Hal doolar oo Horseeday Horumar Waara: Sheekada Hindise Garoowe ka curtay Puntland ku faafay

Hordhac

Dunida oo dhan waxaa ka socda dood iyo dadaallo xooggan oo ku saabsan sidii loo heli lahaa ilo-dakhli oo lagu xoojin karo adeegyada bulshada iyo horumarka. Dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya, labadaba waxa ay muhiim u arkaan in la helo habab cusub oo bulshada ka qaybgelinaya horumarinta adeegyada, laguna dhisayo nidaam maaliyadeed oo waara. Fikradda ah in bulshada laga qaybgeliyo maalgelinta adeegyada nololeed—sida korontada, biyaha, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, iwm—waxa hadda loo arkaa mid ka mid ah xeeladaha caalamiga ah ee ugu wax-ku-oolka badan, gaar ahaan meelaha miisaaniyadda dowladaha hoose ay tahay mid kooban.

Gudaha Soomaaliya, dowlad-dhisku waxa uu ku socdaa marxalad dib u soo kabasho iyo isku-day lagu hagaajinayo maamulka, dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada. Degmooyinku waxay la tacaalayaan dakhli yari, ku tiirsanaan deeqaha caalamiga ah, kharashaad ka badan awooddooda, iyo baahi bulsho ee sii kordhaysa. Arrimahan ayaa keenay in si dhab ah loo qiimeeyo muhiimadda ay leedahay helitaanka ilo-dakhli gudaha ah (domestic revenue) oo degmooyinka ka caawiya inay noqdaan kuwo madaxbanaan, qorshayaal horumarineedna si joogto ah u hirgelin kara, iyadoo ay weliba muuqato in bulshada Soomaaliyeed ay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato horumarinta deegaanka haddii loo abuuro hannaan hufan, daahfuran, oo natiijooyin muuqda keena.

Puntland ayaa noqotay meel si dhab ah u qaadatay muhiimadda qorshayaasha lagu xoojinayo dhaqaalaha dowladaha hoose. Degmooyinka Puntland waxay sanadihii u dambeeyay bilaabeen hirgelinta xalal cusub oo dakhli abuur ah si loo daboolo baahiyaha bulshada, loona yareeyo ku tiirsanaanta kaalmada dibadda. Inkastoo ay jiraan caqabado sida dhaqaale-xumo, isbeddelka cimilada, saboolnimada, iyo adeeg-yari, haddana Puntland waxa ay leedahay bulsho aad u firfircoon oo diyaar u ah inay taageerto horumar la taaban karo haddii ay aragto maamulka oo daacad ah, isla xisaabtan leh, oo natiijooyin wax-ku-ool ah keena.

Hindisaha Sanduuqa Horumarinta Degmooyinka ee halka doolar ee korontada iyo biyaha lagu kordhiyo, ayaa noqday tusaalaha ugu cad ee muujiyey sida Puntland uga jawaabtay baahida loo qabo in la helo ilo-dakhli bulshada ku tiirsan oo horumar ka abuura heer degmo.

Garoowe oo ah caasimadda Puntland, ayaa noqotay halkii ay ka dhalatay fikradda isbeddelka abuurtay; hal doolar oo bishiiba lagu kordhiyo biilka korontada iyo biyaha si loogu maalgeliyo horumarinta magaalada. Fikraddaan oo ka timid baahi dhab ah—loona arkay mid fudud, la hirgelin karo, natiijo degdeg ah keeni karta—waxay noqotay tillaabadii ugu horreysay ee dhistay Sanduuq Horumarineed ee gudaha Soomaaliya.

Asalka iyo Curashada Fikradda

Sanadkii 2018, mar aan isu soo taagay xilka duqa degmada Garoowe, inkastoo aanan ku guulaysan tartankaas, waxaan si qotodheer u ogaaday jiritaanka caqabado waaweyn oo ku saabsan horumarinta degmooyinka Puntland, taas oo ah in aysan jirin qoondo miisaaniyadeed ama il-dakhli joogto ah, oo lagu maalgeliyo horumarinta adeegyada muhiimka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Degmooyinku badanaa waxay ku tiirsanaayeen laba il-dakhli:

