Shahaado Mise Xirfad? Xaqiiqada Suuqa Shaqada ee Ardayda Soomaaliyeed

Hordhac

        Waxbarashadu waa aasaaska ugu muhiimsan ee horumarka bulshada iyo kobaca dhaqaalaha. Dal kasta oo doonaya horumar waara wuxuu si weyn u horumariyaa nidaamka waxbarashada si uu u soo saaro jiil leh aqoon, xirfad iyo karti ay ku wajahaan caqabadaha casriga ah. Soomaaliya, gaar ahaan dhalinyarada ardayda ah dhexdooda, waxaa isa soo taraysa dood muhiim ah oo ku saabsan su’aasha ah in guusha mustaqbalka ay ku xirantahay shahaado jaamacadeed ama xirfad qofku kasbado.

        Sanadihii u dambeeyay tirada jaamacadaha iyo ardayda ka qalin jabisa jaamacadaha Soomaaliya si weyn ayay u kordheen. Si kastaba ha ahaatee, kororka tirada qalinjabiyayaasha ma lahan had iyo jeer xiriir toos ah suuqa shaqada. Arday badan oo shahaado haysta ayaa weli la kulma caqabado ku saabsan shaqo la’aan ama shaqo aan la jaan qaadi karin aqoontooda. Arrintani waxay dhalisay su’aalo ku saabsan in nidaamka waxbarashada jaamacadeed uu si dhab ah u diyaarinayo ardayda si ay ugu shaqeeyaan suuqa shaqada.

        Soo bandhigidda falanqaynta xog aruurin aan sameeyay

        Sahan aan sameeyay oo diiradda saaraysa aragtida ardayda Soomaaliyeed ee ku saabsan muhiimada shahaadada jaamacadeed iyo xirfadah, sidoo kalena baaraysa inay jaamacaduhu bixiyaan xirfadaha ay ardaydu u baahanyihiin, iyo sidoo kale noocyada xirfadaha ay ardaydu u arkaan inay ka maqanyihiin nidaamka waxbarashada ayaan kusoo bandhigayaa qormadan. Ujeeddada maqaalku waa in la falanqeeyo jawaabaha la bixiyay si loo fahmo baahida dhabta ah ee ardayda, isla markaana loo soo jeediyo jaamacadaha talooyin wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara horumarinta waxbarashada iyo diyaarinta ardayda mustaqbalka shaqo.

        Sahanka waxaa lagu sameeyay sahamin ay ka qayb galeen arday hadda jaamacadaa dhigta iyo kuwo qalinjebiyay, waxaana la weydiiyay saddex su’aalood oo la xiriira waxbarashada jaamacadeed iyo xirfadaha shaqo. Jawaabaha ay bixiyeen waxaa lagu soo bandhigay qaab jaantus ah si loo fududeeyo fahamka natiijooyinka.

        Su’aasha koowaad ee daraasadda waxay ahayd: “Shahaado jaamacadeed mise xirfad: maxay ardayda Soomaaliyeed u baahanyihiin?” Jawaabaha la bixiyay waxay muujinayaan saddex aragti oo kala duwan, kuwaas oo kala ah shahaado jaamacadeed, xirfad shaqo, iyo isku darka labadaba.

        Figure 1:jaantus-kaan waa pie chart muujinaya doorashada ka qaybgalayaasha.

        Falanqaynta jaantusku wuxuu muujinayaa in 56.3% ka mid ah ka qaybgalayaasha ay aaminsanyihiin in labadaba shahaado iyo xirfad ay muhiim yihiin, 31.3% waxay qabaan in xirfadda shaqo ay tahay tan ugu muhiimsan, halka 12.5% oo keliya ay u arkaan in shahaado jaamacadeed ay tahay tan ugu muhiimsan.

        Natiijadani waxay muujinaysaa isbeddel ku yimid fikirka ardayda, maadaama inta badan ay hadda fahamsanyihiin in aqoonta aragtiyeed ee jaamacadda iyo xirfadaha la taaban karo ay si wadajir ah u dhammaystiraan midba midka kale. Ardaydu waxay u arkaan shahaadada inay bixiso aqoon guud iyo faham cilmiyeed, halka xirfaddu ay bixiso awoodda lagu dabaqi karo aqoontaasi xaaladaha shaqo ee dhabta ah.

        Su’aasha labaad ee daraasadda waxay ahayd: “Xirfadda ardaygu u baahan yahay ma ka heli karaa jaamacadda?” Su’aashan waxay muhiim u tahay fahamka sida ardaydu u qiimeeyaan nidaamka waxbarashada jaamacadeed.

        Figure 2:Jaantuskan waa pie chart muujinaya jawaabaha haa iyo maya

        Natiijooyinka jaantuska waxay muujinayaan in 62.5% ka mid ah ka qaybgalayaasha ay aaminsanyihiin in jaamacadaha aysan si buuxda u bixin xirfadaha ay ardaydu u baahanyihiin, halka 37.5% ay qabaan in jaamacaduhu bixiyaan xirfado muhiim ah.

