Puntland iyo Xisbiyada Siyaasadda: Dimuqraadiyad aan daacad loo ahayn

Hordhac

Puntland waxaa la asaasay 1998-dii, mabda’ ahaan waxay qaadatay nidaam dimuqraaddi ah oo xukunku baahsan yahay, shacabkuna awoodda leeyahay, sida ku cad (Axdiga Dowladda Puntland: 1998).  Waxaa sidoo kale (Dastuurka Puntland: 2009) lagu qoray in awoodda oo dhan Eebbe ka sokow ay dadweynuhu leeyihiin, ayna u idmanayaan masuuliin ay u xilsaartaan si sharciga waafaqsan. Dastuurka Puntland wuxuu qeexayaa in nidaamka siyaasadeed ee dalku ku salaysnaado hannnaanka xisbiyada badan, taas oo ah astaanta ugu muhiimsan ee dimuqraadiyadda casriga ah.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo Puntland ay mabda’ ahaan u aqoonsatay dimuqraadiyadda ku dhisan xisbiyada badan tiir asaasi ah, haddana hirgelinta iyo fulinta hannaankan ayaa u muuqday mid aysan daacad ka ahayn hirgelintiisa madaxdii xukunka isaga dambaysay; iyadoo bulshada Puntland iyo aqoonyahankuba marar badan muujiyeen saluug iyo kalsooni darro ku aaddan sida xukuumaduhu u fulinayaan ballanqaadyada qof iyo cod ee lagu sheegay dastuurka, xeerarka iyo hab-raacyada doorashooyinka (Musse: 2024).

Maqaalkan waxaan diiradda ku saarayaa hannaanka xisbiyada badan ee Puntland, anigoo iftiiminaya horumarka laga gaaray, caqabadaha ku horgudban iyo tallaabooyinka mudan in la qaado si loo xaqiijiyo nidaamka xisbiyada badan ee dastuuriga ah.

Waa maxay xisbi siyaasadeed?

Xisbiga siyaasadeed ee ay Soomaalidu aad u taqaan, kuna dhaqanto waa xisbiga qabiilka, isaga ayay Soomaalidu u adeegsataa inay ku difaacdo deegaankeeda, ku bixiso diyooyinka iyo dakharrada qabiilka lagu leeyahay, islamarkaasna ka dhigataa dariiqa ay ku gaarto siyaasadda iyo xukunka ay rabto inay hanato.

Balse, macnaha xisbiga siyaasaddu waa uu ka duwanyahay sida ay Soomaalidu u taqaan ama ugu dhaqanto. Urur ama xisbi siyaasi ahi waa “Koox dad ah oo leh aragti siyaasadeed, doonayana inay awoodda la wareegaan iyagoo u maraya hannaan doorasho oo dimuqraadi ah” (Antony Downs: 1957).

Inkastoo culimada siyaasaddu ay waxoogaa ku kala duwan yihiin qeexidda xisbi siyaasi ah; haddana waxay isku raacsan yihiin in xisbi siyaasiga ahi yahay:

  1. Koox dad ah oo leh aragti siyaasadeed; taasoo meesha ka saaraysa koox dad ah oo ku bahoobay isir, ganacsi, xirfad ama dan gaar ah.
  2. Ujeeddada xisbiga siyaasiga loo asaasay waa inay tahay in lagu gaaro xukunka iyo awoodda ugu sarraysa dalka.
  3. In xukunka lagu gaaro doorasho dimuqraadi ah, taasoo meesha ka saaraysa awood xoog, jajuub iyo isdabamarin lagu gaaro.

Haddaba, waxaa iswaydiin mudan qaabka loo asaasay xisbiyada siyaasadda Puntland, ma waafaqsanyihiin qaabka xisbiyadu u dhismaan dunida kale, taasoo ah in xisbigu leeyahay aragti siyaasadeed (Ideology) uu ka duulayo, dadaalna ugu jiro inuu xukunka hanto isagoo u maraya hannaan doorasho xalaal ah oo dimuqraadi ah.

Xisbigu si uu noqdo xisbi siyaasi ah, waa inuu u dhisanyahay qaab dimuqraadi ah, golayaashiisa loo doorto si xor ah oo xalaal ah, xooggana uu saaro inuu abuuro bulsho leh wacyi siyaasi ah oo garanaysa xuquuqdeeda, dowladda talada haysana la xisaabtami karta, laakiin xaqiiqadu sidaas way ka duwantahay, xisbiyada Puntland ka jira, iyadoo aysan jirin golayaal xisbi oo si dimuqraadi ah isku doorta, bal intooda badani waa xisbiyo qof shakhsi ahi uu leeyahay amaba qabiil salka ku haya, wax siyaasad ah oo uu ka shaqeeyaana aysan jirin.

Shaqada xisbiyada siyaasadeed

Xisbiyada siyaasaddu waxay ka shaqeeyaan siyaasad. taasoo ah maaraynta nolosha bulshada, shaqooyinka ay qabtaanna waxaa ugu muhiimsan:

  1. Xisbiyadu waxay qaabeeyaan iskuna aaddiyaan danaha bulshada ee kala duwan, waxayna caddeeyaan cod dheerna ku sheegaan filashada dadweynaha iyo baahiyaha ay qabaan si ay dowladdu wax uga qabato.
  2. Waxay xushaan shakhsiyaad siyaasi ah oo ay u diyaariyaan inay noqdaan siyaasiyiinta mustaqbalka, kuwaasoo ku tartami doona magaca xisbiga si ay u gaaraan jagooyinka sarsare ee dowladda.
  3. Waxay diyaariyaan barnaamij siyaasi ah oo lagu qodobeeyey baahiyaha iyo danaha kala duwan ee bulshada, loona baddalayo mashruuc siyaasi ah oo xisbigu uu ku galo ololaha doorashada si uu helo codka iyo kalsoonida dadweynaha looguna doorto hoggaaminta dalka.
  4. Waxay abuuraan bulsho leh wacyi siyaasi ah oo ka qayb qaadata doorashooyinka, islamarkaasna waxay xoojiyaan xiriirka u dhexeeya muwaadiniinta iyo nidaamka siyaasiga ah ee jira.
  5. Waxay ka qayb qaataan sharciyadda nidaamka siyaasiga ah, iyagoo xoojinaya isku xirka muwaadiniinta, ururrada bulshada iyo nidaamka siyaasiga ah ee talada haya.

Maxaa horumar oo la gaaray nidaamka xisbiyada Puntland?

Inkastoo ay jiraan xisbiyo magac ahaan u dhisan, laguna magacaabo xisbiyo siyaasadeed, waxaan oran karnaa wax uun horumar ayaa la gaaray oo ay ka mid tahay:

  1. Doorashooyinka Degmooyinka (2021-2024): Puntland waxay gaartay guul kadib markii ay qabatay doorashooyin dimuqraadi ah markii ugu horreysey tan iyo sanadkii 1969-kii, taasoo ka dhacday 36 degmo oo ka mid ah 50-ka degmo ee Puntland ka koobantahay sanadihii 2021, 2023 iyo 2024-kii. Doorashooyinkaas xooggoodu waxay u abaabulnaayeen qaab qabiil, taasoo meesha ka saartay xisbiyo aragti siyaasadeed ka duulaya oo saaxada soo gala, iyadoo aad mooddo in qolada talada haysaa ay sidaas u rabaan in wax u socdaan, wax u eg filim la jilayo oo aan xaqiiqo ahayn (fiction).
  2. Guddiga Doorashooyinka (TPEC III): Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu dib u hawlgeliyay Guddiga Doorashooyinka, taas oo suurto gelisay in dib-u-eegis lagu sameeyo dhammaan shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka si ay ula jaanqaadaan doorashooyinka golayaasha deegaanka. Inkastoo sharciyo doorashooyin iyo habraacyo la sameeyey, haddana waxaa xaqiiqo ah oo la wada ogyahay in shuruucda qaarkood waxka-beddel lagu sameeyey markii ay doorashadu dhacday kadib, taasoo dhaawac ku ah hufnaanta doorashada.
  3. Doorka Haweenka: Inkastoo caqabado jiraan, haddana waxaa dadaal badan lagu bixiyay in haweenku kaalin muuqata ku yeeshaan doorashooyinka golayaasha deegaanka, waxaana lasoo saaray hab-raac qeexaya qoondo go’an oo ay haweenku ku yeelanayaan xubnaha golayaasha deegaanka taasoo ah 30%, balse waxaa marwalba muuqanayay caqabado ku hor-gudban in haweenku ay helaan qoondada loo asteeyey.
  4. Ka qaybgalka bulshada la hayb-sooco: Cilmi-baarisyadu waxay muujinayaan in dadka barakacayaasha ah iyo bulshooyinka laga tirada badanyahay ay heleen fursado kooban oo ay ku galaan nidaamka siyaasadeed, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo ka-qaybgalka (GJHSS, 2022).

Horumaradan, in kastoo doorashooyin la qabtay, golayaal deegaanna la doortay, haddana waxay ahaayeen kuwo xaddidan oo aan ku filnayn in lagu abuuro kalsooni ballaaran oo bulshada dhexdeeda ah.

Caqabadaha doorashooyinka golayaasha deegaanka

  1. Caqabado sharci

Si ay doorashadu si caddaalad ah oo hufan ugu dhacdo, waa in la diyaariyaa dhammaan shuruucda doorashada ka hor intaan waqtigeeda la gaarin, wixii u baahan dib-u-eegis la dhammaystiraa waqtiga ku habboon, si daneeyayaasha kala duwani ugu kalsoonaadaan doorashada, loogana fogaado hubanti la’aan iyo muran inuu ka dhasho qabashada doorashada. Doorashada goleyaasha deegaanka Puntland waxaa ka muuqanayay daldaloolooyin sharci oo ay ka mid yihiin:

  • Shuruuc muhiim ah oo la beddelay doorashooyinkii kadib, taasoo dhaawac ku ah hufnaanta doorashada iyo kalsoonida bulshada, gaar ahaan Sharciga Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo wax ka beddel lagu sameeyey markii doorashada golayaasha deegaanku dhacday 2 bilood kadib.
  • Dastuurka oo ah sharciga ugu sarreeya dalka waxaa lagu sameeyey wax ka bedel 25-kii bisha Luuliyo 2023, waana doorashadii goleyaasha deegaanku markay dhacday 2-bilood kadib, waxaana ka dhashay wax ka beddelkaas khilaaf siyaasadeed oo sababay dhimasho, dhaawacyo iyo khasaaro baaxad leh oo soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Garoowe.
  • Maamulka dodorashada

Guddiga TPEC oo markii dambena noqday “PEC”, waa hay’adda loo igmaday inay maamusho doorashooyinka dalka heerarkooda kala duwan, xisbiyada ayaa xubno ku leh guddiga, balse aqlabiyadda waxaa soo magacaaba Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, taasoo wiiqaysa kalsoonida lagu qabo sida ay u qaban karaan doorasho caddaalad ku dhacda.

C. Dhaqan Qabiil

Xisbiyada ayaa noqday kuwo loo tiiriyo qabiil ama shakhsiga hoggaamiyaa leeyahay halkii ay ahaan lahaayeen xisbiyo siyaasadeed oo ay bulshadu leedahay. Siyaasadda Puntland ayaa sidoo kale inta badan ku tiirsan abaabul beeleed halkii ay ku tiirsanaan lahayd tartan siyaasadeed.

D. Ka-qaybgalka Bulshada

Haweenka, dhalinyarada, iyo dadka laga tirada badanyahay ayaan helin fursad loo simanyahay oo ay ku tartami karaan. Sidoo kale, bulshada ayaa weli u abaabulan qaab qabiilaysan, halkii ay rabitaankooda iyo doorashadooda ku qiimayn lahaayeen barnaamij siyaasadeed xisbi ku ololaynayo.

F. Talo-soojeedin

Si Puntland uga gudubto caqabadaha aan kor ku tilmaamay, loona xaqiijiyo nidaamka xisbiyada badan ee dastuuriga ah, waxaa muhiim ah in la qaado tallaabooyin waara oo cad cad:

  1. Madax-bannaanida Guddiga Doorashooyinka
    • In xubnaha guddiga lagu soo xulo si hufan, kana madax-bannaan saameynta xukuumad, baarlamaanka iyo qabiilkaba.
  2. Dhamaystirka iyo Ilaalinta Shuruucda
    • In sharuucda doorashooyinka la qabyo tiro, isbeddelkii dastuurka lagu sameeyeyna dib looga noqdo, iyadoo talada laga qaybgelinayo dhammaan daneeyayaasha kala duwan ee bulshada.
  3. Dhismaha Xisbiyo Siyaasadeed oo Dhab Ah
    • In xisbiyada loo dejiyo shuruudo adag oo ay ka mid tahay: inay yeeshaan aragti iyo mabda’ siyaasadeed, barnaamij siyaasi oo qoran, iyo hoggaan lagu doorto hab dimuqraadi ah.
    • In hannaanka xisbiyada dib loo furo, loona oggolaado siyaasiyiinta iyo haldoorku bulshadu inay qayb ka noqdaan geeddi-socodka dimuqraadiyadda Puntland oo hadda u muuqda mid afduuban oo aan loo sinnayn.
  4. Xoojinta Ka-qaybgalka Haweenka, Dhalinyarada iyo Bulshooyinka La Hayb-sooco
    • In qoondada haweenka lagu dhaqmo si dhab ah, lana abuuro fursado siman oo dhammaan bulshooyinka ay kaga qaybgali karaan doorashooyinka.
  5. Wacyigelin iyo Waxbarasho Siyaasadeed
    • In bulshada lagu baraarujiyo xuquuqdooda siyaasadeed iyo muhiimadda ka qaybgalka codbixinta, si ay u noqdaan dad doorta oo la xisaabtama hoggaankooda.
  6. Ka Guurista Siyaasadda Qabiilka Loona Gudbo Siyaasad Qaran
    • In la abuuro hannaan siyaasadeed oo qabiilka ka madax-bannaan, kuna salaysan danaha guud ee bulshada iyo horumarinta dowladnimada.

Gunaanad

Doorashooyinkii dhacay iyo horumarka la gaaray waxay caddeeyeen in shacabka Puntland diyaar u yihiin dimuqraadiyad dhab ah. Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha sharci, dhaqan, iyo siyaasadeed ayaa wiiqaya kalsoonida bulshada.

Dimuqraadiyaddu ma aha eray ku qoran dastuur, balse waa hab-dhaqan horseeda maamul-wanaag iyo horumar bulsho. Haddii Puntland ay rabto inay noqoto tusaale wanaagsan oo dimuqraadiyadeed oo ka hanaqaada Soomaaliya inteeda kale, waa inay si dhab ah u qaaddaa tallaabooyin dhaxalgal ah oo lagu dhisayo nidaam xisbiyo badan oo dimuqraadi ah, shacabku kalsooni ku qabo, madaxda dalka hoggaamisaana ay daacad ka tahay.

Qoraaga
Dr Mohamed Ali
Dr Mohamed Aliwaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay shareecada Islaamka, waxbarashada iyo maamulka jaamacadaha. Wuxuu shahaadooyin ka qaatay Jaamacadda Ummul-Qura ee Makkah iyo Jaamacadda Qur’aan (PhD Shareeco). Waxa uu aasaasay Jaamacadda Boosaaso (2006), sidoo kalena ka mid ahaa aas-aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika (1999). Dr. Maxamed waxa uu qoray buugaag iyo maqaallo badan oo ku saabsan shareecada iyo arrimaha bulshada, isla markaana muxaadarooyin iyo tababaro ka bixiyay gudaha iyo dibadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link