Ahmiyadda Kala-Madaxbanaanta Hay’adaha Dowlanimadda iyo Khatarta Isku-Milankooda

Wadciga Soomaaliya ku sugantahay maanta wuxuu welwel gelinayaa dad badan oo Soomaaliyeed oo dareensan khatarta dalkeena ku gadaaman iyo dareen la’aanta madaxdeena. Go’aano badan oo ay qaadanayaan dadka xilka maanta ka haya dowladnimda heerarkeeda kala duwan kuma dhisna maslaxadda dalka iyo badqabka dadka. Taas waxaa aasaas u ah faham la’aanta xilka ay ummadda u hayaan iyo kan dowlanimadda. Siyaasiga Soomaaliyeed ma yaqaan xuduuda ay ku dhammaato mas’uuliyadiisa, umana sameysna inuu ilaaliyo xuduudaas, xitaa haddey ku xardhan tahay xeerka ugu sarreeya dalka oo dastuurka ah. Su’aashu waxay tahay: Soomaaliya weligeed ma sidan bay ahayd, mise waa dhaqan dambe oo soo kordhay?

Waqtigii aan dhallinyarada ahaa ee aan bilaabayey waxbarashada 1970-dii dhexdeeda, waxaan si is-daba joog ah u maqli jirey erayga “dowladdii musuqmaasuqa aheyd”, oo loo adeegsan jirey maamulka rayidka ahaa ee dalka xukumayey 1960-1969. Eraygan ceebeysan waxaa badanaa adeegsan jirey kuwa damacsanaa inay qiima-tiraan waqtigaas, aniguna fikirkaas kama fogeyn maadaama aan ku hanaqaadey duruuftaas. Waqtigaas, jiilkaygu si weyn uma aqoon xaqiiqada taariikhda dowladdii rayidka ahayd. Si kastaba ha ahaatee, markii aan weynaadey oo aan akhriyey wax badan oo laga qorey dhaqan-siyaasadeedkii xilligii dowladdii rayidka ahayd ayaan ogaaday in wixii naloo sheegayey inta badan ay ahaayeen been-abuur.

Sida uu dhowaan ku tilmaamay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar buugiisa xiisaha leh, “Africa’s First Democrats: Somalia’s Aden A. Osman and Abdirazak H. Hussen”, xilligaas dhabtii wuxuu ahaa xilli ku suntan maamul dowladeed oo aad u soo hanaqaadayey. Dowladdaasi waxay lahayd dastuur la ixtiraamo oo afti dadweyne lagu ansixiyey, siyaasad dhaqaale oo  deggan, iyo hab nidaamsan oo lagu dhisayo shuruucda loogu talaggalay in lagu hago dalka. Taasi waxay bixineysaa tilmaan ka duwan tii lagu bar-tilmaameedsadey xilligii kacaanka.

Dhawaantan waxaan muxaadaro u jeediyey koox dhallinyaro hoggaamiyeyaal ah oo ka socday Jaamacadda Bariga Afrika, anigoo kala hadlay cashar ku saabsan muhiimadda hoggaaminta (leadership matters). Intii aan ku jirey tababarka, waxaan u soo bandhigay cod (audio clip) laga duubey khudbad dadweynaha degmadda Aadan-Yaabaal uu u jeediyey Madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyadda, Dr Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Alle ha u naxariisto). Khudbadaan dadweyne, Madaxweynahu wuxuu sharraxay nidaamka dowladnimada iyo isu-dheellitirka ka dhexeeya saddexda laamood ee dowladda: Fulinta, Garsoorka, iyo Baarlamaanka. Wuxuu adkeeyey doorkiisa siyaasi iyo hoggaamiye lagu kalsoonyahay oo mas’uul ka ah isku dheelitirka awoodahan iyo ilaalinta dastuurka. Sidoo kale, si fudud ayuu u sharaxay mas’uuliyadaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo sida uu u hogaamiyo xilkaas muhiimka ah ee uu ummadda u hayo.

Wuxuu ku amaanay bulshada degmada Aadan-Yaabaal taageeradooda iyo soo dhaweyntooda diirran iyo sida ay isaga si gaar ah ugu tirsanayaan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray dalabaadkooda xaqa ah ee ku saabsan helitaanka adeeg bulsho dhinaca dowladda, laakiin isla waqtigaas wuxuu xoogga saaray in awoodihiisu aanu u oggolaaneyn inuu qaato doorka laanta fulinta ama inuu farageliyo howlaha fulinta. Si xushmad leh ayuu ugu codsaday wasiirrada la socda inay gudbiyaan fariintan dadka Aadan-Yaabaal. Qofkii daneynaya khudbadaas waxaa si sahlan looga heli karaa YouTube-ka Khudbad uu jeediyey Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake 1969).

