1. Hordhac: Marin Istaraatiiji Ah
Geeddi socodka kasoo kabsashada dagaalkii sokeeye iyo hayaanka dowlad-dhisidda cusub waxaa gun uu ku qotomo u ah si weliba xeel dheer juquraafi-istaraajiyadeedka (strategic geography) Soomaaliya, hardanka siyaasadda dibadda iyo faragelinta shisheeye ee ku xeeran. Soomaaliya waxa ay juqraafi ahaan dhacdaa mowqic istaraatiiji ah, waana dhuunta halbowlaha u ah kala goosha badaha oo ay iska galaan Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden) iyo Badweynta Hindiya (Indian Ocean). Waxa ay ku fadhidaa isgoys muhiim u ah ganacsiga badeecadahaisaga gudba dunidda inteeda kale (Global Maritime Trade). Mowqicaan istaraatiijiga ah, oo ah marinka ay maraakiibtu ugu tallaabaan Kanaalka Suweys, waxay ka dhigaysaa xasilloonida Soomaaliya mid aan ahayn mid khusaysa arrimaha gudaha oo keliya balse saamayn wayn ku leh ganacsiga iyo amniga dunida inteeda kale.
Sanadihii la soo dhaafay, qiimaha istiraatiijiyadeed mowqica juqraafiyadeed wuxuu Soomaaliya u rogay goob lagu hardamo, looguna baratamo “Dheesha Juqraafi-Siyaasadeedka (The Game of Geopolitics)” iyo loolanka quwadaha shisheeye ee ka leh Soomaaliya damaca dhaqaale-siyaasadeed (Economo-Politics). Dheeshaani waxay keentay in awoodaha gobolka (Regional Powers), boqortooyooyinka Khaliijka (Gulf Monarches), iyo dowladaha waaweyn ee Reer Galbeedku ay ku tartamaan sidii ay saameyn wayn, heshiisyo dhaqaale, saldhigyo ciidan iyo iskaashi amni ula yeelan lahaayeen xukuumadaha tabarta iyo taagta daran ee Soomaaliya (Dowladda Dhexe, DFS iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ahba, DXF).
Faragelinta iyo loolanka shisheeyaha, taakulada iyo heshiisyada quwadaha gobolka iyo Reer Galbeedka, waxaa lagu sifayn karaa seef laba af leh (Double-Edged Sword). Dhinac marka laga eego, la falgalkani wuxuu keenayaa kaalmo muhiim ah sida suggidda aminga caasimadda, maalgelinta dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, iyo bixinta gargaar bani’aadamnimo. Dhinac kale marka laga fiirshana, la falgalka dibbada wuxuu keenay lakabyo isku dhafan oo dhaawacay siyaadada (Sovereignty) waddanka, kala qaybsanaan deegaamadeed iyo kala furfur siyaasadeed. La falgalka dibbada ee Dowladda Dhexe iyo Dowlad kasta oo xubin ka ah Federalka ay iskeed xiriir ula samaysay awoodo shisheeye ma keenin kala qoqob iyo kala qaybsanaan keliya ee waxa uu wiiqay dowladnimahda, mashruuca federaalka iyo dib-u-dhiska qaran, wuxuuna si toos ah ula loollamayaa madax-banaanida iyo siyaadada (Sovereignty) Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Maqaalkani wuxuu si kooban u soo bandhigayaa dood ku saabsan in kaalmada dibadda, faragelinta shisheeye ee siyaasadda gudaha iyo dibbadda iyo maalgashiga qalaad (Foreign Influence, Aid and Investment), khatar muuqata ku yihiin midnimada Dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u dhiska qaranimadeeda. Dhinac kale marka laga eego, waxa aan la inkiri karin in taakulada iyo maalgashiga shisheeye ay lagama maarmaan u yihiin duruufaha maanta jira oo ay keentay isku fillaansho la’aanta Dowladda Soomaliya. Waxa keliya oo khatartaas looga gudbi karaa in lagu maareeyo siyaasad arrimo-dibadeed iyo midda gudaha oo midaysan (Unified Domestic & Foreing Policies), oo u adeegaya danta qaranka iyo maslaxadda guud ee bulshada Soomaaliyeed, kana fogaanaysa isdiidooyinta danaha qofeed iyo sad-bursi ee ku dhisan beel, deegaan ama gobol.
