Waa kuma hoggaamiyaha siyaasadeed ee guulaystaa?

Waa su’aal mudan in lays waydiiyo; maadaama Soomaaliya aysan nasiib u yeelan inta badan hoggaamiyayaal siyaasadeed oo la oran waa guulaysteen, kuwaasoo bulshadooda ku haga yoolka la higsanayo, iskaba-daayoo waa hoggaanka Soomaalida hareeyey lagasoo bilaabo markii 60-kii xornimada la qaatay ilaa maanta musuqmaasuq, isdaba-maryayn, qabyaaladad, keligi talisnimo iyo laaluush lagu bixiyo gaaridda xukunka.

Haddaba; qormadaan kooban waxaan ku iftiiminaynaa: hoggaamiyuhu wuxuu yahay, sifooyinka hoggaamiyaha guulaysta laga raabo, iyo noocyada hoggaamiyayaashu u qaybsamaan.

A/ Qeexidda Hoggaamiye:

Hoggaamiyuhu waa qofka bulshada abaabuli kara, rabitaan ka kasban kara, si kalsooni ku jirtana ugu wacyi gelin kara si goor iyo ayaan ay ula shaqeeyaan, wadajirna ugu gaaraan himiladooda.

Saddex arrimood oo muhiim u ah hoggaaminta hoggaamiyaha fiican:

  1. Waa inuu dhisan karo hawl fuliyaal adag (koox shaqo) oo la shaqaysa tayana leh.
  2. Waa inuu si adag u dhisi karaa kartida hawl wadeenna la shaqaynaya.
  3. Waa inuu ku dadaali karaa gaarista aragtida fog, himilada iyo hadafka u degsan ee u muddaysan (Hoggaaminta suubban, Asha Geelle 2010).

Mabaadi’da Hoggaaminta waxaa ka mid ah kan uu tilmaamay Stepen Covey: “Haddii aad qofka siiso xabbad kalluun ah, waxaad quudisay hal maalin, laakiin haddii aad siiso qalabka lagu jillaabto kalluunka waxaad quudisay inta uu nool yahay, balse haddii aad barto sida loo samaysto qalabka lagu jillaabto, waxaad siisay nolol cusub ee cunno keliya ma aadan siin” .(صناعة القائد، 2010م)

Hoggaaminta suubbani waa ummadda in loo dhaqaajiyo xaqiijinta hadafka iyo ujeeddooyinka la degsaday, laguna tirtirsiinyo masuuliyadda cid walba saaran; Saxaabigii weynaa ee Cabdullaahi Ibn Cumar wuxuu ka weriyey Rasuulka (SCW) inuu yiri: “Dhammaantiin waxbaa laydin raaciyey, waxaadna masuul ka tihiin wixii laydin raaciyey; Amiirku waxaa la raaciyey ummaddiisa, iyaga ayuuna masuul ka yahay, haweenta waxaa la raaciyey guriga ninkeeda, isaga ayayna masuul ka tahay, addoonka waxaa la raaciyey maalka sayidkiisa, isaga ayuuna masuul ka yahay”.

Xadiiskaas qiimaha badani wuxuu noo tilmaamayaa in cid walbaa oo bulshada ka mid ahi ay masuul ka tahay waxa la raaciyey ee loo diray inay ilaaliso oo daryeesho, lagulana xisaabtamayo masuuliyaddaas, laga soo bilaabo qofka ummadda madaxda u ah ilaa lasoo gaaro wiilka shaqaalaha ah ee xaafadda u adeegaya.

Hoggaamiyaasha siyaasaddu waa madaxda dalka garwadeenka u ah oo ku hagta himilooyinka la higsanayo, ama ha noqdaan madaxda dawladda Federaalka, amaba madaxda dawlad-goboleedyadaba, waa kuwa u dhaartay inay Soomaaliya gaarsiinayaan horumar iyo barwaaqo, burburka iyo kala-haadkana ka saarayaan; balse waxaa noo muuqanaya maanta oo aan bartamaha uga jirno sanadka 2025 inaysan muuqan ififaale ay bulshada Soomaalidu ku naalloon karaan, iskaba-daayoo waxaad mooddaa in dib loo guranayo, xaaladda dalkuna ay kasii darayso, rajada bulshadu ay ku qabto hoggaamiyaashooda siyaasadeedna ay soo yaraanayso maalinba maalinta ka dambaysa (Halgan iyo Hagardaamo, 2012).

B/ Sifooyinka Hoggaamiyayaasha siyaasadeed:

Dr. Xassan Cali Mire (AHN) ayaa daraasad uu halku-dheggeedu ahaa “Can Somalia be saved?” ama “Soomaaliya ma la badbaadin karaa?”; taasoo uu ugu talagalay shirweynihii Carta, 2000; ku tilmaamay shan sifo oo ay lagama maarmaan tahay inuu yeesho hoggaamiyaha siyaasadda dal kasta, la’aantoodna aan laga yaabin inuu xilkiisa si wanaagsan u guto; shantaas sifo (calaamado) waxay kala yihiin:

  1. Waddaninimo: hoggaamiyaha siyaasaddu waa inuu yahay nin lagu yaqaanno waddan jacayl, leeyahayna sooyaal caddaynaya waxa uu dalkiisa usoo qabtay iyo kaalintuu ugu jiray.
  • Tacliin aan ka yarayn heer Jaamacaddeed: aqoontu waa furaha horumarka, suurtagalna maaha in hoggaamiyuhu dalkiisa horumar gaarsiiyo haddii uusan aqoonteeda lahayn.
  • Hufnaan ama xuma-ka-dhawrsi (integrity): qodobkaani waa meesha inta badan hoggaamiyayaasha Soomaalidu ay ku fashilmaan, dalkeennana ka dhigay calaamadda musuqmaasuqa iyo wax-is-dabamarinta.
  • Karti badan: qofka hoggaaminaya dal Soomaaliya oo kale ah, waa inuu yahay qof karti badan, waqti badan shaqayn kara, culaysyada badan ee horyaallana karti iyo hufnaan ku wajihi kara.
  • Bisayl siyaasadeed: waa in hoggaamiyuhu leeyahay khibrad ku filan oo u oggolaanaysa inuu noqdo qof awood isku-keenidda dal iyo dad kala irdhoobay oo u baahan in laysku soo dumo (Dal dad waayay iyo Duni damiir beeshay, Dr. Afrax)

Waxay daraasaddani carrabka ku adkaynaysaa, aniguna aan ku waafaqsannahay, in sababta dalka Soomaaliya burburisay, lana dhismi la’yahay ay tahay hoggaan xumo. Waa jiraan sababo kale oo qayb ka ah burburka oo ay ka mid tahay faragelinta shisheeyaha oo joogtada ah; balse laf-dhabarka dhibka dalkeennu waa hoggaanka. `

C/ Noocyada Hoggaamiyayaasha:

Dr. Maxamed Afrax ayaa buuggiisa “Dal dad waayay iyo duni damiir beeshay” ku sheegay in dadku u kala baxo garwadeen (hoggaamiye) iyo la-wadeen, wuxuuna yiri: “Garwadeenku waa inta wax hoggaamisa, la-wadeenkuna waa dadka caadiga ah ee la hoggaamiyo, waa shicib-weynaha”.

Garwadeenku wuxuu la micno yahay erayga “elite” ee afka Ingiriiska, waxaana loo qaybiyaa saddex qolo:

  1. Garwadeenka siyaasadda (political leadership)
  2. Garwadeenka fekerka (Intellectual leadership)
  3. Garwadeenka dhaqaalaha (economic elite)

Inta badan dalka horumaray saddexdaan qolo iskuma qasna. Qolo waliba waxay leedahay mehered iskeed u taagan iyo meel cad oo loogu soo hagaago.

Hase yeeshee; dalalka dib u dhacsan ee loo yaqaan waddamada soo koraya ama dunida saddexaad, Soomaaliyana ay ka mid tahay, saddexda qolo ee garwadeenka ahi xuduud kala qeexan maleh, mana kala soocna.

Sida badan garwadeenka siyaasadda ayaa noqda wax walba; iyaga ayaa dhaqaalaha afduuba maadaama ay noqdaan hantiilayaal waaweyn, hantiilayaasha kalena iyaga ayay ka haybaystaan. Awoodda siyaasadeed ayay ku uruursadaan hanti aan xalaal ahayn. Sidoo kale ayaga ayaa saamaynta ugu xooggan ku yeesha fekerka bulsha-weynta. Waa halka murtida carbeed ka tiraahdo “annaas calaa diini muluukihim” (dadku waxay qaataan diinta boqorradooda).

Wadar ahaan; garwadeenka ayaa ka masuul ah burburinta Soomaaliya iyo bi’inta magacii Soomaalida. La-wadeenka (shicibka) inkastoo dabka la galiyey, dariiqa xun ee la mariyeyna ka leexan kari waayey, haddana eed weyn lama saari karo oo ayagu waa dulmanayaan aan iska difaaci karin dulmiga iyo hagarta garwadeenka.

Weli Soomaalidu kuma guulaysan garwadeen siyaasadeed oo dalka u horseeda horumar iyo baraare, siyaasad toosanna ku hoggaamiya, balse taas baddalkeeda waa lagu danaystaaye looma daneeyo, waxayna hagardaamadaas uga bixi karaan iyagoo awooddooda Alle tuso, doorka ku beeganna qaata, hoggaankana la xisaabtama oo xaqqooda cod dheer ku sheegta (Dal dad waayay iyo Duni damiir beeshay Dr. Afrax).

Allow dalka noo hagaaji,

Qoraaga: Dr. Maxamed Cali Faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *