Yaraanta Macallimiinta Dumarka ee Soomaaliya iyo Saamaynta ay ku Leedahay Waxbarashada Gabdhaha

Hordhac

Yaraanta macallimiinta dumarka ee Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, ayaa weli caqabad weyn ku ah dadaallada lagu kordhinayo helitaanka sinnaanta jinsiga iyo tayada waxbarashada. Macallimiinta dumarka ah waxay door muhiim ah ku leeyihin kor u qaadista waxbarashada hoose iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka gabdhaha ee waxbarashada, gaar ahaan deegaanada miyiga iyo bulshooyinka dhaqanka adag. Si kastaba ha ahaatee, Macaliminta dumarku wali waa kuwo si weyn ugu yar shaqada macalinimada iyo waxbarashada. Sida lagu sheegay Falanqaynta Qaybta Waxbarashada (ESA, 2021), Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Qaybta Waxbarashada (ESSP 2023–2027), iyo Warbixinta EMIS (2025), dumarku waxay ka yihiin qiyaastii 14% macallimiinta dugsiyada hoose iyo wax ka yar 5% kuwa dugsiyada sare. Kala duwanaanshahan joogtada ah wuxuu xaddidayaa helitaanka waxbarashada ee gabdhaha, wuxuuna kahor istaagaya helitaanka sinnaan iyo tayo nidaamka waxbarashada.

Sababaha Yaraanta Macallimiinta Dumarka

Yaraanta macallimiinta dumarka ee Soomaaliya waxaa sabab u ah arrimo dhowr ah kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. Caqabadaha Bulsho iyo Dhaqan

Caadooyinka iyo dhaqamada bulshada ayaa weli si weyn u xaddidaya ka qaybgalka dumarka ee waxbarashada sare iyo shaqooyinka rasmiga ah. Qoysas badan ayaa weli qaba in haweenku mudnaanta siiyaan masuuliyadaha qoyska iyo daryeelka carruurta, taas oo yareyneysa fursadahooda xirfadeed. Natiijadu waxay noqotaa in gabdho yar ay dhammaystaan dugsiga sare, taasoo yaraynaysa tirada haweenka u qalma tababarka macallinnimo. ESA (2021) waxay muujisay in kulliyadaha tababarka macallimiinta, sida Garowe Teacher Education College, ay raggu ku badanyihiin, taas oo sii xoojineysa farqiga jinsiga ee xirfadda macallinnimada.

  1. Xaaladaha shaqo ee adag iyo dhiirrigelin la’aan

Xaaladaha shaqo ee adag iyo dhiirrigelin la’aantu waxay caqabad ku yihiin dumarka doonaya inay noqdaan ama sii ahaadaan macallimiin. Kuwa loo diro miyiga iyo deegaannada fogfog waxay la kulmaan dhibaatooyin la xiriira amni la’aan, hoy la’aan, iyo gaadiid la’aan ama nolol adag. Intaa waxaa dheer, mushahar hoose iyo dib-u-dhacyada bixinta mushaharka ayaa ka dhigaya shaqada mid aan dhiirigelinayn. ESSP (2023–2027) waxay tilmaamaysaa in haddii aan la samayn dhiirrigelin qaabaysan—sida hoy, taageero daryeelka carruurta, iyo gunnooyin meelaha adag—ay adkaan doonto in la helo ama la sii hayo macallimiinta dumarka ah ee kashaqeeya meelaha fogfog oo ay adagtahay in la gaaro.

  1. Hoggaan dumar iyo tusaale wanaagsan (Role models) oo kooban

ESA (2021, bogagga 151–152) waxay si cad u muujisay in ay jirto hoggaan dumar oo aad u yar gudaha waxbarashada, iyadoo inta badan madaxda iyo ku-xigeennada dugsiyadu yihiin rag. Tani waxay yareysaa tusaale wanaagsan u noqoshada gabdhaha iyo awoodda lagu horumarinayo siyaasado shaqaalayn oo sinnaanta jinsiga ku dhisan. Sidoo kale, Dib-u-eegistii Isku-dhafka ahayd ee Qaybta Waxbarashada (JRES, 2018) waxay iftiimisay “ka qaybgalka macallinnimada dumarka oo yar iyo hoggaanka waxbarashada,” iyadoo ku baaqday in la xoojiyo sinnaanta jinsiga ee shaqaalaynta, dallacsiinta, iyo tababarka macalimiminta dumarka ah.

  1. Cunsuriyadda jinsiga ee shaqaalaynta iyo maamulka

Shaqaalaynta macallimiinta dugsiyada badankood waxaa gacanta ku haya maamulayaasha iyo Guddiyada Waxbarashada Bulshada (CEC). Sida lagu sheegay xogaha waxbarashad iyo ESA (2021), inta badan maamulayaasha Puntland waa rag. Tani waxay horseeddaa in la helo nidaam shaqaalayn oo ragga u badan, iyadoo dumarka aan la tixgelin ama la dooran. Maadaama aysan jirin habraacyo dowladeed oo waajib ka dhigaya shaqaalayn jinsi oo dheellitiran, arrintani waxay kordhisaa sinnaan la’aanta. ESSP (2023–27, bogga 77) waxay arrintan aqoonsatay, iyadoo ballanqaadday in la xoojiyo awoodda maamulka ee maamulayaasha lab iyo dhedigba, lana dhiirrigeliyo haweenka hogaanka dugsiyada.

