Sheeko Qaran (Qaybta 2-aad)

Halgankii Daraawiishta

Qaybsigii dhulka Soomaalida ka dib, waxaa markale bilowday halgankii gobannimo doonka Soomaaliyeed ee Halgankii Daraawiishta oo markaas hogaanka uu u ahaa Darwiishkii hubaysnaa ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, kaasoo muddo dhawr iyo labaatan sannadood ah la dagaalamayay gumaystihii dalka qabsaday gaar ahaan Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashida oo dagaallo kharaar dhexmareen dhamaantood.

Halgamaa Sayid Maxamed Cabdulle Xassan wuxuu ku dhashay nawaaxiga dagmada Buuhoodle, halkaas oo uu ku barbaaray kuna bartay waxbarashada Quraanka iyo kutubta diinta sida uu ku xusay Aw-jaamac Cumar Ciise buugiisa “Diiwaanka Gabayda Sayidka”, wuxuuna sheegay in Sayidku 1892-dii aaday dhulka barakaysan ee Makka iyo Madiina halkaas oo uu ku maqnaa muddo saddex sanno ah oo uu diin barasho u joogay.

Sayidkii iyo Darwiishtiisiiba waxay bilaabeen abaabul ay ka hortagayaan gumaystaha dalka ku habsaday, sanadkii 1900-kii Ingiriisku wuxuu weerar lixaad leh ku qaaday ciidanka Daraawiishta, waxaana dagaalka halkaas ka qarxay socday muddo ku dhaw 20 sano oo ay halgamayaashii Daraawiish kaga soo horjeedeen gumaystihii reer Yurub iyo Xabashida (Itoobiya), mudaddaas halgankaas socday waxaa dhacay dagaallo waa weyn oo lagu qaaday Ingiriiska Waxaana kamid ahaa Afbakayle, Beerdhiga, Jidbaale, Fardhidin, Daratoole iyo Ruuga.

Sanadkii 1919-kii dawladdii Ingiriisku waxay sideed dayuuradood ku weerarreen qalcadihii iyo talisyadii Daraawiishta ee Jiidali, Baran iyo Taleex, waxayna ahaayeen meelihii ugu horreeyay Afrika ee lagu weeraray diyaarado, taas keentay in Daraawiish ay dib ugu soo gurteen dhanka gobollada koonfureed.

Halgankii Daraawiish wuxuu ahaa kacdoon socday labaatan sanno oo gumaysi la dirir ah, doonayayna gobanimo Soomaaliyeed iyo in uu ka sifeeyo dhulka Soomaalidu shisheeyaha doolka ah, inkastoo khilaafaad gudaha dadka Soomaalida ka dhex jiray, haddana halgankaas wuxuu door muuqda ka qaatay kicinta wacyiga iyo damiirka dadka Soomaaliyeed, waxaana qayb ka noqday halgankaas abwaanno, caaqillo iyo dhamaan qaybaha Bulshada. Dadkaas waxaa kamid ahaa Xaaji Cali Faahiye Geedi,  oo ahaa nin reer Qandala ah kana soo jeedo reer maalqabeen ah oo taageersan halganka Daraawiishta hubna ugu keenay Sayidka xaruntiisii Eyl, kadib markuu ku laabtay dagmadii Qandala wuxuu arkay daartii aabihiis oo la suray calankii gumaystihii Talyaaniga kaas oo heshiis la galay Boqor Cismaan iyo boqortooyadiisii, kadib Xaaji Cali wuxuu soo dajiyay calankii Talyaaniga halkaas oo uu ku gubay, waxayna ku tusaysaa dareenka ay dadku ka qabeen gumaystaha iyadoo hogaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xassan uu dadka ku guubaabinayay tix iyo tiraaba, ugu dambayna uu ku geeryooday Iimay sanadkii 1921-dii.

Qoraaga: Cabdirashiid Maxamed Cabdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *