Xirmaynta Dooxooyinka: Istaraatijiyad Bulsho oo Lagula Tacaalo Abaaraha Soo Noqnoqda

Abaaraha soo noqnoqda iyo nabaad-guurka ku sii fidaya dhulka Soomaalida waxay noqdeen caqabad joogto ah oo halis geliya nolol-maalmeedka bulshada, gaar ahaan bulshada xoolo-dhaqatada ah. Isbeddelka cimilada, xaalufinta dhirta, iyo daaqa xad-dhaafka ah ayaa si wadajir ah u yareeyey tayada iyo joogteynta khayraadka dabiiciga ah. Xaaladdan oo kale, xalalka waara ma aha oo keliya kuwa ka yimaadda heer dowladeed, balse waxa ay inta badan ka bilaabmaan bulshooyinka deegaanka. Mid ka mid ah hababkaas wax-ku-oolka ah waa xirmaynta dooxooyinka–taas oo ah in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo daaqa iyo faragelinta si dabeecada deegaanku isu badasho.

Maxay Tahay Xirmaynta Dooxadu?

Xirmaynta dooxooyinka waa hannaan ay bulsho deegaan ahi ku go’aansato in muddo cayiman aan xoolo lagu sii dayn dooxada ama aan laga faa’iidaysan si toos ah, si dhirtu u soo baxdo, cawsku u adkaado, carraduna u degto, nidaamka deegaankana uu dib ugu soo laabto dheellitirku. Fikraddani ma aha mid cusub; waxay salka ku haysaa dhaqankii soojireenka ahaa ee “birimagaydo” oo tilmaamayay in la dhowro waxyaabaha nugul sida dhirta qaarkeed iyo xoolaha rimman ama irmaanka ah.

Marka loo eego aragtida cilmiga deegaanka, marka dhul si ku-meel-gaar ah loo nasiyo (resting the land), waxa hoos u dhaca cadaadiska daaqa, xididdada dhirtuna waxay helaan fursad ay ku xoogaystaan. Tani waxay yaraysaa nabaad-guurka, kordhisaa awoodda dhulku u leeyahay inuu biyaha roobka nuugo, isla markaana sare u qaaddaa kala-duwanaanta dhirta (biodiversity).

Sidee Ayay Xirmayntu Uga Qayb Qaadataa La-qabsiga Abaaraha?

Xirmaynta dooxooyinku waxay si toos ah uga qayb qaadataa dib-u-soo-celinta daaqa, maadaama marka dooxo la xiro xilli roobaad ka hor ama ka dib, cawska iyo geed-cawseedku si dabiici ah u soo kabtaan. Tani waxay yaraynaysaa khatarta in xooluhu ku baaba’aan daaq la’aan marka abaari dhacdo, maadaama dhulku yeesho awood uu ku soo saaro daaq ku filan xilliyada baahidu jirto.

Sidoo kale, xirmayntu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa yaraynta nabaad-guurka. Dhirta dib u soo baxda ayaa carrada ka ilaalisa in dabayluhu qaadaan ama daadadku xambaaraan, halka carrada caafimaadka qabta ay awood u yeelato inay biyo keydiso. Tani waxay kordhisaa adkaysiga dhulka, isla markaana sii yaraysaa saamaynta abaarta iyo khasaaraha ka dhasha.

Dhanka kale, dooxada la xiro waxay isu beddeshaa keyd istaraatiiji ah oo dabiici ah, kaas oo loo adeegsado marka baahi timaaddo. Halkii si joogto ah loo daaqi lahaa, waxaa la sugaa xilli gaar ah oo loo furayo si nidaamsan, taas oo ka dhigaysa khayraadka mid la maamulo halkii uu noqon lahaa mid si aan qorshe lahayn loo isticmaalo.

Xirmayntu ma aha oo keliya farsamo deegaan, balse waa hab dhisa mas’uuliyad bulsho. Maadaama ay ku dhisantahay go’aan wadajir ah, waxay kobcisaa wada-tashiga, isku-duubnida bulshada, iyo ku dhaqanka xeerarka heer bulsheed oo lagu ilaaliyo khayraadka guud.

