Musuqmaasuqa: Kansarka Haliska ku ah Dadnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya

Dalka dunida ugu musuqmaasuqa badan in dalkaagu uu noqdo waa uur-kutaallo iyo rajo xumo weyn oo hanjabinaysa muwaadinka Soomaaliyeed ee isagu sanad walba daalacda warbixinta ay soo saarto Hay’adda Daahfurnaanta Caalamiga (Transparency International); taasoo Soomaaliya ka dhigta dalka 179-aad[1] oo ka dhigan in uu yahay dalka dunida kaalinta 2-aad kaaga jira daahfurnaan la’aanta ama kaalinta 1-aad, muddo ku dhow 20 sano ayaysan Soomaaliya ka bixin xayndaabkaas oo markii dambe isu badashay xaalad tusaale loogu soo qaato marka la tilmaamayo ummad dowladnimadu ka burburtay oo musuq badan. Dhacdadii ugu dambaysay ee madaxweynaha dalka Maraykanka ee Donald Trump uu Soomaaalida ku tilmaamay dad liita oo dowladooduna ka burburtay ayaa ugu dambaysay, walow isagu afalagaadayn iyo colaadin gaar ah oo uu Soomaalida dalkiisa jooga u qaaday ay tahay kana dhalatay xifaaltanka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Ilhaan Cumar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo katirsan Xisbiga Dimuqraadiga ah, lagana soo doorto gobolka Soomaalida u badantahay ee Minesota, haddana waa xaqiiq jirta ah in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad taabbo gal ah.

Soomaalidu waa bulsho reer guuraa ah, hab-dhaqankeeduna waxaa sal u ah curfiga iyo nolosha Miyiga, wax badan oo tilmaamo fiicanna way leedahay oo ay ka mid tahay deeqsinimada, adkaysiga, geesinimada iyo isu-gurmashada, halka tilmaamo kale oo tabanna ay leedahay oo ay ugu weyntahay qabyaaladda, eexda, hayb-sooca iyo wixii la halmaala. Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika wuxuu buuggiisa ku sheegay intii uu u kala safrayey Saylac ilaa uu ka gaarayey Herar in safarkiisu uu adeegsanayey hadiyado iyo laaluush uu siinayey horjoogayaashii beelaha oo marka uu rabo deegaan inuu u tillaabo inuu qaybinayey tubaakada, baaruudda, go’yaal xariir ah iyo lacag taasoo ahayd laaluush, wuxuuna ku sifiiyey Soomaalida kuwa musuq, eex iyo inay ku xadgudbaan deegaanka oo weliba aad u aargoosi iyo aano badan. [2]

Waxay Soomaalidu inta uusan gumaysiga soo cago dhigan dhulka Soomaaliyeed ka hor ahaayeen qabiillo ku yaacsan deegaanka Soomaalidu degto, mana u dhisnayn dowlad marka laga reebo saldanado meelaha qaar ka jiray oo horay u baaba’ay, waxaana jirtay gulufyo reer Galbeedku horay ay ugu soo qaadeen oo ka hor istaagtay Geeska Africa inay Soomaalidu ka dhisato dowlad ay leeyihiin, haba ugu weynaado dagaalkii u dhexeeyay Imam Axmed ibnu Ibrahim al‑Ghazi (Axmed Gurey) iyo Boortaqiiska oo dhacay intii u dhaxaysay 1541–1543. Wixii ka dambeeyey waxaa aad looga ilaaliyey inay yeeshaan dowlad ka hirgasha Geeska Afrika oo Muslim ah Soomaaliduna hormuud u yihiin, balse Soomaalidu mayeelan wacyi iyo falsafad ay ku dhistaan dowlad ay hoos yimaadaan oo midaysa, waxayna sii ahaadeen qabiilo xeerar ay isku dhaqaan leh ilaa uu ka yimid gumaysigii reer Yurub oo isagu uga tagay mirir iyo dhaxal gurracan oo wata aafo walba oo burbur u horseedday dowladnimadii Soomaaliyeed.

