Tahriibka Dhallinyarada Puntland: Da’yar La Dayacay

HORDHAC

Tahriib waa eray asal ahaan ka soo jeeda afka Carabiga, gaar ahaan erayga “haraba”, oo macnihiisu yahay “cararay” ama ula dhuumaalaysi shay si aan sharci ahayn. Waxaa kale oo lagu macnayn karaa la baxsi ama in shay si aan sharci ahayn loola fakado. Tahriibku wuxuu ku saabsan yahay safar ama socdaal qarsoodi ah, kaas oo qofku si sharci darro ah ugu gudbo meelo uusan fasax u haysan.

Tahriibku waa dhibaato caalami ah, waxaana uu saameeyaa dhinacyo badan oo nolosha bulshooyinka ah. Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, ayaa ka mid ah meelaha ay dadku inta badan ka tahriibaan, iyadoo magaalooyinka waaweyn sida Gaalkacyo iyo Garoowe ay yihiin xarumaha ugu badan ee laga baxo sida ay ii sheegeen dad badan oo horay uga tahriibay oo aan waraystay. Maqaalkaan waxa aan ku eegi doonnaa sababaha ugu waaweyn ee riixa dhallinyada waddanka ka sii qulqulaysa, qaababka kala duwan ee ay dalka uga baxaan iyo sida arrintaas wax looga qaban karo.

Sababaha Dhallinyarada Soomaaliyeed u Tahriibaan

Waxaa jira qodobo badan oo loo aaneeyo tahriibka dhallinyarada ka haajiraya dalkooda. Qodobbadan ayaa ah kuwo si joogto ah u saameeya go’aankooda socdaalka, waxaana halkan ku soo qaadan doonnaa qaar ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee saldhigga u noqda tahriibka dhallinyarada.

1. Dhaqaale xumo iyo Shaqo la’aan

  • Cilmibaaris uu sameeyey Heritage Institute oo ciwaankeedu yahay Tahriibka dhallinyarada Soomaaliya ayaa xustay in 69% dhallinyaradu sheegeen in sababta ugu weyn ee ay dalka uga baxaan ay tahay dhaqaale la’aan iyo fursadaha shaqada oo aad u xaddidan.
  • Darsaasad kale oo isla tahriibka ah ayna qoreen Dr. Mohamud Ali iyo Omar Muhumed ayaa iyana sheegaysa in 77% dhallinyarada Gaalkacyo ay shaqo la’aan yihiin, halka isla cilmibaaristaas 54% dhallinyada ka mid ah ay xuseen in fursadaha shaqada ee magaalada ka jirta ay yihiin kuwo aad u yar, arrintaasna ay tahay sababta ugu weyn ee riixda tahriibka dhallinyarada.

2. Doorka Mukhalasiinta

Baryahaan dambe waxa ayba noqotay in tahriibintii aan lala gabban ee toos loo ka xeeyo dhallinyarada oo xitaa kuwa aan hammigu ku jirin lagu abuuro si lacag looga helo. Arrintaasna waxaa fududeeya shabakado isku xiran oo tahriibinta dadka ka shaqeeya. Waxa ay leeyihiin kooxo dadka soo dhiirigeliya oo dhallinyarada hiyi-kac ku rida oo qaarkood ay adeegsadaan baraha bulshada kuwana toos dhallinyarada u abbaaraan. Marka lagu qanciyo waxaa dhacda in tahriibaha laga doonayo in uu diyaar ahaado oo loo fududeeyo wax kasta oo uu u baahanyahay. Tusaale; haddii la rabo in diyaarad la saaro waxaa loo samaynayaa baasaboor, fiise ayaa loo soo saarayaa, tigidkana waa loo jarayaa. Dhammaan lacagahaasna waxaa bixinaya isla shabakadda. Waxaana lacagtii iyo mid kale oo aad u faro badan qofka laga rabaa kolkii Liibiya ama Aljeeriya la geeyo.

3. Saameynta ehelka ama saaxiibbo hore oo tahriibay

Waxaa kale oo dhallinyarada tahriibaysa saameyn ku yeesha saaxiibbo hore oo tahriibay iyo xitaa qeyb qoyska ka mid ah oo sabab u noqda in ay dhallinyaradu tahriibaan. “Walaalkay iga yar ayaa aan u samaynayaa baasaboor si aan u tahriibiyo uuna qoyska ugu soo shaqeeyo maadaama uusan dalka waxba ku hayn” ayaan ka qoray nin dhallinyaro ah oo iiga warramayey xaalka walaalkiis oo uu rabo in uu dalka ka ka xeeyo. Daraasadda Tahriibka ee dhallinyada Gaalkacyo ay ka qoreen Dr. Mohamud Ali iyo Omar Muhumed ayaa sidoo kale xusaysa in 67% ka mid ah dhallinyarada ay yaqaannaan saaxiibbo hore oo tahriibay kuwaas oo baraha bulshada ku soo bandhiga sawirro qurxoon oo ay ku soo galeen dalalkii ay tageen.

4. Amni xumo iyo khataro bulsho

Qeyb ka mid ah dhallinyarada ayaa sabab uga dhiga safarkooda arrimo amni la xiriira, ha noqoto aano qabiil ama amni-darro kale  oo ay dareemeen. Sida ku xusan cilmibaarista Heritage Institute 18% dhallinyarada ayaa u tahriiba arrimo amniga noloshooda quseeya.

5. Rajo xumo dalka ah

In badan oo ka mid ah dhallinyarada ayaa aad uga niyad jabsan xaaladda guud ee dalka heer kasta ay tahay. Xaaladda amni, dhaqaale, iyo dhan kasta oo nolosha ah ayay quus ka muujinayaan. Dhanka kale eexda, nin jecleysiga iyo u sinnaan la’aanta dhallinyarada ee fursadaha yar ee shaqo ee jira ayaa iyana ka mid ah arrimaha ay dhallinyaradu cabashada xooggan ka qabaan. Arrimahaas ayaana qeybtood ku khasba in ay safar halis badan naftooda ku halligaan.

Marinada Fududeeya Tahriibka Dhalinyarada

Inta badan yoolka dhallinyarada Soomaaliyeed ee tahriiba waa in ay gaaraan qaaradda Yurub. Iyaga oo sii maraya badda Miditereeniyanka. Jidka ugu caansan ee loo maraana waxa uu ahaan jiray jid dheer oo halistiisa wata kaas oo looga baxo Soomaaliya si Itoobiya loo gaaro, Suudaana looga sii gudbo, Saxaraha la maro, Liibiya, ka dibna badda. Jidkaasu weli waa sidiisii waana uu ka dhib badanyahay sidii hore oo hadda waxaaba dheer in dadka looga soo duubo muuqaallo aragaggax leh. Safarka intaas le’eg ilaa Saxaraha laga gaarayo waxaa garwadeen ka ah mukhalasiinta dadka tahriibiya oo isku xiran Soomaaliya ilaa Liibiya kuwaas oo si joogto ah dhallinyarada uga rara magaalooyinka waaweyn. Puntland, magaalada Gaalkacyo ayaa ah marinka ugu weyn ee dhallinyaradaas la mariyo.

Marinadii hore waxaa ku darsantay mid kale oo ka casrisan. Waana in la raaco diyaarad. Si safarkaas loo guda-galo mukhalasiintu waxa ay qofka u diyaariyaan wax kasta oo uu u baahanyahay, iyaga oo xitaa u sameeya waalid been abuur ah oo garoomada diyaaraha ka furdaamiya haddii lagu qabsado. Inta badan baasboorrada xitaa waxaa loogu qoraa magacyo been abuur ah si haddii la baaro aan magaca qofka loo sii helin.  Xogo aan ka helay dad badan oo aan waraystay oo maray safarka cirka ah waxay ii sheegeen in garoomada ugu badan ee laga dhoofaa ay yihiin Garoowe iyo Muqdisho.

Xalka Ka Hortagga Tahriibka Dhallinyarada

Tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka baxa Puntland, waa arrin saamayn ballaaran ku yeelatay qoysaska, dhaqaalaha iyo mustaqbalka bulshada. Inkasta oo sababaha tahriibku ay yihiin kuwo isbiirsaday haddana xaqiiqadu waxay tahay in tahriibku uusan ahayn doorasho ay dhallinyaradu ku faraxsan yihiin, balse ay aamminsanyihiin in ay doorasho kale waayeen. Haddaba si arrinta tahriibka si qumman loogu wajo waa lagama maarmaan in la helo tallaabooyin arrintaas wax looga qabanayo sida:

1. Abuuridda Fursado Shaqo iyo Xirfado Macno Leh

  • Dowladda Puntland waa in ay diiradda saartaa abuuridda shaqooyin iyo mashaariic dhalinyaradu ka faa’iideysan karto, si meesha looga saaro caqabadda ugu weyn ee  ah shaqo la’aanta dhallinyarada.
  • In la ballaariyo xarumaha tababarka farsamada gacanta isla markaana lagu xiro suuqa shaqada si dhallinyaradu u helaan nolol ay tahriibka ku beddelan karaan.

2. Xakamaynta Shabakadaha Mukhalasiinta

  • Waa in si wadajir ah ay u hawlgalaan booliska, hay’adaha sirdoonka, maamullada gobollada, degmooyinka, laamaha socdaalka iyo cid kasta oo ay qusayso, si loo burburiyo shabakadaha tahriibka ee ka hawlgala magaalooyinka waaweyn siiba  Gaalkacyo iyo Garoowe kuwaas oo qeyb weyn ka ah tahriibinta dhallinyarada.
  • In la ansixiyo sharciyo adag oo ka dhan ah dadka tahriibka fududeeya iyo tahriibayaashaba si loo xakameeyo qulqulka dhallinyarada.

3. Horumarinta Amniga iyo Xasiloonida

  • Xasilinta amniga guduhu waa qodob kale oo muhiim ah siiba magaalada Gaalkacyo oo dhallinyaro badan oo ka tahriibay ay xusayaan in ay amni-darro darteed naftooda ugala baxeen. Amniga waxaa kale oo ku xiran dhammaan horumarka kale ee abuuri lahaa fursadaha shaqada ee meesha ka saari lahaa cabashada la xiriirta shaqo la’aanta baahsan ee deegaanka ka jirta.

4. Hufnaan iyo caddaalad

  • “Waxa aad ku dartaan qofkii booska loo qaadan lahaa waa diyaarsanyahay” oraahdaas kooban waxa aan arkay iyada oo dhallinyaro tiro-beel ahi ay faallo ahaan uga dhiibanayaan akoomada baraha bulshada ay ku leeyihiin hay’adaha dowladda iyo xitaa kuwa gaarka loo leeyahay marka ay soo xayeysiiyaan boosas shaqo oo ka bannaan. Oraahdaasna waxa ay ku tusaysaa sida dhallinyaradu aysan marna kalsooni ugu qabin in fursadaha yar ee jira aan loo sinnayn oo inta shaqada la baahiyo haddana qof hoos laga qaato. Haddaba waa in la helaa nidaam caddaalad ah oo arrintaas lagu xallin karo.

GUNAANAD

Ugu dambeyntii waxaa nasiib-darro weyn ah in hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland aysan ilaa iyo hadda qaadin tallaabooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo qulqulka tahriibka dhallinyarada deegaanka sida xowliga ah uga tagaya. Warka ugu weyn ee laga maqlayna uu yahay hadal madaxweyuhu jeediyey oo laga soo qaatay qayb yaab leh nuxurkeeduna ahaa: “Haddii aydaan tahriibka daynayn dabaasha barta”! xilligaan la joogo arrinta tahriibku waxa ay u baahantahay in si dhab ah loo wajaho dhammaan dadka ay qusaysana iska kaashadaan sidii arrintaas xal loogu heli lahaa.

Allaa Mahad Leh

Qoraaga
Bashiir Suulay
Bashiir Suulay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link