Waxaa socda dhismaha dowlad-goboleedka Waqooyi-Bari oo si rasmi ah loogu dhawaaqay 30-kii Luulyo (July) 2025, taas oo noqonaysa dowlad-goboleedkii lixaad ee ka dhalata Soomaaliya. Arrintaasi waxa ay si weyn raad ugu yeelanaysa qaabaynta bidhaan juquraafi-siyaasaddeedka Soomaaliya (geopolitical landscape of Somalia), gaar ahaan Somaliland iyo Puntland. Arrintaas waxaa ka dhalan karta fursado cusub iyo caqabdo, kuwaas oo raad ku yeelanaya gedgadoonka siyaasadda (political dynamics) iyo hardenka awooddaha (political struggle). Gedgadoonka juquraafi-siyaasadeedka Soomaaliya waxa uu ku xirnaandoonaa hogaamiyaasha siyaasadda, kuwaas oo looga baaahan yahay isku dheeli-tirka caqabadaha gudaha ka jira, danta bulshada iyo awoodaha ka baxsan Soomaaliya. Qormadan waxa ay si kooban u falan-qaynaysaa sida isbedellada socda ay wax uga bedeli karaan juquraafi-siyaasadeedka, gedgadoonka siyaasadda iyo hardanka awooddaha ee Soomaaliya.
Juquraafi-Siyaasaddeedka
Si kooban, juquraafi-siyaasaddeedku waa aragtiyo sharxaya xiriirka ka dhexeeysa juquraafi dhuleedka iyo awoodda siyaasadda iyo raadka uu juquraafigu ku leeyahay siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah. Furaha juquraafi-siyaasaddeedku waa awoodda siyaasadeed iyo saamaynta dowladda oo ka imanaysa bulshada, dhaqaalaha, khayraadka, iyo tiknoolajiyada. Gedgadoonka siyaasaddu waxa uu ka dhashaa isbedelka ka dhex jira nidaamka siyaasadda iyo fikirka (ideology) fulinta siyaasadda. Tusaale ahaan, markii uu socday dagaalkii Laascaanood, Khaatumo iyo Puntland waxa ay ka mideysnaayeen xoreynta goboladda SSC iyo iska caabinta Somaliland, halka ay Dowladda Federalkuna mawqifkeedu ku koobnaa in ay ku baaqdo xabad joojin aan dheg jalaq loo siin. Khaatumo iyo Soomaliland waxa uu mid kasta, ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dagaalka qayb ka tahay. Dhinaca kale, maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u taageeraysa dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari, halka Somaliland iyo Puntland ay qawadeen dhismaha dowlad goboleedka cusub. Arrinmahaasi, waxa ay muujinayaan sida uu juquraafi-siyaasaddeedku raad ugu leeyahay gedgadoonka awoodda iyo hardenka siyaasadda. Iyada oo gedgadoonka juquraafi-siyaaddeedka ee Geeska Afrika uu ahaa mid aan deganayn, haddana midka ka dhacaya Soomaaliya, waa kii ugu badnaa ee ka dhaca Geeska Afrika, taas oo ay sabab u tahay faragelinta dowladaha shisheeye iyo degnaan la’aanta ka jirta Soomaaliya.
Xagee ka Bilowday Isbdelka Siyaasadda ee Dowladda Waqooyi Bari?
In kasta oo wax qaybsiga kuraasta siyaasadeed aysan marna ka qatanayn dadka ka soo jeeda deegaanada SSC ee wax ka dhistay Puntland, haddana maamulka Puntland si buuxda ugama hawlgelin deegaanada Khaatumo. Ku dhowaad 20-kii sanno ee ugu dambeeyey, maamulka Somaliland ayaa si buuxda gacanta ugu hayey magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku teedsan wadada laamiga ah ee isku xirta Burco iyo Garoowe. Taasi, waxa ay keentay in siyaasiyiinta doonaysa xilka madaxweynaha ee Puntland ay ku ololeeyaan xoreynta gobolka Sool, si ay u helaan aqlabiyada 17-ka xubnood ee baarlamaanka ee SSC laga soo doorto. Oraahda caan baxday ee uu ku ololeeyay madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa ahayd: “ Laascaanood Faataxo laguma qabsan”, taas oo uu la jeeday in Laascaanood dagaal lagu qabsaday oo ay u baahan tahay in dagaal lagu xoreeyo.
Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa mid kasta khariidada bidhaan dhuleedkiisa ugu jirtaa gobollada SSC, iyadoo xubnaha sare ee labada maamul ay ka dhex muuqdaan dad ka soo jeeda gobolada Khaatumo/Maakhir, sida guddoomiyaha baarlamaanka ee Somaliland oo uu inta badan xilkaas soo qabtay qof ka soo jeeda gobollada Khaatumo iyo madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo uu markasta qabanayey qof ka soo jeeda gobollada Khaatumo/Maakhir, sida ay u kala horreeyaan. Arrimahaasi waa kuwo ilaa iyo hadda ka muuqda qaab-dhismeedka maamullada Puntland iyo Somaliland, in kasta oo ay haatan aad u yaraatay awoodda siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Khaatumo ee ku jira maamullada Somaliland iyo Puntland, taas oo ay sabab u tahay hano qaadkii maamulka Khaatumo iyo isbedelka juquraafi-siyaasaddeedka ka dhacay deegaanada Khaatumo sannadkii 2023-kii, kuwaas oo si aan qarsoonayn u muujiyey himilada iyo hanka dadweynaha SSC. Taas oo u rumowday markii 30 Luulyo (July) 2025, si rasmi ah loogu dhawaaqday dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi bari.
Hardenka siyaasadda ee ka jiray gobolada SSC waxaa ka dhashay gedgadoonka siyaasadda iyo hardenka awoodda, kuwaas oo ay ugu weyn yihiin:(i)curashadii dhaqdhaqaaqii SSC, ka dibna noqday Khaatumo, (ii) erey-bixinta dhul lagu maransan yahay (disputed area), (iii) siyaasiyiin labo-gar daaq ah oo fursadda siyaasaddu ay hogaamiso (political opportunist), (iv) degenaansho la’aanta siyaasadda iyo xasillooni darro muddo dheer ka jirtay gobolka, taas oo ay keentay in marar badan ay gobolka ka dhacaan dagaallo kharaar.
Arrinta ku saabsan maamulka Khaatumo waxa ay ahayd mid soo jiitamaysay mudo dheer, hase yeeshee waxa ay si toos ah u soo if baxady booqashadii Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ee magaalada Laascaanood ee 14-kii bishii April 2025, oo ay ka dhalatay in la siidaayo 25 maxbuus oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland ee lagu soo qabtay dagaalkii Laascaanood iyo ku dhawaaqistii aqoonsiga Khaatumo. Dhacdadaasi waxay keentay in Somaliland iyo Puntland ay si toos ah isku dhaafsadaan maxaabiis lagu kala qabsaday dagaalkii Laascaanood. Dhanka kale, waxa bilowday dagaal saxaafadeed u dhexeeya Khaatumo iyo Puntland iyo doodo siyaasadeed oo taageero u muujinaya Somaliland, kuwaas oo qaarkood ay baarlamaanka Puntland su’aalo ka fureen.
Dhinaca kale, gobolka Sanaag waxa uu ahaa mid xagga siyaasadda aad u degan, ma jirin iska horimaadyo hubaysan oo ka dhacay gobolkaas. Dhammaan degmooyinka gobolada Sanaag iyo Haylaan waxaa ka dhacay doorashooyinkii golaha deegaanka ee Puntland. Siyaasadda Somaliland ee gobolladaas waxa ay ku koobneyd dad ka soo jeeda goboladaas oo mansab siyaasaddeed ka hela Somaliland, iyo mashaariic aan badnayn oo laga fuliyo gobolladaas. Taas waxaa dheer in dugsiyo tiro yar ay galaan imtixaanka ay qaaddo Somaliland. Goballada Sanaag iyo Haylaan, waxa ay kaga duwan yihiin Khaatumo waa isimadda dhaqanka oo aan isku aragti ka ahayn maamulka Waqooyi Bari, iyo juqaafi ahaan dhulka ay degaan reer Maakhir oo ka tirsan gobalka Bari.
