Kadib Meelmarintii Sharci-darrada ahayd ee DFD: Maxaa Puntland La Gudboon, Federaal Nooceese Ayay Shacabkeedu Doonayaan?

Hordhac: Federaalka iyo Taariikhda Dib-u-dhiska Soomaaliya

Soomaaliya waxay soo martay burbur dawladnimo oo dheer kadib dagaalkii sokeeye ee bilowday 1991. Burburkaasi wuxuu sababay in dalka uu galo marxalad adag oo ay ku burbureen hay’adihii dowliga ahaa, nidaamkii maamulka, iyo kalsoonidii bulshada ee dowlad dhexe. Intii lagu jiray sannadihii xigay, waxaa soo baxday aragti siyaasadeed oo ku saabsan sida dib loogu dhisi karo dowlad Soomaaliyeed oo shaqayn karta. Aragtiyahaas waxaa ugu muhiimsanaa in la qaato nidaam federaal ah (Federal System), si looga hortago soo noqoshada awood-urursigii xad-dhaafka ahaa ee hore dalka ugu riday burburka.

Nidaamka federaalka waxaa loo arkay xal siyaasadeed oo oggolaanaya in awoodda dowladeed lagu qaybiyo heerar kala duwan, si maamul goboleedyadu u yeeshaan awood ballaaran oo ku filan maamulka gudaha, halka dowladda dhexe ay qaadato hawlaha qaran ee wadaagga ah sida difaaca, maamulka maaliyada, siyaasadda dibadda, iyo ilaalinta midnimada dalka.

Markii Puntland la aasaasay 1998, go’aankeeda siyaasadeed wuxuu ahaa mid ku dhisan aragti federaal ah oo cad. Puntland ma dooran in ay noqoto maamul gooni u istaaga, balse waxay isu aragtay tiirka ugu horreeya ee lagu dhisayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Federaalkaas la rabay wuxuu ahaa nidaam awooddu ka bilaabato maamul goboleedyada (bottom-up federalism), halka dowlad dhexe ay noqoto hay’ad isku xirta nidaamka qaran.

Si kastaba ha ahaatee, geeddi-socodka wax-ka-beddelka iyo ansixinta dastuurka Soomaaliya ee dhowaan la sameeyay wuxuu abuuray khilaaf siyaasadeed oo weyn. Khilaafkaasi wuxuu si gaar ah uga muuqday Puntland, halkaas oo ay ka taagantahay dood la xiriirta qaabka federaalka dalku noqanayo, sida awoodaha loo qaybiyay, iyo sida loo maareeyay arrimaha khayraadka, amniga, iyo garsoorka.

Doodda Puntland ma aha oo keliya diidmo siyaasadeed, balse waa aragti salka ku haysa nooca federaalka ay shacabka Puntland u arkaan mid ku habboon Soomaaliya.

Habraaca Ansixinta iyo Wax-ka-beddelka Dastuurka: Khilaafka Sharciyeed

Qodobka ugu horreeya ee doodda wax-ka-beddelka iyo ansixinta dastuurka Soomaaliya wuxuu khuseeyaa habraaca sharci ee loo maray geeddi-socodkaas. Dastuurka Federaalka ee ku-meel-gaarka ah ee la ansixiyay 2012 ma aha oo keliya qoraal siyaasadeed, balse waa xeer nidaaminaya sida loo beddeli karo naftiisa. Sidaa darteed, wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka waa in uu si buuxda u waafaqaa habraacyada iyo shuruudaha uu dastuurku laftiisu dhigayo.

Dastuurka ku-meel-gaarka ah wuxuu si cad u qeexayaa habka dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka, gaar ahaan cutubka 15aad ee ka hadlaya habraaca dhammaystirka iyo wax-ka-beddelka dastuurka. Cutubkani wuxuu dhigayaa nidaam sharci oo dhowr marxaladood leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta wax-ka-beddelka, wadatashi qaran, iyo ugu dambayn ansixin ay sameeyaan xildhibaannada baarlamaanka federaalka iyadoo la buuxinayo tirada codadka ee dastuurku farayo.

