Soo laba kacleynta Al-Shabaab: Maxay ku keeni kartaa mustaqbalka Soomaaliya?

Markii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu xilka qabtay bishii May 2022-kii, wuxuu ku dhawaaqay in uu maleeshiyadda Al-Shabaab ka cirib tiri doono dalka, isagoo sameeyay guluf aan hore loo arag oo ay hoggaaminayaan maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaan ‘Macawisley’.

Inkastoo howlgalladii militari ee 2022-2023-kii ay horseedeen guulo muhiim ah, haddana horraantii 2024-kii, waxaa soo ifbaxay dib u gurasho dowladda iyo dib u xoogaysiga Al-Shabaab. Dowladda oo xilligan xoogga saartay wax ka beddelka dastuurka kumeelgaarka ah iyo dib u habeynta nidaamka doorashooyinka ayaa hoos u dhigtay diiradda dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada, taasoo fursad siisay Al-Shabaab, oo dib u la wareegtay qaar ka mid ah deegaanadii horey looga xoreeyay.

Weerarro xooggan iyo xeelad beddelka Al-Shabaab

Bishii Febaraayo 2025-ka, Al-Shabaab waxay qaaday weerarro ballaaran oo ku wajahan gobollada Shabeellaha Hoose/Dhexe, Hiiraan, Baay iyo Bakool. Weeraradaas oo ahaa kuwo ballaaran oo kooxdu soo qaaday, waxay muujinayaan xeelado cusub oo kooxda ay adeegsaneyso. Qiyaastii 3,000 oo dagaalyahan ayaa kooxdu kasoo qaatay gobolada ay ku xoogantahay sida Jubbada Dhexe iyo Gedo, maleeshiyaadkaas oo loo xilsaaray inay dib u qabsadaan magaalooyinkii muhiim ahaa ee kooxdu lumisay sanadihii la soo dhaafay.

Sidoo kale, 18-kii Maarso 2025-ka, Al-Shabaab waxay la beegsadeen qaraxyo miino ah kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, xilli uu mrayay degmada Xamar Jajab ee Muqdisho kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha si uu u tago furimaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee maamulka Hirshabelle. Weerarkan ayaa muujiyay sida ay kooxda u tahay mid weli awood leh oo bartilmaameedsan karta masuuliyiinta ugu saraysa dowladda.

Maxaa keenay soo laba kacleynta Al-Shabaab?

Waxaa jira dhowr arrimood oo suurtagal ka dhigay soo laba kacleynta Al-Shabaab, waxaana kamid ah dagaalka oo hagad ku yimid, iyadoo dowladdu u muuqato mid aan si joogto ah u sii wadayn dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, taasoo keentay in kooxda ay hesho waqti ay isku abaabusho. Waxaa intaas dheer in beelaha deegaanka qaarkood ay ka niyad jabeen dowladda kadib markii ballanqaadyadii hore aysan si buuxda u fulin.

Sidoo kale, khilaafyada siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sababay is aaminaad la’aan. Tusaale, Puntland waxay si cad u sheegtay inay diidan tahay wax ka beddelka dastuurka kumeelgaarka ah, halka duulaankii ay dowladda federaalka ku qaaday Raaskambooni uu xumeeyay xiriirka maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Waxaa kale oo jirta dhaqaale yari, iyadoo lacagihii lagu maalgelin jiray dagaalka uu hoos dhac ku yimid, taasoo adkeysay sidii dowladda ay u sii wadi lahayd dhaqaalaha ku baxa howlgallada. Beesha caalamka oo markii hore ballan qaaday taageero militari iyo mid dhaqaale, ayaa dib u dhigtay qaarkood, taasoo keentay in ciidamada loo waayo agab ku filan.

Xiriirka Al-Shabaab iyo beelaha ayaa iyana qeyb ka ah, maadaama kooxdu ay si weyn ugu adeegsatay tabaha la xiriira dagaalka marin habaabinta bulshada. Waxay gacan siiyeen beelaha qaar, iyagoo isku muujinaya in ay yihiin nidaam maamul oo shaqeynaya, waxayna sameeyeen adeegyadii dowladda laga filayay sida garsoor iyo amni deegaan, sidoo kalena cafis u fidiyey dadkii deegaanka ee garab siiyey dowladda, tabtan oo ah kuwa ku cusub saaaxada halganka Al-Shabaab, oo socday in ka badan 20-sanno.