  1. Canshuuraha maxalliga ah (local taxes): Canshuuraha degmooyinka ayaa ahaa ilaha ugu muhiimsan ee dakhli gudaha ah (own-source revenue). Si kastaba ha ahaatee, canshuurahaasi waxay lahaayeen dhowr caqabadood oo saamayn ku yeeshay awoodda dowladaha hoose ee horumarinta.
  2. Canshuuraha oo kooban (narrow tax base): Tirada dadka awooda canshuur-bixinta aad ayay u yartahay oo inta badan bulshada waxaa ku badan saboolnimada, shaqo la’aanta iyo barakaca. Ganacsiyada yaryar ayaa ah kuwo kooban isla markaana dakhligoodu aad u hooseeyo. Canshuuraha qaarkood ma daboolaan xitaa kharashka lagu soo uruursho.
  3. Dakhliga soo xarooda oo ka badin waayey kharashaadka maamulka: Inta badan dakhliga canshuuraha waxaa lagu bixiyaa kharashaadka maamulka (revenue expenditure) sida mushahaarka shaqaalaha, hawlaha xafiisyada, amniga, shidaalka iyo dayactirka joogtada ah. Taas oo macnaheedu yahay in dakhliga ka soo xerooda canshuuraha uusan wax qoondo ah u reebin mashaariic horumarineed. Natiijadu waxay noqotay in aan la maalgelin karin wadooyin, nalal, ama adeegyada muhiimka ah ee bulshada, taas oo wiiqday horumarka yaraysayna kalsoonida shacabka.
  • Kaalmooyinka iyo mashaariicda dibadeed (external aid & donor projects): Isha labaad waxay ahayd mashaariic iyo kaalmo ka timaada hay’ado dibadeed, kuwaas oo inkasta ay gacan weyn geysteen, haddana aan lahayn joogteyn (sustainability). Mashaariicdu waxay ahaayeen kuwo goos-goos ah, shuruudo adag, hab-maamul aan si toos ah gacanta degmada ugu jirin, marar badana ku xiran ajandaha iyo mudnaanta hay’adaha caalamiga ah, ee aan ku xirnayn qorshaha horumarineed ee dhabta ah ee degmooyinka, tiiyoo yaraysay kalsoonidda ah in ay dhisaan horumar waara.

Haddaba, dareenkaygii jiritaanka baahida sare ku xusan ayaa waxay dhalisay  fikraddii ahayd: Hal doolar oo bishiiba lagu kordhiyo biilka korontada iyo biyaha,  loona qoondeeyo horumarinta magaalada.”

Kadib waxaan fikradda la wadaagay duqii Garoowe ee xilligaas -Axmed Siciid Muuse (Axmed Bare) iyo golihii deegaanka oo aan xubin ka ahaa, kuwaas oo si degdeg ah iila fahmay inay tahay fursad lagu abuuri karo sanduuq horumarineed oo waara, kana madax-bannaan saameyn dibadeed iyo isbeddelada siyaasadeed.

Intaas kadib, hirgelinta fikradda waxay martay geeddi-socod sharciyeyn oo hufan, taas oo ka bilaabatay in maamulkii degmadu fikradda si toos ah ugu bandhigay bulshada si loo helo taageeradooda iyo oggolaanshahooda (endorsement), taas oo ahayd tillaabadii ugu muhiimsanayd ee xaqiijisay in mashruucu noqdo mid bulsho leedahay oo ay iyadu ka tallo-bixisay. Kadib, golaha deegaanka ayaa si buuxda ugu codeeyey ansixinta fikradda iyo sharciyad siinteeda.

Si loo xaqiijiyo maamul-wanaag, isla-xisaabtan iyo madax-bannaani, waxaa la sameeyay xeer gaar ah oo lagu maamulo hindisaha, kaas oo qeexayey hab-raacyada, qaab-dhismeedka maamulka, iyo sida dakhliga loo maareeynayo. Waxaa sidoo kale la dhisay guddi madax-bannaan oo ka kooban xubno lagu kalsoonyahay oo ka kala yimid bulshada qaybheeda kala duwan, xubno kamid ah golaha deegaanka, kuwaas oo loo xil-saaray hirgelinta, hormarinta, kormeerka, iyo dabagalka hindisaha. Markii dhammaan shuruudihii sharci, bulsho iyo maamul la soo buuxiyey, degmada waxay si rasmi ah u guda gashay fulinta hindisaha—kaas oo keenay isbeddel muuqda oo maanta ka muuqda waddooyinka, adeegyada iyo bilicda guud ee Garoowe.