        Tani waxay muujinaysaa caqabad ka jirta nidaamka waxbarashada, taas oo ah farqiga u dhexeeya aqoonta aragtiyeed iyo xirfadaha shaqo. Jaamacado badan ayaa weli xoogga saaraya casharro iyo imtixaano, halka ay yaraato fursadaha tababarka gacanta laga qabto, shaqo-barashada, ama khibradda shaqo ee dhabta ah. Sidaas darteed arday badan ayaa qalin jabiya iyagoo aan si buuxda ugu diyaar garoobin suuqa shaqada.

        Su’aasha saddexaad ee xog aruurinta waxay ahayd: “Maxay yihiin xirfadaha ka maqan oo ay u baahanyihiin ardayda Soomaaliyeed?”

        Figure 3: Jaantuskaan waa pie chart muujinaya noocyada xirfadaha

        Falanqaynta jaantuska waxay muujinaysaa in 56.3% ka mid ah ka qaybgalayaasha ay tilmaameen in ardaydu u baahanyihiin xirfado shaqo oo la taaban karo iyo xirfadaha tiknooloojiyadda. Inta kale waxay tilmaameen “soft skills” sida wada xiriirka wax ku oolkaa “effective communication skills” iyo hoggaaminta, halka qayb kale ay xuseen xirfado kale oo kala duwan.

        Natiijadani waxay muujinaysaa in ardaydu u arkaan xirfadaha tiknooloojiyadda iyo kuwa shaqada la xiriira inay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee ka maqan nidaamka waxbarashada. Dunida maanta oo si weyn ugu tiirsan tiknooloojiyadda, xirfadaha sida isticmaalka kombiyuutarka, falanqaynta xogta, iyo adeegsiga qalabka digital-ka ayaa noqday kuwo lama huraan ah.

        Talo Soo Jeedin

        Iyadoo lagu saleynayo natiijooyinka falanqaynta xogtii la qaaday, waxaa muuqata in nidaamka waxbarashada uu u baahanyahay horumar lagu xoojinayo xirfadaha ardayda. Jaamacadaha waa inay isku daraan aqoonta aragtiyeed iyo tababarka shaqo si ardaydu u helaan khibrad dhab ah inta ay waxbarashada ku jiraan. Tani waxay ka caawin kartaa ardayda inay si fudud ugu gudbaan nolosha shaqo marka ay qalinjabiyaan.

        Sidoo kale waxaa muhiim ah in jaamacaduhu ay xoogga saaraan horumarinta xirfadaha shakhsiyeed sida hoggaaminta, iyo shaqa kooxeed. Xirfadahani waxay muhiim u yihiin shaqo kasta, maadaama shaqooyinka casriga ah badankood ay ku saleysanyihiin wada shaqeyn iyo xiriir bulsho.

        Intaa waxaa dheer, jaamacadaha waa inay kordhiyaan barashada tiknooloojiyadda iyo xirfadaha digital-ka si ardaydu ula jaan qaadaan isbeddelka dunida. Iskaashi dhow oo u dhexeeya jaamacadaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa sidoo kale muhiim u ah abuurista fursado shaqo-barasho iyo tababar.

        Ugu danbayn xogtaan kooban oo la aruuriyay waxay muujisay in ardayda Soomaaliyeed ay si cad u fahmeen muhiimada ay leedahay isku darka shahaado jaamacadeed iyo xirfado shaqo. Inkasta oo shahaadadu ay muhiim u tahay aqoonta iyo horumarka shaqsiga, haddana xirfadaha la taaban karo ayaa door weyn ka ciyaara helitaanka shaqo iyo guusha mustaqbalka.

        Natiijooyinka sahanka ayaa sidoo kale muujiyay in arday badan ay aaminsanyihiin in jaamacadaha aysan weli si buuxda u bixin xirfadaha ay u baahanyihiin. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in nidaamka waxbarashada lagu daro barnaamijyo tababar, shaqo-barasho, iyo horumarinta xirfadaha tiknooloojiyadda.

        Gabagabadii, horumarinta waxbarashada iyo xirfadaha ardayda Soomaaliyeed waa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisi karo mustaqbal leh aqoon, hal-abuur iyo shaqo abuur.

        Qoraaga
        Cabdiraxmaan Maxamuud Saciid
        Cabdiraxmaan Maxamuud Saciidwaa Madaxa Waaxda Cilmi-baarista ee Jaamacadda Boosaaso. Sidoo kalena ah bare sare oo leh khibrad ballaaran oo macallinimo. Cabdiraxmaan wuxuu daabacay maqaallo cilmiyeedyo caalami ah, isagoo diiradda saaraya xanuunka (cancer) ka, wacyigelinta talaalka carruurta, iyo iscaabinta bakteeiya samayso oo Soomaaliya ku soo badanaya.

        Leave a Reply

        Your email address will not be published. Required fields are marked *

        Share via
        Copy link