Doorasho aan heshiis lagu aheyn dagaal bay dhalisaa

Tan iyo markii jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya la dhisay 25 sano kahor, madaxweyne walba oo la doorto wuxuu isku dayay inuu muddo xileedkiisa dastuuriga ah wakhti dheeraad ah ku darsado. Qaar kamid ah lixdii madaxweyne ee dalka soo hoggaamiyey rubuc qarnigaas way ku guuleysteen iney muddo kororsi sharci darro ah sameysteen, iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya baahida loo qabo “qof iyo cod” oo ah yool siyaasadeed oo ku cad dastuurka kumeel gaark ah (KMG) ee Soomaaliya.

Isgoyskii ayaan maanta mar kale taagannahay. Muddo xileedka dastuuriga ah ee u haray madaxweynaha talada haya, Mudane Xasan Shiikh Maxamud, waa in ka yar shan bilood. Sida dastuuriga ah, waxay ahayd in dhammaadka 2025 iyo horraanta 2026 la soo doorto xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Iskaba daa taase, illaa iyo haatan saamileyda siyaasadda (dowladda federaalka ah, dowlad-goboleedyada iyo xoogagga mucaaradka ah) heshiis kuma ahan hannaanka doorashada heer federaal.

Taas beddelkeeda, Madaxweyne Xasan Shiikh wuu iska aqdaananayaa oo wuxuu iska wataa doorasho uu isagu xeerarkeeda iyo xeer beegtideeda sameystay. Wixii dalka xoog iyo xoolo yaallayna isagaa isku gaar yeelay. Waxaana u qorsheysan in, marka ay dhacdo “doorashada golaha deegaanka Banaadir”, inuu guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka uu soo saaro jadwal doorasho oo madaxweynaha u xalaaleynaya muddo kororsi baalmarsan dastuurka KMG ee dalka. Taasina waa isla dhabbihii uu afar sano kahor qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ugu dambeyntiina kusoo jabay.

Shalay iyo Maanta Isku Ekaa!

Dhabbaha qardajeexa ah ee uu haatan isku maqiiqayo Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaa horay ugu soo hungoobay Madaxweyne Farmaajo oo si dirqi ah ku ciriirsaday 15 bilood oo uu xukunka dalka ku heystay sifo aan sharci aheyn. Balse, muddadaas wuxuu soo dhadhamiyey dacar, oo waa tii ay si wadajir ah uga horyimaaddeen madaxda dowlad goboleedyadii oo isagu soo dhistay iyo ra’iisul wasaarihii uu soo magacaabay.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxaa si mug iyo miisaan leh uga horyimid mucaaradkii ku mideysnaa Madasha Musharrixiinta oo gacansaar xooggan ka heleyay dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland. Mid kamid ah xiddigaha ugu firfircoon mucaaradkii dowladdii Farmaajo wuxuu ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh.

Maanta, intii ay shalay wada socdeen ayaa sidii oo kale diyaar ugu ah iney sidii oo kale uga dhiidhiyaan damaca gurracan ee muddo kororsiga iyo boobka hantida qaranka. Booskii uu shalay ku jirayna waxaa soo galay Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kusoo laabtay bishii November 2025.

Nin ajnabi ah oo kamid ah howlwadeennada Qaramada Midoobay, muddo dheerna kasoo shaqeeyay Soomaaliya, ayaa igu yiri hadal aad ii saameeyay: “Qofkii comma (miir-daboolan) galay bishii April 2022 ee haatan kasoo toosay, wuxuu is dhihi lahaa haba yaraatee wax iska beddelay Soomaaliya ma jiraan. Odayaashii is-hayay iyo aragtidii la isku hayayba waa sidoodii.”

Taasi macnaheedu wuxuu yahay in horweynta siyaasadda dalku aysan shalay waxba ka baran. Haddii mid kamid ah odayaasha mucaaradka uu ku guuleysto doorashada soo socota, inuu afar sano kaddib isla isgoyskaan soo istaago isagoo raadinaya muddo kororsi aan dastuuri ahayn lama biciidsan karo. Maxaa yeelay hab-dhaqanka samaysmay ayaa sidaas iska noqday.

Doorasho mise boobid?