2. Isdiidooyinka Danaha iyo faragelinta Shisheeyaha
Tartanka loogu hardamayo in saameyn iyo faragelin toos ah lagu yeesho Soomaaliya waxaa ku lug leh ama ku loolamaya jilayaal kala duwan oo mid walba uu wato ajandayaal iyo ujeeddooyin siyaasad-dhaqaale (economo-political), mid fikradeed (Ideological), iyo mid amni (security) u gaar ah. Ajandayaashaan kala duwan ama isdiidan waxay ka dhigayaan xiriirka u dhexeeya Dowladda Federalka Soomaliya (DFS) iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) goob ay ku dagaallamaan danaha isdiidan ee jilayaasha dibadda (Foreign Actors).
Muddadii u dambaysay Soomaliya waxay noqotay goob loo soo dhoofiyo (Battlefield for Proxy Competition) loollanka u dhexeeya dalalka Isbahaysiga Khaliijka (GCC), gaar ahaan xulafada ay hoggaaminayaan Sacuudi Carabiya/Imaaraadka iyo xulafada ay hor kacayaan Qatar/Turkey. Waxaan sidoo kale laga indha saaban karin danaha gurracan ee dalka Itoobiya oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay u heli lahayd marin badda ah.
Hawlgalka Ku-Meelgaarka ah ee Midowga Africa (ATMIS) iyo kii ka horeeyay ee AMISOM waxay u yihiin DFS xarig badbaado marka ay noqoto sugidda amniga iyo la dagaalanka nabad-diidka. Hase yeeshee, jiitanka iyo muddada dheer ee mashruucaani qaatay iyo in lagu wareejiyo hawlgallada amniga ciidan xoogga dalka waxay muujinaysaa walaac wayn iyo in la iswaydiiyo anjandaha dhabta ay ee halwgalkan.
Danaha Reer Galbeedka oo ay hoggaaminayaan Maraykanka (USA) iyo Midowga Yurub (EU) waxay u muuqdaan kuwa iyagu diiradda saaraya arimaha argagaxisada oo keliya. Inkasta oo Dowladaha Yurub qaar ka mid ah ay dhaqaale iyo taakulo ka gaystaan dowlad-dhiska iyo soo celinta hanaanka dowladnimo, haddana muddada dheer ee uu qaatay hanaankani waxay fursad siisay in ay ka faa’iidaystaan awoodo gobolka ah oo soo farageliya habsocodka siyaasadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Imaaraadka Carabta (UAE)
Istaraatiijiyadda Imaaraadka waxay u muuqataa in ay ku yoto’sanayso xakamaynta kaabayaasha dekedaha istaraatiijiga ah (Strategic Port Infrastructures) iyo maaraynta saadka badda (Maritime Logistics). Faragelintooda UAE ee Soomaaliya waxay ku suntantahay heshiisyo toos ah oo ay la gasho DXF-yada iyo gobollada gooni-goosadka, gaar ahaan horumarinta iyo maamulka DekeddaBerbera ee Somaliland iyo gacan ku haynta Dekedda Boosaaso ee Puntland. Waxay sidoo kale ku leedahay saldhigyo qarsoon Garoonka Boosaaso iyo Berbera.
Siyaasadda UAE kula dhaqanto Soomaaliya waa in ay baal marto dowladda dhexe si toos ahna u xoojiso DXF-yada ama Somaliland iyadoo wiiqaysa awoodda Muqdisho ee siyaasadda dibadda. Hab-dhaqankan wuxuu siinayaa Imaaraadka in hesho ilo ganacsi iyo saldhigyo ciidan ka madax banaan dowladda dhexe iyaduna toos u maamusho. Tuhunka asaasiga ah waa in UAE ay taageerayso jilayaal siyaasadeed oo u janjeera qaab-dhismeed nidaam federaal jilicasan oo aan isku xirnayn ama ka madax banaan Dowladda Dhexe si ay ugu sahlanaato awoodeeda faragelineed.
Qatar & Turkiga
Labadaan waddan waxay si toos ah xulafa ula yihiin DFS ee Muqdisho, iyaga oo awoodooda faragelineed isugu geeyey inay xoojiyaan dowladda dhexe, wiiqaana DXF-yada. Faragelinta Turkiga ayaa ah kan ugu baaxadda wayn faragelinaha dibbadda ee Soomaaliya. Waxa ay yagleeleen xarunta tababarka milateri ee ugu weyn ee dowlad shisheeye samayso (TURKSOM), waxay maalgeliyeen kaabayaasha (maamulka Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho), iyo barnaamijyo kale oo ballaaran oo bani’aadamnimo iyo waxbarasho ah. Garab istaagga Turkiga waxay ku abuurtay DFS kalsooni la isku halayn karo, iyo garab siyaasadeed oo miisaankiisa leh.
Faragelinta Dowladda Qatar waxay inta badan ku kooban tahay mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Qatar waxay ka aragtaa danaheeda in ay si gaar ah u taageerto ama u soo saarto shakhsiyaad muhiim u ah ajandaheeda faragelineed iyo mashaariicda horumarinta ee waaweyn ee ay fuliso si loo adkeeyo sharciyadda dowladda dhexe iyo sidii ay u soo saari lahayd hoggaan ay isla jaanqaadi karaan ama danaheeda ka furshan karto. Taageerada cad ee ay siiso DFS waxay keentaa in inta badan ay si toos ah isugu dhacaan DXF-yada ay taageeraan ama gacansaarka la leh xulafadooda kale ee Khaliijka (KSA/UAE).
Itoobiya iyo Damaceeda Marin Badeed
Itoobiya waa dalka ugu weyn adduunka tiro dadka (~120 milyan) ee ah dhul ka oodan marin badeed. In ka badan 90% ganacsiga uga yimaada badda wuxuu soo maraa Jibuuti oo ay kaga baxdo dhaqaale baaxad wayn soo gudbinta iyo rarida badeecadda. Ku tiirsanaanta mal marin iyo hal dowlad ee badeecada uga imaanaya dibbada, taas oo ka dhigaysa mid u nugul deganaanshaha dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee waddankaas. Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, wuxuu u arkaa helitaanka marin badeed ee madax banaan mid ku dabran jiritaankooda qaran (Existential matter).
Danaha Itoobiya ee Soomaaliya waxaa saldhig u ah colaadda taariikheed ee soo jireenka ah, gumaysiga ay haysato dhul Soomaaliyeed iyo damaceeda xad dhaafka ah ee badda Soomaaliya. Hase yeeshee, sanadihii u dambeeyay, ajandahaan amniga iyo faragelinta xuduudaha ayaa ku milmay ujeeddada dhaqaale ee ah in la helo marin badeed.
Tallaabo kasta oo ay Addis Ababa ku doonayso in ay kula gelayso heshiisyo aan sharci ahayn gobol ama deegaan ka mid ah Soomaaliya si ay u hesho deked ama saldhig ciidan waa xadgudub qoto dheer oo ka dhan ah midnimada dhuleed iyo tan qaran ee Soomaaliya, khatarna ku ah isku xirnaanta gobolka. Tusaale dhow waxaa u ah heshiiskii isfahanka (MoU) ee ay la gashay gobolka iskiis gooni-isugu taagay ee Somaliland sannadkii hore ee 2024 horaankiisi. Heshiiskaas oo dhaliyey xiisad diblumaasiyadeed oo xoog badan oo u dhaxaysa Soomaliya iyo Itoobiya. Damacaas sharci darada ah wuxuu kale oo uu abuuray kala shakiyo heer sare ah oo wax u dhimaya xasilloonida siyaasadeed iyo tan amni ee gobolka geeska Afrika.
Mareykanka (USA) iyo Yurub (EU)
Maraykanka iyo Wadamada Yurub faragelintooda arrimaha Soomaaliya waxay si gaar ah diiradda ugu haysaa ama ku foogan tahay la-dagaalanka argagixisada (bartilmaameedka Al-Shabaab iyo Daacish-Soomaaliya), burcad-badeedka iyo shuruudaha kaalmada ee loogu talagalay in lagu horumarinayo dowlad-dhiska (Nation Re-Building), maamul wanaagga (Good Governance) iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed (Financial Accountability).
Inkasta oo ay Reer Galbeedka bixiyaan kabitaan miisaaniyadeed oo muhiim ah iyo tababarka laamaha amniga, diiradda Reer Galbeedka ee “xoojinta hirgelinta nidaam-dowladeedka (Rule of Law)” iyo daahfurnaanta (Transparency) ayaa inta badan ku socota si gaabis ah oo aan la jaanqaadi karin baahiyaha siyaasadeed ee DFS iyo dib u dhiska qaran. Dib u dhacaan wuxuu fursad siinayaa faragelinta awoodaha iyagu aan rabin in Soomaaliya markale cagaheeda ku istaagto.