Magaca Maakhir waxa uu ahaa mid ay hadalhayntiisu muddo soo jirtay, laakiin ma jirin dhaqdhaqaaq hubeysan, maadaama uusan jirin maamul xoog ku haysta deegaanada Maakhir oo qori looga horyimaado, marka laga reebo magaalada Ceeri-gaabo oo si nabad ah lagu wada degenaan, laakiin ay Somaliland maamulaysay. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer Maakhir oo saluugay wax qaybisga maamulka Puntland oo kaashanaya Dowladda Federaalka ayaa calan u taagay magaca Maakhir. Intaas ka hor waxaa jiray doodo ka socday gobolka Sanaag oo ku saabsanaa horumarinta iyo himilada gobollada Sanaag iyo Haylaan, kuwaas oo inta badan uu garwadeen u ahaa mac-hadka Hadaf. Isla jaanqaadka Khaatumo iyo Maakhir waxaa fududeeyey madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye oo ka dhex arkay fursad dib-u-doorasho in wax lala dhisto Maakhir. Taas waxaa sii xoojiyey, dhammaan siyaasiyiinta laga doortay Puntland sannadkii 2022, oo aan xiriir wanaasgsan la lahayn maamulka Puntland.
Raad Siyaasaddeedka Dowladda Goboleedka Waqooyi Bari
Waxaa la odorosayaa in dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi-Bari uu keenayo isbedel siyaasaddeed, mid dhaqaale iyo mid nabadgelyo oo raad ku yeesha siyaasadda gudaha ee Soomaaliya iyo siyaasadda dibadda, gaar ahaan dalalka danaha ka leh Soomaaliya.
Puntland
Puntland waxa ay ku guulaysatay kasbashada maamulkii SSC xilligii lagu jiray dagaalka gobolka Sool, oo ay taageero naf iyo maal ah ka gaysatay, hase yeeshee waxa ay ku guul dareysatay dhinicii siyaasadda markii uu maamulka SSC u gudbay dhisidda maamulka Khaatumo, sida uu qiray madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dhowaan hadal ka jeediyey tuulada Hadhwanaag ee Gobolka Sool iyo sida ay qireen siyaasiyiin badan oo reer Puntland ah. Waxa jira tusaale loo soo qaato hogaaminta ku salaysan xaaladda (Situational Leadership), sida in ra’iisulwasaarihii dowladda Ingiriiska ee xilligii dagaalkii labaad ee aduunka uu ku guulaystay hogaaminta dagaalka, hase yeeshee waxa uu ku guuldaraystay hogaaminta dalka dagaalkii ka dib, isaga oo wax ka qaban waayey dhaqaale xumo baahsan oo jirtay xilligaas. Arrintaasi waa mid hadda ku dhacday Puntland.
Khaatumo waxa ay magacowday guddi ka shaqeeya wada hadal dhexmara maamulka Khaatumo iyo Punltand, sidoo kale waxa uu maamulka Khaatumo ku marti-qaaday maamulka Puntland xafladii Gooja-cade, hase yeeshee lagama faa’iidaysan fursadahaas oo dhan. Qoraal ay dhowaan soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland oo ku saabsanaa in ay SSC ay weli qayb ka tahay Puntland, inta si sharci ah loo kala baxayo ayaa cirka ku laashay aragtida ay qabeen siyaasiyiin iyo waxgarada badan oo ee ku aadanayd arrinta Maakhir. Dhinaca kale, siyaasiyiinta ka soo jeedada gobolada Maakhir iyo SSC ee ku jira maamulka dowladda Puntland ayaa ka hor yimid ku dhawaaqistii maamul goboleedka Waqooyi Bari. Dhinaca kale, dad badan oo reer Puntland ah ayaa soo dhoweeyey dhismaha maamulka Waqooyi Bari, kuwaas oo uu ugu horeeyo Cumar Cabdirashiid Cali, Cabdiweli Cali Gaas iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland.
Dhacdadii ka dhacday degmada Dhahar waxa ay ahayd ayaandaro siyaasadeed, taasoo ka dhalatay is maandhaafka siyaasadeed. Magaalooyinka Badhan iyo Ceel-buh ayaa ka baaqsaday colaad ay labo ciidan isku hardiyaan. Dowladda Puntland ayaa u dirtay gobollada Sanaag iyo Haylaan wasiiro iyo madax kale si ay wax uga bedesho guuxa gobollada Sanaag iyo Haylaan. Meesha ugu badan ee khilaafka siyaasaddu uu raadka ku yeelanayo ayaa noqonaysa gobollada Sanaag iyo Haylaan, marka magacyada dad ka soo jeeda gobolladaas ay ka muuqdaan saddex maamul ee Waqooyi-Bari, Puntland iyo Somaliland. Sidoo kale, waxa jira warar sheegaya ciidamo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka qortay gobolka Sanaag/Haylaan, kuwaas oo noqon kara awood ka qayb-qaadata hardenka siyaasadda.
