Hordhac
Dulucda erayga “bulshada rayidka ah” waa mid mudo badan soo jirey, oo xilligii hore qayb ka ahaa siyaasadda bulshada, hase yeeshee dawladnimada casriga ahi ay ka dhigtay bulshada rayidka ah mid ka madax bannaan hanaanka dawlada, oo leh kaalin kor joogtayn iyo hoga-tusaalayn, sida shaqsiyaadka ama hay’adaha aan dawliga ahayn ee daneeya horumarinta bulshada. Bulshada rayidku waa cumaacunta isku xirta bulshada iyo dawlada, iyada oo dhiirigelinaysa hufnaanta iyo isla-xisaabtanka oo gogol-dhig u ah dawlad wanaagga. Tan iyo shirkii Carta ee curashadii jamhuuriyadii saddexaad ee Soomaaliya, bulshada rayidka ahi, waxay qayb lixaad leh ka qadatay hawlihii dib-u-dhiska dawladihii lagu soo dhisay Carta iyo Embigati. Hase yeeshee muddadaan dambe waxaa muuqata in ay hoos u dhacday kaalintii bulshada rayidka ah ee ka qayb qaadashada hagaajinta dawladnimada, hagida horumarka, xoojinta garaadka iyo garashada bulshada.
Qoraalkani waxa uu si kooban u qaadaa-dhigayaa sababaha wiiqay in bulshadu si guud ama bulshada rayidku ay uga gaabiyaan kaalintoodii, weliba xilligaan oo lagu jiro ee xaalad ay sabaynaso siyaasadda Soomaaliya , uuna jiro hardan adag oo u dhexeeya hogaanka dalka iyo mucaaradka, sidoo kale dawlada faderaalka ah iyo dawlad goboleedyada barkood.
Ururada Bulshada iyo Isla-Xisaabtanka Siyaasadda
Ururada bulshada waxa ay Soomaaliya si xoogan uga hanqaadeen horaantii 1970-dii, markii ay dawladii kacaanku samaysay ururada haweenka, ururada shaqaalaha, ururada dhallinyarada iyo kuwo kale oo loo aasaasay in ay garwadeen ka noqdaan abaabulka iyo fulinta himilooyinka kacaanka. Uraradaasi waxa ay ahaayeen kuwo si buuxda gacanta ugu jiray dawladii kacaanka, kuwaas oo markasta ka qayb-qaadanay fulinta go’aamada iyo qorshayaasha kacaanka. Kaalinta ugu weyn waxa ay ahayd hawlgelinta dadweyn, mana lahayn awood, karti iyo ku-dhac ay kula xisaabtaan dawladii kacaanka ahyd ee waxaa ay ku dhawaaqi jireen:” Barbaartiyo shaqaalahoo is biirsaday, Barbar taagaan tawradooda, rayigii ka soo baxay”. Waxaa muddo dheer dalka Soomaaliya ka shaqaynaya ururada aan dawliga ahayn ee caalimga ah (INGOs), kuwaas oo ilaa iyo maanta ka hawlgala dalka ayaa sahlay curashada ururada maxaliga ah ee aan dawliga ahayn oo shaqo-wadaag la ah ururada caalamiga ah ee aan dawladiga ahayn.