Dooxada Qalwo: Tusaale ka Tarjumaya Xaaladda

Tusaale muujinaya waxtarka habkan waa Dooxada Qalwo ee gobolka Bari. Kadib xaaluf ba’an iyo daaq yaraansho ka dhashay abaaro isdaba joog ah, bulshada deegaanku waxay 2019-kii go’aansadeen inay dooxada xiraan. Go’aankaas wuxuu yimid wada-tashi iyo dood dheer kadib, waxaana la sameeyey xeerar u gaar ah oo lagu maamulayo fulinta qorshaha, sida ganaax lacageed oo lagu soo rogo cidda jebisa xeerarka.

Muddo kooban kadib, dooxadu waxay bilowday inay dib u soo kabato. Geedo iyo caws hore uga dabar-go’ay ayaa dib u soo noqday, carradiina waxay heshay xasillooni. 2023-dii mar kale ayaa xirmayn kooban la sameeyey si loo sii xoojiyo soo kabashadaas. Tani waxay muujinaysaa in marka xirmayntu noqoto mid nidaamsan oo la socota roobka iyo baahida, ay noqoto xal waara oo wax ku ool ah.

Inkasta oo dooxadani tahay hal tusaale, haddana waxay muujinaysaa mabda’ guud: marka bulshada degaanku hoggaanka u qabato ilaalinta khayraadkooda, natiijadu waxay noqotaa mid muuqata.

Doorka Sharciga iyo Maamulka

Si kastaba ha ahaatee, xirmaynta dooxooyinku ma aha inay ku ekaato dadaal bulsho oo gooni ah. Waxaa muhiim ah in ay waafaqsanaato shuruucda iyo siyaasadaha ilaalinta deegaanka ee dowlad-goboleedyada. Isku-xirnaanta u dhaxaysa xeerarka bulshada iyo kuwa dowliga ah ayaa kordhin karta waxtarka, isla markaana yarayn karta khilaafaadka.

Haddii dowladdu bixiso taageero farsamo, tababar, iyo mararka qaar dhaqaale, xirmayntu waxay isu beddeli kartaa istaraatijiyad qaran oo la tacaasha abaaraha. Qorshayaasha noocan ah waxay la jaanqaadi karaan siyaasadaha la-qabsiga isbeddelka cimilada (climate adaptation).

Caqabadaha Jira

Inkasta oo xirmaynta dooxooyinku leedahay faa’iidooyin badan, haddana ma aha hawl sahlan oo ka maran caqabado. Waxaa jira socoto iyo xoolo-dhaqato aan mararka qaar ka warqabin xeerarka u yaalla dooxada la xiray, taas oo keeni karta jebinta nidaamka. Sidoo kale, baahida degdegga ah ee daaq xilliyada abaarta ama roob yaraanta ayaa ku riixi karta qaar ka mid ah dadka inay ku xadgudbaan go’aannada la isla qaatay. Intaa waxaa dheer, maalgelin la’aanta iyo agab la’aanta ilaalinta joogtada ah ayaa wiiqi karta hirgelinta qorshaha. Si kastaba ha ahaatee, waayo-aragnimada bulshooyin kala duwan waxay muujinaysaa in marka wacyigelin joogto ah la sameeyo, isla markaana cadaalad iyo wada-tashi lagu maamulo, in caqabadahaas la maareyn karo, lana suurtagelin karo in xirmayntu noqoto mid guulaysata.

Gunaanad

Xirmaynta dooxooyinku waa xal ka soo burqanaya dhaqanka iyo waayo-aragnimada bulshada, balse sidoo kale la jaanqaadaya mabaadi’da casriga ah ee ilaalinta deegaanka. Waa hab isku daraya hiddaha, wada-tashiga, iyo maarayn nidaamsan. Marka si qorshaysan loo adeegsado, waxay noqon kartaa gaashaan lagula tacaalo abaaraha soo noqnoqda, isla markaana lagu soo nooleeyo dhul horey u xaalufay.

Tusaalaha Dooxada Qalwo wuxuu caddeyn u yahay in xalalka ugu waxtarka badan aysan mar walba ka iman meel fog; mararka qaar waxay ka bilaabmaan go’aan wadajir ah oo ay qaataan dad si qoto dheer ugu xiran dhulkooda. Xirmayntu ma aha oo keliya farsamo deegaan, balse waa hab dib u soo noolayn kara isku dheellitirka u dhexeeya bini’aadamka iyo deegaanka.

Qoraaga
Marag Magazine

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link