Faa’iidooyinka Ugu Muhiimsan ee Hindisaha

  1. Waa il-dakhli oo Joogto ah: Hindisahaan wuxuu abuurayaa il-dakhli joogto ah oo degmooyinka u saamaxaya inay si madax-bannaan u qorsheeyaan una fuliyaan mashaariic horumarineed. Lacagta yar ee qoys walba bishii laga qaado waxay isu bedeshay maalgelin lagu hirgelinaayo adeegyo muhiim ah sida, wadooyinka, iftiiminta, dhiraynta, iwm. Dakhligan joogtada ah wuxuu soo jiidanayaa xasillooni maaliyadeed oo degmooyinka u ogolaanaya inay dhistaan qorshayaal dhalad ah oo waara.
  2. Kalsooni bulshada: Hindisahaan wuxuu mustaqbalka kordhinayaa kalsoonida bulshada ee maamulka, maadaama shacabka ay arki doonaan lacagtooda oo isu beddeleysa horumar muuqda. Tani waxay soo jiidan doontaa ka-qaybgal ballaaran, u diyaarsanaanta bixinta canshuuraha, iyo wacyigelin bulsho oo xooggan.
  3. Hufnaan maamul: Hindisuhu wuxuu u weelqaadayaa nidaam hufnaan iyo isla-xisaabtan maamul oo casri ah. Warbixinnada joogtada ah ee caddeynaya halka lacagtu ku baxdo waxay abuuri doonaan jawi daah-furan oo bulshada u saamaxaya inay door muuqda ku yeeshaan kormeerka iyo isla xisaabtanka. Tani waxay soo jiidan doontaa kalsooni dheeri ah, waxayna horseedi doontaa in adeegyada loo fuliyo si mas’uuliyad leh oo tayo leh.
  4. Koboc dhaqaale: Hindisahaan wuxuu mustaqbalka dhow kobcin doonaa dhaqaalaha deegaanka, maadaama adeegyada aasaasiga ah ee lagu hirgeliyo sida iftiiminta, wadooyinka, nadaafadda iyo ilaalinta deegaanka, iyo horumarinta suuqyada—ay abuuri doonaan jawi ganacsi oo firfircoon, amniga oo wanaagsanaada, waddo marista oo fududaata, iyo nadaafadda oo korodha waxay soo jiidan doonaan maalgelin cusub, ganacsato badan iyo fursado shaqo. Horumarkan isku-dhafka ahi wuxuu noqonayaa sallaan dhaqaalaha degmooyinka si dhakhso ah u kiciya, isla markaana abuura koboc waara oo muddo fog sii socda.

Saameynta & Faafitaanka Fikradda

Guusha ka hirgashay Garoowe, oo ahayd halkii hindisaha markii ugu horreysay laga hirgeliyey, ayaa noqotay tusaale ay deegaannada kale ee Puntland ku daydaan. Magaalada Garoowe oo noqotay tijaabadii ugu horreysay ayaa muujisay si cad in hal doolar bishii uu isu beddeli karo nidaam maaliyadeed oo dakhliga fiican soo xareeya, laguna dhaqaajiyo mashaariic horumarineed oo habboon. Taas ayaana sababtay in degmooyin badan oo Puntland ah ay si buuxda u hirgeliyaan halka kuwo kalena ay qorsheynayaan dhaqangelinteeda.

Faafitaanka fikirkan waxaa horseeday laba arrimood oo waaweyn: midda koowaad, waa in degmooyinka oo dhan ay arkeen natiijadii muuqata ee ka dhalatay Garoowe ee dhanka horumarka kaabayaasha dhaqaalaha oo si buuxda oo baraxla’ looga maalgeliyey sanduuqaas. Midda labaad, waa in bulshada degmooyinkaas ay dareemeen in hindisuhu yahay mid iyaga ka yimid, iyaga u adeega, iyagana u soo celinaya waxqabad muuqda. Taasina waxay ka dhigtay hindisaha mid si dabiici ah ugu faafa Puntland inteeda badan.

Aniga ahaan, sharaf weyn ayay ii tahay in aragtidii yareyd ee Ilaahay qalbigayga ku soo tuuray sanadkii 2018, ay maanta isu beddeshay mashruuc maamul iyo bulshada Puntland oo dhan ku faanaan. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay in fikraddaan ay noqoto dhaxal raad reeba, jiilasha dambana u noqda halbeeg ay ku cabir-qaataan, kuna dhisaan mustaqbal ifaya oo ku saleysan isku-tashi, hufnaan iyo horumar bulsho oo waara.

