Deganaasho la’aanta siyaasadda Soomaaliya waa arrin muddo dheer soo jirtay, haddana salaqlaynta iyo cakirnaanta siyaasaddu waxa ay cirka isku shareertaa marka uu soo dhowaado kalka doorashadu. Hindisaha madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee hanaanka doorashada sannadka 2026-da oo ah in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, ayaa mucaaradku u arkay in ay tahay dib u doorashada Xasan Shiikh ee mar kale. Tani waxa ay u muuqataa eray Museveni uu ku galay olohiisii doorashada ee sannadkii 2010-kii, kaas oo ahaa, “You need another rap” – Mar kale may rabtaan- oo dadkii isku soo baxay ay ku warceliyeen:” Yes Sevo”. “Haa Mudde”, taas oo markii dambe noqotay heesta ololaha doorashada ee Musavini oo ka dhigan” Birmade Xasan Shiikh”. Hindisaha doorashadu waxa uu abuuray jawi cakiran oo ka jira guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Wadahadalo dhowr jeer dhexmaray mucaaradka iyo madaxweynaha ayaan miro-dhal yeelan, marka laga reebo in ay qaar mucaadka ka mid ah ay isku soo dhowaadeen madaxweynaha. Dhinaca kale, heshiiskii dhowaan ay wada saxiideen Somaliland iyo Puntland, ayaa dhaliyey hadalheyn siyaasadeed, oo siyaabo kala duwan looga falceliyey. Khilaafka Jubaland iyo Dowladda Federaalka ayaa yeeshay weji cusub oo sii cakiraysa is-fahanka Dowladda Federaalka ah iyo maamulka Jubaland. Salaqlaynta siyaasadda Soomaaliya ee ku astaysan saldhigasho la’aanta iyo samata-bixin la’aanta, ayuu qoraalku si kooban u qaadaadhigayaa.
Deganaansho La’aanta Siyaasadda
Deganaansho la’aanta siyaasadda Soomaaliya waa mid la saanqaaday curashadii dowlad-dhiska Soomaaliya. Ururkii SYL ee taariikhda Soomaalida kaga qoran baal dahab, inta uusan hanan xoriyada, waxaa soo kala dhexgalay tafaraaruq uu sabab u ahaa xasaasiyada qabyaalada iyo hardanka awoodda. Sida uu qoray Trunji(Somalia: The Untold History), golihii SYC, waxaa ku gacan sayray qaar ka mid ahaa horseedkii golaha. 1959-kii, waxaa dhismay Xisbigii Soomaali Wayn (Great Somali league) oo ka jabay xisbigii SYL. Mustafa Fayruus (Cilmi-baaris ku saabsanayd, Eegmada Ceebaha Bidhaanta Siyaasadeed ee Soomaaliya ee 1960-1969), waxa uu tilmaamay in siyaasadda qabiilaysan ee ka dhexjirtay xisbiyada gudahooda iyo xildhibaano danaystayaal ah, ay ka mid ahaayeen waxyaabiihii ragaadiyey waxtarnimada xisbiyadii siyaasadda ee xilligaas jiray. Sidoo kale, 1961, waxaa Soomaaliya ka dhacay inqilaab guuldaraystay oo ay sameeyeen dad ka soo jeeday waqooyiga Soomaaliya oo tabasho siyaasadeed ka qabay saami-qaybsiga sayaasadda Soomaaliya. Dowladii Kacaanka ayaa 5-tii sanno ee ugu horaysay la kulantay deganaan siyaasadeed iyo jihayn bulsho. Dillkii culumada ee Janaayo (January) 1975, ayaa noqonaya qalalaasihii ugu horeeyey ee si weyn ula kulanto dowladu. Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee sannadkii 1977-dii iyo inqilaabka dhicisoobay ee Abriil (April) 1978-dii, ayaa sababay inay abuuranto jabhadii (SSF/SSDF) ugu horeysay oo hubaysan oo mucaarad ah oo dagaal kala hortimaada dowlada. Sidoo kale, waxaa dhashay jabhado kale oo hubaysan oo dagaal kharaar la galay dowladii Soomaaliya, ilaa ay dowladii ka dhacday Janaayo (January) 1991.
Xilligii ay burburtay dowaldii dhexe ee Soomaaliya, ayey gun iyo caar la baxday deganaansho la’aanta siyaasadda Soomaaliya. Markii hore, waxa dalka ka hanaqaaday jabhado beeleedyo hubaysan oo dagaalo ba’an dalka ka riday sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Beled-Xaawo iyo Gaalkacyo. Shirkii Jabuuti ee 1991-dii oo ahaa isku-daygii ugu horeeyey ee dib-u-dhiska Soomaaliya, ayaa sababay, in ay kala qayb-samaan jabhadihii dalka ka jiray oo ay u kala jabaan labo garab. Ururka USC ayaa u kala jabay labo garab (Garabka Caydiid iyo Grabka Cali Mahdi). Arrintaasi waxa ay abuurtay laba is-bahaysi oo ku hardama talada dalka oo kala ahaa:(i) SNA (Somali National Alliance) oo uu guddoomiye ka ahaa Caydiid iyo SSA (Somali Salvation Alliance) oo hogaaminayey Cali Mahdi. Ururkii SSDF, ayaa sannadkii 1994-tii u kala qaybsamay labo garab (Garabka Yuusuf iyo garabka Maxamed Abshir), kuwaas oo ku kala biiray labada isbahaysi. Sidoo kale hogaamiyeyaashii kooxaha kale ayaa, iyana la kala saftay labada dhinac. Bilowgii shirkii Carta, waxaa soo baxay is-bahaysi ka soo horjeeda shirka Carta iyo dowladii lagu soo dhisay. Is-bahaysigaas waxaa hogaaminayey Cabdulaahi Yusuf, waxaana ka mid ahaa Janaraal Gebiyow, Maxamed Dheere, Buraale, Shaati Gaduud, Adan Madoobe iyo kuwo kale. Hogaamiyeyaasha hubaynaa ee ka jiray Muqdisho ayaa ka hor yimi dowladii lagu soo dhisay, dalka Kenya sannadkii 2004-ta. Hase yeeshee, dagaalkii maxaakiimta iyo hogaamiyo kooxeedyadii hubaysnaa ayaa furay waji cusub, kaas oo meesha ka saaray awooddii hogaamiye kooxeedyada, waxaana abuurmay awood mideysan ee maxkamdaha, taas oo ay ka soo hoos baxday kooxda Al-Shabaab oo ilaa iyo maanta dagaal hubeysan kala soo horjeeda dowalada Soomaaliya.
In kasta oo ay jiraan qodobo badan oo ay ka qayb qaatay deganaansho la’aanta siyaasadda Soomaaliya, sida burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya iyo dagaaladii sokeeye, kala qoqobka laga dhaxlay gumaysiga, maamul xumo iyo kuwo kale, haddana, waxaa jira dhowr arrimood oo horseed u ah salaqlaynta siyaasadda Soomaaliya, sida hardanka awoodda, salaafta siyaasiga, danaha shisheeye oo is diidan, musuqa, siyaasadda qabyaaladaysan, iyo weerarada argagixisada oo iyagu soo kordhay 20-kii sanno ee ugu dambaysay. Dhowaan qoraal ay soo saartay hay’adda ICG (24/09/2025), waxa ay cinwaan uga dhigtay:” Bandhiga Doorashada: Ka Hortaga Wareeg Kale oo Siyaasadeed oo Cakiran”. Qoraalka ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u socoto jaahwareer siyaasadeed oo hor leh, kaas oo ka dhashay mucaaradka oo ka soo horjeestay hindisaha doorashada ee Madaxweyne Xasan ee sannadka 2026-da, iyagoo ku tilmaamay in hindisahaasi uu yahay” Mar kale dooro Xasan Shiikh”. Warbixintu waxa ay tilmaantay in ay siyaasadda cakiran ay horseedi karto rabshado, haddii aan xal laga gaarin hanaanka doorashada, iyo arrimaha dastuurka. Maalinta ay warbixintanu soo baxday, waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho, rabshado uu ku naf waayey mid ka mid ahaa ilaalada mucaarada. Ilaa iyo hadda waxaa tagaaan goodiga iyo hanjabaadaha ka dhashay mudaharaadka uu mucaaradku qorshaynayo. Qaar ka mid ahaa golihii mucaaradka iyo Xasan oo heshiiyey. Dhinaca kale, waxa golaha ku soo biiray madaxdaxda jubaland iyo Puntland. Qoraal ay soo saartay wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta (2022) ee Jarmalka, waxaa lagu sheegay in dadaalka dowlad-dhiska Soomaaliya uu ragaadiyey hardanka awoodda, musuqa iyo weerararada argagixisada. Doorashadii kal hore, waxa jirtay is-maandhaaf la mid ah kan hadda taagan, kaasoo keenay in ay doorashada dib u dhac ku yihimaado (15 bilood) iyo iska-horimaadyo hubaysan oo Muqdisho ka dhacay. Waxaase, nasiib daro ah in aan wax laga baran.
Salaafta (fudeydka) siyaasiga waxa muujinaya go’aamadii uu madaxweyn Xasan ka qaatay khilaafka Jubaland, kadib markii uu ka baxay madasha wadatashiga. Ugu horeyntii maxkamada gobolka Banaadir (25/09/2024) ayaa bixisay amar lagu soo qabanayo Axmed Madoobe. Arrintaas waxaa xigtay in ciidamo laga dejiyo Raas-Kaanbooni (12/12/2024), taas oo keentay dagaal magac xumo u soo jiiday dowlada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan ayaa 5 Oktoobar 2025, ka degay magaalada Kismaayo, hase yeeshee boqashadaasi waxa ay ahayd mid lagu guul daraystay. Dad badan oo ka faallooda siyaasadda Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay safarka madaxweynuhu in uu ahaa mid aan horey loogu gogol xaarin. Maanta Dowlada Federaalka, waxa ay wadaa talaabo kale oo qar-iska-xoornimo ah, taas oo ah in maamul kale oo Jubaland laga dhiso Gabahaaray. ”Taladii ba’dow sow tallo kuuma dhalato”. Guul-daradii shirkii Kismaayo, Xasan Shiikh waxa uu safar ku tegay magaalada Adis-Ababa (15/10/2025), taas oo uga gol-lahaa in uu ka faa’iideysto awoodda ay Itoobiya ku leedahay Jubaland, sida uu Axmed Jibriil (Falanqeeye Siyaasada Geeska Afrika) u sheegay Al-Cayn Al-Ikhbaariyah (https://al-ain.com/article/somalia-ethiopia-visit.). Waxa uu intaas ku daray in Adis-Ababa ay mar kasta raad ku yeelan karto rogrogista wada-hadallada Dowladda Feraderaalka iyo maamulka Jubaland, taasoo muhiim u ah marxalada ay hadda Soomaaliya marayso, marka la eego xiriirka ay Itoobiya la leedahay waayeelka siyaasadda, iyo kooxaha amniga. Sidoo kale, Al-Cayn waxa ay sheegtay, in sirdoonka Itoobiya iyo Kenya ay garwadeen ka ahaayeen in la furo wada-hadalada Dowlada Federaalka iyo maamulka Jubaland. Itoobiya iyo Kenya, waxa ay labaduba Jubaland ka leeyihiin arrimo ay ugu horeyso in ay nabadgalyadooda ka ilaashadaan gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale, waxaa jira warar sheega in dowlada Imaaraadku ay Axmed Madoobe ku cadaadisay in uusan keligiis la heshiin Dowlada Federaalka ah. Arrintaas, waxaa xoojinaya qoraal sheegaya in ay dowlada Imaaradku doonaysay in ay u kala dabqaado Dowlada Federalka iyo Jubaland iyo Puntland. Waxa jiray qorshe ah in madaxweyne Xasan Shiikh uu tago dalka Imaaraadka, ka dib shirkii dalalka Carabta iyo dunida Muslimka (heartofafrica.info), taas oo aan dhicin. Arrimahaasi waxa ay muujinayaan sida ay salaqlaynta siyaasada uga qayb-qaateen danaha is diidan ee dalalka shisheeye iyo salaafta siyaasiga. Dhinaca kale hardenka iyo marooqsiga awooddaha dowlada ayaa ka mid ah waxyaabaha sababay cakiranaanta siyaasadda Soomaaliya. Prof. Kaynaan, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu marooqsaday awooddii dastuurka iyo hay’adihii dowladda oo isku milmay (PDRC Talk, Feb. 2025). Waxa uu intaas ku daray in haddii qofka xukunka haya uu sharciga gacanta ugu jiro, ay arrintaasi horseedayso burbur iyo dhaqangalka sharciga keynta (The law of jungle). Arrintaasi waa tan maanta ka jirta dalka Soomaaliya ee keentay saldhigasho la’aanta siyaasadda Soomaaliya.
