Dowladda iyo Bulshada: Mas’uuliyad Wadaag iyo Milicsi Qaran

Hordhac

Dowladnimada casriga ah waxay ku dhisan tahay heshiis bulsho (social contract), taas oo qeexaysa in ay jirto is-afgarad iyo is-aaminid u dhexeysa labada dhinac ee dowladnimada: dowladda iyo bulshada. Heshiiskan waxaa astaynaya dastuurka, kaasoo qeexaaya qaabka dowladnimo ee lagu dhaqmayo, xudduudda awoodaha, iyo xuquuqaha iyo waajibaadka dhinacyada kala duwani yeelanayaan. Heshiiskaasi waa inuu noqdaa mid raalli laysaga yahay, lagu wada qanacsan yahay, lana wada ilaaliyo.

Reer Galbeedku waxay sheegtaan in dowladnimada casriga ah ay salka ku hayso kana soo bilaabmatay heshiisyadii siyaasadeed ee laga gaaray dagaalladii Yurub, gaar ahaan heshiiskii Westphalia ee 1648-dii, kaasoo dhidibada u taagay mabda’a madax-bannaanida qaranimada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xaqiiqo ah oo aan la illoobi karin in Nebi Muxammad (SCW) uu horey u dhisay dowlad Islaami ah markii uu yimid magaalada Al-Madiina al-munawara, halkaas oo uu ku saxiixay heshiis bulsho dhexmaray Muslimiinta, Yuhuudda, iyo qabiilladii kale ee magaalada degganaa, islamarkaana uu soo bandhigay dastuurkii ugu horreeyay ee Islaamka—Saxiiixii Madiina (Mithaaq Al-Madina) (Watt, 1956).

Xilligan aan ku jirno, dib u milicsiga taariikhda Puntland iyo aasaaskeedii 1998 ayaa igu dhalisay in aan maqaalkaan qoro. Sanadkan 2025, Puntland waxay u dabaal-degtay sanad-guuradii 27-aad ee aasaaskeeda, balse waxa uu dabaal-degani ku soo beegmay waqti ay jirto kala qaybsanaan siyaasadeed, khilaafyo deegaaneed, iyo maamullo cusub oo laga yagleelay gobollo ka mid ahaa dhulka Puntland. Maamulka cusub ee laga dhisay Waqooyiga Bari (Laascaanood) dhammaadkii bisha Agoosto 2025, wuxuu tusaale u yahay xaaladda cakiran ee soo wajahday Dowladda Puntland; waxaa haddaba loo baahan yahay talo midaysan in lagu abbaaro xaaladaha sidaan oo kale ah.

Waxaa intaas dheer duruufo nololeed oo adag oo Puntland ay maanta wajahayso oo ay kamidyihiin dhaqaale xumo baahsan, shaqo la’aan, adeeg la’aan, iyo dad badan oo dalka ka hayaamay. Halbeegyada ay tahay in Puntland ku gaarto horumar muuqda ayaa u muuqda kuwo taagan ama dib u dhacay. Waxaa la filayay in Puntland 27 sano kadib noqoto dowlad shaqeysa oo hay’adaha dastuuriga ah ay qabtaan waajibaadkooda, balse nasiib darro, waxaa soo baxay nidaam taag-daran oo u muuqda inuu laalaado hadba cidda haysa taladuna ay keligeed manaafacaadsato.

A. Dowladda maxay bulshada ugu toorran tahay?

1. Ilaalinta sharciga iyo sarreynta dastuurka

Dowladda waxaa laga rabaa inay ilaaliso dastuurka iyo sharciga dalka, iyada oo bulshada ku ilaalinaysa xukun daah-furan oo caddaalad ku saleysan. Qof walba, hadday tahay madaxweyne ama muwaaddin caadi ah, waa inuu hoos yimaadaa sharciga; sida uu yiri James Madison, aabbaha dastuurka Maraykanka:

““Dowladda waxaa loo aasaasaa si ay dadka ugu ilaaliso xukun ku saleysan sharciga, iyaduna waa in ay u hoggaansantaa sharcigaas.”

(Madison, Federalist Papers, 1788)

Sarraynta sharciga waxaa lafdhabar u ah laba arrimood:

  1. In dowlad iyo shacabba ay aaminsan yihiin in sharcigu sarraynta leeyahay, uuna ka sarreeyo cid walba darajaday doonto ha sidatee (Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare, Guddoomiye Baarlmaan, Wasiirro iyo Madaxda Garsoorkaba); taasi waxay fududaynaysaa in sharciga laysku xukumo (Rule of Law).
  2. In dowlad iyo shacabba sharciga loo siman yahay, waana waxa lagu magacaabo “المساواة أمام القانون”, iyadoo aysan jirayn cid si gaar ah sharcigu ugu eexdo, ama uusan qabanayn.

Waxaa muhiim ah in la xasuusto in dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya uu saameyn xun ku yeeshay laba arrimood:

  • Xukunkii kelitaliska ahaa ee xilligii Maxamed Siyaad Barre
  • Fowdadii ka dhalatay burburkii dowladda dhexe 1991-dii

Labadaas arrimood waxay sababeen in fahamka dowladnimo ee bulshada iyo hoggaankuba uu noqdo mid ku saleysan eex, qabyaalad, iyo ku takrifal awoodeed.

2. Bixinta Adeegyada Bulshada

Dowladda waxaa laga rabaa inay bulshada siiso adeegyada aasaasiga ah sida:

  • Amniga: Dowladdu waa inay sugtaa amniga muwaadinka; naftiisa, maalkiisa, iyo hoygiisaba; sidoo kale waa inay awood buuxda u leedahay ilaalinta qarannimada iyo difaaca xuduudaha dalka.
  • Waxbarashada: Waa adeeg asaasi ah oo dowladda laga rabo inay bulshada u fidiso, waana sida keliya ee ay bulashadu horumar iyo hal-abuur ku gaari karto, nolol wanaagsan oo ay ku naallootana ku higsan karto; gaar ahaan waxbarashada asaasiga ah in bulshada loo fududeeyo inay ku helaan lacag la’aan, taasoo culayska ka fududaynaysa qoysas badan oo dan yar oo aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta waxbarashada.
  • Caafimaadka: Waa adeeg aan bulshadu ka maarmin, waxaan lawada soconnaa dhibaatada bulshada Soomaaliyeed ku habsatay; iyadoo qofka u baahda adeeg caafimaad oo wax ku ool ah uusan dalkiisa ka helayn, taasoo ku khasabtay dadka Soomaaliyeed inay dibadaha miciin bidaan, goobaha caafimaadka ee Afrika, Carabta iyo Hinidiya ay hor tubnaadaan.
  • Biyaha iyo korontada: Waa adeegyada noloshu ku xirantahay oo dowladda masuuliyaddu ka saaran tahay inay dadkeeda u fidiso ama haku siiso lacag la’aan ama ha kabto hay’adaha adeegyadaas bixiya, si loo gaarsiiyo dadweynaha adeeg jaban oo ay ka bixi karaan.
  • Shaqo abuur: Iyadoo la sheego in dadka Soomaalida uu yahay dad dhallinyaro u badan oo 70% ka badan ay da’doodu 30 jir ka hoosayso, waxaa muuqata inay aad u hoosayso fursadaha shaqo abuurku, taasoo ku bixisay dhallinyaro badan inay dalkooda ka rajo dhigaan, una tabaabushaystaan sidii dalka uga bixi lahaayeen, qaarkood miciin bideen in ay maraan saxaraha iyo badda Mediterranean-ka ee halista badan si ay  Yurub u gaaraan, qaar kalena dalalka Afrika nolol ka doonteen.
  • Kaabayaasha dhaqaalaha: Waa adeeg fududeeya isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, soo jiitana maalgashiga dibadda.

Dowladda aan gaarsiinin adeegyadaas bulshada waa dowlad aan buuxin waajibaadkeedii aasaasiga ahaa, waana astaan muujinaysa fashil iyo karti xumo.

3. Ka shaqeynta danta guud iyo ka fogaanshaha ku takrifalka awoodda

Dowladda iyo masuuliyiinta xilka haya waa in ay dareemaan in ay yihiin adeegayaal dadweyne (public servants). Haddii masuulku ku fekerayo dan gaar ah, booskiisii ayaa qaldan. Haddii aan la iskala-xisaabtamin musuq, eex iyo xil-gudasho la’aan baa salka la dhiganayaa.

B. Bulshada maxaa laga rabaa?

1. Wacyi iyo aqoon siyaasadeed

Bulshadu waa in ay garataa xuquuqdeeda dastuuriga ah. Xaq aan la garanayn waa mid lumay. Waa in ay si wacyi leh u sheegataa wax kasta oo ka maqan, iyadoo adeegsanaysa codkeeda, su’aalaha sharciga ah, iyo kacdoon nabadeed.

2. La xisaabtanka dowladda

Bulshadu waa inay si joogto ah ula xisaabtanto hay’adaha dowladda iyo masuuliyiinta metelaya. Waxaa muhiim ah si loo gaaro isla-xisaabtan dhab ah oo saamayn yeesha in dadku fahmaan sharciga, baahiyahooda, iyo doorkooda.

3. Gudashada waajibaadka qaranka

Xuquuqda iyo waajibaadku waa labada garab ee muwaadinimada. Bulshadu waa inay ka shaqeyso sugidda amniga, bixinta canshuuraha, ilaalinta hantida guud, iyo ka qaybgalka horumarka dalka.

Gunaanad: Ku wada noolow heshiis, ku wanaagso hawl-gudasho

Ma jirto dowlad adkaysata ama waarta haddii aan bulshadu garan xuquuqdeeda iyo waajibaadkeeda. Sidaas si la mid ah, bulsho wax raadisa ma jirto haddii aysan dowladdu lahayn karti, daacadnimo iyo daahfurnaan. Puntland 27 sano kadib waxay u baahan tahay in dib loo qiimeeyo xiriirka dowlad iyo bulsho: in la xaqiijiyo wada-jir, wacyi iyo waxqabad dhab ah.

“Heshiis bulsho waa saldhigga dowladnimo. Burburka heshiiskaasna waa burburka dawladnimada.”
John Locke (1689)

Allaa Mahad Leh

Qoraaga
Dr Mohamed Ali
Dr Mohamed Aliwaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay shareecada Islaamka, waxbarashada iyo maamulka jaamacadaha. Wuxuu shahaadooyin ka qaatay Jaamacadda Ummul-Qura ee Makkah iyo Jaamacadda Qur’aan (PhD Shareeco). Waxa uu aasaasay Jaamacadda Boosaaso (2006), sidoo kalena ka mid ahaa aas-aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika (1999). Dr. Maxamed waxa uu qoray buugaag iyo maqaallo badan oo ku saabsan shareecada iyo arrimaha bulshada, isla markaana muxaadarooyin iyo tababaro ka bixiyay gudaha iyo dibadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link