Dhagahaygu waxay weli ku celceliyaan mawduuca khudbadiisa, oo ku saabsanaa nidaamka dowladnimada iyo sida ay tahay inay u wada shaqeeyaan saddexda laamood ee ay ka kooban tahay, iyadoo mid kasta qaadaneyso dowrkeeda dastuuriga ah. Waxaa xusid mudan in Madaxweynuhu si joogto ah uu ugu baaqayay ka gudubka bulshada ee kala-qaybsanaanta qabiilka iyo dhisidda Soomaali mideysan. Wuxuu xoogga saaray muhiimadda horumarinta dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in maamulkiisu diiradda saarayo horumarinta deegaanada miyiga ah, dhinaca waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan degmooyinka iyo degaanadda la dayacay.

Marka la eego dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga, wuxuu Madaxweynuhu muujiyay rabitaan xooggan oo ah in la dhiirrigeliyo dimuqraadiyad baarlamaani ah, oo loogu talaggalay in lagu dheellitiro awoodda laamaha dowladda. Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu muujiyo in la isku dheellitiro awoodda u dhaxaysa Muqdisho oo ah caasimadii jamhuuriyadda iyo gobollada. Wuxuu si cad u qeexay waajibaadka iyo masuuliyadaha hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo hubiyo isku-dheelitirnaanta iyo is-hubinta dhexdooda ah (check and balance). Guud ahaan, khudbadiisu waxay na xusuusinaysaa dood siyaasadeed iyo diimoqraadiyad guun ah oo la jaanqaadi karta caalamka. Si gaar ah ayaan ugu dhiirrigelinayaa qof kasta oo xiiseynaya taariikhda maamulkii dowladdii Soomaaliya ee rayidka ahayd inuu dhageysto khudbadda Madaxweyne Cabdirashid, gaar ahaan dhallinyarada maanta, kuwaas oo arki kara xaaladda hadda jirta iyo sida dowladnimada Soomaaliya loo maamulayo.

Shakhsiyan, aad ayaan uga helay sida uu u soo bandhigay aragtidiisa isagoo aan dadweynaha marin habaabin ama aan u been-sheegin. Runtii waxaa ii caddaatey in fariintiisu aysan kaliya ku socon kuwa hortiisa joogay kulankaas, laakiin sidoo kale uu la hadlayey bulshada Soomaaliyeed oo dhan iyo weliba jiilasha soo socda, oo ay ku jiraan kuwa mararka qaar dib u xaqiijinayay dhaxalkaas. In kasta oo xilligaas wax kasta aysan wada-toosneyn oo ay jireen qaladaad badan, haddana ugu yaraan waxaan aragnay ama maqalnay marka xilligaas laga hadlayo waxay ahayd inuu jiray maamul dowladeed oo ku dhisan sharci iyo xeer, iyadoo uu jirey dastuur la ixtiraamo iyo xuquuqda dadka oo la ilaaliyo.

Milatarigii afgambiyey dowladdii sida dimuqraadiga ah lagu soo doortay ee uu hoggaaminayay Ra’iisulwasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ka dib dilkii Madaxweyne Sharmaarke, waxay bilaabeen inay dalka ku maamulaan amarro fulineed (executive orders), oo si toos ah uga imaanaya Golahii Sare ee Kacaanka (SRC), kadib markii la joojiyey ku dhaqankii dastuurka aftida lagu ansixiyey. Bilowgii, waxay muwaadiniinta ka qaadeen xuquuqdii hadalka xorta ah, ururradii siyaasadeed, iyo xuquuqda isu-imaatinka (right of assemply). Af-gambigii milatariga ee 1969-kii, oo uu hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre, si dhaqso ah ayuu u joojiyay dastuurka 1960kii, Baarlamaankii iyo Maxkamaddii Sarena waa kala diray, dhammaan xisbiyadii siyaasaddeedna wuu mamnuucay.

Tani waxay si dhab ah u baabi’isay xuquuqdii dastuuriga ahayd ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, isu-imaatinkii xorta ahaa, dibad-baxii, iyo ka qaybqaadashadii siyaasadda, iyadoo lagu beddelay maamul milatari oo amar ku socda.

