Curasho Bulsho: Qof ilaa Qaran

Dib u milicsiga taariikhda iyo horumarka bulshooyinka adduunka, waxa innooga soo baxaysa in aasaaska dhammaan isbeddellada waaweyn iyo ilbaxnimada ay sal u tahay “Curasho Bulsho”. Eraygan waxa uu xambaarsanyahay macno qoto dheer oo sharraxaya habka ay bulshooyinku u kobcaan, isugu xirmaan, una gaaraan heer sare oo horumar ah. Curashada Bulsho waa geedi socod isku dhafan oo uu ka qayb qaato qof kasta oo bulshada ka mid ah, kana bilaabma heer qofeed ilaa heer qaran.

Ugu horrayn, curashada bulshadu waxay ku salaysan tahay fahamka qofka ee doorkiisa iyo masuuliyaddiisa bulshada dhexdeeda. Qof kasta oo shaqsi ah oo Soomaali ah, haddii uu fahmo inuu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah guud ahaan bulshada, wuxuu ku dhiirranayaa inuu wax ku biiriyo oo uu ka qayb qaato horumarka. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku uu yeesho wacyi ku saabsan baahiyaha bulshadiisa, dhibaatooyinka ay la kulmaan sida amni darrada, abaaraha, iyo shaqa la’aanta, tabba gal la’aanta nidaam dowladnimo oo tayo leh iyo fursadaha jira ee lagu xallin karo. Waxa kale oo ay dhiirrigelisaa in la yeesho dareen iskaashi iyo damqasho, oo aan la isku koobin danaha gaarka ah ama midda qabiilaysan. Waa in qof kasta oo Soomaali ah uu dareemo in horumarka dalkiisu uu ku xiran yahay, kana bilawdo kaalintiisa.

Marka labaad, curashada bulsho waxay si weyn ugu xiran tahay waxbarashada iyo aqoonta. Bulsho aan wax baran, oo aan aqoon kororsan, ma gaari karto heer sare oo horumar ah, gaar ahaan xaaladda Soomaaliya. Waxbarashadu waa furaha iftiimiya maskaxda qofka, kuna dhiirrigeliya inuu u fekero si qoto dheer, uuna la yimaado xalal cusub, iyo fahm ballaaran ee dunida. Bulshada waxbaratay waxay noqotaa mid leh hal-abuur, oo awood u leh inay la jaanqaaddo isbeddellada adduunka, isla markaana ay abuurto fursado horumarineed oo cusub. Waxay kale oo ay yareysaa jahliga iyo fikirradaha xagjirka ah ee dib u dhiga bulshada, kuwaas oo ah kuwo in badan ragaadiyey bulshada Soomaaliyeed. Waa in la xoojiyaa waxbarashada heer kasta, laga bilaabo dugsiyada hoose ilaa jaamacadaha, si loo helo jiil aqoon iyo xirfad leh oo inoo horseeda xasillooni dhan kasta ah.

Intaa waxa dheer, curashada bulsho waxay ka dhalataa hoggaan wanaagsan iyo maamul hufan. Hoggaamiyeyaasha dhabta ah maaha kuwa isku kooba awoodda ama danaha gaarka ah u adeegsada, balse waa kuwa u adeega shacabkooda, una diyaariya jawi u sahlaya inay horumar gaaraan. Maamulka hufan ee daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka ku dhisan, wuxuu abuuraa kalsooni dadweyne, wuxuuna dhiirrigeliyaa iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo shacabka. Tani waxay keenaysaa in ilaha dhaqaalaha iyo fursadaha horumarineed loo isticmaalo si cadaalad ah oo waxtar leh. Hoggaamiyeyaasha siyaasadda, culimada, iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka dhammaantood waxay leeyihiin door muhiim ah oo ah inay ummadda u jihaynayaan dhanka horumarka iyo iskaashiga.

