Hordhac
Dowlad-dhisku waa abuuridda hay’ado dowli ah oo cusub, ama waa kuwii jiray ee dowladu lahayd oo la xoojinayo. Sidaas daraadeed baa dowlad-dhisku ka mid yahay arrimaha muhiimka ah oo ay bulshada caalamku indhaha ku hayso, iyadoo u aragta in dowladaha fashilmay ama tabarta yari ay yihiin meelaha ay ka timaaddo khataraha, iyo mashaakilaadka faraha badan oo dunidu la daalaa-dhacayso, kuwaasoo ay ka mid yihiin: argagixisada, tahriibinta iyo ka ganacsiga maandooriyaha, dhaqidda lacagta, tahriibinta dadka iyo ka ganacsigooda iyo kuwo kale oo fara badan.
Francis Fukuyama oo ka mid ah Falaasifada ku xeel-dheer siyaasadda ayaa tilmaamay in: “Wax badan laga garanayo dowlad-dhiska, laakiin uu culays badan ka taaganyahay sidii hay’ado xooggan (strong institutions) loo gaarsiin lahaa dalalka soo koroya, way noo fududahay – ayuu yiri – inaan dhaqaale gaarsiinno, laakiin biyo-kama-dhibcaanku waa in la helo hay’ado dowli ah oo si fiican u shaqaynaya”.
Dhawr arrimood oo dowlad-dhiska lama huraan u ah ayaan ka hadalnay marar badan, laakiin maqaalkaan waxaan ku iftiiminaynaa tiir wayn oo saldhig u ah dowlad-dhiska, kaasoo ah ku dhaqanka sharciga (Rule of law). Shaqada ugu wayn ee dowlad laga rabo waa samaynta sharciga (inay diyaariso shuruucda bulshada hagaysa), sharciguna waa kan qeexaya awoodaha iyo xuduudaha u dhexeeya bulshada ama dowladda iyo bulshadaba, dowlad kastana waxaa lagu qiimeeyaa hadba siday awood ugu leedahay samaynta sharciyada, fulintooda iyo qaabka bulshada ku hoos nooli ugu hoggaansamayaan una aqbalayaan.
Sharciga iyo Dowladnimada
Sharcigu waa xabagta isku xirta qaybaha kala duwan ee dowladda, dhaqaalaha iyo bulshada, dhamaan qaybahaasna waxaa kala hagaya waa sharciga dalka u deggan oo la rabo in loo hoggaansamo, waana inuu si cad u qeexaa xuquuqaha iyo waajibaadka dhinac walba oo ay dowladdu saamayn ku leeyahay.
Shaqo kasta oo ay oawladdu leedahay, waxaa qeexaya xeerar gaar ah oo dhisaya hab-maamul cad – oo ay ku jiraan xuquuqda go’aan qaadashada, habraacyada, isla-xisaabtanka, xorriyadaha, iyo waajibaadka la xiriira shaqadaas.
Xeerarku waxay leeyihiin laba weji: waxay bixiyaan fursado iyo kheyraad suurtagelinaya hal-abuurnimo, isla markaana waxay dhigaan xadeyn iyo xakameyn ku saabsan dhaqanka bulshada.
Natiijada xukunka sharciga awgeed, muwaadiniintu waxay fahmaan xuquuq iyo waajibaad gaar ah oo qeexaya sida ay ula dhaqmayaan dadka kale iyo sida ay ula macaamilayaan bulshada ballaaran ee dowladdu matasho.
Marka xukunka sharcigu uu si dhab ah uga hirgalo bulshada, wuxuu abuuraa silsilad is-xoojinaysa oo keenta xasillooni la isku hallayn karo, kalsooni, iyo awood-siinta bulshada.
Marka hore, xukunka sharcigu wuxuu xasiliyaa dowladnimada, wuxuuna hubiyaa in dowladda lala xisaabtamo oo bulshadu kaalinteeda qaadato. Marka labaad, wuxuu dhisaa deegaan la saadaalin karo oo qeybaha kale ee bulshada sida ganacsatada iyo ururrada bulshada ay ku samaysan karaan qorshayaal fog fog. Marka saddexaad, wuxuu abuuraa kalsooni shacabka dhexdiisa, kuwaas oo aamina in marka isbeddel loo baahdo, uu ku dhici doono hannaan joogto ah oo xasilloon. Ugu dambayn, wuxuu awood u siiyaa bulshada rayidka ah iyo ganacsatada inay la yimaadaan hal-abuur, sameeyaan ururro, dhisaan shirkado, islamarkaana ay si sharci ah ugu shaqeeyaan gudaha dowladnimada.
Xukunka sharcigu wuxuu beddelaa dabeecadda siyaasadda, wuxuuna ka dhigaa mid wadareed oo iskaashi ku dhisan halkii ay ahaan lahayd mid kala qaybisa. Dadku way kala duwanaan karaan fikrad ahaan, balse khilaafaadkooda waxaa lagu xalliyaa hab nabadeed oo sharciyasan. (Fixing failed nations: Ashraf: P 125-127).
Marka la eego geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya, laga soo bilaabo xilligii daakhiliyada la qaatay ilaa maanta oo ay kusii dhawaanayso todobaataneeyo sano, waxaa muuqanaysa marwalba Soomaalidu inay ka dhutinayayso ku dhaqanka sharciga, dhacdooyin badan oo taariikhda galay ayaa sheegaya in madaxda Soomaalidu mar hore iyo mar dambeba ku liiteen ku dhaqanka iyo fulinta shuruuucda dalka u deggan oo uu ugu sarreeyo dastuurku, iyadoo uu dalka hareeyey musuqmaasuq, qabyaalad, eex, nin jeclaysi iyo danaysi aan loo meel-dayin.
Maxaa keenay in Soomaalidu sharciga ilaalin weydo?
Bulshada Soomaalidu waxay u abaabulan tahay qaab qabiil iyo tolnimo, waana dhaqan laga soo waariday nolosha miyiga iyo xoolo raacatada, waa dhaqan qabiil walbaa deganyahay deegaan u gaar ah, mana jirto wax dan-guud iyo maslaxo ka dhaxaysa qabaa’ilka wada dega deegaan gaar ah. Soomaalidu markii ay magaalo degeen oo ay dowlad yagleeleen, waxay soo min-guuriyeen dhaqankii miyiga, lamana abuurin qaran dowladnimo horseeda.
Dal waxaa dal ka dhigaana “waa wada lahaanshaha uu kaga dhexeeyo dadka ku nool oo aan ugu kala soocmin qabaa’il iyo reero, balse uu qof waliba ka yahay muwaadin ku noolaan kara meeshii uu doono, xuquuqdiisana ku heli karo. Waxaa kale oo muhiim ah in la helo dowlad dalkaas sida uu u dhan yahay ka talisa oo xukunkeedu ka wada fulo” (Dhaliisha Dhaqanka: 202).
Sidoo kale, dal wuxuu ku taaganyahay oo saldhig u ah qarannimo, “waxayna ku hirgashaa sharci iyo kala dambayn. Kooxda ay isku xirto tolnimadu ma taqaan xeer iyo shaci dadka qof walba qabta, xeerkeedu wadarta mid ahaaneed ee tolka ayuu ilaaliyaa, marka xeerkaas soo galo xiriirka bulshada qarannimo, waxa uu u hiiliyaa qofka dembiga qaba, kooxda tolka ahina dembi-qabahaas bay u hiilinaysaa, waxayna taasi keenaysaa sharciyaddii dowladdu ku dhisnayd oo burburta” (Dhaliisha Dhaqanka: 202).
Ku dhaqan la’aanta sharcigu waxay dalka geyaysiisay xasillooni darro siyaasadeed oo abuurtay rabshado iyo dagaallo muddo dheer socday, waxaa lumay kalsoonidii bulshadu ku qabtay dowladda, waxaana bilaabmatay inay abuurmaan hay’ado sharci oo barbar socda kuwa dowladda, kuwaasoo looga kalsooni badanyahay kuwa dowladda, sida Garsoor-dhaqameedka, Culimada Taxkiimka iyo Maxkamadaha xagjirku ay abuureen oo ay dadka ku kala saaraan.
Ku dhaqan la’aanta iyo fududaysiga sharciga dalka u daggan oo shareecada iyo dastuurka lagu heshiiyey u mudanyihiin, taasoo ay u dhanyihiin madax iyo shacabba, waxay dalka geyaysiinaysaa burbur saameeya dhinac walbaba, waxaana ugu dambayn dalkeennu gacanta u galayaa cadow mudda badan sheedda ka ilaashanayay, sugayayna inay soo marto fursadda la siiyay.
Bulshada Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay hurdada ka kacaan, kaalinta uga beeganna ka qaataan ilaalinta dowladnimada iyo la xisaabtanka siyaasiyiinta xukunka lagu aaminay iyo kuwa mucaaradka la magac baxay ee raba inay iyaguna markooda darka ka cabbaan, dadka Soomaaliyeedna ku beer-laxawsadaan ballan-qaadyo afka baarkiisa aan dhaafsiisnayn, shacabku iyagaa dowlad ah haddii ay gartaan awoodda ay u leeyihiin toosinta hannaanka siyaasadeed ee qalloocday, in tubta saxda ah lagu soo celiyaana ay adkaatay.
Allaa mahadleh
Qoraaga

- waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay shareecada Islaamka, waxbarashada iyo maamulka jaamacadaha. Wuxuu shahaadooyin ka qaatay Jaamacadda Ummul-Qura ee Makkah iyo Jaamacadda Qur’aan (PhD Shareeco). Waxa uu aasaasay Jaamacadda Boosaaso (2006), sidoo kalena ka mid ahaa aas-aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika (1999). Dr. Maxamed waxa uu qoray buugaag iyo maqaallo badan oo ku saabsan shareecada iyo arrimaha bulshada, isla markaana muxaadarooyin iyo tababaro ka bixiyay gudaha iyo dibadda dalka.
Latest entries
FaalloDecember 29, 2025Qorshayaasha lagu burburiyo bulshooyinka: Xeeladaha la adeegsado iyo sida looga hor-tagi karo
FaalloNovember 27, 2025Dowlad-dhiska iyo ku dhaqanka sharciga
FaalloOctober 29, 2025Puntland iyo Xisbiyada Siyaasadda: Dimuqraadiyad aan daacad loo ahayn
FaalloSeptember 25, 2025Dowladda iyo Bulshada: Mas’uuliyad Wadaag iyo Milicsi Qaran