Tallaabooyinkii dheeraadka ahaa ee ay qaadeen milaterigu waxaa ka mid ahaa baabi’inta qaab-dhismeedkii dimuqraadiyadda dalka–burburintii Golaha Barlamaanka iyo Maxkamadda Sare, taasoo meesha ka saartay is-hubintii iyo isu-dheelitirkii awooda laamaha dowladda ee saddexda ah, mamnuucidda dhammaan xisbiyadii siyaasadeed–taas oo dhammaystir u ahayd dimuqraadiyadda xisbiyada badan, waxaana la hirgeliyey xukunka ku dhisan amar–sharciyada iyo siyaasadaha waxaa si toos ah u soo saarayey golahii sare ee kacaanka.

Waxaa caadi ahayd faaf-reeb ku saabsan hab-dhaqankii dowladdii rayidka ah, waxaana muwaadiniinta loola dhaqmey sidii maxaabiis jiheysan, iyadoo ay sahlaneyd ciddii ka soo horjeesata dowladdii kacaanka in lagu soo eedeeyo falal sharci darro ah, lana mariyo maxkamad milatari, iyadoo weliba si gaar ah loo bartimaameedsadey qayb balaaran oo ka mid ah bulshada, taas oo keentay kacdoon dadweyne oo aan la xakameyn karin, iyadoo ugu dambeyn sababtey in la tuuro dawladdii milatariga ahayd, isla markaana uu dalku galo fowdo, jaahwareer siyaasadeed iyo sharci-darro.

Mar kasta oo awooda laamaha dowladnimada ay gacanta u gasho laanta fulinta waxaa dhuma isu-dheelitirkii iyo is-hubintii dowladnimo, waxaana ka dhasha ku-tagri-fal awooddeed oo ay sameyso laanta fulintu oo madaxweynuhu u sarreeyo. Waxaana taas ka dhalata burbur nidaam dowladeed iyo ku tumasho sharci, waxayna ku dhammaataa burbur iyo kala irdhow bulsho iyo ka soo kabasho la’aan dowladeed, waxaana tusaale nool u ah Soomaaliya, meesha ay ka timid iyo meesha ay maanta joogto.

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay 1991 kadib markii xukunka laga tuurey Maxamed Siyaad Barre ayaa furay mid ka mid ah cutubyada madow ee taariikhda Soomaaliya, iyadoo maleeshiyaad ku saleysan qabiil ay la dagaallameen dowladdii, xukunka ka tuureen.  Caasimadii dalka waa la burburiyey, gaajo iyo macaluul ayaa kumanaan Soomaali ah u dhinteen, bulshadii Soomaaliyeed waa kala irdhoobeen, iyadoo illaa maanta lagu guuleysan la’yahay dib-u-heshisiin dhab ah oo isku soo celisa dadka Soomaaliyeed. Marar badan waxaan iraahdaa “dadka Soomaaliyeed isku xog ma aha” oo aan ula jeedo in dadkii Soomaaliyeed kala guureen oo reer walba degaan gaar ah ku ururey.

Sababaha ugu waaweyn ee dagaalkii sokeeye waxaa lagu fasiri karaa inuu ahaa xukun keli- talisnimo ah oo ay maamulaysay dowlad kali-talis ah, oo bulshadii Soomaaliyeed kala fogaysay, qabiil qabiil isaga horkeentay, si taas loo fuliyana waxay adeegsatey caburin, eex, qaraabo-kiil iyo sinaan la’aan bulshada dhexdeeda ah. Ugu dambeyna waxaa ka dhashey shaqaaqooyinkii burburiyey awooddii dowladda dhexe, waxaana soo baxay jabhado qabiileysan oo dano qabiil u adeegaya, kuwaas oo salka ka jarey dowladnimadii Soomaaliya. Cidna isma laheyn haddii uu dhaco nidaamkii digtaatooriga keliteliska ahaa waxaa bedelli doona jabhado sarrifta dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed halkii ay xukunka ku raadin lahaayeen wadatashi iyo hoggaan ummadda mideeya.