Al-Shabaab iyo suurtagalnimada Soomaaliya oo noqota sidii Afkaanistaan

Weerarada sii xoogeystay ee Al-Shabaab ee bilihii u dambeeyay waxay dib u kicisay doodda ah in Soomaaliya ay wajahayso xaalad u eg tii Afkaanistaan. Bishii Agoosto 2021-kii, Taalibaan waxay si dhakhso leh u la wareegeen caasimada Kaabuul kadib markii Maraykanku uu ka baxay Afgaanistaan halkaas oo kooxaha Al-Qaacida iyo Taalibaan kula dagaalamayay muddo 20-sanno ah. Inkasta oo xaaladda Soomaaliya ay ka duwan tahay midda Afgaanistaan marka laga eego dhinacyo kala duwan, haddana waxaa jira xogo muujinaya in haddii dowladda aysan si dhab ah u maareyn dagaalka Al-Shabaab ay dib u hanan karaan dhul ballaaran oo dalka kuyaala.

Al-Shabaab weli waxay maamushaa qayb weyn oo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, iyadoo qiyaasaha qaar tilmaamayaan in kooxdaas ay gacanta ku hayso in ka badan 30% dhulka dalka.

Waxaa jirta xog sheegaysa in Al-Shabaab ay bedeshay qaabkeedii hore ee halganka iyadoo casharo ka baranaysa Taalibaan, ayna qaabkeeda hadda kadib ku salaynayso mid maxali oo gudaha Soomaaliya keliya ah halkii awal qorshaheedu ahaa kan caalamiga ah ee Al-qaacida. Arrintan ayaa laga yaabaa in dad badan oo ka niyad jabay khilaafyada, maamul xumada, musuqmaasuqa iyo cadaalad darada dabo-dheeraaday ee dalka ka jira in ay siiso fursad ay Al-Shabaab uga faa’idaysan karaan oo ay dad badan uga dhaadhicin karaan afkaartooda kuwaasoo u arki kara xalka keliya ee Soomaaliya in ay Al-Shabaab yihiin.

Sidoo kale, iska hor imaaadyada qabaa’ilka ee soo noqnoqda oo maamuulada kala duwan ee dalka ka jira ay ku fashilmeen in xal waara laga gaaro ayaa fursad u abuuri kara Al-Shabaab, iyagoo lagu soo dhaweyn karo deegaano cusub oo ay si buuxda u la wareegi karaan.

Soomaaliya kama jirto dowlad leh awood ciidan oo isku filan, waxaana weli laga maarmaan ah taageerada caalamiga ah, iyadoo ay jirto niyad-jab dalalka taageerada siiya Soomaaliya. Ciidamada ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) oo horey loo oran jiray AMISOM, ayaa qorsheynaya in ay dalka ka baxaan 2024/2025, taasoo sii xoojinaysa walaaca ah in marka ciidamada shisheeye baxaan, Al-Shabaab ay dib u hanan karto dhul badan.

Maxaa la gudboon Dowladda?

Si looga hortago in Soomaaliya ay si buuxda u gasho gacanta Al-Shabaab, dowladda waa in ay qaadaa tallaabooyin dhowr ah:

  1. Dib u eegista istiraatiijiyadda dagaalka: Waa in dowladdu ay dejisaa qorshe dagaal oo mideysan, lana xoojiyo iskaashiga ay la leedahay maamul goboleedyada, si loo xaqiijiyo in dagaalku uusan noqon mid ku kooban hal gobol oo keliya.
  2. Xoojinta ciidanka xoogga dalka: Dowladda waa inay si deg deg ah u dhistaa una abaabushaa ciidan qaran oo leh qalab casri ah, si ay ula wareegaan doorka ATMIS iyo ciidamada shisheeye.
  3. La dagaallanka fikirka xagjirka ah: Kaliya in lagu ekeeyo dagaalka militari kuma filna. Waa in dowladda ay si xeel dheer u la dagaallanto afkaarta xagjirka ah ee ay Al-Shabaab faafinayaan, lana sameeyo barnaamijyo waxbarasho oo ka hortagaya marin-habaabinta dhallinyarada.
  4. Heshiis siyaasadeed oo lagu mideynayo dalka: Maadaama khilaafka siyaasadeed uu caqabad weyn ku yahay dagaalka Al-Shabaab, waa in la helaa heshiis siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Qoraaga: Mustafe Cismaan Faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *