Waxbarashada iyo Tiknoolajiyada: Saamaynta “Garaadka Artifishalka Ah” (Artifical intelligence)”

Hordhac

Xilligan qallafsan ee ka dhashay colaadda daba-dheeraatay iyo dagaalka sokeeye ee naafeeyey dalkii, dadkii iyo diintiiba, wuxuu sababay in uu ka dhigo dadaalka loogu jiro dib-u-dhiska qaran fool aad u adag iyo rafad xanuun badan. Wadamada ka soo kabanaya colaadaha oo aynu hormuudka u nahay, kaabayaasha waxbarashada ayaa ah, inta badan, goobaha ugu horeeya ee la burburiyo ama la boobo. 35 sano oo lagu jiray burburka iyo barokaca, waxaa dumay dugsiyadii, waxaa barakacay macallimiintii iyo qoysaskii ardayda, waxaana gebi ahaanba baaba’ay agabkii wax lagu baranayey. Natiijada ka dhalatay burburkaas iyo barokacaas aad bay u kharaar tahay: waxqabadka tacliinta oo hooseeya ama aan jirin, tayada waxbarashada oo liidata ama aan la isku hallayn karin, iyo jiil dhan oo carruur iyo dhallinyaro ah oo mustaqbalkoodu lumay ama halis ugu jiro in uu lumo (bulshada 70% waxaa da’dooda ka yartahay 30 sano jirro).

Sida dabiiciga ah ama soo jireenka ah (The traditional way), jawaabta arimahaan looga falcelinayo waa in dib loo dhiso dugsiyada, macallimiinta dib loo tababaro, goobaha waxbarashada oo la qalabeeyo iyo agabka waxbarashada oo la diyaariyo lana qaybiyo. Falcelinta noocaan ahi waa lama huraan, waxaana hubaal ah in ay wax wayn ka qaban karto soo kabashada waxbarashada iyo dib u soo noolaynta nidaamkeeda.

Sidaas oo ay tahay, haddana falcelintan inta badan waxay u baahan yahay hanti iyo dhaqaale aad u baaxad way, agab aad u badan, hoggaan iyo dhaqan-siyaasadeed xooggan ayna ka go’an tahay dib-u-dhis iyo daacadnimo. Iyada oo aan ahmiyadeeda hoos loo dhigayn, waxaa cad ama iswaydiin mudan in faragelinta noocan ahi (traditional intervension) aysan si dhakhso leh uga jawaabi karin baahida degdegga ah ee loo qabo waxbarasho baahsan oo leh tayadii iyo tiradii loo baahnaa laguna hirgelin karo muddo aad u xaddidan iyo kharash ama dhaqaale kooban. Su’aashu waxay tahay: ma jirtaa waddo kale oo ka fudud, ka kharash yar, ka waxtarsan oo loo mari karo soo kabashada waxbarashada iyo kor u qaadida tayo iyo tiro labadaba?

Maqaalkan kooban, waxaa ku falanqayn doonaa waxbarashada iyo tiknoolajiyada iyo isbedelka ay keeni karto. Si gaar ah waxaan tooshka ugu qaban doonaa tiknoolajiyada “Garaadka Artifishalka ah (Aritificial Intelligence)”, saamaynta togan ama taban ee uu ku yeelan karo waxbarashada iyo dedejinta isbedelka loo baahan yahay. Waxaan faah-faahin iyo falanqayn ku filan ka bixin doonaa adeegsiga labada nooc ee Garaadka Artifishalka ah (Artificial Intelligence) oo kala ah: mid Wax Curinaya (Generative AI) iyo mid Wakiil ah (Agentic AI).