3. Saamaynta Faragelinta Shisheeye ku leedahay Siyaasadda Gudaha
Hardanka iyo isjiidjiidadka faragelinta shisheeye waxay saameyn taban ku yeelatay nidaamka siyaasadda gudaha ee Soomaaliya iyada oo la beegsanayo halka ay u jilicsan tahay oo ay saldhig u tahay khilaafka iyo kala qaybsanaanta xoogan ee dhexyaal siyaasiyiinta iyo golayaasha siyaasadeed ee gudaha, gaar ahaan DFS iyo DXF.
Xarig-Jiidka Siyaasadda ee DFS iyo DXF-yada
Faragelinta siyaasadeed ee shisheeyaha iyo dheesha juqraafi-siyaasadeedku waxa ay had iyo jeer dab ku sii shidaysa kala aragti duwanaanta ay saldhigga u tahay nidaamka Federal-ka ee ay Soomaaliya qaadatay si dib loogu soo yagleelo qarankii dumay ama xal loogu helo kala irdhowga siyaasadeed. Khilaafaadka u dhexeeya DFS iyo DXF-yada xoogiisu wuxuu ku saabsan yahay awood-qaybsiga (Power Sharing) iyo kheyraad-wadaagga (Resource Sharing) oo aan ka marnayn saamaynta dadban ee ay jilayaasha shisheeye ee kala duwan ku leeyihiin darafyada is-haya iyo kala aragti duwaanshahooda.
Biyo dhigga faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha iyo siyaasadda dalka guud ahaan waxaa tusaale nool u noqon kara in DXF ay hesho maalgelin toos ah (Direct Funding), tababar amni (Security Training), ama taageero siyaasadeed oo ka timaada kafiil dibadeed (e.g. heshiis dekedeed oo ka madax-bannaan DFS). Tallaabadaani waxay kalsooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale siinaysaa DXF si ay u diiddo ama ula loolanto awoodda dowladda dhexe ee DFS.
Taageerada tooska ah ee shisheeye ee DXF ay helaan waxay abuuraysaa jawi tartan oo aan waxba la isula harin, sagxaddana la isla tago (Zero-Sum Game). Tartankan wuxuu ka dhigaya ku tiirsanaanta faragelinta shisheeye awood-ku-taagsi loogu gorgortamo siyaasadda gudaha iyo loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya DFS iyo DXF. Jilayaasha dibadda (Foreign Actors), si toos ah iyo mid dadbanba, waxay u muuqdaan in ay yihiin kuwo iyagu dhisa, kobciya ama gardaadsada siyaasiyiinta (Proxy Politicians) ay u diyaarsadeen in ay xukunka qabtaan labada heer ee DFS iyo DXF, isla markaasna garab siiya dhaqdhaqaaqyada madax-bannaani raadiska ama gooni-isu-taagga ee deegaanada Soomaaliya qaarkood.
Tartanka awoodaha shisheeye ee heshiisyada ganacsiga (dekedaha, shatiyada baaritaanada shidaalka/gaaska) waxay sii huriyaan kala qaybsanaanta siyaasadeed ee gudaha iyaga oo ku shuba dakhli aad u badan oo aan cashuur lahayn jeebabka siyaasiyiinta, oo aan marin khasnadaha rasmiga ee DFS ama DXF iyo nidaamka hanti-dhowrka qaran. Ku tagrifalka awoodeed waxay shidaal u noqotay isku dhaca gudaha ee ku saabsan qaybinta kheyraadka iyo dakhliga, taas oo sii wiiqaysa dhismaha nidaam federaal maaliyadeed oo midaysan oo la isku waafaqsan yahay (Equitable Fiscal Federalism Model).
Dib U Soo Noolaynta Hay’adaha Amniga ee Qaran (Security Sector Reform)
Dadka u dhuun daloola arrimaha amniga iyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) oo midaysan, xirfad leh, agabkooduna u dhan yahay waxay farta ku fiiqayaan in sababka ugu wayn ee curyaaminaya ama caqabada aan laga gudbi karin ku ah ay tahay kala-qaybsanaanta gargaarka iyo taageerada amniga iyo tababarada ciidan ee ay awoodaha shisheeye kala siiyaan DFS iyo DXF-yada oo aan isla jaanqaadayn isla markaasna aan lahayn ajanda midaysan.