Sidoo kale, hindisahaan wuxuu caddeeyey in horumarka laga bilaabi karo fikrado yaryar, dhaqaale yar, laakiin leh hufnaan, hal-abuur, iyo ka-qaybgal bulsho. Waa tusaale muujinaya sida qaran dhan loo gaarsiin karo horumar joogto ah haddii la helo fikrad cad, maamul hufan iyo bulsho ay ka go’antahay hagaajinta noloshooda.

Waxaan rajaynayaa, aniga oo ku kalsoon, in maalmo dhow fikraddaan ay ka faa’iideysan doonaan ummadda Soomaaliyeed oo dhan, lagana hirgelin doono dhulka Soomaaliyeed oo dhan, ayna noqon doonto barnaamij mideeya, horumariya oo soo celinaya sharafteenii bulsho iyo awooddeennii isku tashi.

Mustaqbalka Fikradda

Mustaqbalka fikradda hal-doolar wuxuu leeyahay fursad aad u weyn, maadaama ay horay u caddaatay waxtarkeedu. Haddii si joogto ah loo xoojiyo, hindisahani wuxuu isu rogi karaa qaab-dhismeed maaliyadeed oo rasmi ah oo degmooyinka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ka caawiya inay sameystaan sanduuqyo horumarineed oo waara (sustainable development funds). Ballaarinta fikradda iyo casriyeynta hab-maamulkeeda ayaa suurtagal ka dhigi karta in lacag yar oo bulshada ka timaadda ay u beddelanto mashaariic waaweyn oo kaabayaal, bilic, amni iyo adeeg bulsho maalgeliya. Si mustaqbalka fikraddaan ay u noqoto mid waarta, waxaa loo baahanyahay afar qodob in la hubiyo:

  1. Maamul hal-abuur leh: Si mashruucyada bulshada ee noocan ah ay u sii waaraan, ma aha in maamulkiisu keliya lagu qiimeeyo hufnaan iyo daacadnimo, inkastoo ay yihiin qodobo muhiim ah, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in maamulku noqdo mid aygarad ah oo hal-abuur leh, si joogto ahna ugu fikiraya sidii loo kobcin lahaa hindisaha loona sii ballaarin lahaa saameyntiisa. Hogaamiyeyaasha hindisahaan waa inay fahmaan in bulshooyinka, dhaqaalaha iyo tiknooloojiyaddu ay maanta ku socdaan xawaare aad u sarreeya, ayna tahay in hindisaha lagu ilaaliyo casriyeyn joogto ah.

Maamulka hindisahaan waa in uu mar walba la socdaa isbeddellada wacyiga bulshada, baahiyaha soo kordhaya, iyo hubinta in mashruucu ku socdo jihada dadku ay rabaan. Hal-abuurka joogtada ah, dib-u-habaynta habraacyada, iyo ku-darista farsamooyin casri ah ayaa hindisaha ka dhigaya mid nool oo la jaanqaada waayaha cusub. Tani waxay sii xoojinaysaa kalsoonida bulshada, waxayna hindisaha u beddeli kartaa barnaamij istiraatiiji ah oo jiilba jiil ka dhaxlo.

  • Ballaarinta ilaha dakhliga: Ballaarinta ila dakhliga ee hindisaha, waa laf-dhabarta joogteynta iyo horumarinta fikirka, maadaama ku-tiirsanaanta hal-il oo keliya ay khatar gelin karto mustaqbalka hindisaha. Tusaale, marka adeegyada kale lagu daro nidaamka lacag uruurinta sanduuqa—sida ku-hadalka-taleefonada (mobile usage fee), adeegga biilasha internetka, adeegyada nadaafadda iyo qashinka (waste management services), ruqsadaha, tikidyada diyaaradaha iyo adeegyadkale ee bulshada, waxaa abuurmaya dhaqaale xooggan oo jaanibyo badan kayimid bulshadana aan cuslayn. Tani waxay siinaysaa sanduuqa awood uu ku sii wado maalgelinta adeegyada muhiimka ah si joogto ah.

