Soomaaliya 25 Sano Ka Dib: Dhismaha Dowladnimada Saddexaad, Doorasho iyo Dastuur lagu muransan yahay – Maxaa Xal u ah 2026 iyo Ka Dib? Qaybta 1-aad

 Ma Heshiis Doorasho keliya Mise Heshiis Bulsho iyo Heshiis Doorasho labadaba?

Hordhac

Maqaalkan waxaa si gaar ah loogu taloggalay dhallinyarada Soomaaliyeed ee laga yaabo inaysan si qoto dheer ula socon taariikhda dowladnimada Soomaaliya, marxaladihii ay soo martay, iyo sababihii horseeday burburkii dowladihii hore. Sidoo kale, wuxuu si toos ah ula hadlayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa maanta xilalka ka haya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, kuwaas oo mas’uuliyad weyn ka saaran tahay jihada iyo mustaqbalka dowladnimada dalka.

Dowladnimada saddexaad ee Soomaaliya, oo dib loogu yagleelay Jabuuti sannadkii 2000, ayaa weli ah mid qabyo ah inkastoo ay jirtay muddo ka badan 25 sano. Waxaa muuqata khatar ah in ay wajahdo burbur la mid ah kii dowladihii ka horreeyay, haddii aan laga baran casharradii taariikhda. Sidaas darteed, maqaalkani wuxuu isku dayayaa in uu si kooban u soo bandhigo taariikhda dowladnimada Soomaaliyeed, burburkii labadii dowladood ee hore, iyo aragti ku saleysan badbaadinta dowladnimada hadda jirta. Ujeeddadu waa in la abuuro dood furan oo loo wada dhan yahay, kana turjumaysa masiirka dowladnimo ee ummadda Soomaaliyeed.

Qaybta kowaad ee maqaalku waxay iftiiminaysaa qaab-nololeedkii iyo nidaamkii is-maamulka ee bulshada Soomaaliyeed ka hor iyo intii lagu jiray xilligii gumeysiga, aasaaskii Ururka SYL sannadkii 1943, iyo muddadii is-xukun-hoosaadka iyo maamulkii Qaramada Midoobay (1950–1960). Sidoo kale, waxaa lagu falanqeynayaa xornimadii iyo midowgii labada gobol ee 1960, burburkii dowladnimadii kowaad (1960–1969), iyo bilowgii dowladnimadii labaad ee milateriga hoggaaminayay (1969–1990). Qaybtan waxay si kooban u dul istaagaysaa wixii ka hirgalay, wixii ka qaldamay, iyo sababihii keenay burburkii labadaas dowladood.

Qaybta labaad waxay xoogga saaraysaa muddadii dagaallada sokeeye iyo qabqablayaasha dagaalka, dhibaatadii ba’anayd ee shacabku la kulmay, iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta ee fashilmay. Waxa kale oo lagu xusayaa dhismihii Somaliland (1992–1993) iyo Puntland (1998), iyo aragtiyihii saldhigga u ahaa maamulladaas ka hor dib-u-yagleeliddii dowladnimada saddexaad ee Jabuuti. Qaybtan waxay sii faahfaahinaysaa dowladdii lagu soo dhisay Jabuuti, waxqabadkeedii, imaatinkeedii Muqdisho, iyo sida ay ku dhammaatay, iyo sidoo kale shirkii Kenya (2003–2004), doorashadii Cabdullaahi Yuusuf, u soo guuristii dowladda gudaha dalka, soo bixitaankii Maxkamadaha Islaamiga ah, shirarkii dastuurka ee Garoowe I iyo II, ansixintii dastuurka Muqdisho, iyo doorashadii 2012.

Ugu dambayn, maqaalku wuxuu isweydiinayaa su’aalaha aasaasiga ah ee weli taagan: sidee loo heli karaa dastuur, doorasho, amni, iyo dowladnimo lagu wada heshiisan yahay? Ma ku filan tahay in keliya doorasho laga heshiiyo, mise waxaa loo baahan yahay heshiis bulsho oo ka ballaaran siyaasadda? Su’aalahaas iyo talo-bixin kooban ayaa loo jeedinayaa hoggaanka siyaasadeed ee maanta talada isku haya, heer federaal, dowlad-goboleed iyo siyaasiyiin kale oo damac madaxweyne leh, si loo badbaadiyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

Soomaalida ka hor xilligii isticmaarka iyo mudadii isticmaarka ( 1890-1950)

Dadka Soomaaliyeed, ka hor iyo intii lagu jiray muddadii gumeysigu yimid geyiga Soomaaliyeed, waxay ahaayeen bulsho u qaybsan qabaa’il, mid kastaana ku noolaa deegaankiisa. Bulshadu guud ahaan waxay u kala qaybsanayd saddex qaybood: bulsho reer guuraa ah oo xoolo-dhaqato u badan, bulsho deggen magaalooyin yar-yar oo xeebaha ku yaallay, iyo bulsho beeraley ah oo si gaar ah u deggenayd hareeraha webiyada. Xilligaas ma jirin nidaam dowladeed oo dhexe oo ka talinayay guud ahaan dalka, balse waxaa jiray nidaamyo bulsho oo ku dhisnaa dhaqanka, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen odayaasha qabaa’ilka iyo culimada, maadaama bulshada Soomaaliyeed ay ahayd bulsho Muslim ah oo si weyn ugu dheggan diinta Islaamka.