Musuqa hareeyey dabaqadda siyaasadeed ee Soomaalida, wuxuu la kowsaday bilowgii askunkii dowladdii rayidka, waxayna noqotay hab-dhaqan ku tidcan maanka qofka Soomaaliga ah iyo fahamka uu ka haysto siyaasaddu inay tahay hab-dhaqan silloon oo dhagar iyo eex uu qofku ku gaaro kursiga, marka uu ka gacan buuxsadana ku duudsiiya inta kale xaqooda, danta guud na ay tahay mid aan cidna ka xigin oo uu suu doono ka yeelo. Dowladii kacaanka walow ay sanadihii hore wixii ka horreeyey 1976-dii[3] ay isku day fiican ay samaysay; haddana waxay ku dhisnayd afgembi taasoo ka dhigaysay natiijadeeda mid ku dambaynaysa halkii ay ku dhammaatay 1991-kii, waana sida badi ay noqdeen dowladihii afgambigu ka dhacay ee Afrika. Wixii xigay ee jabhado iyo xukuumadihii heer federaal iyo maamul-goboleedyana waxay sii sharciyeeyeen musuqmaasuqa inuu noqdo waddada ugu mudan ee dowladnimo lagu gaaro, waana tan ka dhigtay in dabaqadda siyaasadeed ee Soomaalidu noqdaan kuwa ugu fasahaadka badan kuna hela xilalka boob iyo laaluush, doorashadii dhacday 2022 waxaa ku baxday wax kor u dhaafaya 200 Million oo dollar, waxaana la fili doonaa doorashada xigta inay kasii badan doonto, oo durbaba dadka xildoonka ahi dhaqaale uruursi ayay kusii jireen, waxaana baxay halhays ah “ Musharaxa uu jeebku reebay” , taasoo ka dhigan qofkaan lacag wadan haba yeesho mudnaan walbee in uusan fursad fiicnayn.

Laaluushka wuxuu noqday hab-dhaqan siyaasadeed oo aysan bulshadu la yaabin, safaf dhaadheerna dadku u galaan qofka xildoonka ah si loo gacan mariyo sifo walba uu leeyahay iyo heer walba uu joogo, balse lagu kala xusho siyaasiyiintu siday u kala jeeb roonyihiin, heer Soomaalidu qofkii xil sare doonaya ee aan haysan awood shisheeye oo lacag siinaysa u taqaano qof fursad yar“. Lacag maka heli kartaa, dowladaha lacagta baxsha?” Waa su’aasha ugu muhiimsan ee la waydiiyo qofkii xil sare ka raba inuu Soomaaliya ka qabto, iyadoo dhabtu ay tahay cidii lacag kasoo qaadatay dowlad shisheeye uu u shaqaynayo danaheeda, waxayna arintaasi Soomaaliya dhaxalsiisay inay noqoto goob ay isku herdiyaan danaha shisheeye ee isdiidan ama dalkuba galo dagaalo uusan hal iyo nirig toonna ku lahayn (proxy war).

Musuqu wuxuu hareeyey dhinac walba, oo deeqaha ban’iidaantinimada ee caalamka  aan ka helno, ganacsiga iyo badeecadda soo degta, macaamilka iyo isdhaafsiga suuqyada iyo xafiisyada dowladda iyo kuwa gaarka ah (private sector), habka shaqaalaysiinta, kaararka loo goosto dhakhaatiirta, boodhi baska diyaaradaha lagu raaco, maxkamadaha iyo hab qaadista garmaqalka, Booliska iyo sugidda amniga, askariga check point-ga taagan, macallinka imtixaanka saxaya, qofka qashinka gura, kuwa xoolaha qala intuba si maalinle ah waxay gacmaha kula jiraan musuqmaasuq. Waxay ka dhigantahay meel fiyow ma jirto oo wuxuu noqday dhaqan joogto ah oo uu qofka muraadkiisa ku gaaro.

Maxaa musuqa wax looga qaban waayey oo uu u yahay mid sii fidaya?

Dowladaha uu ku baahay musuqa iyo maamul xumida wuxuu ku tilmaamay cilmi bulsho yaqaanka reer Spanish Manuel Castells “dowladaha dad qalatooyinka ah”. Waana xaaladda ka jirta dalkeena inaan marayno markii uu naga burburay maamulka in dadku ay isqashaan oo waxaa sanadka 2025 ka dhacay Soomaaliya falal argagax leh oo muwaadiniin Soomaali ah si arxan darro ah loogu dilay qaybo kamid ah gobollada dalka, oo weliba qaarkood nolol lagu gubay kuwana la jirdilay heer dhimasho ah. Waxayna noqotay muuqaallo si joogto ah ay bulshada u aragto; haddana falalkaas in yar oo ka mid ah uun wax laga qabto badankoodana ay daysane yihiin, waxaana ka dhashay colaadaha beelaha dhexdooda iyo aanooyinka inay Soomaaliya kusii kordhaan.