Dhinaca kale, waxa jiri kara fursado badan oo ay ka wada faa’iideysan karaan Puntland iyo Waqooyi-Bari, sida dhaqaalaha, nabad-gelyada, isku xirnaanta bulshada iyo caasimadaha uu ifkoodu isku baxayo. Waa arrin aan dahsoonay in xirnaanta wadada isku xirta Laascaanood iyo Burco ay ka qayb qaadatay koboca dhaqaale ee Puntland. Waxaase jira warar sheegaya in Puntland doonayso in la furo wadada isku xirta Laascaanood iyo Burco, taas oo aan la garan danta dhaqaale ee ugu jirta Puntland. Isimada oo inta badan xalliya khilaafka siyaasadeed iyo bulsho ee ka jira deegaanada Puntland iyo Waqooyi Bari, sida isimadii SSC oo qayb-lixaad ka qaatay xallinta khilaafkii doorashada ee Puntland iyo isimada Puntland oo ka qayb ka qaatay xallinta khilaaf beeleedyo ka jirtay Dharkeyn-geeye, Taleex iyo nabadeyntii dhacdadii dooxada Dureera ee gobolka Sanaag ayaa ah arrimo muujinaya isku xirnaanta bulsho, taas oo xoojin karta wada shaqaynta labada maamul. Fursadaha jira ayaa ka xoog badan caqabada dhici kara, haddii maamulka Puntland iyo Waqooyi-Bari u guntadaan abuurista deganaan siyaasadeed oo xasillooni keeni karta.
Somaliland
Somaliland waxa ay lumisay gobol muhiim u ahaa doodeeda siyaasadeed ee ay ku doonayso in ay ka go’do Soomaaliya. Dhinaca kale, arrintaas waxa ay hakisay wada hadalkii siyaasaddeed ee Soomaaliya iyo Somaliland oo ay garwadeenka ka ahaayeen dalal shisheeye. In kasta oo aysan wada-hadalladaasi aysan weli ka dhalan natiijo la taaban karo, haddana waxa ay ahaayeen wado ay labada dhinac ku wada hadli karaan. Arrin taasi ka duwan waa dagaal saxaafadeedka abuurmay ee Somaliland ku qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dagaaladii ka dhacay gobolka Sool, ayaa weli raad taban ku leh nabad-gelyada Somaliland, taas oo keentay in ay abuurmaan maleeshiyo beelood oo aan horey uga jiran Somaliland, iyo colaado si fudud u dhici kara. Jabkii ku dhacay ciidamada Somaliland ayaa noqday nabar aysan ka soo kaban karin Somaliland, gaar ahaan maxaabiista tirada badan ee ay qabteen ciidamada SSC, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland.
Dhinaca dhaqaalaha, dagaalkii laascaanood waxa uu Somaliland ku keenay hoos u dhac dhaqaale oo baaxad weyn leh, taas oo uu sabab u ahaa dhaqaalihii ku baxayey dagaalka iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee Somaliland la lahayd Sool, Puntland iyo gobolada kale ee Soomaaliya oo gebi ahaanba xirmay. Sida uu sheegay, wasiirkii hore ee Maaliyada ee Somaliland Sacad Cali Shire, xilligii uu socday dagaalka gobolka Sool, Somaliland waxa ay sannad soo hormarsatay saamigii ay ka qaadan jirtay dekadda Berbera ee ay maamusho shirakada DP World. Sidoo kale, waxa jira canshuur la kordhiyey iyo kuwo cusub oo qaadistooda la soo siyaadiyey, taas oo aan marna kabi karin dhaqaalaha ay Somaliland ku wayday colaadii gobolada SSC.
Somaliland oo uusan weli ka go’in damacadeeda SSC ayaa magacowday guddiga nabadaynta Somaliland, kaas oo ujeeddada ugu weyn ee loo aasaasay ay tahay sidii ay wadahadal ula yeelan lahaayeen SSC. Cabdiqaadir Jirde oo ah siyaasi ruug cadaa ah ayaa guddigaas looga dhigay guddoomiye. Guddiga ayaa qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya u igmaday in ay egro ka noqdaan nabadeyn dhexmarta Somaliland iyo SSC. Guddiga oo garwaaqsaday dhibaatada dhaqaale, nabadgelyo iyo siyaasadeed ee ka dhalatay dagaalkii SSC ayaa si shuruud la’aan ah ku raadinaya wadahadal ay la yeeshaan SSC/Waqooyi Bari. Sida ay wararku sheegayaan, SSC waxa ay u sheegtay odayaashii garwadeenka ka ahaa in wadahadalka Somaliland ula hadli karaan sidii labo maamul oo keliya. Taas oo ay ogolaatay Somaliland, oo codsatay in uu wadahadalku ka dhaco dalka Itoobiya oo ah meesha ay si fudud ugu wada kulmi karaan labada maamul, madaama odayaal ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida ay garwadeen ka yihiin wadahadaladaan.