Ugu dambayn, curashada bulsho waa mid ku dhisan dulqaad, isfaham, iyo isku tanaasul bulsho. Bulsho meel ku nool lagama waayo kala duwanaansho iyo khilaaf, balse waxaa la isku dhaafay samirka istaraatiijiga ah, kaas oo ah mid si miyir qab ah loo sameeyo iyada oo la xeerinaayo yool fog oo la rabo in la gaaro. Si loo gaaro horumar, waxaa lama huraan ah in la yeesho dulqaad, la isfahmo, laguna heshiiyo in la wada noolaado si nabad ah. Isku tanaasulka iyo in awood loo yeesho in laga gudbo khilaafaadka yar yar, waxay u gogol xaaraan in bulshadu ay diiradda saarto danta guud iyo mustaqbalka fog. Waa in la dhisaa buundooyin isku xira qeybaha kala duwan ee bulshada, laguna xoojiyaa midnimada iyo isku duubnida ku xiran yoolal qaran.

Kaalinta Diintu ku leedahay Curashada Bulshada

Malik Bin Nabi, oo ahaa qoraa iyo falsafad yahan reer Aljeeriya ah, wuxuu si qoto dheer uga faallooday curashada bulsho iyo sida ay bulshadu u kobocdo. Wuxuu bulshada u arkay inay tahay nidaam nool oo firfircoon, kaas oo ku dhisan shabakad xiriirro bulsho oo xooggan, isla markaana leh ujeedooyin cadcad oo wadajir ah. Sida uu Bin Nabi qabo, diinta ayaa ah saldhigga curashada iyo horumarka bulshada.

Diintu fikirkiisa ma aha oo kaliya qiyam iyo caqiido, balse waa mid mideeya dadka, dhiirrigeliyana iskaashi iyo wada-noolaansho. Diintu waxa ay nolosha qof kasta iyo bulshada guud ahaan siisaa jihayn, iyadoo abuuraysa himilooyin wadajir ah. Diintu waxay suurta galisaa in bulshadu ay hesho jihayn iyo isbeddel joogto ah oo ku saleysan qiyam iyo anshax wanaagsan. Si tan loo gaaro, hay’adaha bulshada gaar ahaan culimadu, iyo hoggaamiyaasha bulshadu waa inay noqdaan kuwo madax-bannaan, oo aan hoos tegin awood iyo saameyn siyaasadeed oo aan xeerinayn jihaynta wanaagsan ee bulshada. Haddii hay’adahaasi ay si toos ah uga qayb qaataan dhismaha qiyamka iyo anshaxa, waxay kobcin karaan bulsho adag oo isku duuban.

Astaamaha Bulshada Tayada leh.

Shirkadda RAND Corporation oo ah hay’ad cilmi-baaris ayaa diraasad ballaaran samaysay oo ay ugu magac dartay “Aasaaska Bulsho ee Tartanka Qaramada” taas oo ay ku aqoonsatay todoba sifo oo waaweyn kuwaas oo si joogto ah loola xiriiriyo bulshooyinka iyo qaramada guulaha gaaray:

  1. Hami iyo Rabitaan Qaran (National Ambition and Will): Tani waxay tilmaamaysaa dadaal wadajir ah iyo go’aan ku dhex jira bulshada si loo gaaro yoolalka qaran, loona ilaaliyo dareen leh ujeeddo, iyo macne. Waxaa lagu soo koobi karaa in la helo bulsho leh hami iyo rabitaan qaran, kaas oo qof walba diyaar uu u yahay in uu naftiisa u huro sidii hormar looga gaari lahaa.
  • Aqoonsi Qaran oo Midaysan (Unified National Identity): Dareen xooggan oo ah aqoonsi iyo hayb la wadaago, iyo ujeeddo guud oo ay yeeshaan dadweynuhu ayaa ah sifada labaad. Tani macnaheedu waa in la helo ballanqaad wadajir ah oo ku saabsan mabaadi’da, hay’adaha, iyo mustaqbalka qaranka, taas oo kobcisa isku-xirnaanta bulsho iyo xasilooni.
  • Fursad La Wadaago (Shared Opportunity): macanaheedu waa in dhammaan muwaadiniintu helaan fursado siman oo waxbarasho, horumar dhaqaale, ka qaybgal bulsho, iyo horumar shakhsi ah. Marka dadku dareemaan inay leeyihiin fursad cadaalad ah oo u suurta galin karta inay guuleystaan, waxay soo saartaa awoodda bini’aadamka, waxayna yareysaa khilaafka bulshada.
  • Dowlad Firfircoon (An Active State): Bulsho tayo leh waxa ay fursad u heshaa xukuumad leh karti iyo waxtar oo si firfircoon u dhiirigelisa danaha qaranka, kobcisa hal-abuurka, bixisa adeegyada bulsho ee muhiimka ah, oo abuurta deegaan ku habboon bulsho caafimaad qabta oo tartan la gali karta bulshooyinka dhiggeeda ah. Tani waxay xiriir la leedahay helitaanka qorshe istaraatiijiyadeed, iyo in la helo xukuumad ka soo bixi karta ballanqaada ku aaddan horumarka qaranka.
  • Hay’ado Wax Ku Ool Ah (Effective Institutions): Hay’ado guud iyo kuwo gaar ah oo adag, la isku halleyn karo, oo la qabsi leh (tusaale ahaan, nidaamyada sharciga, nidaamyada waxbarashada, hay’adaha maaliyadda, ururada bulshada rayidka ah I.W.M). Hay’adahani waxay bixiyaan qaab-dhismeedka nidaamka bulsho, dhaqaale, iyo tallaabo wadajir ah, iyagoo hubinaya cadaalad, saadaalin, iyo hufnaan.
  • Bulsho Wax Barata oo La Qabsi leh (A Learning and Adapting Society): Awoodda bulsho waxaa saldhig u ah waayo-aragnimada, hal-abuurka, iyo sida ay ula qabsato caqabadaha cusub, oo ay u aqbasho isbeddelka. Waxaa astaan u ah sida ay ugu jajabantahay waxbarashada iyo aqoonta, cilmi-baarista saynis, horumarka tignoolajiyadeed, iyo baraarug isla xisaabtan.
  • Kala Duwanaansho iyo Isku-Takoor La’aan Tartan (Competitive Diversity and Pluralism): waxaa astaan u ah deegaan dhiiri galiya kala duwanaanshaha, aqbali kara, suurta galin kara is-fahan, iskaashi iyo wax wada qabsi. Waa in la kobciyo dulqaadka loo leeyahay kala duwanaanshaha, waana midda suurta galisa curashada doodo bulsho oo xooggan, oo dhaliya is-fahan iyo hal-abuur.

Gabagabo

Gabagabadii, curashada bulsho maaha mashruuc hal mar la fuliyo oo la dhammeeyo, balse waa geedi socod u baahan dadaal joogto ah, ka go’naan, iyo iskaashi ballaaran. Waxay u baahan tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu fahmo doorkiisa, waxbarashada fursadaheeda iyo tayadeeda la ballaariyo, hoggaan wanaagsan la helo, dulqaad iyo isfaham la yeesho. Marka ay bulshada Soomaalidu si wadajir ah uga shaqeeyaan yoolkan, waxa ay gaari kartaa heer sare oo horumar ah oo ay ku hanan karaan nolol wanaagsan, wadajir, iyo barwaaqo. Curashada Bulsho waa riyadii ay rabeen dadkii hore, waana midda aasaaska u ah mustaqbal ifaya oo ay Soomaalidu ka gaari karto meel wanaagsan adduunka. Diintu waa laf-dhabar, tilmaamaha bulshada tayada lehna waa lama huraan.

Tixraac:

  1. Dhalashada Bulsho: Maalik Bin Nabi
  2. Aasaaska Bulsho ee Tartanka Qaramada, RAND cooperation.

Qoraaga: Xild. Cabdulaahi Faarax Mire

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link