Xaaladda Waxbarashada

Inta aynaan ka hadlin xalka iyo doorka tiknoolajiyaa, waa in aan marka hore fahamnaa inta ay dhibaatada xaalada hadda jirtaa ee waxbarashada dalka guud ahaan ama tan deegaanka gaar ahaan qoto dheer tahay. Waxbarashada Soomaaliya iyo weliba tan deegaanka Puntland gaar ahaan, waxay la il daran tahay:

  • Burburka Kaabayaasha Waxbarashada:

Waxaa aad u yar ama u tabar daran dhammaan kaabayaasha waxbarashada noocyadeeda kala duwan. Helitaanka waxbarashada hoose (Primary education) aad bay u liidataa waxaana xoguhu tibaaxayaan in 3 dii ilmood oo xaq u lahaa in ay iskuul helaan marxalada dugsiyada hoose ay u suurtagasho in hal ka mid ah uu waxbarasho aado. Helitaanka dugsi sare iyadu waa ka sii xag jirtaa: 10 kii ilmoodba waxaa dugsi aada hal ilmood. Dugsiyada iyagu jira ee hadda wax lagu dhigto, in badan oo ka mid ah, ma ahan meelo/goobo ku habboon in ilmo wax ku bartaan marka laga eego dhanka badqabka iyo caafimaadka (health and safety). Agab waxbarasho oo ku filan ama leh tayadii loo baahnaa iyada waxkiisuba ma jiro.

  • Yaraanta Macallimiinta iyo Mooralkooda Hooseeya:

Waxaa jira macallimiin yaraan aad u baahsan. Sida xoguhu tibaaxayaan, macallimiinta tababaran ee la isku hallayn karo waxay ka yar yihiin 10 macallinba 4. Mooraal ahaan, macallimiinta waxay qabaan niyad jab wayn iyaga oo aan helin dhaqaale ku filan oo ay ku noolaan karaan ama reer ku dhaqan karaan. Ma helaan tababaro tayadooda aqooneed kor loogu qaadayo. Sidoo kale ma haystaan kalsooni buuxda oo ah in ay shaqo helayaan ama sii joogayaan.

  • Jiilka Waxbarashada ka Lumay:

Sida ay tilmaameen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, waxaa waxbarashada ka maqan tiro ilmo aad u badan. Inta xoguhu tibaaxeen waxay gaaraaysaa trida ilmaha waxbarashada ka maqan oo gaaray da’dii ay waxbaran lahaayeen in ka badan 3 milyan oo ilmood (goobaha la degan yahay oo keliya), Soomaaliya oo dhan. Tirakoobyada la cuskado waxay tibaaxayaan, in ilmaha da’doodu u dhexeyso 5 ilaa 7 sano lagu qiyaasi karo in ay ka yihiin bulshada 5 ilaa 6 milyan. Taas oo ka dhigan in 50%-60% tirada guud ee ilmaha gaaray waxbarashada aysan helin waxbarasho, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada la degan yahay (magaalooyinka iyo tuulooyinka). Haddii lagu daro reer guuraaga, tirada ilmaha aan helin waxqabarashada waxay gaari kartaa 5 – 8 milyan guud ahaan Soomaliya. Qiyaastii deegaanka Puntland, tirada bulshada ku nool waxay ka tahay tirada guud ee Soomaaliya ~ 20%, ilmahana waxaa waxbarashada ka maqan in u dhiganta boqolayda kore.

  • Tayada oo Liidata iyo Manhajka oo aan Shaqeyn:

Manhajyada waxbarasho hadda ka jira deegaanada kala duwan ee Soomaalia (Federearl vs. States) waa kuwo duugoobay, si siyaasadeysan loo farsameeyay ama maalgelinta oo yar darteen loo hololobiyey, iyagoo ku guuldaraystay inay wax la taaban karo ka bedelaan nolosha bulshada iyo hab-dhaqankooda, sida nabad-dhisidda, kor-u-qaadida qiyamka, iyo ka-qaybgalka adeegga bulsho. Xitaa haddii manhajku noqon lahaa mid lagu taagsan karo intii tabar ah, macallimiinta iyo maamulka aan tababarnayn, tayadooduna liidato waxay ka dhigan tahay in manhaj wanaagsan aan loo fulin karin sidii la rabay, isbedelna keeni karin.

  • Maamul iyo Xog La’aan:

Wasaaradaha waxbarashada inta badan waa taag daran yihiin, mana laha awood wax ku ool ah oo ay ku maamulaan hannaanka waxbarashada ama ku hagaan si wax ku ool ah ama horseedi karta isbedel lagu naaloodo. Waxaa liidata iska warhaynta iyo isku xirnaanta maamulada dugsiyada, jaamacadaha, koleejyada iyo wasaaradaha waxbarashada. Waxaa aad u hooseeya kormeerka iyo kantaroolka waxbarashada iyo goobaha wax lagu dhigayo ama sida wax loo dhigayo. Xog buuxda lagama hayo sida ilmuhu wax u bartaan, waxa ay bartaan iyo horumarka ay samayenayaa dhanka aqoonta, akhlaaqda iyo nolosha intaba.

Waxbarashada iyo Tiknolojiyaga

Sida ugu dhakhsaha badan, inoona suurta gelin karta in muddo kooban looga soo kaban karo burburka waxbarasho iyo mid bulsho ee baahsan sida ka muuqata xaaladda waxbarashada ee kor ku xusan, tallabada ugu habboon waa in la taagsado tiknoolajiyada casriga oo u koraysa si xawli ah. Adeegsiga tiknoolajiyada wuxuu isbedel lama filaan ah oo deg deg ah iyo saamayn wayn ku yeelanayaa dariiqada iyo qaabka ardadu wax u baranayso, sida macallimiintu wax u dhigayaan iyo sida loo maareeynayo ama maamulayo waxbarashada. Saamayntaan waxay si gaar ah u dedejinaysaa dib u dhiska hanaanka waxbarasho, waxayna noo suurtagelinaysaa in muddo kooban aan kula qabsan karno ama tartami karno dowladaha deriska ah iyo adduunka intiisa kale.

Tiknoloojiyadu waxay saamayn toos ah ku yeelanaysaa dhinacyada soo socda:

  • Tiknoolajiyadu waxay suurtagelinaysaa in laga guuro nidaamka waxbarasho ee ah in hal-saab lagu wada jiro (One size fits all), waxayna sahlaysaa in qofkasta wax u barto sida ku habboon awooddiisa ama ku sarg’an fahamkiisa, waqtiga uu wax ku baran karo oo ku jaan go’an baahidiisa qofeed iyo kobociisa gaarka ah (Personalised learning). Arinkani waxay kor u qaadaysaa la falgalka ardayga iyo ka falcelintiisa waxbarashada.
  • In cid kasta meel kasta ha heli karo waxbarashada ay danaynayso iyadoo la adeegsano degelo dijital ah (Digital platforms) iyo waxbarashada elektarooniga ah (e-learning), meeshana ka saaraysa kala qoqobnaana juqraafiyadeed iyo in waxbarasho loogu safro dhul durugsan. Arinkani waxay suurtagelinaysaa in helitaanka waxbarasho tayo leh aysan ku xadidnayn goob iyo magaalo keliya oo qofku isaga oo gurigiisa ama tuuladiisa jooga uu heli karo waxbarashadii uu u baahnaa.
  • Kor u qaadida xirfadaha macallinka iyo tan maamul iyadoo la adeegsanayo aalado dijitaal ah oo lagu gudbinayo, lagula soconayo, lagu kantaroolayo waxbarashada ardada, laguna helayo xogta dhabta ah ee ardayda. Arinkani waxay hoos u dhigaysa culayska maamul iyo maarayn ee waxbarashada, waxay u sahlaysaa macallimiinta in ay sameeyaan qiimayn aqoonta ardayga si fudud oo dhakhso badan (isla goortaas), iyo in ardayga si firfircoon loola falgalo marka wax la barayo.

Sidaas oo ay tahay, in si dhakhso ah loo adeegsado tiknoolajiyadu kama marna caqabado iyo in loo gogol xaaro. Caqabadaha ugu waawayn ee hortaagan ama hor istaagi kara in la hirgeliyo adeegsiga tiknoolajiyada ee waxbarashada waxaa ka mid ah:

  • In korontada, internet-ka iyo agabka dijitalku uusan wada gaarin dadka oo dhan.
  • In manaahijta waxbarashada iyo agabka waxbarasho ee hadda jira aysan si buuxda ula saanqaadayn tiknoolajiyada casriga una baahantahay in si buuxda maalgelin loogu sameeyo casriyayntooda ama tababaridooda.
  • In aysan weli jirin siyaasad waxbarasho iyo qorshe loogu gogol xaarayo in loo hayaamo jihada adeegsiga tiknoolajiyada, macallimiinta iyo maamulkana loo tababaro sidii ay uga mira dhalin lahaayeen adeegsigooda.

Doorka “AI” ee Waxbarashada: Tab iyo Xeelad Cusub

“AI” ma ahan hal nooc oo tiknoolajiyad oo keliya ee waa xirmo-kartiyeedyo (Complex set of capabilities) loo adeegsan karo in lagu xalliyo caqabadaha nolosha ee adag, gaar ahaana waxbarashada iyo kobcinta kartida aqooneed iyo mid xirfadeed ee qofka iyo hay’adaha kala duwan (mid guud iyo mid gaarba). Xagga waxbarashada, kor u qaadida tayada iyo kartida qofeed marka ay noqoto, “AI” waxaa loo kala saari karaa laba nooc oo guud: “AI”-da Wax-Curinta (Generative AI) iyo “AI”-da Wakiilka ama Caawiyaha ah (Agentic AI). In la kala fahmo labadaan nooc iyo saamaynta uu midkasta leeyahay waxay muhiim u tahay in la fahmo doorka ay ku yeelan karaan waxbarashada iyo tayaynta qofka.

“AI”-da Wax-Curinta (Generative AI)

“AI”-da Wax-Curinta (GenAI), oo ay tusaale u yihiin: ChatGPT, Gemini, Bard, Capilot iyo Claude, waxaa loo diyaariyay inay abuuraan ama curiyaan wax cusub sida qoraal, sawirro, koodh (Code), iwm., iyadoo lagu taagsanayo, waxna ku dhisaya xogo ballaaran oo ku kaydsan (Large database). Marka ay noqoto u adeegsiga waxbarashada, awoodda iyo doorka “AI”-ga noocaan ahi waxa ay ka muuqanaysaa sida ay u samayn karaan hal abuur ku dhisan hadba qofka waxa uu rabo, mustawihiisa aqooneed, iyo baahiyihiisa gaarka ah.

“AI” Wax-Curiyaha ah (GenAI), wuxuu ka dhigan yahay sida qof hal-abuure ah oo qoraya, samaynaya cilmi-baaris, hindisaya sawiro farshaxan, fiidiyowyo, xallinaya mas’alooyin xisaabeed ama qoraya koodh-ka baroogaraamada kumbuyuurada (Programme codes). Noocaan wuxuu keliya oo uu hawlgalaa marka aad adigu wax ka dalbatid sida in uu mowduuc wax ka qoro, buug soo koobo iwm., iyadoo la adeegsanayo carin ama jihayn (Prompts or Instructions), adiga oo u sheegaya waxa aad ka rabtid in uu qoro, sawiro iyo naqshadeeyo.

Waxtarka “GenAI”

  • Waxbarasho Qofaysan (Personalised Learning)

“GenAI” wuxuu kuu diyaarin karaa qorshayaal si casharro ah loo sameeyay, su’aalo layliyaal lagu tababaran karo, iyo sharraxaadyo ku habboon baahida gaarka ah ee ardayga, qaabka uu wax u baran karo, iyo xawaaraha uu wax ku baran karo. Ardayga dhib ku qaba fikrad ama fahamka mowduuc, “GenAI” wuxuu siin karaa sharraxaad fudud oo wata tusaalayaal la fahmi karo, halka ardayga waxbarashada ku fiican uu ka siin karo masalooyin iyo su’aalo aad u adag oo u baahan in uu xalliyo sida ku habboon qofkasta mustawihiisa.

  • Yaraynta Culayska Macallinka (Reducing Teacher Workload)

Deegaannada ay macallimiintu ku yar yihiin, shaqadu ku badan tahay, mushaharkuna ku yar yahay, “GenAI” waxay noqon kartaa caawiye qiimo badan, wax wayna wax ka bedela hanaanka waxbarashsada. Wuxuu awood u yeelan karaa hawlaha maamulka sida qorista qorshayaasha casharrada, abuurista su’aalaha, sixidda imtixaanaadka, soo koobidda maqaallada adag si loo waafajiyo heerarka akhriska ee kala duwan, iyo diyaarinta jawaabo iyo qorshayaal gaar ah ee ku saabsan shaqooyinka macallimiinta, taasoo u oggolaanaysa inay diiradda saaraan la-tacaalidda ardayda tooska ah iyo la-talintooda, halkii ay kaga mashquuli lahaayeen wax diyaarin.