Si kastaba ha ahaatee, geeddi-socodkii lagu ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka ee dhawaan la soo afmeeray waxaa si weyn loogu dhaliilay in uusan buuxin shuruudahaas. Sida la xaqiijiyay, codbixintii lagu ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka ma aysan gaarin tirada sharciga ahayd ee dastuurku farayo (kooram) marka la samaynayo wax-ka-beddel taabanaya qodobbada aasaasiga ah ee nidaamka dowladnimada.

Arrinta kale ee khilaafka dhalisay waa doorka dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee geeddi-socodkan. Dastuurka ku-meel-gaarka ah wuxuu si cad u qeexayaa in qodobbada la xiriira qaabka federaalka iyo amniga qaranka aysan noqon karin kuwo lagu beddelo qaab hal dhinac ah oo ay sameyso dowladda federaalka.

Tani waxaa si gaar ah loogu caddeeyay qodobka 142aad, farqaddiisa labaad, oo sheegaysa in aan wax-ka-beddel lagu samayn karin qodobbada la xiriira federaalka iyo arrimaha amniga iyadoo aan lala tashan dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Si kale haddii loo dhigo, dastuurku wuxuu dhisay mabda’ ah in arrimaha qaab-dhismeedka federaalka ay yihiin arrimo wadaag ah oo u baahan heshiis siyaasadeed oo ka dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladnimada.

Haddaba marka la eego sida loo maray habraaca wax-ka-beddelka, waxaa muuqata in dowladaha xubnaha ka ah federaalka aysan si buuxda uga qayb qaadan geeddi-socodkaas, taas oo ka dhalisay su’aal sharciyeed oo muhiim ah: ma suuragal baa in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobbada federaalka iyadoo aan la fulin shuruudihii dastuurku dhigey?

Dastuurku ma aha oo keliya xeer nidaamiya dowladnimada, balse waa heshiis bulsho (social contract) oo lagu dhisay nidaamka dowladeed ee Soomaaliya kadib burburkii iyo dagaalladii sokeeye. Dal kasoo kabanaya khilaafyo qoto dheer, dastuurku wuxuu noqdaa aalad lagu dhiso kalsooni siyaasadeed iyo heshiis qaran oo ay wada aqbalaan dhammaan qaybaha bulshada iyo dowlad-dhiska.

Sidaas darteed, hab kasta oo wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka oo ka leexda habraacyadii uu dastuurku dhigay wuxuu halis gelin karaa mabda’a heshiiska qaran ee dastuurku ku dhisanyahay. Qodobbada ugu muranka badan ee dastuurka—gaar ahaan kuwa la xiriira qaabka federaalka iyo qaybsiga awoodaha—haddii lagu beddelo hab aan ku dhisnayn wadatashi qaran iyo habraac sharci, waxay dhalin kartaa khilaaf siyaasadeed oo sii fogeeya isku-raaca qaran ee dastuurka markii hore loogu talaggalay in uu dhiso.

Doodda Puntland ee Qaabka Federaalka Soomaaliya

Inkasta oo uusan jirin qoraal rasmi ah oo si toos ah uga soo baxay Dawladda Puntland, haddana aragtideeda waxaa si cad looga dheehan karaa dareenka shacabka iyo khudbadaha madaxdeeda, taas oo ku dhisan saddex mabda’ oo waaweyn. Mabda’a koowaad waa in nidaamka federaalka Soomaaliya noqdo mid hoos ka soo dhisma, oo maamullada gobolladu marka hore ka heshiiyaan qaabka federaalka ay rabaan, halkii uu ka ahaan lahaa nidaam kor laga soo dejiyey. Mabda’a labaadna waa in federaalku noqdo nidaam awoodda ugu badan lagu siiyo maamul goboleedyada, halka dowladda dhexe ku koobnaato arrimaha guud ee qaranka, maadaama waayo-aragnimada dowlad dhexe oo aad u xooggan ay dalka u horseeday burbur iyo khilaaf. Mabda’a saddexaadna waa in dowladnimada Soomaaliya lagu dhiso wadar oggol (consensus) oo aan cidna laga reebin, iyadoo la tixgelinayo in dalka uu kasoo baxay dagaal sokeeye oo weli u baahan dib-u-heshiisiin qaran oo dhab ah.