Waxaa horraantii bishaan (5/10/2025) magaalada Nayroobi is-afagrad ku dhexmaray Somaliland iyo Puntland, kaas oo nuxurkiisu ku saabsanaa iskaashiga amniga, ganacsiga, nabadayenta Ceerigaabo iyo dhaleecaynta siyaasadaynta maamulka hawada ee Soomaaliya.Waxa ay ahayd markii ugu horeysa ee uu dhacay kulan ay wada yeesheen Somaliland iyo Puntland oo si muuqata is-af-garad garay. Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo xisbiyada mucaaradka ee Puntland ayaa ka hor yimi heshiiska, iyagoo ku tilmaamay mid wax u dhimaya midnimada Soomaaliya. Arrinaas waxa xoojinaya Guddoomiye-ku-xigeenka baarlamaanka Puntland oo sheegay in ay Somaliland tahay dowlad baasaboor iyo calan leh. Weraysi uu BBC-da siiyey wasiirka arimaha gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Juxa oo ku saabsanaa heshiiskii Somaliland iyo Puntland, ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal saddex jeer lagu soo celiyey oo ku saabsanayd, maamulka Waqooyi-Bari, halka wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland uu ku dhiiraday in xuduudaha Somaliland ay yihiin xuduudihii gumaysigu asteeyay, iyo in aysan Puntland iyo Somaliland ogolayn maamulka artifishalka ee Dowlada Federalku samaysay (sida uu hadalka u yiri). Bareerka Somaliland ee sheegashada xuduudihii gumaysiga iyo sacabtunka Puntland ee ah inay Somaliland ay tahay dowlad calan leh ayaa keentay su’aalaha uga badan ee ka dhashay is-afgradka dhexmaray Somaliland iyo Puntland. Dooda ku saabsan xaduudaha Somaliland, ma tahay mid ay Puntland aqbali karto, xaggee yihiin xuduudaha ay Somaliland ku doodayso? Hadal hayn horey u jirtay oo ku saabsanyd in Somaliland iyo Puntland uu ka dhexeeyo is-fahan ayaa iyana noqotay mid doboolka laga rogay. Arrinta aadka loo hadal hayo, waa fulinta is-afgradka, gaar-ahaan ganacsiga iyo isku-socodka, iyada oo uu maamulka Waqooyi Bari maamulo wadada halbowlaha u ah isku socodka Somaliland iyo Puntland, oo aan siyaasad ahaan ogolayn isku-furanka ganacsiga iyo isku socodka. Dhinaca kale, in badan ayey Puntland ku eedaysay Somaliland in ay la shaqayso argagixisada. Haddaba su’aasha imanaysa ayaa ah, ma eedeynta Puntland baan jirin, mise Somaliland baa ka baxday la shaqayntii argagixisada. Qoraal ay qortay Emirates Policy Center 02/09/2025, oo cinwaan looga dhigay: Waqooyi Bari: Ma Albaabkii Hannaanka Federaalkaa, Mise waa Talaabo uga Daraysa Cakirnaanta jirta. Gunaanudkii qoraalka waxa lagu sheegay in dhismaha Waqooyi Bari, ay ka dhalatay isku soo dhowaansho u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, kaas oo calaamadihiisu muuqdeen dhowrkii bilood ee u dambeyey, kaas oo sabab u noqon kara xalinta khilaafaadka ka dhexeeya iyo isku furfurnaanta labada dhinac, iyo weliba is-fahanka aragtida mustaqbalka. Marka la tixraaco qoraalkan, ma la oran karaa, is-afgradka Somaliland iyo Puntland waxa uu ahaa mid horey looga soo shaqeeyey oo ay gacan kale ku jirto.
Dad badan oo arrintan ka hadlay, ayaa walaac ka muujiyey in ay arrintaasi wax u dhimayso midnimada Soomaaliya, taas oo laga soo dheegtay qoraalka is-af-garada oo sheegay in ay Puntland soo dhoweysay xaqa ay Somaliland u leedahay aayo ka tashigeeda, arrintaas oo loo fahmay taageerida gooni isu- taaga Somaliland. Taas waxaa sii xoojinaya hadaladii ay sheegeen qaar ka mid ah mas’uuliinta Puntland, oo muujinayey taageero xoogan oo ku saabsan aragtida siyaasadeed ee Somaliland. Raadinta midimada Soomaaliya waa mid soo baxday markii geyiga Soomaaliya uu gumeysigu qaybsaday. Waxa la timlaamaa, in Sayid Maxamed uu ahaa horseedkii midnimada Soomaaliya. Dhalashadii ururkii SYL, ayey mar kale la curatay aragtida Soomaali weyn, iyadoo ururku uu xafiisyo ka furtay dhamman qaybihii gumaysigu u qaybiyey Soomaaliya. Labadii jamhuuriyadood ee ugu horeeyey ee Soomaaliya, waxaa saldhig u ahaa siyaasadda arrimaha dibada arrinta Soomaaliweyn. Qoraal uu qoray machadka ISS (28/07/2025) waxa cinwaan looga dhigay “Midnimo la’aanta Soomaaliya waa Hubka ugu Weyn ee Al-Shabaab”. Taas oo lagu faaleeyey in mar kasta oo uu khilaafka siyaasaddu kordho ay kor u kacayso awoodda Al-Shabaab. Sidoo kale, mucaaradka ayaa Dowlada Federaalka ku eedeeyey in aysan muhiimad siinayn difaaca dalka, ee ay dowladdu culayska saartay hindisaha doorashada. Taas waa ka marag-kacaya, wasiirka dicaafa Soomaaliya, oo u goodinaya dad mudaharaad abaabulaya.