  • Kor U Qaadka Helitaanka Waxbarasho (Enhanced Accessability)

Ardayda waxbarashada ka maqnaa sanado badan, “GenAI” wuxu u abuuri karaa agab waxbarasho oo deg deg ah (Learning material). Wuxuu kale oo u tarjumi karaa agabka waxbarashada ku qoran afafka uusan ardaygu aqoon, u soo koobi kara casharada dhaadheer ama buug dhan, cod ugu bedeli kara ardayga aan aragiisu fiicnayn. “GenAI” wuxuu ka dhigayaa waxbarashada mid la wada heli karo, loona siman yahay.

  • Horumarinta Xirfadaha (Professional Development)

Yaraanta ka jirta dadka wax tababari kara darteed, “GenAI” wuxuu u adeegi karaa sidii tababare horumarineed ama kobcinadeed ee xirfadaha macallimiinta iyo maamulka oo diyaar ah 24/7. Wuxuu macallimiinta iyo maamulka ka caawin karaa in ay helaan xeeladahii iyo istaraatiijayadii ay ku maarayn lahaayeen fasalada, casharada iyo guud ahaan arrimaha iskuulka.

Waxyeelooyinka “GenAI”

  • Saxnaanta iyo Qaldanaanta (Accuracy & Bias)

Moodalada kala duwan ee “GenAI” waxay kaliya oo ay ku kala fiican yihiin ama waxtar badan yihiin xogta lagu tababaray iyo baaxadeeda. Waxay mararka qaar mala-awaali karaan macluumaad khaldan ama sii wadi karaan fikradaha qalloocan ee ku jira xogta ku kaydsan. Waxay sidoo kale abuuri karaan ilo xogeed aan jirin (Citation hallucination). Arintani waxay noqon kartaa mid aad u khatar ugu ah bulshada ka soo kabanaysa colaadaha ama aysan si mug leh u qornayn taariikhahooda, dhaqankooda, ilo-xogadyahooduna sugnayn. Way adkaan kartaa in la ogaado ama lagu baraarugo haddii “GenAI” uu soo bandhigayo qallooca taariikheed, xogeed ama siyaasadeed ee ay banka-abuuraan.

  • Hufnaanta Tacliinta iyo Ku Tiirsanaanta Xad-dhaafka Ah (Integrity & Over-reliance)

Welwel weyn wuxuu ka jiraa in ardaydu ay u isticmaali karaan “GenAI” si ay u dhammaystiraan laylisyadooda, ama shaqo guriyeedkooda iyagoon si dhab ah u fahmin, taasoo curyaamin karta horumarka fikirka, xallinta mashaakilka, iyo kartida ardayga ee akadeemigga ah.

  • Dadka oo aan wada heli karin (Digital Divide)

Inkasta oo “GenAI” uu yahay aalad awood badan, muhiimna u ah in ay nolosha guud ahaan iyo waxbarashada gaar ahaan wax wayn ka bedeli karto, haddana in la adeegsado waxay u baahantahay helitaanka internetka iyo agab ku habboon sida moobayl casri ama kombuyuutar casri ah. Wadamada ka soo kabanaya colaadaha oo leh koronto iyo isku-xirnaan aan la isku hallayn karin, tani waxay sii ballaarin kartaa kala-qaybsanaanta dijital ah ee jirta. Waxaa dib u dhac ku imaanayaa bulshada danyarta halka bulshada dabaqadaha kore ay uga sahlantahay in ay la jaanqaadaan. Arinkaani waxa uu abuurayaa kala qaybsanaan dabaqado bulsho oo kala horumarsan, dhaqaale badan, helayana adeegyo nololeed oo kala tayo badan.

  • Caadifad la’aan (Lack of Human Connection)

Inkasta oo “GenAI” uu gudan karo doorka macallinka ee wax-baridda, haddana ma beddeli karo dareenka naxariista, shucuurta, iyo xiriirka bini’aadamka ee muhiimka u ah wax-baridda wax ku oolka ah (Effective teaching), gaar ahaan ardayda leh baahiya gaar ah ama dhaawacyo maskaxeed ka soo gaareen in uu goobjoog u ahaa dilal iyo tacadiyo kale ee isaga ama ehelkiis loo gaystay (Traumatised).

AI-da Wakiilka ah (Agentic AI)

“AI Agents” ama Wakiilada “AI”, waa nooc ugu casrisan guud ahaan “AI”-yada. Si ka duwan sida uu shaqeeyo uu “GenAI” u shaqeeyo, “AI”-ga Wakiilka ah waxaa loo baroogaraameeyey ama loo diyaariyay inay si madax-bannaan u shaqeeyaan (Autonomous), go’aan u gaaraan, isla markaasna xaqiijin karaan hadaf gaar ah muddo cayiman, inta badanna iyagoo la falgalaya hannaannada kale ee jira. Waxbarashada marka ay noqoto iyo doorka ay ku leeyihiin, Wakiilladan “AI”-ga ah, waxaa loo qaadan karaa macallimiin karti badan, hawlkar ah ama kaaliyayaal maamul oo shaqooyin uu macallinku qaban lahaa u sahlaya ama u qabanaya.

Waxtarka “Agentic AI”

  • Macallinnimo Ku Sargo’an Qofka (Personalised Tutoring)

AI-da Wakiilada ah (AI Agents) waxay ka guda ballaarantahay in ay samayso wax-curin (content creation). Waxay la socon karaan horumarka ardayga hadba markaas xaalada uu ku jiro (Real time progress), waxay aqoonsan karaan ama kashfi karaan heerka aqoonta ardayga, waxayna si ka hordeg ah u soo jeedin karaan faragelinta ku habboon heerka iyo mustawaha aqoonta iyo kartida ardayga. Waxay ardayga u diyaarin karaan muuqaal gaaban (Short videos) ama su’aalo uu ku tababaran karo (Practical problems or quizzes), korna ugu qaadi kara aqoontiisa. Waxay u shaqeeyaan sidii caawiye tacliineed oo “had iyo jeer diyaar u ah” (24/7).

  • Qiimeyn Otomaatig ah (Automated Assessment)

AI-da Wakiilada ah (AI Agents) ma ahan oo kaliya in ay dhibco siiso su’aalaha marka ay saxayaan layliga ardayga. Waxay sidoo kale falanqeyn karaan khaladaadka iyo goldaloolooyinka ardayga iyo meelaha uu gefay si ay u lafoguraan sababka aasaasiga ah ee faham-darada ardayga ama ku kallifay in uu wax khalday. Falanqayntaas kadib, waxay ardayga u diyaarin karaan hab-waxbarasho iyo wax-baris ku sargo’an baahida shaqsi ah ee ardayga. Qof caadiga ah ama macallinka aad bay u adag tahay in ay muddo kooban ay arday-arday sidaa ugu lafaguraan mustawihiisa una diyaariyaan maaddo wax-barasho oo ku jaango’an baahida arday kasta, gaar ahaan marka tirada ardadu aad u badan tahay.

  • Falanqaynta Xogaha iyo Nidaamka (System-Level Insights)

AI-da Wakiilada ah (AI Agents) waxay u noqon karaan dadka iyagu dejiya siyaasada waxbarashada ama maamulayaasha goobaha waxbarashada ah aalado wax wayn ka beddela shaqadooda joodtada ah (maalinlaha ah), una qabta hawla badan oo ay adkaan lahayd in la qabto ama lagu fuliyo muddo gaaban. Waxay u adeegsan karaan in uu u falanqeeyo xogga baaxadda leh ee laga uruurinayo imaatinka ardayda iyo qiimaynta kartida aqooneed ee ardayga iyo mustawihiisa una diyaariyaan warbixino wax-ku-ool ah oo ku saabsan xaaladda hannaanka waxbarashada iyo heerka wax-qabad ee ay joogto. Fallanqaynta xogaha iyo il-u-bixintooda ee ay qabtaan AI-ga Wakiiladaa (AI Agents), waxay ka caawinaysaa siyaasad-dejiyaasha in ay ogaadaan, goobaha iyo gobolada ardadoodu hoosayso, u baahan in la horumariyo, la xoojiyo tayada waxbarashada, goobaha uu agabka waxbarashada gabaabiska ku yahay ama u baahan faragelin toos ah oo togan.

  • Awood-siinta Macallimiinta (Empowering Educators)

AI-da Wakiilka ah waxaa loo adeegsan karaa sidii kalkaaliye macallin oo kale. Wuxuu macallinka u diyaarin karaa jaantusyo (dashboard) ku saabsan kartida, mustawaha, firfiircoonida ardayda iyo waxqabadkiisa. Wuxuu si gooni ah u calaamadin karaa ardayda ay timid hoos u dhaca ama lumiyay xiisihii iyo rabitaankii in ay waxbartaan, taasoo u oggolaanaysa macallinka inuu sameeyo faragelin ku habboon.

Waxyeelooyinka Agentic AI

  • Qaalinimo iyo Khibrad Farsamo (High Initial Cost & Compexity)

In la hirgeliyo “AI”-da Wakiilada ah (AI Agents) ee casriga ah waxay u baahantahay maalgashi dhaqaale iyo khibrad farsamo oo inta badan ay adag tahay in laga helo dad badan oo yaqaan ama u tababaran waddanka gudihiisa. Nidaamka uu ku shaqeeyo “AI” Wakiilada ah aad buu uga guda ballaaran yahay, ugana farsama culus yahay nidaamka “AI” ee Wax-Curinta.

  • Welwel Dhanka Anshaxa iyo Xogaha (Ethical & Privacy Concerns)

“AI”-da Wakiilada ah waxay ururiyaan xog aad u ballaaran oo ardayda ku saabsan iyo cid kasta oo isticmaalaysa. Waxaa jira su’aalo akhlaaqeen aad la isu waydiinayo oo ku saabsan ilaalinta xogta, amniga xogta, iyo khalal algorismiga ah oo ku imaan kara, bixina kara warbixino aan sugnayn. Barnaamij isagu iskiis go’aan uga gaaraya hanaanka waxbarasho ee ardayga ama hagaya dariiqii uu mari lahaa, haddii looga cabsi qabo in khalal ku imaan karo wuxuu leeyahay khatarkiisa, wuxuuna abuuri karaa welwel iyo kalsooni darro mustaqbalka sida ay doonto ha u yaraatee.

  • Daah-furnaan La’aan (Lack of Transparency)

Habka go’aan-qaadashada ee “AI”-da Wakiilada ah wuxuu noqon karaa “sanduuq madow” (Black Box), taasoo adkeyneysa in la fahmo sida uu u g’aan qaato ama sababka uu ku saleeyo sida uu u sameeyay talo bixin gaar ah. Daah-furnaan la’aantaani waxay abuuri kartaa in aan kalsooni buuxa lagu qabin qorshayaasha ku sargo’an mustawaha ama heerka aqooneed ee arday u baahan in la caawiyo.

Gunaanad iyo Talo soojeedin

Caqabadaha horyaalla waxbarashada wadamada ka soo kabanaya colaadaha waa kuwo aad u baaxad wayn, waxayse noqon karaan fursad hal-abuurnimo. “AI”, noocyadeeda kala duwan, waxay bixinaysaa tub gaar ah oo dib-u-dhis deg deg, kharash yar loogu xoojin karo hannaanada waxbarashada. Waxay arintani badbaadin kartaa mustaqbalka malaayiin carruur iyo dhallinyaro ah oo laga xayuubiyay xuquuqdooda waxbarasho ama aan heli karin waxbarasho tayaysan. Si kastaba ha noqotee, adeegsiga “AI” ma ah khatar la’aan. In la adeegsado “AI” waa in ay garab socotaa ku baraarugsanaanta khataraha ka dhalan kara ama waxyeelooyinka uu keeni karo, gaar ahaan kuwa la xiriira ilaalinta xogaha iyo akhlaaqda.

Haddii aan soo gunaanadno, adeegsiga tiknoolajiyada wuxuu si deg deg ah u kobcin karaa waxbarashada iyo kor u qaadida mustawaha ardada ee aqooneed. Gaar ahaan, Garaadka Artifishalka ah labadiisa nooc ee “GenAI” iyo “AI Agents” oo qabta shaqooyin isku tiirsan laakiin kala duwan. Waxay in badan fududayn karaan shaqo maalmeedka macallinka, siyaad dejiyaasha iyo maamulayaasha goobaha waxbarashada heerarkeeda kala duwan.

Talo Soojeedin

  1. Mudnaanta Siinta Nidaamka Isku-dhafan (Ecosystem)

Siyaasad-dejiyaashu waa in aysan soo iibsan nidaam tiknoolajiyad waxbarashao sida “AI diyaarsan keliya (Off-the-shelf) laakiin ay dhisaan nidaam isku-dhafan oo dhammaystiran. Nidaam ka kooban dhamaan barnaamijyadii loo baahnaa, mid arday, mid macallin, mid maamul, mid xog falanqayn, iyo u jid bixiya haggida siyaasadda waxbarashada intaba. Nidaam ka kooban labada nooc ee “AI” iyo tikinooloji kasta oo kale oo lagu kabi karo, lana jaanqaadi karta.

  • Ku Habboon Dhaqan-ka iyo Diinta (Relevance)

Moodalada “AI” ee la isticmaalo waa in lagu tababaraa mabaadi’da iyo anshaxa dhaqan wanaanga iyo akhalaqiyaadka Islaamka si loo hubiyo inay yihiin kuwo dhaqan ahaan xasaasi ah, luqad ahaan ku habboon, iyo kuwo la xiriira danaha iyo duruufaha gaarka ah ee bulshada.

  • Maalgelinta Qofka iyo Horumarintiisa (Human Capacity)

Arrinta ugu muhiimsan ma ahan adeegsiga “AI” lafteeda ama tiknoolajiyooyinka kale waxbarashada, laakiin waa horumarinta bini’aadamka iyo tayaynta qofka adeegsanaya. Maalgashiga ugu weyn waa in la geliyaa sidii loo tababari lahaa macallimiinta, maamulayaasha, iyo sameeyeyaasha siyaasadda gaar ahaan sidii looga faa’iidaysan lahaa isticmaalka “AI” si wax ku ool ah iyo anshax leh. Adeegsiga tiknoolajiyada ma ahan in la bedelayo macallimiinta ama la dhigayo shaqo la’aan. Waa in la horumariyo, kartidoodana kor loo qaado.

  • Sameynta Saabab Anshax iyo Siyaasad Waxbarasho (Ethical & Policy Frameworks)

Inta aan si buuxda loo hirgelin tiknoolajiyada waxbarashada, gaar ahaan “AI”-ga, waa in la hubiyo in ay jiraan ama la dejiyo saabab iyo siyaasado lagu hagayo isticmaalka tiknoolajiyadaas si kor loogu qaado waxtarkeeda, loogana fogaado waxyeeladeeda. Saababkaan waa in la geliyaa wada tashi ballaaran oo ay u dhanyihiin dhamaan daneeyayaasha ku lugta leh.

  • Hubin iyo Tijaabin (Piloting)

Halkii si buuxda loo hirgelin lahaa, waa in faragelinta lagu soo kordhinayo adeegsiga tiknoolajiya, gaar ahaan “AI” lagu tijaabiyaa (Piloting) dugsiyo, gobolo iyo goobo waxbarasho gaar ah si loo hubiyo wax ku oolnimadooda iyo isbedelka ay keeni karaan. Mudada tijaabada waa in si gaar ah loogu dhug lahaado arrimaha farsamada iyo anshaxa. Haddii lagu guulaysto mashruuca tijaabinta ayaa markaas ka dib si tartiib tartiib ah loo ballaarin karaa si waara oo gaarta dhammaan goobaha iyo deegaamada waxbarashada oo dhan.

Qoraaga
Dr. Maxamuud A. Maxamuud
Dr. Maxamuud A. Maxamuudwuxuu haystaa Ph.D. Jaamacadda Leicester ee UK, MBA Jaamacadda De Montfort, iyo Shahaadada Executive MBA ee Masterminds Business School, UK. Waa Chartered Manager ka diiwaangashan CML, UK. Wuxuu hore u ahaa bare iyo cilmi-baare ka shaqeeya UK iyo Bariga Dhexe, isagoo leh in ka badan 15 sano oo waayo-aragnimo tacliimeed ah qorayna 30 in ka badan oo maqaal cilmi-baariseed. Hadda, waa lataliye ku takhasusay istaraatiijiyadda ganacsiga, maamulka, iyo hoggaaminta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link