Ballaarinta ilaha dakhliga waxay keenaysaa in mashruucu yeesho awood dhaqaale oo ballaaran, taas oo u suurtogelinaysa inuu fuliyo mashaariic horumarineed oo tiro iyo tayaba leh, isla markaana waxay yareynaysaa khatarta isku halaynta hal-il oo keliya.

  • Deeqaha dibadda oo la-dhexmaro sanduuqa: Isku-xirka deeqaha caalamiga ah iyo sanduuqa horumarinta, waxay abuuraysaa nidaam mideysan oo la isku halayn karo, taas oo soo jiidata taageero joogto ah oo ka timaadda hay’adaha horumarinta. Marka deeq-bixiyeyaashu arkaan in barnaamijku leeyahay sanduuq sharciyeysan, hufan oo leh xisaab-celin joogto ah, waxay dareemayaan kalsooni, taas oo horseedda in taageero badan lagu wareejiyo sanduuqa. Tani waxay kordhinaysaa awoodda hindisaha ee lagu maalgelin karo adeegyo fara badan oo bulshada wax ku ool u ah.

Qaabkan isku-dhafan wuxuu abuurayaa nidaam deggan oo isku dheelitira dakhliga gudaha iyo taageerada dibadda, isagoo hubinaya in hindisuhu uusan ku tiirsanaan hal il keliya. Waxay sidoo kale u oggolaanaysaa in deeqaha la helo lala beegsado mashaariic istiraatiiji ah oo si toos ah u xoojinaya adeegyada bulshada, iyada oo la ilaalinayo ujeeddadii asalka ahayd ee fikirka sanduuqa horumarinta.

  • Adeeg cadaalad ah: Adeegga oo caddaalad noqda ayaa ah midka ugu muhiimsan ee dhisaya kalsoonida bulshada, gaar ahaan marka qayb kasta oo bulshada kamid ah ay si cad u aragto in sanduuqa horumarinta laga siiyey qoondo. Tusaale, haddii xaafadaha magaaladdu dareemaan in wadooyinka, nalalka, biyaha ama adeegyada kale ee muhiimka ah ee laga maalgeliyay sanduuqa ay si siman uga wada faa’iideen, waxay abuuraysaa dareen ah “wada-lahaansho” iyo sinnaan. Tani waxay meesha ka saartaa shakiga ama tuhunka ku saabsan kala-reeb ama eex, waxayna bulshada ku dhiirrigelisaa inay sii wadaan habsami u bixinta dhaqaalaha.

Gunaanad

Hindisaha hal doolar ee ka bilowday Garoowe wuxuu noqday tusaalaha ugu habboon ee muujinaya awoodda isku-tashiga bulshada. Fikraddan oo ka timid baahi dhab ah, ayaa isu beddeshay hannaan maaliyadeed oo buuxshay kaalin bannaaneeyd oo muhiim ah, suurtogelisayna in adeegyo muuqda laga hirgeliyo magaalooyinka, keentayna kalsooni dhex marta bulshada iyo maamulka. Guushaas muuqata ayaa caddeysay in hal-doolar oo bulshada laga helo uu noqon karo furaha dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda magaalada, amniga, iyo koboca dhaqaalaha deegaanka.

Saameynta hindisahaan oo ku faafay degmooyin badan oo Puntland ah, waxay markhaati u tahay in fikraddu tahay noole leh awood ay kaga dhaqaaqdo halkii ay ka curatay. Mustaqbalka Hindisahaan wuxuu u muuqdaa mid isu beddeli kara barnaamij istiraatiiji ah oo heer gobol iyo heer qaranba lagu dabaqi karo, haddii la sii xoojiyo hufnaanta, hal-abuurka maamulka, ballaarinta ilaha dakhliga, loona qeybiyo si cadaalad ah adeegyada bulshada. Waa dhaxal bulsho oo muujinaya awoodda isku-tashiga Soomaaliyeed, islamarkaana u gogol-xaaraya jiilalka imanaya inay curiyaan hindisayaal wax ku ool ah oo u horseedaa horumar ay iyagu leeyihiin oo ay iyagu wataan.

Qoraaga
Axmed Abshir Jaamac
Axmed Abshir Jaamacwaa aqoonyahan soo noqday bare jaamacadeed, xubin ka ahaa golaha deegaanka ee degmada Garoowe, isla markaana xilal maamul sare ka soo qabtay qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link