GUNAANADKA
Waxa muuqata in ay Soomaaliya ka taagantahay xiisad siyaasadeed oo kacsan, taas oo ay sababta ugu weyn tahay is-mari-waaga ka taagan hanaanka doorayashada, dastuurka iyo is-fahan la’aanta u dhaxaysa Dowlada Federaalka ah iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada. Xalka inta badan lagu talinayo waa helitaanka hanaan doorasho oo laysla wada-ogol yahay, kana wanaagsan hanaankii hore. Arrinta maanta taagan, waa mid horey loo soo maray, hase yeesheen aan wax cashar ah laga baran. Shalay waxa ay ahayd “Shidanaaba Shidan”, maanta waa “Dareemaaba danqada”. Waxyaabaha ka qayb qaata deganaanta siyaasadda Soomaaliya, waxa ka mid ah is-bedelka hogaanka siyaasadda oo ku dhaca waqtigii loo asteeyay. Maanta waxa muuqata in madaxdii dowlad-goboleedyadu ay xireen albaabkii doorashada. Taas oo keenaysa cakirnaanta siyaasada Soomaaliya iyo qanaanta siyaasiyiinta ooman.
In kasta oo ay jiraan wax la qabtay, haddana weli shacabka Soomaaliyeed waxa uu u baahanyahay samatabixin. Siyaasiyiinta ku hardamaya hogaanka, si dhab ah uguma muuqdaan dhibaatada haysata shacabka. Maahmaah baa ahayd: “Labada dhuugga isku haysta, hooyadood waa gacantaas” Taas oo macne ahaan ah, labo qof oo dhar isku haysta, oo aysan hooyadood aysan dhar haysan. Taas waxa ka dhigan siyaasiyiinta xukunka isku haysta oo uu shacabkoodii dhibaato la ildaran yahay. Mise xaaladdu waxa ay maraysaa meeshii uu Qaasim ka yiri:
”Dembi Kuma Hadlaayee ma Arag Dowladaan Rabaye”
Hab-dhaqanka siyaasiga Soomaaliyeed, ee ah ”Iri oo hayga daba oran, arkay oo anaa iska leh” ayaa keenay in awooddu ay sharciga ka adkaato oo aragtida hogaamiya keliya lagu socdo. Xaaladu waxa ay noqotay in hogaamiyuhu qaado heestii :”Gorayada geel baa la moodaa”, oo ay siyaasiyiinta garbihiisa joogtana ugu daba jiibiyaan:” Waa runtaayoo waa la moodaa” ama sidii Museveni ”Yes Sevo”. Sheekooyinka Gambool, waa ka mid ah, in maalin uu Sayidku isgu yeeray Daraawiishtii, ka dibna uu ku yiri, geedkani (geed qoyan) sow ma qalalna? Dhammaan Daraawiishtii goobta joogtay waxa ay yiraahdeen: ” Sayidii geedku waa qalalanyahay”, marka laga reebo Gambool. Ka dibna Sayidka ayaa weydiiyey Gambool sababta uu u aamusay. Gambool waxa uu ku jawaabay:” Sayadii, haddii adiga lagaa cabsanayo, geedku wuu qalalanyahay, haddii Alle laga cabsanayana geedku wuu qoyanyahay”. Miyaan Gambool oo kala laga helayn mas’uuliyiinta Soomaaliya ee hogaankooda ku raaca wax kasa oo uu go’aamiyo hogaamiyuhu.
Qoraaga

Latest entries
FaalloOctober 29, 2025SALAQLAYNTA SIYAASADDA SOOMAALIYA: “ Saldhigasho La’aan iyo Samata-bixin La’aan”
FaalloSeptember 25, 2025CAQABADAHA KU GEDAAMAN WAXBARASHADA AASAASIGA AH EE PUNTLAND IYO SIYAAABAHA LOO XALIN KARO
FaalloAugust 16, 2025Waa Maxay Raadka uu Dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ku Yeelan Doono Bidhaanta Juquraafi-Siyaasaddeedka Soomaaliya?
FaalloJuly 19, 2025Kaalinta dhallinyaradda ee isbedelka iyo horumarka bulshada