Jabhadahaas dhammaantood, gaar ahaan USC, waxaa seegtay fursaddii ay dalka ku badbaadin lahaayeen, sida ay sameeyeen jabhadihii ku midoobey EPRDF Itoobiya 1991, markii ay qabsadeen Addis Ababa. Natiijada tooska ah ee dagaalkii ahliga ahaa waxay noqotey dilal baahsan oo ku hagoogan aarsi qabiil, dumin hay’adihii dowladnimo, burburin kaabayaashii dhaqaalaha dalka iyo ugu danbeyn burburintii caasimaddii dalka ee Muqdisho iyo gobollada dalka intooda badan.

Sida uu sheegay Jeffrey Clark (1992), De Waal (1997) iyo Menkhaus (1997), gaajada iyo macluusha ka taagneyd Soomaaliya sanadihii 1992-1993, waxaa sababay boob hanti abaar ba’an, burburintii dalagii beeraha, iyo joojintii gargaarka, waxay la xaqiijiyey in xilliyadaas ay ugu dhinteen dil iyo macaluul qiyaastii 200,000 – 300,000 qof oo Soomaali ah, waxayna barakiciyeen ku dhawaad laba milyan, kuwaasoo ka soo qaxay guryahoodii, gaar ahaan magaaladda Muqdisho, taasoo abuurtay mid ka mid ah dhibbaatooyinka qaxootiga ugu waaweynaa ee soo mara Bariga Afrika.

 
Nooca ugu xun ee dagaalka sokeeye waxaa lagu asteeyaa burburka hay’adaha dowladda, sida maxkamadaha, goobaha waxbarashada, cusbitaallada, dhismaha ciidanka booliiska iyo xafiisyada dowladda, kuwaas dhammaan si toos ah u joojiyey adeegyadii dowladnimada, waxaana la wareegay kooxo tuugo iyo burcad ah oo burburiyey dhammaan kaabayaashii dhaqaalaha dalka, nidaamkii iyo kala-danbeyntii, taasoo keentay burburkii dowladnimada, dalkiina ka dhigtay mid aan lahayn adeegyo dowladnimo oo shaqaynaya. Waxaan dhawaan ka qoray dagaalkii sokeeye iyo dhinacyo kala duwan oo dembiyadaas ah taxane aan ugu magac darey “Safarkii Laba Kun ee Miles: Casharro Ka Saabsan Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya – Qaybta I –IV”, oo aan ku dabaacey mareegta WardheerNews (A Journey of Two Thousand Miles: Lessons from Somalia’s Civil War Part II – WardheerNews).

Cawaaqib-xumada muddada dheer ee dagaalkii sokeeye waxaa ka mid ah kororka dagaalo qabiil oo bulshada dhexdeeda ah, hogaamiye-kooxeedyo manaxayaal ah, ganacsado dalkii sarriftey oo bulshada ku laayey daawo iyo cunto dhacdey, arxanlaawayaal magac-diimeed ku gumaaday shacabka bir-ma-geydada ah, kala go’ dalkii oo qeyb ka mid ah ay ku dhawaaqeen madax-bannaani (Somaliland,1991), dalkii oo baylah noqdeen xuduudihiisii bad iyo berriba, cid walbana ay ka yeeshay siday dooneysay, kala-irdhow bulshadii Soomaaliyeed ee wada deganeyd oo gobolo iyo degaano u kala guurey. Natiijada daran ee dagaalkii sokeeye wuxuu sidoo kale ku astaysantahay soo-bixidda kooxo xagjir ah sida Al-Shabaab iyo Daacish oo ka dhashay fowdadii dalka ka dhacdey, isla markaana sii dheerayey qalalaasaha.


Natiijada ugu dambeysa waxay noqotay bulshadii Soomaaliyeed oo kala fogaatey iyo kalsoonidii dhexdooda ahayd oo luntey, taas oo daciifisay nidaam-dhaqameedkii dib-u-heshiisiinta. Burburkii qaran-nimadii Soomaaliyeed iyo lumitaankii muwaadinimada ayaa saameyn xun ku yeeshay shacabka, taasoo ay ka faa’iideysteen siyaasiyiin  musuqmaasuq iyo boob hantidii ummadda ku soo baxay, kadibna ka shaqeeyey inaysan bulshadu midoobin ama heshiin. Halkii ay hogaamiyayaasha siyaasadeed la imaan lahaayeen isku-keenida bulshada, waxay ka shaqeeyeen sii-kala-firdhinta bulshada, isla markaana waxay u xuub-siibtaan xaaraan-ku-naaxyo ku howlan dhaca iyo boobka hantida dadweynaha halkii ay u dagaallami lahaayeen xuquuqda dadka, kor u qaadi lahaayeen wacyigooda ummadeed, bixin lahaayeen adeegyo bulsho, sugi lahaayeen amniga ama maareyn laheeyeen nolosha dadweynaha.