Dhaqdhaqaaqa uu haatan Madaxweyne Xasan Shiikh ka wado Gobolka Banaadir ee uu ugu yeero “doorasho” waa boob aan loo meel dayin. Xisbiga aan guddoomiyaha ka ahay ee Xaqsoor ayaa kamid ah dhowr xisbi siyaasadeed oo isku dayay in la saxo khaladaadka nuxurka ah ee ku jira xeerka doorashooyinka 2024 iyo midka axsaabta siyaasadeed. Wadahadal socday muddo saddex bilood ah ayaan la galnay guddi heer wasiir ah oo uu soo magacaabay Madaxweyne Xasan Shiikh. Waxaan u gudbinnay 13 qodob oo u baahan in laga turxaan bixiyo xeerarka doorashooyinka golayaasha deegaanka, si ay u noqdaan kuwa hufan oo lagu tartami karo.

Guddigii wasiirrada ee wada xaajoodka nagula jiray waxay markii hore muujiyeen dabacsanaan iyo garowsi ku saabsan turxaanta ku jirta xeerarka doorashada. Waxay ballan qaadeen in xukuumaddu ay 13-ka qodobba wax ka beddeli doonto. Nasiib darro, waxay ugu dambeyntii ka biyo diideen fulinta qodobkii ugu horreeyay ee ahaa in fatashaad farsamo (technical audit) lagu sameeyo hannaanka diiwaangalinta iyo kaar-bixinta codbixiyayaasha.

Sababta aan fatashaadda farsamo ee madaxa bannaan u dalbannay waxay ahayd inaan haynay xog lagu kalsoonaan karo oo muujineysa in dowladdu ka been sheegtay tirada dadka isdiiwaan galiyey, iyo in nidaamka kombiyuutarka ah ee loo isticmaalayo diiwaangelinta iyo kaar-bixinta, inuu yahay mid loo naqshadeeyay inuu saaro hal natiijo, taasoo ah guuleysiinta xisbiga JSP ee talada haya. Kolkii ay xukuumaddu diidday in fatashaad farsamo lagu sameeyo nidaamka ayay noo sii xaqiiqowday tuhunkii aan qabnay, waana sababta keentay inaan gabi ahaanba isaga baxno wadahadalkii aan kula jirnay xukuumadda.

Madaxweyne Xasan Shiikh, oo adeegsanaya xeerar iyo xeer-beegti uu isagu isla ekeysiiyey, waxaa u qorsheysan inuu dhammaadka bishan December Xamar ka qabto “doorasho gole deegaan” oo natiijadeeda lasii ogyahay. Waxaa aqlabiyad aad u weyn ku guuleysan doona xisbiga talada haya ee JSP, xoogaa yarna wuxuu u hambeyn doonaa dhowr xisbi oo ay bahwadaag yihiin.

Cawaaqibta boobka

Shaki kuma jiro in boobka uu madaxweynuhu ka qabanayo Xamar inay ka dhalan doonto xiisad siyaasadeed oo aan cawaaqibteeda la mahadin. Cid ku haysata ma jirto inuu madaxweynuhu iska magacowdo guddoomiyaha gobolka iyo guddoomiyayaasha degmooyinka. Balse inuu magacaabistaas u geliyo shaati “doorasho” waxay ka dhigan tahay inuu cusbo sii marinayo boogihii uu isagu u geystay dastuurka dalka.  

Dalkeennu wuxu weli marayaa marxaladdii soo kabashada ee nugeylka badneyd, mana gaarin heer la isku xoog sheegto. Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu madaxweyne noogu yahay natiijadii lagu wada qanacsanaa ee kasoo baxday doorashadii 15-kii May 2022-kii iyo dastuurkii uu ku dhaartay isla habeenkaas. Haddii uu jiiro soohdimaha uu dastuurku dhigayo, oo uu muddo kororsi samaysto sida hadda ka muuqata, ama uu isku dayo inuu xoog nagu marsiiyo boob cad, wuxuu la kulmi doonaa iska caabbin aan ka yarayn middii uu qaybta ka ahaa kalkii hore.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu mar walba ku joogaa qanaacada horweynta siyaasadda ay ku qanceen natiijada doorashada teendhada iyo aqoonsiga caalamiga ah. Labadaasba waa gabaabsi haatan. Waxaa madaxweynaha la gudboon inuu falaadka iska dhaafo, una soo jeesto inuu doorasho heshiis lagu yahay oo heer federaal ah ka qabto dalka. Taas ayayna kusoo dhammaan doontaa, si kasta oo uu madaxweynuhu darbiyada madaxa ugu soo garaaco.

Qoraaga
Cabdiraxmaan Caynte
Cabdiraxmaan Cayntewaa Guddoomiyaha Xisbiga Xaqsoor, ahaana Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey boqortooyada UK.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link