Inkasta oo uusan jirin nidaam dowladeed casri ah (modern government) oo dadka iyo dalka oo dhan ka dhexeeya, haddana meelo gaar ah waxaa ka jiray boqorro ama salaadiin xukun ka hayay dhulal xaddidan, kuwaas oo ku dhisnaa awoodo dhaqameed iyo mid diimeed.

Dhamaadkii qarnigii 18aad iyo bilowgii qarnigii 19aad, xilli ku beegnaa waqtigii gumeysigu uu kala qaybsanayay dhulka ay Soomaalidu degto, bulshada Soomaaliyeed waxay wajahaysay amni darro baahsan iyo colaado qabaa’il oo inta badan salka ku hayay khilaafaad la xiriira xoolaha, gaar ahaan geela, dilal is-daba-joog ah, iyo isu xoog-sheegasho joogto ah. Ceelasha biyaha ayaa sidoo kale ahaa meelaha ugu badan ee lagu dagaallami jiray, maadaama ay ahaayeen il nololeed muhiim ah.

Sida ay tilmaamayaan taariikhyahannadu, markii gumeysigu yimid geyiga Soomaaliyeed, wuxuu heshiisyo la galay madaxdii qabaa’ilka Soomaaliyeed. Isagoo kaashanaya qabaa’ilkaas, gumeysigu wuxuu dagaal kula galay dhaqdhaqaaqyadii gobannimo-doonka iyo kuwa gumeysiga ka soo horjeeday. Dhaqdhaqaaqyadaas, midka ugu xoogga iyo saameynta badnaa wuxuu ahaa halgankii gobannimo-doonka ee uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, kaas oo gumeysigu ugu dambayn ka adkaaday sannadkii 1921.

Asaaskii Xisbigii Gobonimo Doonka Soomaaliyeed SYL 1943

Dhallinyaro tiradoodu ahayd 13 ayaa aasaasay Xisbiga SYL, waxaana muddo kooban gudaheed ku faaftay afkaarta iyo himilooyinka xisbiga dhammaan dhulka ay Soomaalidu degto ee Geeska Afrika. Ujeeddada ugu weyn ee xisbiga waxay ahayd in geyiga Soomaaliyeed laga xoreeyo gumeysiga, isla markaana la dhiso midnimo qaran oo ku saleysan dan guud.

Mabaadi’da Xisbiga SYL waxaa saldhig u ahaa la dagaallanka qabyaaladda, iyadoo lagu baaqayay in Soomaalidu joojiso kala qoqobka qabiilka, danteedana u midoobto si ay uga dul qaaddo gumeysiga. Dhallinyaradii aasaastay xisbiga waxay si qoto dheer u fahansanaayeen in qabyaaladdu tahay aaladda ugu weyn ee gumeysigu u adeegsado kala qaybsanaanta bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay tahay meelaha ugu nugul ee laga soo galo.

Inkasta oo bilowgii uu xisbiga SYL guul ka gaaray yareynta saameynta qabyaaladda, haddana sida taariikhdu muujinayso, qabyaaladdu waxay dib u soo laabatay lixdamaadkii, xilli uu billowday tartanka kuraasta Baarlamaanka iyo hoggaanka dowladeed. Xilligaas, qaar ka mid ah hormuudkii siyaasadda Soomaaliyeed (political elites) ayaa u adeegsaday qabyaalad xeelad ay ku gaaraan kuraas Baarlamaan iyo xilal dowladeed, taas oo si tartiib tartiib ah u wiiqday midnimadii qaran ee SYL ku taamaysay.

Waqtigii Xxrnimo gaarsiinta iyo Maamulka Qaramada Midoobay (UN Trusteeship of Somalia (April,1, 1950- July 1-1960)

Ka dib dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo aasaaskii Qaramada Midoobay, waxaa bilowday dhaqdhaqaaq caalami ah oo si weyn u taageeray halgannadii xornimo-doonka ee dalalka Afrika, taas oo horseeday in qaar badan oo ka mid ah dalalkaas ay helaan xornimadooda. Dhaqdhaqaaqaas caalamiga ah waxaa hormuud u ahayd Qaramada Midoobay, iyadoo ay gadaal ka riixayeen dalal aan si toos ah uga qayb qaadan gumeysiga. Qaaradaha ugu waaweyn ee ay dalalka Yurub gumaysteen xilligaasna waxay ahaayeen Afrika, Aasiya, iyo Laatiin Ameerika.

Heshiis dhexmaray Xisbiga SYL iyo Qaramada Midoobay awgiis, dhulkii Soomaaliyeed ee uu gumaysan jiray Talyaaniga waxaa la hoos geeyay maamulkii Qaramada Midoobay, hase yeeshee Talyaaniga ayaa loo wakiishay maamulka ku-meel-gaarka ah ee xilliga xornimo-gaarsiinta. Arrintaas waxay meesha ka saartay Ingiriiska, oo markaas gacanta ku hayay inta badan geyiga Soomaaliyeed.

Markii tallaabadaas la qaaday, Ingiriisku wuxuu dhulkii uu maamulayay ee Hawdka iyo Dhulka Kaydka ah (Hawd and Reserved Area) ku wareejiyay Itoobiya, halka uu dhulka NFD—oo ay Soomaalidu degto—si toos ah ugu daray Kenya. Tallaabooyinkan waxaa si weyn loogu fasiray aargoosi siyaasadeed, maadaama Talyaanigii dagaalka lagaga adkaaday dib loogu soo celiyay maamulkii koonfurta Soomaaliya, halka Ingiriiska laga qaaday.