Dowladdo shisheeye oo kala duwan ayaa wada barnaamijyo tababar oo is barbar socda. Tusaale: Ciidammada Gorgor ee Turkigu tababaray, Ciidammada gaarka ah ee Danab ee Maraykanku tababaray, iyo ciidamo kale oo ay tababaraan Midowga Yurub iyo Imaaraadka. Ciidammadaas kala duwan oo ay kala taageeraan awoodaha shisheeye ee kala duwan waxay inta badan ka amar qaataan jihooyin kala duwan, waxayna raacaan xeerar kala duwan, kamana hufna saamaynta deegaaneed ama reereed ee ragaadisay dib u dhiska qaran.
Natiijadu waa ciidamo kala duwan oo daacad u ah jaalayashooda shisheeye ee gaarka ah ama taliyayaashooda halkii ay ka lahaan lahaayeen qaab-dhismeed talis qaran oo midaysan (Unified National Command). Kala qoqobka ciidan iyo ajandayaasha kala duwan ee taageeyasha shisheeyaha waxay ka hor istaagaysa DFS inay yeelato ciidan qaran oo dhab ah, ka maran qabiil iyo ajanyaal siyaasadeed awoodna u yeesha in ay mas’uuliyadda amni ee qaran kala wareegaan ciidamada shisheeye ee ATMIS.
Ku-tiirsanaanta ciidammada shisheeye (ATMIS) iyo ciidammada isbarbar socda ee ay shisheeyuhu maalgelinayaan waxay dhaawac wayn u geysatay siyaadada (Sovereignty) iyo gacan ku haynta talada waddanka. DFS waxaa aad ugu adag inay muujiso awoodeeda gacan ku haynta talada waddanka iyo siyaadadiisa (Sovereignty) inta jiritaankeedu ku xiran yahay joogidda iyo ilaalada amni ee awoodaha shisheeye sida ATMIS. Intaa waxaa dheer, qulqulka ballaaran ee kaalmada caalamiga ah, oo inta badan ka leexata nidaamyada dowladda.
Kaalmada shisheeye waxay abuurtay dhaqan ah ku-tiirsanaanta kaalmada (Aid Dependency), waxay shidaal u noqontay musuqmaasuqa, iyada oo had iyo jeer ay madaxda DFS iyo DXF-yada mudnaanta siinayaan sidii ay u heli lahaayeen taageerada, kaalmada iyo maalgelinta shisheeye halkii ay ka abuuri lahaayeen ilo-dakhliyo gudaha ah iyo nidaamyo maaliyadeed oo la iskala xisaabtami karo, loogana maarmi karo kaalmada iyo faragelinta dibadda.
4. soo bandhigidda Aragti hufan ee Siyaasadda Dibadda
Faalada kore waxay daaha ka qaadaysaa in horumarka iyo dib u soo kabashada qaranimada iyo kasbashada siyaadada (Sovereignty) Soomaaliya aysan ku tiirsanayn kuna soo noqonayn in laga maarmo ama la diido taakulada dibadda oo keliya laakiin ay u baahantahay in loo maareeyo si hufan, xikmadaysan oo danta qaran iyo tan ummadeed ka hormarinaysa danaha shakhsi, beeleed ama deegaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxaa la gudboon inay ka gudubto u xaglo xaydashada kaalmooyinka dibadda iyo u tartamida garab istaagga siyaasadeed ee shisheeyaha una guurtaa maareeyn firfircoon oo istiraatiiji ah oo si hufanna loogu maamulayo xiriirkeeda caalamiga ah oo u adeegaya madax banaanida siyaasadeeda iyo danteeda qaran. Si tallaabadani u hirgasho waxaa lama huraan ah in si degdeg ah loo dejiyo loona dhaqan-geliyo Aragti Qaran ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda (National Foreign Policy Doctrine) oo ku dhisan, saldhigna ay u tahay aragtiyo cad, midnimo, iyo mabaa’id qaran oo gundhig u ah maaraynta dhammaan iskaashiyada dibadda, laguna xakameeyo faragelinta shisheeye ee taban ama gurracan.
Mudnaansiinta Siyaadada iyo Danta Guud ee Qaranka
Tiirka aasaasiga ah ee qorshaha “aragti hufan” ee lagu dejinayo siyaaasad arrimo dibadeed laguna maaraynayo la falgalka awoodaha shisheeye waa inuu noqdaa mabda’a “Mudnaanta Soomaalinimada (Somali First)”. Mabda’ani wuxuu u arkaa in kaalmada dibadda ay tahay awr-ku-kacsi iyo ku meelgaar inta laga helayo isku-filnaansho qaran, lagana abuurayo ilo-dakhli gudeed looga maarmayo faragelinta shisheeye ee danaysan.
Si ay u hirgasho siyaasad arrimo-dibadeed oo hufan, waxa la gudboon DFS inay si cad u qeexdo una dhaqan-geliso xuduudaha aan laga tallaabsan karin, gorgortanna laga geli karin (Non-negatiable Red Lines) ee lagula dhaqmayo dhammaan jilayaasha shisheeye (Foreign Actors). Xuduudaha lagama gudbaanka ah waxaa ka mid ah:
- Midnimada Dhuleed (Territorial Integrity): Waa in meesha laga saaro heshiis kasta oo lala gelayo jiho shisheeye ah (mid ganacsi ama milateri) oo ay gelayaan DXF-yada ama hay’ad heer gobol iyada oo aan oggolaansho cad oo rasmi ah laga helin DFS. Ku xad-gudubka xuduudan waa in ay ka dhalataa in xiriirka loo jaro ama la kulanto ciqaabka ay mudan tahay jihada shisheeye ee ku tallaabsata ku xad-gudubka xuduudan cas.
- Midaynta Hawlgaladda Ami (Integrated Security Programs): Dhammaan barnaamijyada tababarka iyo taakulada amni ee ay bixiyaan dowlado ama hay’ado shisheeye waa in lagu mideeyaa hal dallad iyo xeerar-nidaamiye hoos jooga DFS si loo hubiyo in askari kasta uu daacad u yahay qaranimada iyo midnimada Soomaaliyeed ee uusan daacad u ahayn qabiil, deegaan, ama shisheeyaha isagu taakulada bixinaya.
Aragtida “hufnaanta siyaasadda dibadda” waxay tibaaxaysaa in dhammaan maalgelinta iyo taakulada dhaqaale ee deeq-bixiyayaasha iyo gargaarada horumarinta ay si aan leex-leexasho lahayn ula jaanqaado Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP) ee dalka. DFS waa inay si xooggan u hirgelisaa Qorshaha Wadajirka iyo Midnimada Qaran ee DFS iyo DXF-ya (Integrated Systems Raodmap for Federal Government & Federal Member States), si loo soo afjaro isbar-baryaaca iyo taakula ku dhisan mashaariicda gooni-goonida ah (Project Based Interventions) looguna gudbo nidaam maaliyadeed oo midaysan (Unified Fiscal System), isku xiran, kuna dhisan wadashaqayn iyo isfahan u dhexeeya DFS iyo DXF-yada. Qorshahaani wuxuu hoosta ka xariiqaya lahaansho ummadeed iyo dhisidda kartida hay’adaha qaran ee heer DFS iyo DXF.
Mideynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Dalka
Si ay meesha uga baxdo is qabqabsiga foosha xun ee DFS iyo DXF-ya, waa in meesha laga saaro mugdi-gelinta qodobada dastuurka ee ku saabsan awood-qaybsiga siyaasadda arrimaha dibadda (Qodobada 53 iyo 54 ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah) si aysan u noqon surin ama mus ay kasoo dusaan shisheeyaha iyo faragelintooda. Waa in dib loo xoojiyo madasha wadatashiga (National Consultative Council) ee DFS iyo DXF-yada loona rasmiyeeyo si waafaqsan Dastuurka iyada oo looga tashanayo arrimaha waawayn ee masiiriga ah, awood-qaybsiga, khayraadka dabiiciga ah iyo heshiishyada caalamiga ah.
Awoodaha dastuuriga ah ee madashan ama golahaan wadatashi ee qaran waxaa saldhig u noqonaya:
- Ansixinta Heshiisyada Waaweyn (Approving Major Deals): Waa in cod aqlabiyad ah oo ay dhammaan darafyada DFS iyo DXF u dhan yihiin lagu ansixiyo heshiisyada waaweyn ee dekedaha, qandaraasyada shidaalka/gaaska, iyo heshiisyada saldhigyada milateri. DXF-yada in ay qayb ka noqdaan heshiisyadaan si la isla ogol yahay daciifin mayso awoodda DFS ee waxa ay xoojinaysaa midnimada iyo in loo wada shaqeeyo si kalsooni iyo niyadsami leh.