Cabdi Abokor wuxuu u aanaynayaa in musuqmaasuqa aan waxba looga qabin karin oo ay u sabab tahay sidan: “Habrashada laga habranayo qabiilka ayaa ugu weyn inaan si macno leh la isula xisaabtamin, qofku kama baqo in lagu qaado xeer musuqmaasuq. Hadii lagu qabtona, inta badan waxaa is hortaaga madaxdii magacawday. Markaa waxaa wax walba ka horreeya, xoojinta dowladnimada, maamul wanaagga, mustaqbalka fiican ee isla xisaabtanka ku fadhiya wax ka awood weyn nidaamka-qabiilaysan oo aan sidii la doonayey u dabaqayn xeerarka maamula wanaaga.”[4]

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Ra’iisul Wasaarahii Soomaaliya iyo tusaale siyaasi la diriray musuqmaasuqa dhibane-na u ahaa (1964–1967):

Waxaa jiray tusaale weli xasuusta Soomaalida ku dhigan oo marka siyaasiyiinta hufnaanta ku caanbaxday lasoo qaato walow ay fara ku tiris ahaayeen, hadana waa muhiim inaan xusno si ay qormadeenu u dheellitirnaato, waa tusaale xilligii dowladii rayidka ahayd.
Magacaabista Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ee xilka Ra’iisul Wasaaraha waxaa saldhig u ahaa go’aankiisa adag ee la dagaallanka musuqmaasuqa iyo kor u qaadidda maamul ku dhisan anshax iyo daahfurnaan. Inkastoo uu wajahay caqabado bilowgii hore, haddana xukuumaddiisu waxa ay kasbatay sumcad lagu yaqaan hufnaan, karti iyo daacadnimo.

Waxa uu hirgeliyay isbeddello ballaaran oo geesinimo leh, kuwaas oo ay ka mid ahayd dib-u-habayn lagu sameeyay adeegga rayidka si mudnaanta loo siiyo kartida iyo xaqa (meritocracy), taas oo sii xoojisay sumcaddiisa hoggaamiye daacadnimadiisu aan la shaki gelin karin. Dib-u-habayntiisa iyo aragtidiisa siyaasadeed ee horumarka ku dhisan waxay caro gelisay siyaasiyiintii diidanaa isbeddelka iyo kuwa kale oo dano gaar ah lahaa oo qabyaaladdu riixayso[5].

Waxay Soomaaliya ka dhaxashay musuqmaasuqa:

  1. Dowlad taag daran oo aan lahayn hannaan dowli ah iyo mid amni oo laysku hallayn karo.
  2. Dowlad aan la aamini karin, taasoo aan fursad u heli karin maalgelinta kaabayaasha dhaqaale sida korontada, waddooyinka, garoommo caalami ah, soo saarista khayraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo macdanta, iyo ka faa’iidaysiga kalluunka iyo beeraha.
  3. Hantida qaranka oo lunta waxayna dowladdii Soomaaliyeed noqotay qandaraasyo ay leedahay beecmushtari, waxaa tusaale nool ah boobka ku socda dhulalka iyo xarumihii ummaddu lahayd oo sifa aan sharci ahay lagu xaraashtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa boob ku socdaa khayraadka dalku lahaa kuwaasoo dowlado shisheeye ay iska qaataan si sharci darro ah.
  4. Adeegii bulshada oo meesha ka baxay, waxaana aad u liita waxbarashada, caafimaadka, amniga, garsoorka iyo wax walba oo bulshadu ka rabtay dowladda, inta yar ee hada dadku helaan waa kuwa ku tiirsan deeqaha hay’adaha samafalka ah ee shisheeye, micnaheeda dowladda Soomaaliyeed canshuurteeda wax adeeg ah kuma bixiso inyar mooyee.
  5. Rajo gab iyo hijrada cududda iyo caqliga Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada kuwaasoo oo caddaalad darrada iyo musuqmaasuqa ku kallifay inay dalka isaga haajiraan. Marka shaqooyinka aan aqoon iyo khibrad dad lagu qaadan oo ay eex iyo musuq noqotay waxay kalliftay dhallinyaro badan oo aqoon lahaa inay dalkooda isaga tahriibaan.
  6. Hannaankii dowlad dhiskii Somaaliyeed oo taagan, welina waxaa qabyo qoraal ah dastuurkii 2012 mana jirto hab lagu midaysanyahay oo lagu dhammaystiro, waxaana murugsan habka doorashooyinka oo xilli walba oo doorasho lagu murmo siday u dhacayso. Doorashada 2026 ayaa aad u murugsan oo xaalad kalabayr ah dalka gelin karta hadduusan caqligu shaqayn oo aan maslaxadda dalka loo hiillin.

Gunaanad

Haddaba; in la ciribtiro dhaqanka musuqmaasuqa waa mid adag waqti dheerna u baahan, waxaase hubaal ah in madaxdu hadii ay bilowdo oo iyagu tusaale fiican noqdaan lana dagaallamaan caddaalad darrida iyo eexda, weliba ay ka bilaabaan kuwa ku hareeraysan ee iyagu sida gafanaha u jiqa hantida dadweynaha ay noqon lahayd mid la sii daadajiyo oo xafiis walba laga hirgeliyo haba qaadato waqti dheer. Waddamo badan oo Soomaaliya xorriyada ay isku mar qaateen ama ka dambeeyey ayaa jira oo markii hore aad u maamul xumaa; balse hogaamiyayaal usoo baxay darteed maanta ah dalal hodan ah oo horumar badan sameeyey sida Rwand (1962) oo waliba dagaallo sokeeyey gashay iyo isgumaadid, Malaysia 1960 dal sabool ahaa balse uu horumariyey Dr. Mahatir Mohamed iyo Siganpore oo ka go’day isla Malaysia 1965 balse maanta ah dal tusaalayaasha ugu fiican lagu soo qaato dunida.

Inta laga helayo hoggaamiye Soomaaliyeed oo sida dalalka aan soo xusnay u horseeda dalka iyo dadka Soomaaliyeed horumar, waxaa la dhaqangelin karaa tallaabooyinkan si looga hortago musuqmaasuqa ka jira hay’adaha dowladda, South Africa’s Public Finance Management Act (Pillay, 2004) ayaa sidan ku talinaysa in la sameeyo, waa in la qaado tillaabooyinka soo socda[6]

  • In la xoojiyo oo kor loo qaado anshaxa goobaha shaqada iyo dhaqanka fiican ee laga rabo shaqaalaha dowladda.
  • In madaxda dowladdu xoojiso in ay ka go’an tahay in ay ka hortagaan musuqmaasuqa.
  • In isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta maqaamkooda la dhigo.
  • In Xeerrarka iyo habraacyada shaqada la isu akhriyo oo la isku wacyigeliyo.
  • In haya’aduhu caado ka dhigtaan in siidhigga lagu afuufo meesha wax aan hagaagsanayni ka jiraan (whistleblowing).
  • In la caadaysto abaalmarinta tusaaleyaasha wanaagsan.
  • In maamulayaasha tusaale ku noqdaan anshaxa iyo hoggaaminta ku dhisan anshaxa. 
  • In ciqaab la mariyo ciddii la timaadda xad-gudub wax is dabamarin ah.
  • In waxbarashada iyo tababarrada anshaxa la baahiyo, lana siiyo mudnaantooda 
  • In danta guud la hormariyo, lagana dhigo mudnaanta koowaad.

[1] https://www.transparency.org/en/cpi/2024

[2] Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika 1854, Turjumida Boodheri Warsame

[3] Waxaa fi faahfaahsan uga hadlaya buuga uu qoray Wasiirkii ee dowaldii kacaanka Dr. Mohamed Aadan Sheekh “ Waa Inoo Muqdisho”.

[4] Taabbaqaad, isdiidooyinka dhismaha qaranimada iyo hiilka qabiilka, Cabdi Abokor Yusuf Page 260.

[5] https://wardheernews.com/abdirizak-haji-hussein-the-audacious-and-principled-leader/

[6] Taabbaqaad, isdiidooyinka dhismaha qaranimada iyo hiilka qabiilka, Cabdi Abokor Yusuf Page 266-267.

Qoraaga
Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan
Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaanwaa aqoonyahan muddo dheer ka soo shaqeynayay arrimaha gargaarka iyo waxbarashada hadda waa guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link