Dihnaanta Dalka Soomaaliyeed iyo Damanaanta Dadkiisa

Hordhac

Qormadan waxa ay si kooban u iftiiminaysaa khayraadka dhulka Soomaalida ku duugan iyo sida ay dadka Soomaalida ahi uga baahan yihiin, ugana faa’idaysan la’ yihiin. Sidoo kale waxa ay qordmadu ka hadlaysaa sida dadka Soomaaliyeed ee leh dabeecadaha firfircoonaanta, xoog-furnaanta, maskax-furnaanta iyo hal-abuurka ay ugu guuldaraysteen in ay dhistaan dowlad danahood iyo masaalixdooda ilaalisa, ugana faa’idaysa khayraadka dhex-ceegaga dalkooda oo dabooli kara baahidooda.

Dhulka Soomaalida

Sida la wada ogsoon yahay, Soomaaliya waa dal ku yaala Geeska Afrika oo ku fadhiya dhul bedkiisu dhan yahay 637,657 km2, lehna xeeb dhererkeedu dhan yahay 3,000 km oo ay ka buuxaan khayraad fara badan oo lagu takrifalo, sida ay warbixinadu sheegayaan, waxaa sannad kasta si sharci-darro ah looga jillaabtaa kaluun gaaraya 132 kun oo metric ton, kaasoo qiimihiisu gaarayo $306 milyan oo doollar.

Dhulka Soomaalidu waa dhul qurux badan oo noocya badan, waxaana ka mid ah silsilada buuraladayda ee Golis ee dhererkeedu dhan yahay 2,408 km, taas oo Alle ku galladay macdan farabadan oo uu dahabku ugu horeeyo. Dhul daaqsimeedka ay dhirtu ku badan tahay ee ku haboon xoolaha (geela, ariga iyo lo’da) oo horay oomane u ahaa, ayaa hadda yeeshay ceelal iyo berkado sida uu Cabdisalaan Shiikh ku qoray buuggiisa “Taariikhda Soomaalida iyo Tartanka Qabiilka”. Inta badan dhulka Soomaaliya waa oomane oo sannadkii hela roob celcelis ahaan u dhaxeeya 50-200mm.

Dhulka Soomaaliyeed waxa uu xuduud la leeyahay marinka Baabul-Mandab oo ah marin-badeed istiraatiiji ah oo ku dhawaad 12% ganacsiga caalamiga ah uu maro sanadkii, iskuna xira biyaha Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suways. Dhanka kale, u furan Badweynta Hindiya, taasoo ka dhigaysa goob leh saamayn siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni. (Geeska Afrika: goob istiraatiiji ah oo murugsan: Majaladda Marag- Cadadka 2-aad). Qiimaha istiraatiijiyeed ee dhulka Soomaaliyeed, waxa ay abuurtay loollan dhexmara quwadaha waaweyn ee adduunka, iyadoo cid walbaa ay danayso inay saamayn siyaasadeed, amni iyo mid dhaqaalaba ay ku yeelato Soomaaliya.

Dhulka Soomaalidu waa dhul hodan ah, oo leh dhul beereed ku wanaagsan beerashada, labo webi oo sanadka intiisa badan qulqula, iyo macdan iyo shidaal ay caddeeyeen baritaano badan oo laga sameeyey Soomaaliya, gaar ahaan intii xorriyada la qaatay ka dib. Hay’adda Cuntada Adduunka (FOA) warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in Soomaaliya ay adduunka kaalinta koowaad kaga jirto dhinaca xoolaha nool, waxayna intaas ku dartay in xoolaha Soomaalidu muddadii u dhaxaysay 2014 ilaa 2023 ay tiro ahaan gaareen 59.9 milyan oo neef oo isugu jira: Geel, Lo’ iyo Ari.

Dadka Soomaalida

Diinta Islaamka oo Soomaaliya soo gaartay xilli hore (qarnigii 1-aad) oo ku soo gaartay si nabad ah (silmi), ayaa sababtay in ay dadka Soomaaliyeed noqdaan dad Muslim ah 100%. Arrintaas oo ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee isku-xira oo mideeya ummadaha. In kasta oo dhowaan ay soo baxeen aragtiyo diimeed oo hardamaya, haddana, dadka Soomaaliyeed waa dad ay midayso mad-habta Shaaficiyada oo muddo dheer ka jirtay Soomaaliya. Waxa kale oo adkeynaya midnimada ummada Soomaaliyeed waxa ka mid ah afka, dhaqanka, dhalashada, is-dhexgalka bulshada, midabka iyo muuqaalka dadka. Iyada oo ay jiraan arrimahaas iyo kuwo kale oo isku xiraya bulshada, haddana waxa aan ilaa iyo hadda jawaab waafi ah loo helin sida aysan weli Soomaalidu u mideysnayn oo uu dhexdooda uga jiro khilaaf muddo dheer soo jiray.

Sida uu Dr. Afrax ku qoray buuggiisa ”Dal Dad Waayey iyo Duni Amiir Beeshay”, tilmaamaha kale ee taageeraya isku xirnaanta iyo dadnimada ee ay Soomaalidu leedahay, waxaa ka mid ah niyadda wanaagsan, maskax furnaanta, firfircoonida, fahanka, hal-abuurka, iyo la qabsiga deegaanada kala duwan. Arrintaas waa mid ay qireen xeeldheerayaal ajnabi ah oo u kuur galay cilmiga barashada bulshooyinka.

Dhinaca kale, cilladda ugu weyn ee baabi’isay waxyaabaha mideeya ummada waa qabyaalada oo noqotay dilaa aan daawo lahayn, cid kastana si fudud u adeegsato, iyadoo doonaysa in ay hesho dan gaar ah. Cilladaha kale ee Soomaalida waxaa ka mid ah: laab-la-kac (caadifadda) oo hogaamisa dadka, halkii caqliga lagu socon lahaa. Sidoo kale waa ummad aan wax ka baran taariikhaha soo maray sida uu tilaamay abwaan Abshir Bacadle” Durba waxay ilowdaa umulli dihashadeediiye”.

Waxaa kale oo Soomaalida lagu tilmaamaa inay yihiin indha-ku-garaadle, kuwaas oo inta badan ka fekeraya waxyaabaha u muuqda, ee aan lahayn aragti fog. Tilamaamaha kale ee wiiqay midnimada Soomaalida waxaa ka mid ah, dulqaad yarida, sida uu Dr. Afrax tilmaamay:” Dadka Soomaaliyeed waa hanfade hadba meel ku booda, oo aan samir iyo dulqaad u yeelan waxay doonayaan ama ay goostaan. Dabeecadaha cusub ee dhowaan soo biiray waxaa ka mid ah been abuurka, xishood la’aanta, danaysi iyo xaasidnimo lagu faylo goynayo qofka isku daya inu uu wax qabto ama u xusul-duuba daryeelka danta guud.

Inkastoo dadka Soomaalidu leeyihiin karti badan iyo waxyaabo badan oo xoojiya midninmada, haddana meesha loo dhintay oo dawladnimada Soomaalidu ka hanaqaadi wayday waa hoggaanka. Dr. Afrax wuxuu yiri: “Waxa aan noqonay ummad ku guul darraysatay in ay dhasho hormuud ama gar-wadeen leh karti iyo daacadnimo dal lagu hoggaamiyo. Wixii ka dambeeyey dhaqdhaqaaqii SYL iyo SNL, waxaa muuqata in ay Soomaaliya ka dhalma-deysey hanaddo u qalma hoggaamin ummadeed, hankooduna gaarsiisan yahay heerka ah in ay qaran dhisaan, taariikhdana galaan, sida qayrkood yeelo inay ku camal falaan murtida tiraahda “Waari mayside war hakaa haro”.

Gunaanad

 Waa arrin muuqata in aysan Soomaaliya helin hoggaamiyeyaal qori-isku-dhiib ah ama isku xig-xiga oo waddanka gaarsiiya horumar iyo midnimo ay kula tartami karaan deriskooda iyo dunida kaleba. Muddadaan dambena waxa soo is if baxay hogaamiyeyaal ka macaasha siyaasadda, ka fakara dantooda khaaska ah, haddaba, su’aashu waxa ay tahay: “Xagee salaadu iska qaban la’dahay”, haddii ay jiraan qodobo badan oo isku-xiraya umadda sida diinta, dhaqanka, dhalashada, afka, dubka; dalkeennuna yahay dal ballaaran oo ka baaxad weyn tirada dadka Soomaaliyeed, haddana kheyraadku ceegaago bad, beri, buur iyo bannaan.

Dr. Maxamed Cali Faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link