- Qeexidda Federaalnimada Nidaamka Maaliyadeed (Fiscal Federalism): Waa in la dardar-geliyo wadahadallada u dhexeeya DFS iyo DXF-ya ee heshiiska mudada dheer la sugayay kuna saabsan Nidaamka Federaalnima Maaliyadeed (Fiscal Federalism), iyada oo si cad loo qeexayo hababka lagu wadaagayo dakhliga canshuuraha ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah, canshuuraha dekedaha, iyo soo-saarista kheyraadka dabiiciga ah. Heshiiskaan wuxuu meesha ka saarayaa isfahan daradda, kalsooni xumada iyo isbarbaryaaca darafyada DFS iyo DXF-yada. Waxa uu heshiiskani horumarinayaa ganacsiga oo hadda uu culays badani ka haysto in DFS iyo DXF-yadu mid kasta goonidooda uga qaadaan shatiyo iyo canshuuro is barbar yaac ah oo aan loogu turayn shacabka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee DFS waxaa looga fadhiyaa in ay soo saarto hab-dhismeed cad, oo loogu qeexayo laguna sargoynayo (Standardised Templates) dhammaan Heshiisyada Isfahamka (MoUs), iyo heshiisyada laba-geesoodka ah (Bilateral Agreements), iyada oo la hubinayo in ay waafaqsanyihiin midnimada qaran, u hoggaansanaanta sharciyada dalka oo ay ka mid tahay go’aanada madasha wadatashiga qaran u gaaraan si wadajir iyo is ogol ah.
Adeegsiga Awoodda Dabacsan (Soft Power)
Si loo yareeyo saameynta hal jilaa oo shisheeye (Single Foreign Actor) oo gacanta ku dhiga arrimaha siyaadada (Sovereignty) iyo madax-banaanida talada (National Sovereignty) ee dalka, DFS waa in ay yeelato saaxiibo dibadeed kala duwan iyadoo adeegsanaysa awoodaheeda dabacsan. DFS iyada oo ilaashanaysa danaheeda qaran ee ay ka leedahay Waddamada Khaliijka, Turkiya iyo Reer Galbeedka, haddana waa in aysan ku ekaan ee ay eegtaa jihooyinka kale sida Shiinaha, Hindiya iyo Koonfurta Kuuriya, tusaale ahaan. Xiriirada dibada waa in ay ku koobnaadaan ama xoogga saaraan kaabayaasha dhaqaalaha, iskaashiga ganacsiga, khibrad wadaaga iyo tiknooloojiyada.
DFS waxa kale oo la gudboon in ay qaadato nidaamka siyaasadda darafyada badan (Multilateralism) si ay u fududayso saamaynta xad dhaafka ah iyo cadaadiska aan la xamili karin ee uu keenay nidaamka laba-geesoodka (Bilateralism) ee ay heshiisyada la gelayso hal dowlad oo keliya. Waa in DFS ay si firfircoon u hawlgeliso xubinimadeeda hay’adaha gobolka sida Urur Goboleedka IGAD, Midowga Afrika (AU), iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Xubinnimadaan waxay u adeegsan kartaa in ay ku taagsato kuna yareyso saameynta iyo cadaadiska heshiisyada laba-geesoodka ah ee xooggan. Adeegsiga iyo ku-taagsashada nidaamka darafyada badan wuxuu siinayaa DFS awood ay ku baraxdo cadaadiska heshiisyada laba-geesoodka.
Awoodaha dabacsan ee DFS adeegsan karto, kagana maarmi karto taakulo shisheeye, waxaa ka mid ah cududda qurbajoogta ku nool wadamada Reer Galbeedka oo dhan ~ 2 milyan qof. Qurbajoogta waxay dalkana soo geliyaan in ka badan $1.5 bilyan sanadkii, xawaalad ahaan. Muddadaan dambe in badan oo ka mid ah qurbajoogta waxay saamayn muuqata oo leh heerar kala duwan ku yeesheen waddamada ay ku suganyihiin. Haddii loo hawlgeliyo si ku habboon, qurbajoogta waxay si buuxda u mateli karaan danaha iyo ajandayaasha qaran aan ka leenahay dibadda iyo wadamada ay kala joogaan. Waxaa in la xuso mudan in iyaga la taagsan karo Soomaalida ku nool wadamada deriska, sida Kenya oo ay Soomaalida ku nool ku leeyihiin awood siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo muuqda iyo weliba Dowlad Deegaanka Itoobiya (DDS). Gurbajoogta ku nool dowlaha horumaray waxaa looga faa’iidaysan karaa dhowr arrimood oo ay ka mid tahay:
- Wareejinta Aqoonta (Knowledge Transfer): Ballaarinta barnaamijka IOMeeSocdaalka iyo Horumarinta Afrika (MIDA) si xirfadlayaasha qurbajoogta ah loogu meeleeyo si istiraatiiji ah hay’adaha dowladda ee muhiimka ah (Maareynta Maaliyadda Dadweynaha, Garsoorka, iyo Tamarta) si loo dardar geliyo helitaanka aqoon iyo xirfado sare oo la jaanqaadi kara adduunka intiisa kale.
- Maalgelin Hufan (Ethical Investment): Abuurista Sanduuq Maalgashi (Diaspora Investment Fund) ee qurbajoogta oo leh shuruudo gaar ah iyo canshuur dhaaf, laguna maalgelinayo kaabayaasha waawayn ee dhaqaalaha, tamarta cusboonaata, iyo horumarinta ganacsiyada beeraha, kalluunka iyo xoolaha (Agro-Fisheries).
5. Gabagabo iyo Hogatusaalayn
Soomaaliya waxay dhacdaa juqraafi ahaan marin iyo dhuun istaraatiji ah lagama maarmaana u ah dheesha juqraafi-siyaasadeedka adduunka. Dheeshaani waa seef labo af leh oo wadata khatarteeda iyo faragelinteeda shisheeye ee siyaadadda (Sovereignty) iyo khayraadka dabiiciga ah (Natural Resources) ee dalka, dhanka kalena wadata fursadaheeda looga faa’iidaysan karo dowlad-dhiska, kabitaanka miisaaniyadaha iyo taageero amni iyo tababareed oo ciidan. Waxa aan shaki ku jirin in inta ay madaxda siyaasada DFS iyo DXF-ya ay u oggolaanayaan ama u nugul yihiin faragelinta jilayaasha shisheeye (Foreign Actors) ee arrimaha siyaasadda gudaha iyo dibadda, kala qaybinta dalka, iyo kala xigsashada deegaanada ku dhisan dano shakhsiyadeed, beeleed, gobol iyo deegaan gaar ah, ilaa inta talo-xumadaasi jirto waxaan shaki ku jirin in ay aad u fogtahay ama adagtahay in la gaaro riyada dib u dhiska dowlad Soomaaliyeed oo xooggan, midaysan, waxna la qaybsan karta adduunka intiisa kale.
In la gaaro horumar la taaban karo iyo isbedel dhab ah waxay u baahantahay wacyi iyo isbedel fikradeed, aqooneed iyo waddaniyadeed. Waxaynu u baahanahay in la qaado waddo hor leh oo dib loogu qorayo shuruudaha dheesha lagula falgelayo faragelinta shisheeye iyo ka danaysigooda kala qaybsanaanta DFS iyo DXF-ya … isbeddel dhab ah oo lagu xaqiijinayo geesinimo siyaasadeed, midnimo qaran, dib u hanasho siyaadada (Sovereignty) dalka iyo wadajir ummadeed.
Danta guud ee qaranka oo far waawayn lagu qoro lagana horumariyo danaha kale oo dhan, iskaashi dhab ah iyo wadashaqayn DFS iyo DXF-yada wuxuu suurtagelinayaa in ay mowqica istaaraatiijiga ah ee Soomaaliya u rogto mid u adeega danaheeda qaran, kana dhiga laacib aan la loodin karin markay timaado dheesha juqraafi-siyaasadeedka.
Qoraaga

- wuxuu haystaa Ph.D. Jaamacadda Leicester ee UK, MBA Jaamacadda De Montfort, iyo Shahaadada Executive MBA ee Masterminds Business School, UK. Waa Chartered Manager ka diiwaangashan CML, UK. Wuxuu hore u ahaa bare iyo cilmi-baare ka shaqeeya UK iyo Bariga Dhexe, isagoo leh in ka badan 15 sano oo waayo-aragnimo tacliimeed ah qorayna 30 in ka badan oo maqaal cilmi-baariseed. Hadda, waa lataliye ku takhasusay istaraatiijiyadda ganacsiga, maamulka, iyo hoggaaminta.












