaadka soo noqnoqda ee deegaannadda iyo barakacinta dadka ay mar walba carqaladeeyaan howlaha dowladda iyo helitaanka adeegyada. Ugu dambayn, ka-qaybgal la’aan muwaadiniinta heer kasta oo la xiriira saamaynta siyaasadda iyo la-tashiyada hirgelinteeda ayaa xaddidaya in ay talo ku yeeshaan helitaanka iyo ka qaybqaadashada dadweynaha ee bixinta adeegyada bulshdada. Isla mar ahaantaana, qorsheynta iyo dabagalka waa mid aad u kooban.
Muwaadiniintu badanaa ma helaan meel ay ku muujin karaan welwelkooda, ku soo gudbin karaan tallooyinkooda ama ku weydiin karaan bixiyayaasha adeegyada mas’uuliyadda ay leeyihiin, taasoo sii xumeysa kalsoonida bulshadu ku qabto hay’adaha dowladda.
XALALKA LA HIRGELIN KARO
Anigoo ka mid ah dadka si weyn u la socday caqabadaha Soomaaliya ka horyimid tan iyo 2012 ee la xiriira bixinta adeegyada bulshada, haddana waxaan aaminsanahay in ay muhiim tahay in la aqoonsado dhaxalka dagaalkii sokeeye iyo burburkii ku habsadey nidaamka dowladnimada. Dhacdooyinkani waxay ka tageen hay’ado daciif ah oo kala firirsan. Intaa waxaa dheer, maqnaanshaha wada-xaajood bulsho iyo isku raac siyaasadeed oo u dhexeeya siyaasiyiinta, muxaafid iyo mucaaridba, taasoo sababtay siyaasado ma-dhaleys ah iyo maamul-xumo baahsan. Sidaas darteed, daciifnimada hay’adaha dowliga ah ayaa furtay albaabka faragelinta shisheeyaha, gaar ahaan dalalka deriska ah iyo qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo mararka qaar sii adkeeya kala qaybsanaanta gudaha, si ay u gaaraan danaha ay leeyihiin.
Iyadoo markaas la tixgelinayo falanqaynta xaaladda ee aan kor ku soo sheegay, waxaa muhiim in la helo xalalka macquulka ah oo waara, iyadoo la tixgelinayo daciifnimada nidaamka dowliga ah, yaraanta ama ciriirka ka faa’iideysiga kheyraadka dalka, hoos u dhaca dakhliga, iyo joojinta kaalmooyinka caalamiga ah oo hadda si dhab ah u bilaabmatay, kuwaas oo dhammaan ahaa laf-dhabarta badbaadada dalka 25-kii sano ee la soo dhaafay, shirkii Carta kadib oo lagu aas-aasay dowladdii ku-meel-gaarka aheyd ee ugu horeysay.
Iyadoo taas maskaxda lagu hayo, waxaan eegi karnaa siyaasadaha ugu muhiimsan, uguna wax-ku-oolka badan ee lagu wajahayo caqabadaha degdegga ah ee bixinta adeegyada bulshda, waxaana lagu soo koobi karaa sida soo socota:
Dib-u-habeyn iyo baahinta nidaamka dowladeed (Decentralized reforms)
Sababo la xiriira dagaalkii sokeeye ee xanuunka badnaa iyo kala qaybsanaanta shacabka ee aagag, gobollo, iyo dowlad goboleedyo, ayaa noqdey caqabadaha ugu waaweyn ee baahinta adeegga bulshada. Dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka dowladeed, heerarka kala duwan, waa lama huraan waana waddo dhab ah oo lagu horumarin karo bixinta adeegyada. Qaabka hoos-ka-dhiska (bottom-up approach), oo la isticmaalay aasaaskii maamulladda Somaliland iyo Puntland labadaba, wuxuu ahaa barnaamij tijaabo dhab ah, si loo muujiyo loona caddeeyo in dowladaha hoose ay awood u leeyihiin inay bixiyaan adeegyada aasaasiga ah marka la siiyo miisaaniyad iyo madax-bannaani maamul, halka adeeg bixinta dhexe ee dowaldda dhexe ay la kulanto caqabado maamul (bureaucracy) iyo ku-tagrifal miisaaniyaeed iyada oo aan natiijo muuqata la helin.