35 sano kadib dagaalkii sokeeye ee bilowdey 1991, Soomaaliya waxay u muuqataa mid la il daran maamul-xumo dowladeed oo baahsan, faham la’aan shaqada laamaha dowladnimadda, musuqmaasuq qoto dheer, taageerid ku saleysan sad-bursi qabiil, iyo isla-xisaabtan la’aan naafeeyey hay’adihii dowladnimada, burburiyey dhaqaalaha dowladda, isla markaana horseeday dagaallo qabiil oo degaan ku saleysan oo aan marna joogsaneyn. Dhibaatooyinkaas oo dhan waxay sii xoojiyeen nuglaanta dowladnimadda, joojiyeen dib-u-habeynta laamaha xukumadda, sababeen faqri iyo hoos-u-dhac heerka nolosha muwaadiniinta, abuureen amni-darro bulshada dhexdeeda ah iyo kalsooni-darro. Ma muuqato faham qoto dheer ee nidaamka dowladnimadda iyo sida uu u shaqeeyo, in madaxdu yihiin adeegalayaal bulsho iyo in ay muhiim tahay in qof madax ah uusan dowladnimadda ka dhigan shaati isaga keliya le’eg oo aan cid kale kula tartami karin, dastuur uu isaga keliya leeyahay iyo hay’ado dowladeed oo isaga keliya u shaqeeya, taas oo ah tii markii horeba burburisay dowladnimadii Soomaaliya, bulshadana u horseeday dagaalkii sokeeye.

Khudbaddii Madaxweyne Sharmaarke waxay dhistay aasaaska dimuqraadiyad shaqeyn karta, taasoo awoodda iyo xukunka aan lagu koobeyn hal xafiis, oo ah kan madaxweynaha, sida aan hadda aragno, halkaas oo madaxweyne kasta oo dalka soo marey tan iyo intii dib-loo-yagleeyey dowladnimadii Soomaaliya Shirkii Carta ee 2000,  uu u dhaqmo si ka hor imaneysa sareyn sharciga ama uu isu arko sidii Maxamed Siyaad Barre waqtiyadiisii uu ugu awoodda badnaa.

Madaxda Soomaalida kama muuqato inay hogaamiyeyaal (leaders), hogaaminaya dal jilicsan oo ka soo kabanaya dagaal sokeeye oo daba dheeraadey iyo burbur nidaam dowladeed oo afartan sano jirsadey. Qaybinta awooddaha hay’adaha dowladnimadu ku taagantahay iyo kala madax-bannaanaantoodu waxay u adeegtaa sidii is-hubin iyo isku dheelitir maamul loo heli lahaa, kaasoo horseedi kara hufnaan iyo maamul-wanaag ku dhisan sharci iyo dastuur loo simanyahay. Soomaaliya waxay weli u hamuun qabtaa madaxweyne ama hogaamiye fahamsan awoodiisa dowladeed, ka fog musuqa iyo boobka hantida ummadda, u adeegaya bulshada ee aan ka adeeganeyn, aaminsan in sharcigu sareeyo, intaas ka horna Illaahey ka baqaya oo og inuu adduun iyo aakhiraba kula xisaabtami doono mas’uuliyadda ummadda.

Maanta waxaan mareynaa waqtigii ku haboonaa in aan mar kale dib u milicsano taariikhdii dheereyd ee la soo marey, taasoo wax badan laga baran karo, xalna loogu heli karo dalka. Horaa loo yiri “sameynta isla wixii aad hore u sameyn jirtey adigoo filaya natiijo ka duwan tii hore waa nooc waalida ka mid ah”.

Sannadka 2026, waa fursad kama dambeys ah oo aan ku sixi karno wixii dawladnimadeena hore uga uga xumaadey, ee diyaar ma u nahay?

Qoraaga
Cali Xaaji Warsame
Cali Xaaji WarsameWaa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed, iyo khabiir ku takhasusay Maareynta Maaliyadda Guud (PFM). Waxa uu hore u soo noqday wasiir ka tirsan Puntland, wuxuuna sidoo kale yahay xisaabiye shahaado haysta (Certified Accountant).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link