Markii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya(1991), waxaa durbadiiba abaabul bulsho ku aasaasmay ururo bulsho oo isku xirmay, oo waxa ka qabtay adeegyada bulsahda, kuwaas oo u abaabulnaa si ururo aan dawli ahayn (Non-Goverment Organization). Ereyga “Ururada Bulshada” waxa uu Soomaaliya uga muuqadaa sida “Jilayaasha aan Dawliga ahayn-NSA” kuwaas oo ka kooban, ururada aan dawladiga ahayn (NGOs), ururada bulshada (CBO), ururada haweenka, dhallinyarada, saxaafada, xirfadlayda, culimada, ganacsatada, dhaqanka, iwm. Iyada oo laga ambaqaado dadaalkii iyo kaalintii muuqatay ee ay ururada bulshadu si keli keli ah uga qayb-qaadeen, dawlad-dhiska, nabadaynta, adeegyada bulshada, ayaa waxa muqatay in marka la mideeyo awoodooda ay si mug leh wax ka qabtaan horumatinta bulshada iyo hufnaanta siyaasadda. Bulshada caalamka ayaa abaabushay isku xirka ururada bulshada, kuwaas oo loo sameeyey dalado mideeya jilayaasha aan dawliga hayn sida SONSA(Somali Non-State Actors/SOSCENSA), PUNSA(Puntland Non-State Actors), kuwaas oo la aasaasay sannadkii 2008-dii iyo kuwo kale. Ururada bulshada rayidka ah ayaa ku dhex aasaasmay qobqobyadii ka jiray xayndaabka Soomaaliya, taas oo dabartay awoodooda ka baxsan xayndaabyada ay ku jiraan ama keentay in lagu kala aragtida duwanaado siyaasadda dalka ka jirta.
Maadaama ay dawladu (Faderaal ama Dawlad-Goboleed) ay hadda qabato shaqooyin badan oo ay horey gacanta ugu jiray ururada bulshada (haddana ay weli qayb ka qaataan), haddan kaalinta weli u bannaan ururada bulshada rayidka ah waa wax ka qabashada isla-xisaabtanka siyaasadda, iyo xasilinta siyaasadda, kuwaas oo saldhig u ah in ay dawladu noqoto mid degan oo wax ka qaban karta baahida bulshada, oo dawlada lagula xisaabtamo gabood- falyada iyo iska-indho-tirka danta muwaadinka. Sidoo kale, nabadeynta colaadaha bulshada ka jira, kuwaas oo ka dhasha khilaafaadka siyaasadda ama kuwo ku salaysan xiniftinka qabyaaladda. Arrimahaasi maanta waa baahida ugu weyn ee ka jirta Soomaaliya. Kahor inta aan la mideyn ururada bulshada iyo horaantii aasaaska jilayaasha aan dawliga ahayn, kaalinta burshada rayidka ah waxa ay dayax afar iyo tobnaad ahayd oo si dhiiran codkooda ugu cabirayey maaraynta khilaafyada siyaasadda ama colaadaha jiray.
Waxaa jirta dood oranaysa in ururada bulashada loo adeegsado wax ka bedelka siyaasada dawlada bariga iyo dunida saddexaad. Taas oo muujinaysa awooda xoogan ee ururada bulshada ee wax ka bedelka siyaasaddaha dawladaha. Aarintaas, waxaa tusaale u ah isbedelkii ka dhacay wadanka Tajistaan ee ku yaala bartamaha Aasiya, kaas oo horaantii 1990-kii, madaxweynihii dalkaas xukunka looga tuuray kacdoon bulsho oo abaabulan. Marka xagal kale laga eego, arrintaasi waxa ay muujinaysaa awooda bulshada isku duuban oo dan guud higsanaysa. Dhinac kale, waxyaabaha tusaale oo loogu soo qaadan karo awooda bulshada ee ka dhacay Soomaaliya waxaa ka mid ah: (i) sidii uu kacaanku u abaabulay bulshada ee barnaamijkii iska-wax-u-qabso, kaas oo Soomaaliya ka hirgeliyey hawlo ilaa iyo maanta mirahooda la guranayo, sidii dugsiyadii lagu dhisay iska-wax-u-qabo oo maanta ka shaqaynaya dalka iyo (ii) kacdoonkii shacabka Soomaaliyeed ku taageereen maxkamadaha oo Muqdisho isku furay, kana xoreeyey hogaamiye kooxeedyadii kala qoqobay, in kasta oo mirihii kacdoonka maxkamadaha aan loo maarayn si hagaagsan, haddana, waxay soo afjareen awoodii hogaamiye kooxeedyada. Dhinaca kale, abwaanada ayaa kaalin xoogan ka qaata abaabulka buslahada iyo isla-xisaabtanka dawlada, sida uu abwaankii Hadraawi uu cabirayo tixaha hoose oo aad moodo in uu la hadlayo madaxda maanta joogta:
Ninkii ballankaaga qaaday
Ka baaqday xilkaad u dhiibtay
Ka baydhay ujeedadaada
Ku boobay adoo sabool ah
Ku wiirsaday baaba’aaga
Adoo bogan waayey taada
Ninkii u buseelay raaxo
Huwaday bulbushii libaaxa
Buruudkiyo shaashka qaatay
U booday cirkaa dusheenna
Bilkeeday laboontidiisa
Buurtuu koray waarin mayso
Sababaha Wiiqay Kaalinta Bulshada Rayidka ah
Marka la tixgeliyo xogaha ay bixiyeen dad waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan u leh arrimaha bulshada rayidka, waxaa muuqata dhowr arrimood oo waawyn oo wiiqay awoodii bulshada rayidka ah, gaar ahaan u-qareemida isla-xisaabtanka iyo hufnaanta siyaasada iyo xasiloonida dalka. Arrimahaas waxaa ka mid ah:
- Awooda Dawlada: markii hore ururada aan dawliga ahayn (NGOs) oo ugu xoog badan urarada bulshada rayidka ah, waxa ay xorriyad furan u haysteen mashaariicda ay fuliyaan, oo ma jirin awood dawladeed oo duljoogtay. Cabdi Baafe (Guddoomiyaha Dhaxal-Reeb, khabiir dhinaca ururada bulshada) waxa uu sheegay in ay ururada bulshadu codkoodu uu mideysnaa oo uu cadaa xilligii qabqablayaasha. Awooda dawlada oo xoogsatay ayaa culays ku noqotay xoriyaddii ay ururada aan dawliga ahayn, uga hadli jireen arrimaha siyaasada, madaama si fidud looga qaadi karo ogolaanshaha shaqada, haddii loo arko in ay ka hor imaanayso maslaxda hoggaanka siyaasadda. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa hay’adda SIDRA (Somali Institute for Development Research and Analysis), oo fadhigeedu ahaa Garoowe oo laga joojiyey mashruuc ay waday, taas oo keentay in kalfadhigiisii Oktoober 2025 ee baarlaamka Puntland uu su’aalo weydiiyo wasaaraddii ku shaqo lahayd arrintaas. Baafe waxa uu yiri : “Dhalashada dowladduna waxay keentay in ay dawladu u qaadato in bulshada rayidka ay tahay mid aan waxba ku diidin karin, kana hadli karin siyaasadda, taas oo keentay in ay isla xisaabtanku hoos u dhacdo oo si gaar ah warbahinta loo xanibo, ururada bulshada rayidka ah dhib weyn ayay kala kulmeen dawlada faderaalka iyo dawlad goboleedyada”. Dhinaca kale, waxa uu ku doodayaa Faysal Warsame (guddoomiyihii hore ee PUNSA) in hogaanka dawladu uusan ogolayn in lala xisaabtamo ama xog lala wadaago bulshada. Waxa uu intaas ku daray in ay xoogaysatay danta ay ururada rayidku ka leeyihiin dawlada si xil ama dano kale. Waxa kale oo uu yiri: “ qabyaalada ayaa keentay in madaxda ururada bulshadu aysan ka hadlin la xisaabtanka siyaasiyiinta hoggaanka haysta ee ay isku haybta yihiin”. Waxaa arrintaas tusaale u ah, Prof. Xuseen Iimaan oo ka mid ah dadka ugu codka dheer burshada rayidka, oo ka hadalyaa dhulboobkii ka dhacay Muqdisho ayaa yiri: “….. Qaylo-dhaantii ay odayaashani jeediyeen, ka warama haddii madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ama Farmaajo uu joogi lahaa, Sacadaas Xamar maxaa ka dhici lahaa? Ma markii Daaroodku wax xukumaayo keliya, ayaa la qayliyaa, markaas ayaa la mudaharaadaa, oo dawlada la dhaliilaa. Hawiyuhu markuu wax haleeyo lama hadlaayo miyaa? Annaga (ururada bulshada) cid kasta oo timaada, qabiilkuu rabo ha noqdo, waxaan awood u leenahay in aan xaqa ka hadalno.…”
Maqnaashaha Xirfadlayda: ururada xirfadlayda sida ururada garyaqaanada, culimida, macallimiinta, dhaqaatiirka, iyo kuwo kale oo leh karti, iyo aqoon, ahna haldoorka bulshada ayaa ka maqan ururada bulshada. Axmed Shire (dhaqaaleyahan, ka soo shaqeeyey ururada bulshada) waxa uu aaminsanyahay maqnaanshaha kaalintii ururada xirfadlayda in ay hayd mid ka mid waxyaabha hoos u dhigay awooda ururada bulshada rayidka ah. Sidoo kale, Axmed waxa uu ku doodayaa in ganacsatada Soomaaliya oo ah dadka ka faa’iidaya deganaanshaha iyo nabada, aysan garan sidii ay u xoojin lahaayeen nabada iyo dawlad dhiska Soomaaliya. Waxa uu tusaale u soo qaatay sida ganacsatada Somaliland ay qayb weyn uga qaateen xalintii khilaafaadkii siyaasadeed ee ka horeeyey doorashadii ugu dambaysay ee Somalaland. Waxaa jirta culimada iyo odayaasha dhaqanka oo khilaafyada si weyn wax uga qabta, kuwaas oo in badan xoogga saara sidii wax looga qaban dhacdo dhacday, hase yeeshee ay qorshaha ku darsadaan ka hortaga colaadaha iyo khilaafaadka siyaasada.
Qaabdhismeedka ururada bulshada rayidka ah: dadkii lafdhabarka u ahaa ururada bulshada oo ku biiray dawlada, hawlgab noqday ama geeriyooday ayaa keenay gaabiska ururada bulshada rayidka (Faysal). Sida uu qorey Afey (Baadi-Goobka Nabadda Geeska), Xasan Shiikh (Maxadweynaha), isaga oo ku hadlaya magaca bulshada rayidka ah, waxa uu soo jeediyey in aan loo baahnayn in ciidamo shisheeye la keeno Soomaalia. Maanta waxaa suurogal ah in uu u codayn lahaa arrintaas. (Harka waxaa bedala, hadba dhanka qoraxdu xigto iyo meesha ay qoraxdu marayso). Dhinaca kale, waxa la tilmaamaa in aysan ururada bulshadu la xisaabtami karin dawlada, iyaga oo dhexdooda ka aradan isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo maamul-wanaaga, maadaama ay nuqsaani ku jirto hannaanka hoggaanka ururada bulshada rayidka ah.
Isku-xirnaan la’aan: waxa la sheegaa in aysan jirin isku-xirnaan xoogan oo ka dhexaysa ururada bulshada rayidka ah. Ururada bulshada rayidka uu ku dhex samaysmay kala qobqobnaanta iyo qoloqolada ka jirta dalka ayaan weli yeelan isku-xirnaan xoogan, oo keenta in ay ka wada duulaan aragti mideysan. Shire waxa uu ku doodayaa in ay kala qaybsanaanta dalka raad ku yeelatay awoodii iyo isku xirnaanshaha ururada bulshada. Waxa ay Axmed ula muuqataa in ururada bulshada aysan aaminsanayn awoodooda, isaga oo tusaale u soo qaatay bulshada rayidka oo dawlada ka codsanaysa ka qaybgalka wada hadalada siyaasada. Sidoo kale, waxa uu sheegay in aragti qof loo tarjumayo si qabyaaladaysan, taas oo rayiga toosan ka dhigaysa mid turxaan leh.
Dhaqaalaha iyo Nabadgelyada: waxaa ururada bulshada haysata dhaqaale yaraan taas oo gaabis ku keentay abaabulka iyo dhaqaajinta bulshada. Sidoo kale, xaalada amniga ee dalka ayaa xadidaysa dhaqdhaqaaqa ururada bulshada rayidka ah (Faysal). Baafe waxa uu sheegay in uu dhaacawa ugu weyn uu soo gaaray ururada bulshada markii ay Al-Shabaabku u arkeen ururada bulshada in ay yihiin gacan shisheeye oo lagula dagaalamayo. Si ka duwan, aragtida Faysal ee dhinca dhaqaalaha, waxa la oran karaa abuubulka bulshada iyo muujinta dareenka saxda ah ma aha mid u baahan dhaqaale. Maxa yeelay, maanta xaalada lagu jiro waxaa fudud gudbinta fariimaha iyo in ay si deg deg ah ku gaaran cida loogu talogalay.
Dareenka Bulshada: Bulshada oo aan isku xirnayn ayaan isku aragti ka ahayn danta guud. Sidoo kale , waxaa la oran karaa waxa culus dareenka bulshada sida uu Timacade yiri:”Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane” ama uu Hadraawi tilmaamay:
Bulshadeenu waa duul
Daacad iyo xishood badan
Dun xariira weeyaan
Cidna uma darraadaan
Dar Allay ku dhaqantaa
Dareen waw dhegweyn tahay
Ogow doqonse maahee
Qofka maamul dalabliyo
Dabbaal-joogto hoosiyo
Dibindaabyo ugu maqan
Degdeg uma tilmaamaan
Nabar kulama duulaan
Dib bay ugu muddaystaan
Dulmigiisu waw kayd
Gabagabo
Bulshada rayidka ee Soomaaliya waxa ay kaalin weyn ka soo qaateen dawlad dhiska iyo daminta colaadaha. Hase yeeshee mudadaan dambe waxa jira hoos u dhac ku yimi kartidii iyo kaalintii ururada bulshada rayidka ah. Sida ay tilmaameen dad aqoon iyo waayo aragtinimo u leh ururada bulshada rayidka ee Soomaaliya, waxaa hoos u dhacaas sababay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: (i) awooda dawlada, (ii) qabyaalada, (iii) xirfadlay badan oo aan ka dhex muuqan ururada bulshada, (iv) qaabdhismeedka ururada bulshada, (v) isku-xirnaan la’aan iyo kala qobqobnaanta ururada bulshada, (vi) dhaqaalaha iyo amniga, (vii) dareenka bulshada iyo kuwo kale. Maanta oo ay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya marayso meel ay ka muuqato abuul colaadeed iyo siyaasad murugsan, waxaa loo baahanyahay kaalinta bulshada ee daminta colaadaha iyo siyaasadda cakiran. Si ay ururada bulshadu ay u qaataan kaalintooda, waxa loo baahanyahay hoggaan karti iyo hufnaan leh oo ay yeeshaan daladaha ururada bulshada rayidka ah iyo dalad qaran oo midaysa awoodda ururada bulshada ee kala qoqoban. Sidoo, kale xirfadlayda ka maqan ururada bulshada rayidka ah oo la abaabulo iyo dawlada oo si hufan loo tuso kaalinta ay bulshada rayidku ku leedahay dawlad wanaagga.
“Maanku waa kan laga fiiriyaa xaajo kaa maqane” Afqalooc
Qoraaga

Latest entries
FaaloMarch 29, 2026Maxaa Wiiqay Kaalintii Bulshada Rayidka ee Xoojinta Isla-Xisaabtanka Siyaasadeed ee Soomaaliya?
MaqaaloFebruary 25, 2026Maxaa Sababay Soo Kabasho La’ Aanta Qarankii Soomaaliyeed ee Kufay oo Kala Yaacay?
SomaliaNovember 27, 2025XASAASIYADA SIYAASADEED EE SOOMAALIYA EE KA DHALATAY E-VISA: Khilaafka Cusub ee Dowladda Federaalka iyo Maamulada Soomaaliyada
FaaloOctober 29, 2025SALAQLAYNTA SIYAASADDA SOOMAALIYA: “ Saldhigasho La’aan iyo Samata-bixin La’aan”