Arrintan ayaa dhalisay dhaleeceyn xooggan oo loo jeediyay SYL, iyadoo dad badan ku eedeeyeen in xisbigu uu ku guuldareystay fahamka duruufaha juqraafi-siyaasadeed (geopolitics) ee waqtigaas. Dhaliishaasi waxay salka ku haysay in SYL ay iyadu codsatay in Talyaaniga loo dhiibo maamulka xilliga xornimo-gaarsiinta, taas oo keentay in dhulal Soomaaliyeed oo muhiim ah ay ka baxaan gacanta Soomaalida.

Dowladdii xukun hoosaadka Soomaalida iyo doorashadii Soomaali ugu horaysay 1956-1959

Waxaa la sheegaa in doorashadii ugu horreysay ee uu Talyaaniga fududeeyay ay qabsoontay sannadkii 1956, kaddib markii uu billowday is-xukun-hoosaadkii 1954, isla sannadkaasna la taagay calanka Soomaaliyeed. Doorashadaas ayaa shacabka Soomaaliyeed ku doorteen wakiillo matalayay, waxaana la dhisay Baarlamaan ka koobnaa 70 xubnood, kuwaas oo intooda badan laga soo xulay gobollada, halka qaar kalena Talyaanigu si toos ah u magacaabay.

Doorashadaas waxaa aqlabiyad cad ku guuleystay Xisbiga SYL, taas oo ka dhigtay xisbiga ugu taageerada badan Soomaaliya xilligaas. Guushaas kaddib, Mudane Cabdullaahi Ciise ayaa loo xushay inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddii Maamulka Daakhiliga ah ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa la magacaabay lix wasiir oo kala ahaa: Mudane Muuse Boqor oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Salaad Cabdi Gaajo Wasiirka Maaliyadda, Mudane Sheekh Cali Jimcaale Wasiirka Arrimaha Bulshada, Mudane Xaaji Faarax Cali Cumar Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Mudane Maxamuud Cabdinuur Juuje oo loo magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud. Lixdaas wasiir, laba ka mid ah—Muuse Boqor iyo Salaad Cabdi Gaajo—waxay ka soo jeedeen hal jilib-hoosaad, halka Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiir kale ay ka soo jeedeen jilib-hoosaad kale. Tani waxay muujinaysaa in qabyaaladda maanta si weyn u saameysa siyaasadda Soomaaliya ay xilligaas aad u yarayd ama gebi ahaanba aanay jirin.

Inkasta oo muddadaas Maamulka Daakhiliga ah ay jirtay, haddana qabyaaladdu saamayn muuqata kuma lahayn siyaasadda, mana jirin tartan xooggan oo ku saleysan damac xil-doon ah. Si kastaba ha ahaatee, sida uu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ku xusay xusuus-qorkiisa, markii ay dadku arkeen in qofkii xilka qabta la siinayo guri dowladeed iyo gaari, ayay bilowdeen damacyo cusub oo ku aaddan hanashada xilalka dowladeed. Taas ayaa keentay in qof walba uu u ordo madaxnimo, isla markaana uu adeegsado xeelad kasta oo uu xil ku heli karo. Halkaas ayay ka bilaabatay soo laabashadii qabyaaladda, gaar ahaan qabyaaladda siyaasadeed, oo illaa maanta ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan dowladnimada Soomaaliyeed.

Xukunkii SYL, xornimadii Soomaaliya 1960, midowgii labada gobol iyo dhimashadii dowladnimadii kowaad

Markii la soo gaaray afartanaadkii qarnigii 20aad, waxaa abuurmay dhaqdhaqaaqii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee la magac baxay SYL (Somali Youth League), kaas oo la aasaasay sannadkii 1943. Dhaqdhaqaaqan gobannimo-doonka ah wuxuu si degdeg ah ugu fiday dhammaan geyiga ay Soomaalidu degto, wuxuuna noqday halgankii ugu weynaa ee horseeday in Soomaaliya ay ka xoroowdo gumeysiga. Inkasta oo SYL uu si gaar ah ugu xoog badnaa koonfurta Soomaaliya, haddana waqooyiga dalka waxaa ka jiray dhaqdhaqaaqyo iyo xisbiyo kale oo gobannimo-doon ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen SNL, USP, iyo ururro kale oo door muhiim ah ka qaatay halgankii xornimo-doonka waqooyiga Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqa SYL wuxuu mushkiladda ugu weyn ee haysatay bulshada Soomaaliyeed u arkay qabyaalad iyo kala-qaybsanaan bulsho, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed ee ku kala noolayd guud ahaan Geeska Afrika ku abaabulay laba ujeeddo oo waaweyn: tan koowaad waxay ahayd in gumeysiga laga kiciyo dhulka Soomaaliyeed, lana xaqiijiyo xornimo qaran; tan labaadna waxay ahayd in laga fogaado qabyaaladda, maadaama ay ahayd cudur bulsho oo horseeday amni-darro, cadaalad-darro, dhac iyo boob dhex mara Soomaalida. Diidmada SYL ee qabyaaladda waxay saldhig u ahayd fahamka ay lahaayeen 13-kii dhallinyaro ee aasaastay ururka, kuwaas oo garwaaqsaday in gumeysigu si ula kac ah u kobcinayo qabyaaladda si uu bulshada u kala qaybiyo una sii adkeeyo xukunkiisa.