Hadda doodda aan halkaan kusoo bandhigayo waa mid ku dhisan dheehasho aan ka dheehday sadexdaas mabda’a ee ay Dawladda Puntland iyo shacabkeeduba u taaganyihiin. Xaqiijintoodana ay wax badan ku waayeen.

1. Wadaagga iyo Astaynta Awoodaha (Power Sharing)

Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee doodda Puntland waa sida awoodaha dowladeed loo qaybiyay. Aragtida shacabka Puntland waxay qabtaa in nidaamka federaalka saxda ahi uu ku dhisanyahay mabda’a ah in awoodda dowladeed ka bilaabato maamul goboleedyada, halka dowlad dhexe ay qaadato oo keliya awoodaha qaran ee wadaagga ah.

Qaabka ay Puntland u aragto mid sax ah waa nidaam ay maamul goboleedyadu yeeshaan awood ballaaran oo ku filan maamulka gudaha sida adeegyada bulshada, maamulka dhulka, iyo siyaasadaha horumarinta deegaanka. Dowladda federaalka waxay ku ekaanaysaa hawlaha qaran sida difaaca, siyaasadda dibadda, lacagta qaranka, iyo ilaalinta midnimada dalka.

Aragtidan waxay ku salaysantahay mabda’a baahinta awoodaha (decentralization of authority), kaas oo ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee nidaamyada federaalka ee dunida.

2. Wadaagga Khayraadka (Resource Sharing)

Arrinta khayraadka dabiiciga ah waa mid ka mid ah qodobbada ugu muranka badan ee ku jira doodda federaalka Soomaaliya. Aragtida Puntland waxay ku qotontaa in khayraadka dabiiciga ah uu yahay hanti ay wada leeyihiin shacabka Soomaaliya, balse maamulka iyo maaraynta khayraadkaasi ay tahay in ay ka bilaabato maamul goboleedka uu khayraadku dhex ceegaago.

Qaabka ay Puntland u aragto mid sax ah waa nidaam ay maamul goboleedyadu maamulaan khayraadka laga helo gobolladooda, kadibna boqolley heshiis lagu yahay ay la wadaagaan dowladda federaalka iyo maamullada kale.

Qaabkan waxaa lagu yaqaan cilmiga federaalka magaca resource federalism, waxaana laga helaa dalal federaal ah sida Canada, halkaas oo gobolladu ay leeyihiin awood ballaaran oo ku saabsan maamulka khayraadka dabiiciga ah.

3. Nidaamka Maaliyadda (Fiscal Federalism)

Nidaamka maaliyadeed ee federaalka sidoo kale waa qodob muhiim ah oo ka mid ah doodda Puntland. Aragtida shacabka Puntland waxay qabtaa in nidaamka dhaqaalaha federaalka uu ku dhisnaado mabda’a fiscal federalism, iyadoo dakhliga iyo canshuuraha badankood ay ururinayaan maamul goboleedyada, ayna Dowladda Federaalka helayso boqolley lagu heshiiyay si ay ugu shaqeyso hawlaha qaran sida difaaca iyo diblomaasiyadda.

Nidaamkan wuxuu abuurayaa federaal ay maamul goboleedyadu noqdaan saldhigga dhaqaalaha dowladnimada, taas oo yaraynaysa awood urursiga dowladda dhexe iyo ku tiirsanaanta maaliyadeed.

4. Naqshadda Amniga iyo Ciidanka

Arrinta amniga waa qodob kale oo muhiim u ah doodda federaalka ee Puntland. Aragtida shacabka Puntland waxay qabtaa in amniga gudaha uu noqdo awood maamul goboleed.

Taasi waxay ka dhigan tahay in ciidamada boliiska, ciidamada Daraawiishta iyo hay’adaha amniga gudaha ay noqdaan kuwo ay maamul goboleedyadu maamulaan.

Dowladda federaalka waxay mas’uul ka noqoneysaa ciidanka militariga qaranka oo keliya, kaas oo u xilsaaran difaaca dalka iyo ilaalinta xuduudaha.

Qaabkan waxaa lagu yaqaan dual security structure, waxaana laga helaa nidaamyada federaalka sida Maraykanka.

5. Hannaanka Garsoorka (Judicial Federalism)

Garsoorka federaalka sidoo kale waa arrin ay Puntland ka leedahay aragti cad. Nidaamka ay Puntland u aragto mid sax ah wuxuu ku dhisanyahay Garsoor Federaal ah (Judicial Federalism), kaas oo ka kooban laba heer oo garsoor oo madax-bannaan.

Maxkamadaha maamul goboleedyadu waxay qaadaan dhammaan dacwadaha gudaha ee gobolka, halka maxkamadda sare ee federaalka ay qaaddo oo keliya dacwadaha u dhexeeya maamul goboleedyada ama kuwa u dhexeeya federaalka iyo gobollada.

Maxkamadda dastuuriga ah ee federaalka waxay qaaddaa dacwadaha la xiriira fasiraadda dastuurka federaalka iyo ilaalinta in hay’adaha dowladdu ay ku shaqeeyaan si waafaqsan dastuurka.

6. Astaynta Awoodaha Heerarka Dawladda

Aragtida shacabka Puntland waxay qabtaa in nidaamka federaalka uu noqdo mid si cad u qeexa awoodaha heerarka kala duwan ee dowladnimada.

Qaabka ay Puntland u aragto mid sax ah waa nidaam ay maamul goboleedyadu yeeshaan awoodaha maamulka gudaha, halka dowladda federaalka ay qaadato awoodaha qaran ee wadaagga ah.

Qaabkan wuxuu ku dhisan yahay mabda’a subsidiarity, oo sheegaya in hawl kasta lagu qabto heerka ugu dhow muwaadinka.

7. Somaliland

Mid ka mid ah arrimaha siyaasadeed ee weli saameynaya qaabka federaalka Soomaaliya waa xaaladda Somaliland. Puntland waxay qabtaa in arrinta Somaliland ay tahay arrin qaran oo u baahan xal siyaasadeed oo wadatashi ku dhisan.

Aragtida Puntland waxay tilmaamaysaa in qaabka federaalka Soomaaliya uu noqdo mid awood u leh inuu soo jiito dhammaan qaybaha dalka, si loo helo nidaam dowladeed oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyadu.

8. Maqaamka Caasimadda

Maqaamka caasimadda federaalka sidoo kale waa qodob ka mid ah doodda federaalka. Aragtida Puntland waxay qabtaa in caasimadda dalka ay noqoto magaalo leh maqaam gaar ah oo ka madaxbannaan maamul goboleedyada.

Qaabkaas waxaa lagu yaqaan federal capital territory, waxaana laga helaa dalal federaal ah sida Maraykanka iyo Australia.

Ujeeddada qaabkan waa in caasimadda dalka ay noqoto magaalo u taagan dhammaan shacabka dalka, kana madax-bannaan tartanka siyaasadeed ee maamul goboleedyada.

Talooyin iyo Dhaliil Siyaasadeed

Marka la eego xaaladda maanta taagan, shacabka Puntland waxaa horyaalla laba masuuliyadood: mid ku saabsan mustaqbalka federaalka Soomaaliya iyo mid ku saabsan hoggaanka Puntland laftiisa.

Marka hore, shacabka Puntland waa in ay si cad u qeexaan aragtidooda ku saabsan federaalka Soomaaliya. Federaalka ay doonayaan waa inuu noqdaa nidaam ku dhisan Bottom-Up Federalism, Fiscal Federalism iyo Decentralized Governance. Taasi waxay u baahantahay dood siyaasadeed oo mideysan oo ka timaadda bulshada Puntland.

Marka labaad, hoggaanka Puntland maanta jira waxaa saaran masuuliyad weyn oo ku saabsan ilaalinta danaha shacabka. Dhaliisha ugu weyn ee maanta la maqlo waxay tahay in dawladda Puntland aysan si ku filan u difaacin mowqifka shacabka marka la gaaray marxaladda wax-ka-beddelka dastuurka.

Dad badan oo Puntland ah waxay qabaan in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ka gaabiyey masuuliyaddaas, isla markaana himiladiisu ay u muuqato mid ku jihaysan tartanka siyaasadda heer federaal iyo hamigiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya, halkii uu ka hormarin lahaa ilaalinta mowqifka Puntland ee ku saabsan nidaamka federaalka.

Sidaa darteed, doodda maanta ka taagan dastuurka Soomaaliya ma aha oo keliya dood sharci. Waa dood ku saabsan mustaqbalka federaalka, awood qaybsiga iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya. Shacabka Puntland waxay aaminsanyihiin in haddii federaalka Soomaaliya uu sii jiri doono, waa inuu noqdaa nidaam si dhab ah ugu dhisan mabda’a ah in dawladnimadu ka bilaabato maamullada.

Ugu dambayn, arrinta dastuurka Soomaaliya kuma filna in Puntland ay ku ekaato weero guud sida “waan diidnay”, “waan qaadacnay”, ama “ma aqbalayno.” Diidmo keliya ma dhisto aragti siyaasadeed oo qaran. Sidaa darteed, aniga oo ku hadlaya dareenka kumannaan aqoonyahan iyo shacab reer Puntland ah, waxaan u jeedinayaa Dawladda Puntland in ay si cad oo cilmi ku dhisan uga jawaabto doodaha dastuurka ee maanta taagan.

Waxaa muhiim ah in la magacaabo guddi aqoonyahanno iyo khubaro dastuur (Constitutional Experts) ah oo daraaseeya qodobbada khilaafka leh, kadibna soo saara warqad cilmiyaysan (Policy Paper) oo si cad u qeexaysa aragtida Puntland: waxa ay diidantahay, sababta ay u diidantahay, iyo nidaamka federaal ee ay doonayso.

Warqaddaas waa in loo gudbiyaa Baarlamaanka Puntland si uu u meel mariyo, una noqoto mowqif rasmi ah oo Puntland ku wajahdo dhammaan doodaha mustaqbalka ee la xiriira dhammaystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Taasi waxay sidoo kale ka dhigaysaa aragtida Puntland mid joogto ah oo ay ku shaqeeyaan xukuumadaha mustaqbalka.

Haddii Puntland aamusnaato oo aanay si cad u sheegin waxa ay diidantahay iyo waxa ay rabto, waxaa dhici karta in bulshada Soomaaliyeed ay u aragto in Puntland ay tahay maamul aan si cad u garanayn waxa uu doonayo, balse keliya ka hor istaaga kuwa kale waxa ay rabaan. Sidaa darteed, waxaa lama huraan ah in aragtida Puntland lagu muujiyo dood sharci iyo cilmi ku dhisan oo cad.

Qoraaga
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)
Zakaria Axmed Maxamed (Rabiica)Waa qoraa iyo sharciyaqaan Soomaaliyeed oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee SIDRA Institute, oo leh khbrad nidaamka caddaaladda Soomaaliya, u doodista xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link