Caqabadaha iyo saamaynta

Yaraanta macallimiinta dumarka ahi waxay dhalisaa caqabado waxbarasho iyo bulsho oo dhowr ah, waxaana kamid ah:

  1. Hoos-u-dhac waxbarashada gabdhaha

Arrintani si toos ah ayay u saameysaa helitaanka waxbarashada gabdhaha, gaar ahaan meelaha miyiga iyo xoolo-dhaqatada ah halkaas oo dhaqanka bulshada uu ka dhigayo waalidiinta kuwo ka labalabeynaya inay gabdhahooda u diraan dugsiyo aan lahayn macallimiin dumar ah. Xogta EMIS (2025) waxay muujineysaa in gobollada leh macallimiin dumar ah oo aad u yar ay yihiin kuwa leh heerka ugu hooseeya ee is-qorista gabdhaha iyo kan ugu sarreeya ee ka-tagista gabdhaha dugsiga.

  1. Tusaalayaal dumar oo yaryar iyo dhaqan ragga u janjeera

Marka gabdhuhu arki waayaan macallimiin dumar ah, waxay waayaan tusaalayaal ay ku daydaan oo dhiirrigelin kara. Tani waxay sii xoojisaa fikradaha dhaqanka ah ee sheegaya in waxbarashada iyo shaqooyinka xirfadeed ay raggu leeyihiin. Marka ay gabdhuhu arki waayaan macallimiin dumar ah, waxay inta badan waayaan dhiirrigelinta ay ku sii wadaan waxbarashadooda.

  1. Natiijooyin waxbarasho oo hooseeysa

ESA (2021) waxay muujisay in dugsiyada ay joogaan macallimiin dumar ah ay ardaydu, gaar ahaan gabdhuhu, gaaraan natiijooyin wanaagsan oo akhris iyo xisaab ah. Macallimiinta dumarka ahi waxay abuuraan jawi waxbarasho oo isdhexgal ah oo taageera dhammaan ardayda. Dhanka kale, la’aanta haweenka fasallada waxay daciifisaa baridda u nugul jinsiga iyo ka qaybgalka gabdhaha.

  1. Farqiga magaalo iyo miyi ee macallimiinta dumarka

Inta badan macallimiinta dumarka ahi waxay ku urursanyihiin magaalooyinka, halka miyiga iyo deegaannada reer guuraaga ah ay yihiin meelaha ugu yar marka la eego tirada haweenka wax bara. Tani waxay sii fogeyneysaa sinnaan la’aanta helitaanka iyo natiijooyinka waxbarasho ee gobollada kala duwan.

Gunaanad

Yaraanta macallimiinta dumarka ah ee Soomaaliya waxaa calaamad iyo sabab u ah sinnaan la’aanta jinsiga ee waxbarashada. Waxaa sababa dhaqamada bulshada ee soo jireenka ah, xaaladaha shaqo ee liita, iyo hoggaanka dugsiyada ee ragga u badan oo saameeya go’aannada shaqaalaynta. Inkastoo JRES (2018), ESA (2021), iyo ESSP (2023–27) ay si joogto ah u aqoonsadeen baahida loo qabo in la kordhiyo ka qaybgalka dumarka ee macallinnimada iyo hoggaanka waxbarashada, balse horumar muuqda wali lama gaarin.

Si loo yareeyo farqigan, Wasaaraddaha Waxbarashada iyo la-hawlgalayaashoodu waa inay hirgeliyaan siyaasado si cad u matala jinsiga, kuwaas oo ay ku jiraan: xaqiijinta habraacyo shaqaalayn oo caddaalad ah, ballaarinta fursadaha tababarka macallimiinta dumarka ah, iyo bixinta dhiirrigelin xirfadeed iyo dhaqaale gaar ahaan haweenka ka shaqeeya meelaha miyiga. Sidoo kale, waa in la xoojiyo hagidda iyo hogaaminta dumarka ee maamulka waxbarashada si loo hubiyo matalaad waarta.

Haddii caqabadahan si nidaamsan loo wajaho, Soomaaliya waxay gaari doontaa horumar muuqda oo dhinaca sinnaanta iyo tayada waxbarashada ah. Shaqaale macallin oo dheellitiran ayaa dardar gelin doontaa iyo gaarsiinta Ujeeddada Horumarka Waara ee SDG 4—taas oo ah xaqiijinta waxbarasho tayo leh oo loo simanyahay qof walba.

Qoraaga
Asmaa Cabdulqaadir Maxamed
Asmaa Cabdulqaadir Maxamedwaa khabiir dhanka waxbarashada oo leh waayo-aragnimo ballaaran oo ku saabsan horumarinta waxbarasho tayo leh oo loo simanyahay gudaha Soomaaliya. Waxay si dhow ula shaqaysay hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah, iyadoo diiradda saaraysa qorsheynta, siyaasad-dejinta, iyo xoojinta nidaamyada waxbarasho ee waara. Asma waxay si gaar ah u daneysaa in ilmow kasta helo fursad waxbarasho oo dhisaysa koboc iyo adkaysi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link