Dhaqdhaqaaqa SYL wuxuu soo maray marxalado kala duwan. Marxaladdii koowaad waxay ahayd marxaladda abaabulka bulshada, kicinta dareenka waddaniyadda, iyo halgankii ka dhanka ahaa gumeysiga. Marxaladdan oo ka bilaabatay aasaaskii ururka sannadkii 1943, waxay ku dhammaatay helitaankii xornimada sannadkii 1960. Marxaladdii labaadna waxay ahayd marxaladdii dowladnimada, xilligii uu Aadan Cabdulle Cismaan ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960–1967).

Marxaladdan labaad, oo hoggaamiyihii SYL loo doortay Madaxweynaha dalka, waxaa la sii waday hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku saleysan qof iyo cod, laguna dhisay hannaan baarlamaani ah. Inkasta oo ay dowladnimadu weli ahayd mid curdin ah, isla markaana dhaqaalaha iyo aqoonta bulshada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyeen, haddana waxaa jiray dadaal muuqda oo lagu dhisayo hay’adaha dowladeed. Si kastaba ha ahaatee, marxaladdan hore waxaa durba soo baxay kala duwanaansho fikradeed oo ka dhex dhalatay hoggaanka SYL, gaar ahaan Madaxweynaha Aadan Cabdulle Cismaan iyo Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee xornimada kaddib, Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Kala aragti duwanaanshahan wuxuu salka ku hayay qaabka loo wajahayo arrinta xoreynta dhulalka Soomaaliyeed ee weli gumeysigu haystay, gaar ahaan NFD iyo Soomaali Galbeed (Ogaden).

Dhacdo kale oo mudan in la xuso waxay ahayd in hoggaamiyeyaashii SYL ay inta badan wada qaateen xilalka sare ee dowladnimada, halka siyaasiyiintii ka soo jeeday gobollada waqooyi—kuwaas oo aan SYL ka tirsanayn balse matalayay shacabka waqooyiga—si muuqata loo gacan bidixeeyay. Arrintan ayaa dhalisay cabasho iyo dareen takoor ah, inkasta oo midowgii labada gobol uu ku yimid jawi waddaniyadeed oo ku dhisnaa hammiga ahaa in shanta gobol ee Soomaaliyeed la mideeyo lana dhiso hal dowlad Soomaaliyeed.

Marxaladdii saddexaad ee SYL waxay ahayd marxalad ay hormuud u ahaayeen fikradihii Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo hoggaamiyeyaal kale oo SYL ah, kuwaas oo aaminsanaa in haddii loo baahdo, xoog loo adeegsan karo xoreynta dhulalka Soomaaliyeed ee gumeysigu haystay, isla markaana la saxo qaladaadkii ka dhashay qaabkii loo maamulay midowgii 1960. Carada ka dhalatay arrimahaas ayaa sababtay in sannadkii 1961 ay isku dayaan afgambi dhallinyaro ka tirsanaa ciidamada qalabka sida, kuwaas oo ka caraysnaa sida midowgii loo maamulay, balse isku daygoodii wuu fashilmay, iyagana waa la xiray.

Marxaladdan saddexaad dhexdeeda, waxaa la sameeyay isbahaysi siyaasadeed oo u dhexeeyay Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo siyaasiyiin ka soo jeeday waqooyiga dalka oo uu hoggaaminayay Maxamed Ibraahim Cigaal. Isbahaysigaas wuxuu ku guuleystay in Cabdirashiid Cali Sharmaarke loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya bishii Juun 1967, isagoo cod ama laba cod kaga adkaaday Aadan Cabdulle Cismaan, kaas oo si sharaf leh xilka ugu wareejiyay Madaxweynihii la doortay. Taariikhda Afrika ayuu galay Aadan Cabdulle Cismaan isagoo noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah xilka u wareejiya kaddib markii doorasho looga adkaaday.

Doorashadii 1969, si kastaba ha ahaatee, waxay noqotay doorasho si weyn loo dhaliilay, loona arkay mid ay hareeyeen musuqmaasuq iyo boob baahsan, iyadoo lagu tilmaamay doorashadii ugu musuqmaasuqa badnayd marka loo eego doorashooyinkii ka horreeyay.

Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa Ra’iisul Wasaare u magacaabay Maxamed Ibraahim Cigaal. Dowladdaas waxay jirtay muddo laba sano iyo dhowr bilood ah, ilaa markii la dilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadkii 1969. Toddobaad kaddib dilkaas, ciidamada qalabka sida ayaa afgambi kula wareegay xukunka, halkaasna waxaa ku dhammaaday xukunkii SYL iyo dowladnimadii ku dhisnayd doorasho qof iyo cod ah, xorriyadda hadalka, saxaafadda madaxa-bannaan, iyo nidaamka xisbiyo badan.

Sidaas ayay ku dhimatay dowladnimadii kowaad ee Soomaaliyeed (1960–1969), waxaana bilowday dowladnimadii labaad ee Soomaaliya, oo ay hoggaaminayeen ciidamada qalabka sida (1969–1990).

Dhalashadii dowladnimadii labaad ee Soomaaliya iyo xukunkii askarta (1969-1990)

21-kii Oktoobar, saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kana kala socday milateriga iyo booliska, ayaa afgambi kula wareegay xukunkii dalka. Isla markiiba waxaa la laalay Dastuurkii Jamhuuriyadda ee aftida loo qaaday sannadkii 1961, waxaana la joojiyay xorriyaddii hadalka iyo saxaafaddii madaxa-bannaanayd. Kacaanku wuxuu soo saaray laba wareegto oo ka koobnaa 13 qodob, kuwaas oo noqday saldhigga sharci ee lagu maamulay dalka.

Golihii Kacaanka, oo ka koobnaa 25 xubnood oo ahaa saraakiishii afgambiga sameeyay, ayaa hoggaanka dalka qabtay. Golahaas ayaa markii dambe u xuubsiibtay Golaha Sare ee Kacaanka, kaas oo ka koobnaa shan xubnood. Guddoomiyaha Golaha Kacaanka wuxuu ahaa Maxamed Siyaad Barre, oo ahaa hoggaamiyihii afgambiga.

Bilowgii xukunka kacaanka, waxaa la magacaabay wasiirro lagu soo xulay aqoontooda iyo xirfaddooda (technocrats), kuwaas oo loo igmaday hoggaaminta wasaaradaha. Wasiirradaas kama mid ahayn Golaha Kacaanka. Si kastaba ha ahaatee, waqti ka dib ayaa dhaqankaas laga baxay, waxaana xilalkii wasiirnimo loo magacaabay xubno ka tirsanaa Golaha Kacaanka, taas oo xoojisay milataraynta maamulka dowladeed.

Toddobadii sano ee ugu horreeyay xukunka kacaanka, dowladdu waxay qabatay hawlo waaweyn oo ay shacabka Soomaaliyeed si weyn u soo dhaweeyeen. Hawlahaas waxaa ka mid ahaa dhammeystirkii qorista afka Soomaaliga, ololihii ciribtirka aqoon-la’aanta, wax ka qabashadii abaartii ba’anayd ee dhacday 1974, iyo barnaamijkii iskaa wax u qabso ee lagu abaabulay shacabka si ay gacmahooda ugu dhistaan dalkooda. Xilligaas, xafiisyo badan oo dowladeed ayaa lagu dhisay dadaalkaas, halka maanta ay dhacdo in hay’ado shisheeye laga baryo dhismaha xafiisyada dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, qaladkii ugu horreeyay ee ay gashay dowladnimadii labaad ee ay askartu hoggaaminaysay wuxuu ahaa caburinta siyaasadda iyo joojinta xorriyadda hadalka. Waxa keliya ee la oggolaa waxay ahayd in kacaanka la ammaano, balse ma jirin meel bannaan oo lagu dhaliilo siyaasadda dowladda ama waxqabadkeeda. Qof kasta oo ka hadla ama dhaliila xukuumadda—xitaa hadal xan ah—haddii lagu ogaado waa la xirayay. Dad badan ayaa xabsiyo lagu guray iyaga oo aan maxkamad la soo taagin, qaar kalena waa la toogtay sababo la xiriira inay ka hor yimaadeen kacaanka. Waxaa ka mid ahaa saraakiil ka tirsanaa Golaha Sare ee Kacaanka oo lagu eedeeyay inay afgambi wadeen, iyo culimo diimeed masaajidda ka naqdiyay mabda’a sinnaanta ragga iyo dumarka ee ku salaysnaa hantiwadaagga cilmiyeed, kuwaas oo iyaguna la toogtay.

Qaladkii labaad ee weyn ee kacaanku galay wuxuu ahaa dagaalkii sannadkii 1977, kaas oo dowladda Soomaaliya ku qaadday dowladda Itoobiya. Sababta dagaalka ayaa lagu sheegay in la doonayay xoreynta dhulka Soomaali Galbeed (Ogaden), oo Ingiriisku ku wareejiyay Itoobiya sannadkii 1948, ka hor inta aan Soomaaliya xornimada qaadan. Dagaalkaas wuxuu horseeday burburkii dowladnimadii labaad ee Soomaaliyeed, maadaama ciidamadii burbureen, dhaqaalihii dalka hoos u dhacay, afgambi la isku dayay kaddib jabkii dagaalka, hub badanna uu galay gacanta shacabka, taas oo sii daciifisay awooddii dowladda.

Qaladkii saddexaad ee kacaanku sameeyay wuxuu ahaa in aan la diyaarin qorshe isbeddel siyaasadeed oo dalka u horseeda kala guur nabadeed. Halkii laga abuuri lahaa hannaan dimuqraadi ah oo beddel u noqda xukunka milatariga, Madaxweynihii ayaa ku dhegganaa xukunka ilaa madaxtooyada si xoog ah looga soo galay, xilli dalkii intiisa kale burbur ku jiray. Arrin kale oo mudan in la xuso waxay ahayd jabhadihii hubeysnaa ee ku dhisnaa qabyaaladda, kuwaas oo samaysmay kaddib dagaalkii 1977, kana dhigtay Itoobiya saldhiggooda. Jabhadahaas ayaa door weyn ka qaatay, isla markaana dedejiyay, burburkii dowladnimadii labaad ee Soomaaliya.