Toosinta gargaarka deeq-bixiyeyaashu caalamiga ah (Targeted Donor funds)
Deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya, gaar ahaan Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, iyo kuwo kale oo badan, horay waxay u taageeri jireen hindiseyaal ay ka mid yihiin Barnaamijka Wadajirka ah ee Dowladaha Hoose (JPLG) iyo barnaamijyo kale oo ku aadan dowladaha hoose oo ah heerka 3-aad ee nidaamka faderaalka ah, kuwaasoo ujeedkoodu tahay xoojinta hay’adaha dowladaha hoose iyo hagaajinta bixinta adeegyada aasaasig ah.
Si taas loo xaqiijiyana waa in loo maraa tubta dhisidda awood maamul ee dowladaha hoose, tababarka xirfadaha, iyo maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha. Hindisahaas waxaa laga gaarey natiijooyinka togan oo gaarey dhammaan gobollada iyo degmaayinka waaweyn.
Qaab habboon oo ay muwaadiniintu talo ku yeelan karaan (Citizen engagement)
Doorashooyinkii degmooyinka ee dowladda Puntland waxay u adeegtey sidii loo taabagelin lahaa barnaamij tijaabo ah oo la xiriira qorsheynta wadajirka ah (participatory planning) iyo qaababka jawaab celinta (feedback mechanisms). Taasi waxay muujisay in ka qaybgalka muwaadiniinta ee kala mudnaanta (naqshadeynta) adeegyada, kormeerka doorashooyinka hoose, iyo ka qaybqaadashada la-talinta deegaanku ay kordhin karto qanacsanaanta muwaadiniinta iyo isla xisaabtanka.
Hay’ado badan oo maxalli ah (local NGOs) oo ku yaal dowlad-goboleedyada kale, sida Galmudug iyo Koonfur-Galbeed, ayaa sidoo kale sheegay inay kordhisay ka qaybgalka dadweynaha ee diyaarinta miisaaniyadda hoose iyo kaabayaasha dhaqaalaha, taasoo ka sarreysa dadaallada dowladda dhexe ee Muqdisho.
Dib-u-habeynta qaybaha kala duwan ee adeega (Sectoral reforms)
Marka la eego qaybaha muhiimka ah ee adeegga bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, iyo ilaalinta deegaanka, qaar ka mid ah wasaaradaha heer federaal iyo maamul-goboleed ayaa sameeyay qorshayaal istiraatiiji ah iyagoo la kaashanaya ururada aan dowliga ahayn (NGOs) si loo ballaariyo helitaanka iyo bixinta adeegyada. Haatan, dadaalladan badankoodu waxay hoos yimaadaan deeq-bixiyeyaasha, mana laha waaritaan muddada-dheer ah (long-term sustainability). Aragti-bedelka (perception) ayaa muhiim u ah helitaanka iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah oo waara.
TALO SOO JEEDIN
Caqabadaha hortaagan bixinta adeegyada bulshada waxay daciifiyaan horumarka, horseedaan sinnaan-la’aanta, isla markaana waxay wiiqaan kalsoonida bulshada. Marka la eego dowladnimadeena oo jilicsan, caqabadahaasi waxay kicin karaan cabashooyin iyo khilaaf. La-tacaalidda caqabadahan waa lama huraan si loo dhiso hay’ado adkaysi leh, si loo hagaajiyo tayada nolosha muwaadiniinta. Iyadoo doodda lagu saleynayo xaaladda caqabadaha haysta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, waxaan halkaan ku tilmaami doonaa xalalka muuqda, iyo talooyinka kooban oo lagu wajahayo xaaladda, waxaana ka mid ah:
Caddeynta doorka dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ah
Caqabadaha muuqda waxaa ka mid ah fashilka dastuurka ku-meel gaarka ah ee caddeyn waayey doorka ay leeyihiin dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah marka laga reebo afar awoodood oo loo qoondeeyey dowladda dhexe, sida arrimaha dibadda, difaaca dalka, jinsiyadda iyo socdaalka, iyo siyaasada lacagta. Mararka qaarkood dowladda dhexe ayaa hakad gelinaysaa ama caqabad ku ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, sidaa darteed waa muhiim in la soo afjaro dhammaystirka dastuurka federaalka ah iyo qeybsiga awoodaha saddexda heer ee dowlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo isla markaana si cad loo qeexayo masuuliyadda adeeg bixinta ee u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
Xoojinta awoodaha dowladaha hoose
Iyada oo lagu saleynayo rikoorka cad ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee ku saabsan bixinta adeegyada, waa lagama maarmaan in la ballaariyo awoodda iyo hab-maamulka dhaqaalaha si loo suurtageliyo in dowladaha hoose ay ururiyaan oo maareeyaan dakhliga. Sidoo kale waa muhiim in la siiyo kaalmada farsamo iyo tababar ee ay u baahanyihiin, gaar ahaan kuwa ku saabsan miisaaniyadda, qandaraasyada, iyo maareynta adeegyada.
Horumarinta ka-qaybgalka muwaadiniinta
Sida aa soo sheegay ee xalalka la hirgelin karo, iyo iyadoo laga faa’iideysanayo guulaha dowladaha Puntland iyo Somaliland ee ballaarinta barnaamijyada ka qaybgalka muwaadiniinta ee dowladaha hoose, waxaa muhiim ah in la hagaajiyo qorsheynta ka qaybgalka bulshada iyo la-xisaabtanka bulshada ee dowladda. In la dhegaysto dadweynaha sidii loo baahin lahaa adeegyada bulshada waa muhiim, waxayna soo dhoweyneysaa xalka looga hortagayo caqabdaha adeeg bixinta ama adeeg-baahinta.
Hagaajinta Maareynta Arrimaha Maaliyadda
Marka laga hadlayo maareynta arrimaha maaliyada, Soomaaliya waxay kaga jirtaa adduunka meesha u hooseysa, sannad kastana waxay ku guuleysataa in loo aqoonsado dalka adduunka ugu musuq-masuq badan (Transparency International corruption Index). Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana waxaa Soomaaliya ka socda dadaalo badan oo ku aadan hagaajinta Qaab-dhismeedka Dijitaaleynta Maareynta Maaliyadda (Public Financial Management Digitalisation Framework), oo ah hindise cusub oo loogu talaggalay in lagu casriyeeyo nidaamka maaliyadda dowladda dhexe, laguna horumariyo daahfurnaanta iyo hufnaanta maaliyadeed, isla markaana lagu yareeyo khataraha musuq-maasuqa.
Dhowaan, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Dhexe ayaa yiri: “Barnaamijkan, oo dhaqan-gali doona isla sannadkan, wuxuu kordhin doonaa waxtarka, xoojin doonaa isla xisaabtanka, oo ilaalin doona hantida dadweynaha.” Si kastaba ha ahaatee, barnaamijkaan waxaa hortaagan hirgelintiisa caqabado waaweyn. Si loo hagaajiyo, waxaa muhiim ah in la horumariyo oo la dijitaaleeyo uruurinta dakhliga iyo kharashaadka raaca, loona yareeyo khasaaraha kharashka iska baxaya. Sidoo kale, waxaa muhiim ah in la siiyo hay’adaha Hantidhowraha Guud iyo Xisaabiyaha Guud madax-bannaani maamul oo dhammaystiran, isla markaasna la xoojiyo kormeerka baarlamaanka si loo sameeyo hubin iyo isu dheelitirnaan u dhaxaysa awoodaha fulinta iyo sharci-dejinta ee dowladda. Illaa haddeer hab-dhaqanka dowladda dhexe kama muuqato wax isbedel ah oo dhinacaas u hiiliniya, haddiiba aysan ka sii darin.
Ka faa’iidaysiga tiknooloojiyada iyo firfircoonidda qurbajoogta Soomaaliyeed
Dagaalkii sokeeye waxaa ku barakacay in ka badan 2 milyan oo hadda ah qurba-joog firfircoon, kuwaas oo intooda badan ku nool Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Qurbajoogta Soomaaliyeed waxay u diraan Soomaaliya inta u dhexeysa $1.4 bilyan iyo $2 bilyan oo doolar sanadkiiba, iyadoo taageeradaasi ay gaarto ku-dhawaad kala bar qoysaska Soomaaliyeed, iyadoo taasi ay ka hortagto burbur dhaqaale. Marka laga soo tago lacag-dirista, xubno badan oo qurbajoog ah waxay ku soo laabtaan dalkooda iyagoo wata xirfado, waxbarasho, iyo waayo-aragnimo ay ka heleen dibadda.
Sidoo kale, Soomaaliya waxaa si weyn loogu yaqaan isticmaalka lacagta dijitaalka ah iyo adeegga internet-ka ee degdegga ah, kaas oo ka horreeya inta badan dalalka Afrika. Taas waxaa looga faa’iideysan karaa horumarinta hab-maamulka dijitaalka ah dhinaca ururinta codsiyada adeegga, jawaab celinta, iyo kormeerka waxqabadka. Intaas waxaa dheer, arrintaan waxaa loo adeegsan karaa in la abuuro barnaamijyo nidaamsan oo la isku xiri karo xirfadlayaasha qurbajoogta ah iyo hay’adaha bixiya adeegyada.
Cadaaladda iyo u-sinnaanta bixinta adeegyada
Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ayaa dadkeena ku reebay calaamado, ay ka mid yihiin welwelka nafsaaniga ah iyo cuduradda dhimirka, mana aysan helin dadaalo ku aadan sidii loo xallin lahaa arimahan oo keeni karta dhibaato sii kordhinaysa xanuunka, natiijaduna waxay ka muuqataa bulshada oo dhan. Si loo aqoonsado xaqiiqdaas, waxaa muhiim ah in la horumariyo bixinta adeegyada meelaha miyiga ah iyo xeryaha barakacayaasha, iyadoo sidoo kale si habboon loo dhexgelinayo xaga qorsheynta iyo bixinta adeegyada qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dumarka iyo naafada.
Ugu dambayn, wax ka qabashada caqabadaha bixinta adeegyada bulshadu waxay u baahantahay wada-shaqeyn iyo wadajir siyaasadeed oo dhex mara Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad-Goboleedyada, dib-u-habeyn hay’adaha maaliyadeed, daadejinta adeegyada, hal-abuurnimo tignooloojiyadeed, iyo ka faa’iidaysiga ilaha dhaqaalaha ee dalka oo si dhaqso ah u kobcaya iyo tan qurbajoogta Soomaaliyeed. Sidoo kale, haddii aan la helin ka qaybqaadashada dhammaan daneeyayaasha siyaasadda, ha ahaato dowladda, bulshada rayidka ah, beesha caalamka iyo qurbajoogta, waxba soo kordhin meyso in laga hadlo adeeg dhab ah oo loo fidiyo bulshada, kaasoo oo adkaysi u leh, kana jawaabaya baahiyaha bulshada.
Qoraaga

- Waa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed, iyo khabiir ku takhasusay Maareynta Maaliyadda Guud (PFM). Waxa uu hore u soo noqday wasiir ka tirsan Puntland, wuxuuna sidoo kale yahay xisaabiye shahaado haysta (Certified Accountant).













