Halgankii Shiikh Xassan Barsane Nur
Shiikh Xassan Barsane wuxuu ku dhashay gobolka Shabeellada Dhexe dhammaadkii 1953-dii wuxuu ku barbaaray isla deegaankaas, shiikhu wuxuu bartay diinta iyadoo aabihii uu ahaa caalim (Shiikh Nuur) oo laga yaqaan deegaankaas, waxaana lagu daray xer halkaas diinta lagu bari jiray, halkaas oo markii dambe uu ku biiray xarun kale oo ku taallay dagmada Afgooye iyo sidookale magaalada Makkah halkaas oo ku kororsaday Cilmiga diinta kutub fara badanna ku akhristay.
Bilowgii qarnigii 20-aad Shiikh Xassan Barsane waxaa ku dhashay dareen uu ka qaaday gumaystihii Talyaaniga iyo Itoobiya oo ku dhawayd dhanka gobolka Hiiraan, waxaana uu go’aansaday inuu la dagaallamo asagoo ka abaabulay ciidamo dhulka shabeellooyinka, halkaas oo ciidan badan ku diyaarsaday, waxaana uu dagaalkii ugu horreeyay ee Gumar-sheel la galay sanadkii 1905-tii, waxaana xigay dagaallo kale oo badan oo uu la galay Itoobiya iyo Talyaaniga sida dagaalkii Buulburde, dagaalkii Hiilweyne iyo dagaalkii Jilayaale oo dhacay 1924-kii. Halgankii hubaysnaa ee Shiikh Xassan Barsane wuxuu gilgilay gumaystihii Talyaaniga ilaa markii dambe ay dhabar jabin ku sameeyeen oo ay qabteen Shiikh Barsane, halkaas oo aakhirkii ay xabsiga ku dileen 1927-dii.
Halgankii Shiikh Bashiir Shiikh Yuusuf
Shiikh Bashiir Shiikh Yuusuf Shiikh Xasan wuxuu ahaa halgamaa Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadkii ka dhiidhiyay gumaystihii dalka qabsaday gaar ahaan Ingiriiska, Shiikhu wuxuu ku dhashay dagmada Taleex sanadkii 1905-tii wuxuuna ku barbaaray dagmada Burco ee gobolka Togdheer, Shiikh Bashiir wuxuu ka mid noqday culumada diinta dadka bari jirtay, asagoo xer kulahaa deegaanka Beer oo hoostaga Burco.
Shiikhu wuxuu ahaa dadkii taageeray halgankii Daraawiishta, wuxuuna si wayn uga soo horjeeday gumaystihii Ingiriiska, Shiikh Bashiir wuxuu abaabulay kacdoon looga soo horjeedo siyaasaddii Ingiriiska ee dhabka waxbarashada oo uuu u arkayay in dadka la barayo wax ka fogaynaya diintooda, sidookale Shiikhu wuxuu dhistay ciidan u badan xertiisii diinta kuwaas oo meelo badan ku kacay dawladdii Ingiriiska ee dhulka haysatay sida Burco, Wadamago iyo Ceerigaabo.
Ugu dambaytii, Ingiriiska wuxuu ku talagalay inuu soo afjaro Shiikha iyo xertiisa taas oo dagaal adag la galay, wuxuuna ciidamo ka keensaday Koonfur Afrika halkaas oo ugu dambaytii 1945-tii lagu dilay Shiikh Bashiir Shiikh Yuusuf.