Burburkii dowladnimadii labaad ee Soomaliyeed iyo wixii ka dhashay 1991-1999)

Burburkii Jamhuuriyaddii labaad ee Soomaaliya (1969–1990), oo loo yaqaanay dowladdii kacaanka ee ay askartu hoggaaminaysay, wuxuu sababay barakac baahsan, dilal, iyo bililiqo aan horay loo arag. Dowladdan ayaa xukunka dalka kula wareegtay afgambi dhacay 21-kii Oktoobar 1969, kaddib dilkii Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo la dilay 13-kii Oktoobar 1969.

Burburka dowladdan kaddib, shacabka Soomaaliyeed waxay wajahayeen barakac ballaaran, iyagoo u kala qaxay gudaha dalka iyo dibaddiisaba. Waxaa burburay ilihii nolosha ee ay ku tiirsanaayeen, sida ganacsigii, shaqooyinkii dowladda, iyo kuwii gaarka loo lahaa. Waxaa billowday dagaallo sokeeye oo ka dhacayey dhul ballaaran oo u dhexeeya Gaalkacyo ilaa xadka Kenya, kuwaas oo saameyn culus ku yeeshay inta badan koonfurta Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka ah waxaa si baahsan loo bililiqeystay xafiisyadii dowladda, waxaana la burburiyay ama la waayay xogtii iyo diiwaannadii yaallay hay’adaha dowladda. Xafiisyadii dowladda, dugsiyadii, jaamacadihii, iyo xeryihii ciidamada ayaa noqday kuwo ay degeen dad barakacayaal ah, halka hanti kasta oo dowladeed bilowgiiba la bililiqeystay.

Magacii iyo jiritaankii dowladda Soomaaliyeed ee caalamku aqoonsanaa wuu baaba’ay, waxaana beddelay jabhado hubeysan oo ku dhisnaa qabiil iyo qabqablayaal dagaal oo iska soo horjeeday. Rajadii shacabka Soomaaliyeed aad ayay hoos ugu dhacday; dad badan ayaa dalka ka qaxay oo doortay nolol qaxooti dalal shisheeye ah, halka qaar kalena ay u barakaceen goobo gudaha dalka ah oo ay u arkayeen meel ay ku badbaadi karaan.

Muddo kooban kaddib, macaluul iyo gaajo ba’an ayaa ka dilaacday inta badan koonfurta Soomaaliya, iyadoo gobolka Bay uu noqday meesha ugu daran, halkaas oo la soo weriyay in dadku ay caws iyo harag u isticmaaleen cunto ahaan. Arrintaas ayaa horseeday faragelin caalami ah, gaar ahaan hawlgalkii la magac baxay Hawlgalka Soo Celinta Rajada, oo uu hoggaaminayay Maraykanka. Ujeeddada rasmiga ah ee hawlgalkaas ayaa lagu sheegay gargaaridda dadka macaluushu saamaysay, hase yeeshee waxaa sidoo kale jiray dadaallo la xiriiray dib-u-yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Xilligaas ayay Qaramada Midoobay u dirtay Soomaaliya ergaygeedii ugu horreeyay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu soo saaray go’aammo dhowr ah oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madaxbannaanida dhulka Soomaaliyeed, laguna mamnuucayo kala goyn dhuleed. Sidoo kale, waxaa la saaray cunaqabatayn hub, Soomaaliya-na waxaa loo aqoonsaday dal aan dowlad shaqeysa ka jirin, waxaana lagu daray Cutubka 7aad ee Qaramada Midoobay, xaalad ay weli ku jirto ilaa maanta. Ku jirista Cutubkan waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya loo arko dal aan weli awood u lahayn inuu si buuxda u maamulo dadkiisa iyo dhulkiisa, isla markaana weli khatar ku ah nabadda caalamka.

Markii Maxamed Siyaad Barre uu ka baxay Muqdisho, garab ka mid ah jabhaddii USC ayaa ku dhawaaqay in Cali Mahdi Maxamed loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Dad badan ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid degdeg ah, iyagoo aaminsanaa in ay ka habboonayd in la qabto shirweyne qaran oo Soomaaliyeed, laguna qabto Muqdisho, laguna martiqaado dhammaan beelaha Soomaaliyeed. Mas’uuliyaddaas waxaa si gaar ah looga sugayay USC iyo beesha Hawiye oo markaas caasimadda gacanta ku haysay, balse arrintaasi ma dhicin.

Dhanka kale, General Maxamed Faarax Caydiid wuxuu bilaabay dagaallo uu ku qaaday gobollada Kismaayo iyo Gedo, taas oo sababtay barakac baahsan oo ku dhacay dad badan, gaar ahaan kuwa ka soo jeeday beelaha Daarood. Caydiid wuxuu ku andacoonayay inuu doonayay inuu dalka ka saaro Siyaad Barre, oo markaas ku sugnaa gobolka Gedo. Inkasta oo dad badani ay rajo ka qabeen in ay dib ugu laabtaan Muqdisho kaddib bixitaankii Siyaad Barre, haddana rajadaas waxaa burburiyay falal isir-qabiil ku saleysan oo ka dhacay caasimadda, halkaas oo guryo iyo hanti si gaar ah loogu beegsaday dad qabiil gaar ah, dad badanna la dilay hayb ahaan.

Arrintaas waxaa sii xumeeyay markii Maxamed Siyaad Barre uu isna isku dayay inuu mar kale ku soo laabto talada dalka, isagoo markan adeegsanaya dareen qabiil. Waxaa sidoo kale jiray tartan siyaasadeed oo aad u xooggan oo u dhexeeyay General Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed, kuwaas oo si weyn u kala aragti duwanaa. General Caydiid wuxuu aaminsanaa inuu isagu ahaa ninkii xukunka ka tuuray Siyaad Barre, sidaas darteedna uu xaq u lahaa hoggaanka dalka, halka siyaasiyiin badan ay ka cabsanayeen in mar kale lagu noqdo xukun milatari.

Khilaafkaas ayaa sababay kala jab ku yimid jabhaddii USC, taas oo laga filayay inay hoggaamiso shir qaran oo dib-u-heshiisiin ah. General Caydiid, kaddib ridistii Siyaad Barre, wuxuu isku dayay inuu xoog ku qabsado koonfurta Soomaaliya, laga bilaabo Gaalkacyo ilaa xadka Kenya. Isaga iyo taageerayaashiisa waxay isku dayeen inay xoog ku maquuniyaan qabaa’il kale, balse dadaalladaas ma aysan suurtagelin, taas oo sii hurisay colaaddii sokeeye iyo burburkii guud ee dalka.

Maxaan ka baran karaa taariikhada dhimashadii labadii dowladood ee Soomaaliya 1960-1990?

 SYL iyo dowladnimadii Soomaalida 1960-1969), (jamhuuriyadii kowaad) 

  • Dhaqdhaqaaqii SYL wuxuu Soomaaliya u horseeday nidaamka qof iyo cod, wuxuuna hirgeliyey nidaam dowladnimo oo ku dhisan xisbiyo badan, kaas oo ahaa hannaan ay inta badan dunida horumartay ku dhaqanto. Xorriyadda hadalka iyo saxaafadda ayaa bannaanayd, waxaana lagu heshiiyey dastuur ku saleysan nidaam baarlamaan ka dib afti loo qaaday sannadkii 1961.
    • Nidaamka dowladeed ee la hirgeliyey wuxuu ahaa mid laga dhaxlay gumeysiga (post-colonial government), kana tarjumayay qaab-dhismeedka dowladnimo ee casriga ah, kaas oo awoodda xukunka u xilsaaraya shacabka, laguna helo doorasho ku dhisan qof iyo cod.
    • Xilligii is-xukun-hoosaadka, Qaramada Midoobay iyo SYL waxay ku guuldarreysteen faham sax ah oo ku saabsan juqraafi-siyaasadeedka (geopolitics), kaddib markii ay aqbaleen in Talyaaniga loo dhiibo xornimo-gaarsiinta, halkii Ingiriiska loo dhiibi lahaa. Arrintaas ayaa ka careysiisay Ingiriiska, taas oo keentay in uu qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ku daro dalal deris ah—arrin illaa maanta taagan—taas oo caqabad weyn ku noqotay riyadii ahayd xoreynta iyo mideynta dhammaan dhulka ay Soomaalidu degto ee Geeska Afrika, riyo maanta u muuqata mid baaba’day.
    • Dad badan ayaa qaba in sababta SYL ku kalliftay inay Talyaaniga doortaan, isla markaana ay Ingiriiska uga leexdaan, ay ahayd cabsi ay ka qabeen awoodda ballaaran ee Ingiriiska iyo suurtagalnimada inuu dib u sii hayo gumeysi. Dooddaas, si kastaba ha ahaatee, ma ahayn mid sax ah, maadaama Ingiriisku xilligaas dalal badan oo uu gumaysan jiray u oggolaaday xornimo.
    • Midowgii labada gobol ee xoroobay si wanaagsan looma maamulin, taas oo keentay in dad badan oo reer waqooyi ah ay dareemaan in la gacan bidixeeyay, halka siyaasiyiintii koonfurta ay inta badan isku koobeen xilalkii sare ee dowladnimada.
    • Xisbiyadii siyaasadeed ee la aasaasay kaddib xornimada badankood kuma dhisnayn aragti iyo mabda’ siyaasadeed, balse waxay u jireen keliya in lagu gaaro xukun. Taas beddelkeeda, waxaa dib loo soo nooleeyay qabyaaladdii iyo kala-qaybsanaantii qabiil ee SYL hore uga digtay bulshada Soomaaliyeed. Siyaasi kasta oo kursi Baarlamaan doonayay wuxuu furtay xisbi qabiil ku saleysan, waxaana siyaasadda qabyaaladda ku dhisan ay noqotay dhibaato weli xal loo la’yahay.
    • Maaddaama dowladnimada Soomaaliyeed ay ahayd mid curdin ah, qalad ayay ahayd in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii SYL ay qaataan aragti ku saleysan in xoog ciidan lagu xoreyn karo dhulalka Soomaaliyeed ee gumeysigu ku daray dalal kale. Fikirkaas wuxuu abuuray colaad dibadeed, maadaama dowladaha waaweyn iyo dalalkii Afrika ee xoroobay aysan marnaba raalli ka ahayn wax ka beddelidda xuduudihii uu gumeysigu ka tegay.
    • SYL waxay sidoo kale ku guuldarreysatay inay dejiso siyaasad cad oo lagula dagaallamo musuqmaasuqa, taas oo keentay in laaluushku ku faafo siyaasadda, isla markaana ay soo baxdo siyaasad ku dhisan ganacsi iyo lacag. Dhaqankan ayaa weli saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliyeed, iyadoo siyaasiyiin kursi doon ah ay adeegsadaan lacag dibadda laga keenay si ay u helaan xilal.
    • Doorashadii 1969 waxay ahayd doorasho ay hareeyeen musuqmaasuq iyo boob baahsan. Ma jirin diiwaan-gelin rasmi ah oo cod-bixiyeyaasha ah, kuraasta Baarlamaankuna kuma salaysnayn tirada dadka degan degmooyinka. Qaladkan, oo asal ahaan ka yimid nidaamkii gumeysiga, ayay SYL ku guuldarreysatay inay saxdo.
    • Xilligaas ma jirin tiro-koob qaran oo lagu kalsoonaan karo. Haddii uu jiray mid la sameeyey intii gumeysiga lagu jiray, ma ahayn mid lagu dhisi karo qorshe dowladnimo oo sax ah.
    • Tartanka u dhexeeyay hormuudka siyaasadda Soomaaliyeed, oo ku saleysnaa damac kursi balse aan ku dhisnayn aragti iyo mabda’ siyaasadeed, ayaa si weyn u dedejiyey burburkii dowladnimadii kowaad ee Soomaaliya. Isla dhaqankaas ayaa weli caqabad ku ah dhismaha dowladnimo waarta, xitaa kaddib 25 sano oo ay dowladnimada Soomaaliyeed weli qabyo tahay.

 Xukunkii askarta 1969-1990 (jamhuuriyaddi labaad) ee Soomaalida

Xukun ku dhisan caburin, xoog iyo cadaadis marna ma noqon mid ay Soomaalidu aqbasho, aakhirkiina xukun noocaas ahi wuxuu ku dambaynayaa burbur. Sidoo kale, xukun la isku dhejiyo oo lagu dagaallamo in kursiga lagu sii fadhiyo waligiis xal ma keeno, balse wuxuu sii hurinayaa qalalaase iyo kala qaybsanaan.

Inkasta oo kacaanku bilowgiisii diiday qabyaaladda, sida SYL hore u sameysay, haddana dhammaadkii xukunkiisu wuxuu ku soo ururay qabyaalad, taas oo gaartay heer aad u xun oo aan si fudud looga soo kaban karin. Qabyaaladdu waxay noqotay tiir lagu sii joogteeyo xukunka, halkii ay ahaan lahayd dhibaato la dabar-gooyo.

Sidoo kale, inkasta oo kacaanku bilowgiisii la dagaallamay musuqmaasuqa, haddana ugu dambayn wuu aqbalay, wuxuuna ka dhigay wax caadi ah. Boobkii ugu ballaarnaa ee hanti dowladeed ayaa xilligaas dhacay, waxaana abuurmay dhaqan ah in la yiraahdo: “Haddii kacaanku aqbalayo, qof walba ha qaato wixii uu awoodo.” Dhaqankaas wuxuu si weyn u wiiqay kalsoonidii dowladnimada.

Dagaalkii 1977 wuxuu noqday bilowgii burburka dowladnimadii labaad ee Soomaaliya. Dagaalkaas wuxuu sababay burbur dhaqaale, kala daadashada hay’adihii amniga, hubkii oo galay gacanta shacabka, iyo in qaar ka mid ah ciidamada ay isku dayaan afgambi, taas oo sii daciifisay dowladdii jirta.

Siyaasad ku dhisan qabyaalad ayaa horseeday in jabhado qabiil ku saleysan ay is abaabulaan, isla markaana ay dagaal la galaan dowladda. Taasi ugu dambayn waxay keentay in dowladdii si qabiil ku dhisan loo rido, taladiina ay faraha ka baxdo, dhibaato weli aan xal rasmi ah loo helin. Sidaas darteed, qabyaaladdu iyo qabiilku waxay noqdeen mushkiladda ugu weyn ee haysata dowladnimada Soomaaliyeed, una baahan xal qaran oo waara.

Sida uu buuggiisa ku xusay Cabdiraxmaan Baadiyow, mushkiladda dowladnimada Soomaaliya haysata waxay ku saleysan tahay afar arrimood oo waaweyn: siyaasad qabiilaysan, siyaasad ganacsiyeysan, siyaasad dibadeed ku tiirsan, iyo siyaasad xoog ku dhisan. Afartaas dhammaantood waxay u baahan yihiin xal qoto dheer si loo helo dowladnimo dhab ah oo Soomaaliyeed.

Siyaasiga Soomaaliyeed, qabyaaladdu waa tabta koowaad ee uu xukunka ku raadsado; laaluushku waa tab labaad; taageero iyo maalgelin dibadeed oo laga helo dalal shisheeye waa tab saddexaad; halka adeegsiga xoogga uu noqdo tabta ugu dambaysa marka uu is leeyahay xukunka waa ku heli karaa. Inta dhaqamadaas la beddelin, rajada dowladnimo waarta oo Soomaaliya ka hanaqaadda waxay ahaan doontaa mid aad u nugul.

Qoraaga
Ahmed Said Aw-nur
Ahmed Said Aw-nurwaa khabiir muddo ka badan 30 sano ka soo shaqeynayay hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Dekadaha ee Puntland. Sidoo kale, waxa uu madax ka noqday hay’ado caalami ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link