Fursadaha ay Somaliland ka heshay dhismaha dowlad goboleedka ayaa aad u yar, marka la barbardhido dhibaatooyinka ay kala kulmi karto. Waxa la sheegi karo waxa jira isdhaafsigii maxaamiibta ee Somaliland iyo Puntland, wada-hadalo dhowaan looga dhawaaqay Ceerigaabo, oo aan si buuxda u hirgeli karin haddii uu ka maqan yahay maamulka Waqooyi Bari iyo is fahan siyaasdeed oo aan cadeyn oo dhex mari kara Puntland iyo Somaliland.
Dowladda Faderaalka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshey fursad ay kaga hor tegi karto dooda Somaliland ee goosashada goboladii Waqooyiga Soomaaliya. General Galaal ayaa qoraal uu qoray bartamihii 90-kii ku tilmaamay in gobolka Sool yahay cumaacunta isku xirta Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya. Taas oo uu ula jeeday muhiimada uu gobolka Sool u leeyahay midnimada Soomaaliya. Dhinaca kale, arrintaas ayaa caqabad ku ah wada hadalkii Soomaaliya iyo Somaliland. Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa helay qodob uu ku sunto taariikhda waxqabadkiisa, ka dib safarkii uu ku tegay Laascaanood iyo dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari. Runtii taageerada dhaqaale ee ay Dowladda Federaalku ku bixisay dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa aad iyo aad uga yar inta laga filayey. Hase yeeshee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa farsamo ahaan u riixaysa dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari.
In kasta oo aan weli la gaarin, haddana waxaa la saadaalinayaa in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay raad ku yeelan doonto doorashada madaxtinimada ee dowlad goboleedka Waqooyi-Bari. Sidoo kale, musharixiinta u tartamaya jagada madaxtinimada Soomaaliya ayaa kala taageersan siyaasiyiinta ugu cad cad ee tartanka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari. Xulista xildhibaanada ee sannadka 2026, ayaa lagu tilmaamay in ay tahay meelaha uu ka dhalanayo hardanka siyaasada iyo awoodaha ee doorashada soo socota ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale, waxa hoos u dhacay dooda ku saabsan Somaliland oo ka jirtay hay’adaha Dowladda Federaalka dhexdooda, madaama Waqqoyi-Bari laga soo doortay mid ka mid ah sideeda qof ee ugu sareeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dalalka Dibada
Waa arrin muuqata in ay dalal badan oo dunida ka mid ahi ay dano ka leeyihiin Soomaaliya, taas oo ay sabab u tahay muhiimada bidhaanta juqraafi-siyaasadeedka Soomaaliya iyo tabar darrida dowladda Soomaaliya oo aysan siyaasaddeedu saldhigan. Sarkaal Sare oo ka tirasan Dowladda Federalka oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in aysan dowladda Ingiriisku la talin Soomaaliya ee ay u yeeriso waxa ay doonayso, sida lagu qoray bogga Daljir Radio. Isla qoraalkaas, waxaa lagu sheegay, in ay Soomaaliya ku hoos jirto gumaysigii Ingiriiska iyo dalka Ingiriisku sida uu gacan ugu leeyahay arrimaha nabadgelyada, dastuurka iyo qorshaynta dhaqaalaha ee Somaliland. Sidoo kale, waxa lagu tilmaamaa dowladda Ingiirsku inay gacanta ku hayso nidaamka taageerada caalamiga iyo amniga ee Soomaaliya. Dowladda Ingriisku, waxa ay dareen xoogan ka muujisay booqashadii ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood iyo dhismaha dowladda Waqooyi Bari, taas oo ay u aragtay in ay ka horimanayso danaha ay ka leedahay Somaliland. Ilaa hadda shirka dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari ma helin taageero caalami ah, halkii ay horey dhismaha dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur-Galbeed iyo Hirshabeele u heleen dhaqaale farabadan oo ka yimi hay’adaha caalamiga ah.
Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dowladaha raadka siyaasadda ku leh Soomaliya, ayaa Soomaaliya ka soo gashay dhinacyo badan sida dhaqaalaha (maalgashiga dekadaha Berbera iyo Boosaaso) iyo dhinaca milateriga oo mushahaar siiso ciidamo badan. Dhinaca kale, waxaa uu Imaaraadku kaga duwan yahay dalalka shisheeye, in uu si toos ah ula macaamilo maamulada ka jira Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo intooda badani aanay heshiis wada ahayn. Arrintaas waxa ay dhalisay su’aal ku saabsan sida Imaaraadku daacad uga yahay taageerida Soomaaliya. Imaaraadka ayaa doonaya in uu Soomaaliya ku saameeyo siyaasaddiisa ku salaysam waxa loogu yeeray Hayb-Soocda Casriga ah ee Carabta iyo Awooda Odoroska Dhaqaalaha (Modern Arab Identity and Ecenomic Power Projection). Imaaraadka oo xiriir la leh labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaan soo dhoweyneyn dowlad goboleedka Waqooyi Bari sida ay sheegeen diblumaasiyiin Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa ay qaarkood sheegayaan in Imaaraadku wado ififaalaha heshiiska dhexmara Somaliland iyo Puntland. Dhinaca kale, dad badan ayaa aaminsan in Imaaraadku ka dambeeyey arrintii muranka badan dhalisay ee heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya.
Dowladaha Turkiga iyo Qadar oo ka mid ah dowladaha raadka siyaasaddeeda ku leh Soomaaliya, ayaa inta badan taageera Dowladda Federaalka ah oo aan la macaamilin maamul goboleedyada. Sidaas darteed, taageerada Qadar iyo Turkiga waa arrin aan si toos ah u muuqan karin xilligan, marka laga hadlaayo tageerada dowlad goboleedyada. Qadar iyo Turkigu waxa ay aad u taageeraan Dowladda Federalka ah, gaar ahaan Turkigu waxa uu maamulaa dekada iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sidoo kalena waxa uu Muqdisho ku leeyahay saldhig ciidan. Labada dowladood waxa ay tartan kula jiraan Imaaradka Carabta. Arrintaasi waxa ay sababtay in uu Imaaraadku yareeyo taageeradii uu siin jiray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in ay dowladda Shiinuhu ay taageerayso dowlad goboleedka Waqooyi Bari, taas oo ay uga jawaabayso xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan (Teywan). Warar hordhac ah ayaa tilamaaya in ay suurogal tahay in Shiinuhu waxa ka qabto kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka Laascaanood iyo garoonka diyaradaha ee laascaanood. Taasi waxa ay keeni karaysaa horumar ay gaarto dowladda Waqooyi Bari, mar haddii ay yeelato garoon diyaaradeed oo casri ah. Dhinaca kale, arrintaasi waxa ay keeni kartaa in ay ka caraysiiso dowladaha reer galbeedka ee aadka u daneeya shidaalka iyo macdanta Soomaaliya ku jirta, gaar ahaan ceelka Holhol oo si weyn isha loogu hayo.
Gunaanud
Ugu dambayntii, isbedelada socdaa waa mid leh fursado siyaasadeed iyo dhaqaale. Sidoo kale, waa mid yeelan kara caqabado keeni kara xasilooni daro iyo deganaansho la’aan. Si looga faa’iidaysto fursada ka dhalan kara dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari, loogana hortago wax kasta oo caqabad ah, waa in dhammaan isku aragti laga noqdo isbedelka siyaasaddeed iyo hardenka awoodaha ee socda oo ay lug ku yeelan karaan dad ka baxsan maamulada Waqooyi Bari iyo Puntland. Caqligu waa in uu ku fekeraa sidii mushkilada jirta loogu bedeli lahaa fursad ee aan loo fekerin sidii caqabadaha jira loogu bedeli lahaa mushkilad aan cidna caano ka maalin. Waxa qoraalkan ku soo gunaanadayaa tuducyo ka mid ah gabay uu tiriyey Abwaan Gaariye:
Ciyaartuna gebaggebiyo
Waxay joogtaa gamtii
Halkay ku gudhaysay talo.
Gefkana xeer baa ka yaal;
Ninkii ku kacaa xad-gudub
Wuxuu gelayaa off-side,
Allow garansii nin moog!
Cabdiraxmaan Shiikhdoon